SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
Daabaco Boggan | Print


Guddiga Ansxinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Xubnaha Baarlamaanka DGPL ayaa soo dhajiyay Xubnahii Cusbaa 

Waxaa Saaka oo Jimce ah Tariikhduna ahayd 31-12-2004 lagu arkayey Darbiga weyn ee Hoolka Baarlamaanka ee DGPL Magacyada Xubnihii Baarlamaanka DGPL ee Sanadka 2005-2007 xubnahaa ayaa waxaa soo xulitaankooda ka jiray Khilaaf mudo intii lagu dhawaaqey in ay soo xushaan Beelaha ay matalayaan Xubnahaa Baarlamaanka DGPL.

Xubnahaa ayaa inta badan siyaasiyiinta ay Naawilayeen in ay noqdaan kuwo Cusub oo aysan soo noqon kuwii hore lakiin Arinta xulista Xubnahaa Baarlamaanka ayaa ahaa kuwo ay u madax banaanyihiin Beelaha ay matalayaan ee ku bahoobay Maamulka DGPL. 

Xubnaha Baarlamaanka ee Cusub ee 2005-2007 ayaa intooda Badan 80% ay yihiin Xubnihii Baarlamaanka Hore ee DGPL ee Mudadii 1998-2004, Xubnahaa ayaa Baarlamaanka ku jirey mudo 6 Lix Sanadood ah. 

Xulitaanka Barlamaanka Cusub ayaa ka soo yeerey Buuq aad u balaaran ayadoo ay jiraan Shaqsiyaad ay  soo saxiixeen hogaamiye dhaqameedyada asalka ah oo la diiday Saxiixooda shaqsiyaadkaa ayaa ku haysta Xubnaha hada lagu Magacaabay Baarlamaanka Cusub oo ay sheegeen in ay u soo saxiixen Hogaamiye dhaqameed aan sax ahayn oo lagu eryayo kan saxa ah Ayadoo uu gudigu sheegeen in la filayaa in ay maalinta bari ee sabtida ay kulankooda ugu horeeya yeeshaan Xildhibaanada Cusub. 

Dhanka Musharaxiinta oo aan waydiinay Eng Abshir Muuse ayaa ku tilmaamay in ay ayaga Qusaynin Xubnaha xildhibaanada oo ay Beeluhu xor u yihiin. 

Magacyada Xubnaha Xildhibanada DGPL ee Cusub
 Sanadka 2005-2007 

LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA BARI.

1. C/laahi Faarax Cali
2. C/laahi Waaberi Maxamed
3. C/laahi Siciid Caarshe
4. Cumar Ismaaciil Maxamud
5. Xassan Axmed Guuleed
6. Sheebee Sheekh Maxamud
7. Maxamed Cumar Maxamud
8. Seynab Ugaas Yaasiin
9. Jaamac Salaad Yuusuf
10. Enj: Salaad Xareed Cali
11. C/weli Sheekh Axmed
12. C/rashiid Xassan Fadhaye
13. Maxamed Maxamud Idiris
14. Cali Saxar Guuleed
15. Qaasim Yuusuf Ismaaciil
16. Maxamed Cismaan Xassan
17. Maxamed Faarax Dhancade
18. Cali Axmed Maxamed
19. Mahdi Maxamed Muuse
20. Siciid Cali Maxamed
21. Maxamed Yuusuf Axmed

LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA NUGAAL  

1. Muuse Xirsi Maxamud
2. Maxamud Cali Xassan
3. C/laahi Xaashi Warsame
4. Muuse Warsame Cumar
5. Axmed Siciid Muuse
6. Dr: Axmed Xirsi Carab
7. Bashiir C/casiis Cumar
8. C/qani Ismaaciil Aw Cismaan
9. Eng: Bashiir C/laahi Nuur

LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA MUDUG

1. Xirsi Cabdi Oog
2. Caasho Geelle
3. C/laahi Khaliif Xaashi
4. C/rashiid Max’ed Xirsi
5. Ibraahim Cilmi Gaab
6. C/laahi Xirsi Ilka-Yare
7. Gen: Maxamed Jibriil Muuse
8. Muqtaar Maxamed Xassan
9. Axmed Maxamed Ciid
10. Xuseen Maxamed Cigaal

LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA SANAAG.

1.Cismaan Dalmar Yuusuf
2.Maxamed Cali Guuleed
3.Axmed Cali Xaashi
4.Maxamed Cabdi Naaleeye
5.Axmed Jaamac Diiriye
6.C/laahi Xassan Cali yare
7. Bashiir Faarax Maxamud
8. Jookho Geelle
9. Yuusuf Bootaan
10.C/raxmaan Cali Bulshaale
11.Maxamed Cumar Xaash xaash

LIISKA XILDHIBAANADA GOBOLKA SOOL.

1. Xassan Daahir Afqurac
2. Saadiq Abshir Saalax
3. Cali Jaamac Faarax
4. Warsame Seeraar Xuseen
5. Maxamuud Xirsi Aadan
6. Aadan Xaaji Xuseen
7. Cali Axmed Cismaan
8. Jaamac Xassan Kaarshe
9. Cadi Jibriil Dhible
10. Saleebaan Yuusuf Dhigane
11. Xuseen Yaasiin X. Diiriye
12. Xariir Gaas Guutaale
13. Jawaahir Axmed Maxamud
14. Ibraahim Maxamed Guure

15.Shan Cisho ayaa lagu xalinayaa    Beesha Dhexdeeda

Waxaa beel ka mida Beelaha Sool ay Qabsadeen Shan Casho in la siiyo oo ay ku soo xaliyaan Xubnahooda. Beesha ayaa Codsaday in la siiyo shan maalmood ay ku soo xaliso laba xubnood oo ka dhiman.

c/fatax jaamac | Boosaaso, Soomaaliya
SomaliTalk.com | somalitalkpl@yahoo.com

xaafuunDhimashadii Badgariirka Soomaaliya oo Gaartey 200
Degmada Xaafuun waxaa burburay 95% guryihii, waxana badgariirka ku barakacay 50,000 oo Soomaali ah..
Eeg sawirada laga soo qaaday Xaafuun

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD