SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


WARARKII December 30, 2004
  • Abshir Bacadle: “Fahadoow Farriintaadii way I soo gaartay”
  • Guddoomiye ku xigeen Golaha wakiillada Somaliland oo is casiley…
  • Warsaxaafadeed:: Ururka Horumarinta iyo ka hortagga Xaalufinta…
  • 30-kun oo Metric ton  oo hay’adda WFP U direyso Soomaaliya…
  • Maxaa ka soo baxay kulankii afar geesoodka ee Sudan..
  • Mareykanka oo sheegay inuusan ku qanacsanayn jawaabihii ay Liibiya ka bixisay shirqoolkii lagu dili lahaa Amiir Cabdalla
  • Tababarkii Dimuq-raariyadda iyo….
  • Salaad-Gaab: “Shirweynihii xiriirka kubadda Cagta waxaa la qabanayaa bisha ...

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf | Muqdisho
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com  | Dec 30, 2004


Abshir Bacadle: “Fahadoow Farriintaadii way I soo gaartay”

Abwaanka Weyn ee Soomaaliyeed Abshir Bacadle ayaa markii uu Akhristay qormadii todobaadlaha ahayd ee Fahad Yaasiin ee uu hal ku dhigga uga dhigay (Abshir Bacadle: “Gabyaagii Wahaabiyada maxaa hadal looga waayay”) goostay in uu wax ka yiraahdo, wuxuuna marka ugu horreysa mahadcelin kaddib u sheegayaa qoraaga Fahad Yaasiin in farriintiisii ay soo gaartay uuna garowsaday una arkay inay tahay wax gar ah.

“Waan qaatay waana wax I qabta inkastoo meelaha qaar ee uu saaxiibkay Fahad tilmaamay aan wax badan ka iri, way habboon tahay inaan gabadha saqiirka ah ee ay dowladdu ku habsatay aan wax ka iraahdo” ayuu yiri Abshir Bacadle oo xusay inuu aad uga xun yahay dhibaatada loo geystay gabadhaa yarta ah ee la argagaxiyay iyadoon wax dambi ah oo lagu caddeeyay aysan jirin.

“Nin kasta oo aqoon yahan ah, gabyaa kasta oo Soomaaliyeed iyo cid walba oo dareen dadnimo uu ku jiro waa ku qasab inay ka hadasho arrinta gabadhan yarta ah ee Zamzam”. Ayuu mar kale abwaanku yiri, isagoo booqday xafiiska wargeyska Ayaamaha, wuxuuna intaa ku daray: “Farriintii Fahad way I dhaqaajisay, waxaanan rajeynayaa in todobaadka soo socda aan daaha ka rogo gabay aan kaga hadli doono arrinta gabadha Zamzam oo dad badan oo Soomaaliyeed saamayn ku yeelatay wax badanna laga yiri.

Bal aan markan wax yar oo hordhac ah ka ifiyo gabayga aan arrinta Zamzam kaga hadlayo:

Guddiga Habar-magaalood wanjalay
Gabaraan Qaan-gaarin
Duqa ILAAHAY gafiyay gabadha ii daaya
Go’aankooda Higiskaa ma waan gobi ka shuureyn
Wanjalay: (Dembi geliyay). 

Guddoomiye ku xigeen Golaha wakiillada Somaliland oo is casiley…

Waxaa maalintii shalay ahayd warqadiisii istiqaalada ahayd gudbiyay C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ahaa guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada Somaliland, C/qaadir Jirde oo ka mid ahaa siyaasiyiinta deegaankaas caaana ku ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha wakiillada Somaliland aaya waxaa lagu tilmaamay is casilaaddiisa inay ku timid muran xoog leh oo soo kala dhex galay qaabka xulidda ee golaha wakiillada. Iscasilladda C/qaadir ayaa waxay soo baxday Dorraad aroortii iyadoo ay xubnaha golaha wakiillada ay aad ugala murmeen qaabka xulitaanka, waxaana la sheegay inuu u adkaysan waayay buuqaas faraha badan, kaddibna ay keentay inuu is casilo guddoomiye ku xigeenka. Tallaabadaan uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka waxay dharbaaxo ku noqonaysaa maamulka Daahir Riyaale oo maalmahaan la ciirciirayay cadaadis kaga imaanayay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xukuumadda, waxaa dhawaan iyana la xiray Keyse Xaaji oo ka mid ah xildhibaannada deegaanka waxaana la sheegay in xariggaan uu keeni karo in ay iska horyimaadaan siyaasiyiinta waaweyn ee maamulka Daahir Riyaale.      

Warsaxaafadeed:: Ururka Horumarinta iyo ka hortagga Xaalufinta…

Ururka horumarinta iyo ka hortagga xaalufka deegaanka Soomaaliyeed ayaashalay soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay inay dalka ka jirto xaalufin ba’an oo lagu hayo deegaanno ay ka mid yihiin gobollada Gal-guduud, Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Ururkaan oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan SOPSEDE, wuxuuna warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in deegaannadaas xaalufintooda loo adeegsado qalab casri ah oo lagu jaro guud ahaan dhirta, kuwaasoo uu sheegay inay ku kacaan dhuxusha dhoofiya.

Ururku wuxuu uga digayaa ganacsatada inay gacansigooda ku wajahaan jaridda dhirta oo u sheegay inay qiimo weyn ugu fadhido shacabka soomaaliyeed, isla markaana wuxuu u soo jeediyay ganacsatada iyo kooxaha ku howlan ganacsatada inay u naxaan dhirta iyo deeggaanka.

Ururku wuxuu sheegay in dadkaasi ay arrimahaas uga faa’iideysanayaan maamul la’aanta ka jirta dalka, wuxuu kaloo uga digay kooxaha dhuxusha inay joojiyaan howlahaasi, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay keeni karto baaba’a ku yimaada deegaanka.

Ugu dambeyntii wuxuu u soo jeediyay kuwa iyagana ku howlan jaridda dhirta wax soosaarka sida: Liinta, Cambaha iyo wixii la mid ah inay joojiyaan, wuxuuna ururku keenay inay arrintaasi keeni karto, baaba’a ku yimaada wax soosaarka iyo deegaanka oo nabaad guura.

Waxa kale oo uu beesha caalamka ka codsaday inay il gooni ah ku eegaan xaalufka lagu hayo gayiga soomaaliyeed, waxaana war saxaafadeedkaan ku saxiixnaa guddoomiyaha ururka Maxamed Cabdi Colaad

30-kun oo Metric ton  oo hay’adda WFP U direyso Soomaaliya…

50,000 oo Soomaali ah oo Gargaar Degdeg ah u Baahan
Chancellorka Jarmalka oo Caalamka ugu Baaqay in  Soomaaliya aan la iloobin!!
Waxana uu sheegay in Soomaaliya ay aafadii kasoo gaartey badgariirku kawayntahay sida markii hore lamooday Guji..

iyadoo gargaar caamali ah loo fidinayo dadkii ku waxyeelloobay dhulgariirkii iyo duufaannadii ka dhacay dalalka ku teedsan dalalka India ayaa hay’adda WFP waxay mas’uuliyiinteeda ku dhawaaqeen inay Soomaaliya u diri doonaan 30-kun oo metric ton oo raashin oo la siin doono dadkii ku barakacay duufaannadaasi, gaar ahaan waxay hay’addu sheegtay in gargaarkaas xooggiisa la gaarsiin doono gobollo ka tirsan Puntland.

Maalinta Sabtida ah ayaa la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ah Prof Cali Maxamed Geeddi ay tagi doonaan gobollo ka tirsan Puntland waxaana ra’iisul wasaaraha raaci doona madax ka tirsan Hay’adaha Samofalka.

In ku dhowr 100-ruux oo Soomaalia ah ayaa ku dhintay duufaannadii ka dhacay Xeebaha Somaaliya, waxaana ku barokacay kumanaan kun oo Soomaali ah.

Maxaa ka soo baxay kulankii afar geesoodka ee Sudan..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Khartuum ee dalka Sudan lagu soo gabagabeeyay kulankii afar geesoodka ahaa oo ay ka qaybgaleen waddamda Sudan, Somalia, Yemen iyo Ethiopia, waxaana kulankaan looga hadlay arrimo fara badan oo la xiriira geeska Afrika iyo sidii afartaas waddan ay isaga kaashan lahaayeen arrimo fara badan.

Go’aannadii ka soo baxay kulankaas waxaa ka mid ahaa: Sidii loo dhameyn lahaa colaadaha ka jira qaar ka mid ah waddamada Geeska Afrika.

Waxaa kaloo ka mid ahaa qodobbadii ka oo baxay kulankaas waxa loogu yeeray la dagaallanka kooxaha argagaxi-sada. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobbada in la iska kaashado dhinacyada dhaqaa-laha, ganacsiga iyo arrimaha bulshada, waxaana kulankaas goob joog ahaan uga qaybgalay Somalia iyo Jabuuti, waxayna dalbadeen inay xubno ka noqdaan Isbhaysigaas. 

Mareykanka oo sheegay inuusan ku qanacsanayn jawaabihii ay Liibiya ka bixisay shirqoolkii lagu dili lahaa Amiir Cabdalla

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in marnaba aysan ku qancin fasiraadihii ay Liibiya soo bandhigtay oo ku aaddanaaa shirqoolkii la sheegay in lagu dili lahaa ninka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Cabdalla Bin C/casiis.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Richard Botcher wuxuu sheegay inaysan dowladda Mareykanku weli shirqoolkan dartiis Liibiya ugu darin liiska argagaxisada, wuxuu intaa ku daray in mas’uuliyiinta Mareykanka ay arrintaan dhowr mar kala hadleen dalka Liibiya.

Richard oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxay Liibiya noo soo bandhigtay qaar ka mid ah jawaabihii ay ka bixinaysay dhacdadan balse ma ahayn kuwo dhamaystiran oo aniga iskaba dhaafee aysan cid kale xitaa ku qancin Karin, ma ahayn kuwo ahayn kuwo go’aan looga qaadan karay dhacdan waqtiga hadda la joogo”. Dowladda Sucuudiga ayaa iyada arbacadii hore safiirkeeda ka soo qaadatay dalka Liibiya, sidoo kalena waxay soo saartay go’aan ay dalkeeda kaga erinayso safiirkii Liibiya iyadoo taa jawaab uga dhigaysa kaalinta Liibiya ku leedahay isku daygii dilka ahaa ee Amiir Cabdalla.

Baarayaal Mareykan ah ayaa markii ugu horreysay daaha ka qaaday mu’aamaraddaan, iyagoo xusay in shirqookaan ay ka ogaadeen sida ay sheegteen nin mulsim ah oo magac weyn ku leh dunida muslimka una dhashay dalka Mareykanka, kaas oo ay ku socotay baaris maxkamadeed kaddib markii lagu eedeeyay in isaga iyo dowladda Liibiya u dhexeysay wadashaqeyn dhiaca maaliyad sharci darro ah, waxaana ninkaa lagu xukumay 23-sano oo xabsi ah.  Ninkan oo lagu magacaabo C/raxmaan Al-Camuudi ayaa qirtay xilligii ay maxkamad-diisu socotay bishii June ee aynu soo dhaafnay in uu u ka qaatay mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Liibiya lacag malaayiin kun oo dollar ah.

Warbixin ay dowladda Mareykanku soo saartay ayay ku sheegtay in Liibiya ay qorshaysay dilka Amiir Cabadalla kaddib markii uu dhamaaday shirki Madaxda carbeed ee 2003, markaas oo uu soo if baxay khilaaf dhex maray labadaas dal ee Liibiya iyo Sucuudiga laba todobaad kaddib markii shirkaasi la soo gabagabeeyay ayay dowladda Liibiya u yeertay saaxiibkeed C/raxmaan Al-Camuudi oo isagu la sheegay in si joogto ah uu u soo booqan jiray Liibiya si uu ula kulmo madaxda Liibiya, waxaana la sheegay in Qadaafi uu ninkaani u sheegay in uu doonayo inuu ciqaab mariyo Amiir Cabdalla, Mas’uulkaa Liibiyaanka ah ee aan la shaacin haybtiisa wuxuu ka codsaday C/raxmaan Al-Camuudi inuu arrintan u gudbiyo laba nin oo dowladda Sucuudiga ka goosatay kuwaas oo ay aaminsanaayeen in ay madax xanuun ka qaadayaan madaxda Sucuudiga.

Richard Botcher wuxuu sheegay in Liibiya ay soo gaarsiisay in marnaba ayhsan doonayn in iska hor-imaad iyo gacan ka hadal ay ku xalliso is faham waaga siyaasadeed ee Liibiya iyo Sucuudiga, wuxuuna intaa ku daray Botcher in Liibiya ay u ballanqaaday in arrintaasi ay ilaalin doonto, wuxuu kaloo sheegay in mu’aamaraddan ay Liibiya ku kacday ay tahay mid hor istaagaysa in la caadiyeeyo xiriirka ka dhexeeya Liibiya iyo Sucuudiga.

Dhinaca kale; wargeyska Al-sharqal Awsat ayaa ogaaday in Jaamacadda Carabta ay ka codsatay labada dhinac inay u soo gudbiso macluumaad la xiriira arrintan taagan, sidoo kalena waxay si gaar ah uga codsatay dowladda sucuudiga inay soo gudbiso caddeymo lagu kalsoonaan karo oo ay ku caddeynayso kaalinta ay Liibiya ku leedahay isku daygan fashilmay ee lagu doonayay in lagu dilo Amiir Cabdalla, sidoo kalena waxay Jaamacadda Carabta ka sugaysaa dowladda Liibiya mowqifkeeda ku aaddan eedaymahan.

  Xoghayaha guud ee Jamaacadda Carabta Caamir Muusa ayaa sheegay in uu rajeynayo in laba isbuuc gudahood uu heli doono qoraallada labada dhinac uuna isku dayi doono inuu ka fikiro inuu u istaago sidii Jaamacadda Carabta ay dhex dhexaadin uga geli lahayd arrintan una soo dhaweyn lahayd labada dal ee Riyad iyo Tripoli, dadaalkaasi wuxuu keeni doonaa in la magacaabo guddi Carbeed oo heer wasiirro arrimo dibadeed ah oo qabta howsha dhexdhexaadinta ah, dhinaca kalena Jaamacadda Carabta ayaa waxa u socda xiriirro dhanka Taleefoonka ah oo joogto ah oo ay la sameynayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Sucuudiga iyo Liibiya Amiir Sucuud Al-Feysal iyo C/raxmaan Shalqam.  Kaaliyaha Xogahaya Guud ee Jaamacadda ee Arrimaha siyaasadda Axmed Bin Xuli wuxuu sheegay in marnaba aysan daaha ka qaadi doonin wada hadalladii ay la yeesheen ergooyinkii Liibiya iyo Sucuudiga si aysan arrintu gacanta uga bixin isla markaana dadaalka ay jaamacadda Carabta wado uu noqdo mid guulaysta, wuxuuna intaa ku daray in arrinta u dhexeysa Liibiya iyo Sucuudiga ay u geli doonaan si deggen oo Dublamaasiyad iyo siyaasadi ku dheehan tahay.

Tababarkii Dimuq-raariyadda iyo….

Hotelka Daamey ee magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay tababar ay soo qaban-qaabisay ururka Haweenka u dooda xuquuqda aadanaha iyo nabadda  Gobolka Hiiraan oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan HIWA oo saldhiggiisu yahay Magaalada Baladweyn xafiis hoosaadna ku leh Magaalada Muqdisho.

Tababarkaan oo ay ka qaybgalayeen soddon shaqsi ama ruux oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka Soomaaliya, waxaana casharro ka bixinyay khabiir lagu magacaabo Axmed Maxamed Cali (Kiimiko) oo ka tirsan xarunta Dimquraadiyadda iyo Xuquuqda Aadahana (Center for Democracy Human Rights) oo fulisa howlo isugu jira kor u qaadista xirfadda hay’addaha bulshada rayidka iyo NGO-yada Soomaaliyeed. Dhiirigelinta Dimuqraadiyadda iyo difaacidda xuquuqda Aadanaha.

Xiritaankii siminnaarkaan waxaa ka hadlay Xaawo Maaxi Macallin oo ka socotay ururrada haweenka Soomaaliya, Naadiyo Suufi Cabdi oo ku hadlaysay magaca ka qaybgalayaasha iyo Caaliyo Aadan Cabdi oo ah Madaxa HIWA oo ka warbixisay waxqabadka HIWA iyo qorshooyinka ay ugu talogashay bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxaana soo gunaanaday C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo ku hadlayay magaca dhaqaaqa bulshada rayidka, waxa uuna ku boorriyay ka qaybgalayaasha inaysan noqon kuwo miiska dushooda uga taga wixii ay barteen kuna dabbaqaan howlahooda, waxaa uuna intaa raaciyay in waxbarashadii Theory-ga ahayd ee ay halkaas ku qaateen inay u rogaan mid fic ahaan loo qabto, iyagoo dardar-gelinaaya sidii ay ugu dabbaqi lahaayeen dowlad wanaagga iyo hoggaaminta suubban. 

Salaad-Gaab: “Shirweynihii xiriirka kubadda Cagta waxaa la qabanayaa bisha ...

Mar aanu xalay wareysannay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta Salaad Macallin Maxamed Salaad Gaab ayaan wax ka weydiinnay waqtiga la qabanayo shirweynihii ama Congress-kii xiriirka Soomaali-yeed ee Kubadda Cagta, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri: “Shirwweynahaas waxaas waxaa la qaban doonaan bisha August ee sannadka soo socda isagoo dastuuri ah wixii ka sokeeya nama Quseeyaan”. Warkan oo dhamaystiran ka akhri qaybat Ciyaaraha Khamiista...

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2004

Hay'adaha Samafalka iyo DGPL oo Soo Qiimaynaya Dhibaatadii Mowjaadaha Baadda
» Shir kusaabsan khasaarihii badda oo lagu qabtay Garoowe
» Waraysi: Soomaali Jooga Dalka Malaysia...
» Prof. Geeddi oo Caalamka ka dalbay Gargaar Degdeg ah
» Madaxweyne Kuxigeenka DGPL oo Qabtay Warsaxaafadeed
» Baaq kasoo Baxay Eng. Abshir Muuse, Musharaxa DGPL
» Dhimashada Dhulgariirka Indonesia oo mareysaa 114,000 qof
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Dec 29

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD