DIGNIIN:
BAAXADA KHASAARE EE DHULGARIIR BADEEDKA (TSUMANI) IYO SOOMAALIYA???
Waxaa sida aad la wada socotaan dhawaan ka
dhacay badweynta Hindiya dhulgariir gaystay khasaare ba誕n oo naf iyo maalba
leh, khasaarahaas haba u badnaado dhanka Qaarada Aasiya sida: Indooniisiya,
Malayshiya, Siirilaanka, Hindiya, Maldiif, iyo Taylaaan.
Hadaba waxaa caado noqotay hadii belo
dhacdo hadba meesha ay ugu waynahay ayaa hesha dareenka dadka iyo midka
saxaafadaba, sidaa awgeed waxaa iska caado ah in la ihmaaliyo ama la iska
indho tiro meelaha kale ee khasaarooyinku ka dhaceen maadaama belo ka wayn
ay ku habsatay meelo kale waa marka loo eego cadadka dadka ku geeriyooday
iyo khasaaraha burbur iyo baaba ee ay musiibadaani keentay弾.
Sidaa awgeed maadaama aanu Soomaali ahaan
ka midnahay dadka ay masiibadaani waxyeelaysay, maadaama aan saxaafadaha
aduunka ka hadlin waxyeelada uu dhulgariirkaan iyo fatahaada badeed u
gaystay xeebaha Soomaaliya gaar ahaana kuwa badweynta Hindiya, waxaa
qofkasta oo Soomaali ah ay saarantahay mas置uliyad ah in uu arintaan u
istaago, haday ahaan lahayd sheegisteeda, haday ahaan lahayd gacan ka
geesashadeeda, iyo ka hadalkeedaba.
Waxaa fatahaadaan badeed ku nafwaayay
Kaluumaysto aad u farabadan kuwaas oo ay musiibadaanu kula kulantay badwayn
iyagoo saaran doonyo aan lahayn awood ay isaga celinkaraan baaxada hirkaani
watay taas oo lagu qiyaasay inuu dherer ahaan ahaa 400 oo mitir, waxay
musiibadaani dhamaan baabi段say firinjeeradii (talaajadihii) kaluumaysadata
soomaaliyeed ay ku kaydsan jireen kaluunka iyo aargoosatada (frozen fish and
Lobster) waxay bada raacisay dhamaan laashashkii ama doonyihii kaluumaysi
(fishing boats), waxay burburisay dhamaan aqaladii magaalooyinka xeebaha
ah.
Khasaarahaani
wuxuu isugu jiraa mid naf iyo maalba, dhaawaca ay gaysatay musiibadaanina
way kala badsadeen magaalooyinka xeebaha ah ee dalka Soomaaliyeed. Dhaawada
ugu wayni wuxuu ku dhacay xeebaha u dhexeeya Raas Gardafuul ilaa Hobyo.
XAAFUUN
Waxaa dhamaan tirtirmay aqaladii ku oolaa
magaalada Raas-Xaafuun oo ahayd gacan (golf) dhexgala bada kaas oo markii
badu caaridana ay gawaaridu geli jirtay magaalada marka ay bada soo
buuxsantana ay magaaladu noqon jirtay jasiirad oo kale. (waa sida xeebtii
jaziira iyo qabriga Gendershee).
Magaaladaan oo ah magaalo qadiim ah,
magaalo ganacsiga kaluumaysiga caan ku ahayd kuna taala meel Istaraatiijik
ah marka loo eego marinka gacanka xaafuun iyo inta u dhaxaysa soqodara,
halkaas oo ah marinka ay maraan maraakiinba isaga gooshta Afrika, Aasiya iyo
Dunida inteeda kale.
Hadaba waxaa halkaasi ku guryo waayay dad
gaaraya ilaa 8000 oo qof waxaa ku nafwaayay dad ku dhow 100 qof dhaawada ka
badan, hantida dhaqaale iyo khasaaraha maal warkiisaba daa.
Waxaa kaloo waxyeelo aad u wayni gaareen
dhamaan magaalooyinka saaran xeebaha bada Hindiya sida Baargaal Hurdiyo,
Bandarbayla, Eyl, Garacad, Hobyo, Mareeg, Cadale, Xamar, Marka, Ceel Axmed,
iwm.. Dadka guud ahaan marka la isku daro Soomaaliya oo dank u nafwaayay
waxaa ilaa hada la xaqiijiyay 200 waxaa ilaa iminka la値ayahay kaluumaysato
gaaraysa ilaa 60 , dadka ku baro kacay ama ku guryo beelay waxay gaarayaan
ilaa 60, 000 oo qof.
Waxaa nasiib daro ah in inagii oo
khasaaradaani nagu habsatay aynaan qaylo dhaan iyo mucaawino waydiisan
caalamka balse ay inoo hadlayaan ajaanib kuwaas oo caalamka ku dhaleecaynaya
sida ay u ihmaalinayaan baaxada waxyeelo ee musiibadaan iyo Soomaaliya,
dadkaasna waxaa ka mid ah Jan Egeland oo ah Xiriiriyaha xaaladaha degdega ah
ee UN-ta.
Hadaba waxaanu ku talinaynaa in dhamaan
jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada jooga ay ka hadlaan arintaan iyagoo
adeegsanaya saxaafada la qoro iyo mida la iskala hadloba, iyagoo markaasi ku
baraarujinaya shacabweynaha wadamada ay joogaan si ay dadka ku baro kacay
ama ku cayroobay musiibadaan ay u helaan musaacado dawo, raashin, hoy, iyo
mid taageero dib u dhis iyo gargaar dhaqaale intaba.
Sidoo kale jaaliyadaha Soomaliyeed waa inay
ugu taba rucaan walaalahood dhamaan wixii ay awoodaan sida kaalmo lacageed
(fundraising), mid wakhti iyo xirfadeedba.
Shacabweynaha Soomaaliyeed ee dadka
gudihiisa ku sugan guud ahaan gaar ahaana ganacsatada waxaan u soo
jeedinaynaa inay gargaar la gaaraan walaalahooda ay musiibada rabaaniga ahi
ku habsatay, sida taageero raashin, biyo nadiif ah, teendhooyin iyo qalabka
dhismaha.
Waxaanu hanbalyo u soo jeedinaynaa Ra段isal
wasaaraha Jamhuuriyada Fedaraalka ee Soomaliya Dr. Geddi sida xilkasnimada
leh ee uu arintaan uga qaybqaatay isagoo khibrad u leh arimaha gargaarka,
isagoo caalamka u sheegay waxyeelada xeebaha soomaaliya guud ahaan ka hadlay,
iyo weliba sida geesinimada leh ee uu wakhtigiisa qaaliga ah ugu huray inuu
booqasho ku kala bixin doono goobaha waxyeelooyinkaani u badan yihiin.
Waa talaabo fiican oo ku dayasho mudan ,
waa xilkasnimo, taas oo ay abaalweyn ugu hayn doonaan shaqabka waxyeeladu
gaadhan marka ay arkaan Ra段isal wasaarahoodii oo booqanaya laha qaybsanaya
dhibaatada Rabaaniga ah ee ku habsatay.
Anagu hadaanu nahay ururka Isku xirka iyo
Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliyana Arintaan iyo kuwa la midka ah waa
waxa aanu u taaganahay wax ka qabadkeena, wixii awoodayada ahna waanu u
istaagi doona gacan ka gaysashadeeda, mar hore ayaanuna gudo galnay sidii
aanu qayb uga noqon lahayn gargaarka arintaan.
Faarax Maxamuud Aw-Cismaan
Madaxa, Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliya
canadianfriendsofsomalia@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2004
50,000 oo Soomaali ah oo
Gargaar Degdeg ah u Baahan
Chancellorka
Jarmalka oo Caalamka ugu Baaqay in Soomaaliya aan la iloobin!!
Waxana uu sheegay in
Soomaaliya ay aafadii kasoo gaartey badgariirku kawayntahay sida markii hore
lamooday
Guji..
Warar Goosgoos
ah:::
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|