SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Baarlamaanka dibad joogga ah ee Soomaaliya ma lafi qaaddey baa?

Wasiirka Koowaad ee dowladda duurjoogta ah ee Cabdullahi Yuusuf ayaa lagu ansixiyey hotel ku yaalla magaalada Nairobi. Wasiirka Koowaad Macallin Geeddi waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in ka badan 220 xil-ma-dhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dibad joogga ah. Waxaa yaab noqotey in 12 maalmood ka hor uu isla baarlamaankan diidey Cali Maxamed Geeddi iyagoo xil-ma-dhibaannadu ku andacoonayaan in Axdigii qaranka la garab marey.

Haddaba maxaa is baddeley oo keeney in maantana ay ku doortaan isla ninkii sharciga jabiyey aqlabiyad kaba badan intii markii hore diiddey? Dad badan waxaa ay ku oran awalba barlaamaanku cashar uun buu siinayey Madaxweyne Yuusufe ma aysan diiddaneyn Macallin Geeddi. Qaar kale ayaa waxay qabaan in Macallinku la heshiiyey dhowr dagaal oogayaal oo iyagu lacag badan ku bixiyey rididdiisa. Waxay qoladani qabtaa in uu ballanqaadyo u sameeyey kooxdan ka gadooddey markii hore. Sida ay Macallinka iyo Yuusuf qabaan waxaa iyana ay tahay in ay dowladda ku soo dhisi doonaan qaaciddada 4.5 oo ay markii hore garab mareen sida ay maantaba qirteen. Oo waxay leeyihiin markii horaan qaanuunka garab marney haatanna waan ballan qaadeynaa in aynu raaci doonno nidaamka qabyaaladda ku dhisan ee lagu unkey Kenya.

Arrintuse marka aad si hoose u eegto sidaas waa ka duwantahay. Xaqiiqda ayaa isugu soo biyashubaneysa sida ay Soomaalidu ku maahmaahdo "af wax cuney xishooy." Oo nimankan xil-ma-dhibaannada ahi markii horeba dan kama aysan laheyn sharciye, waxaa uun ay ka xanaaqsanaayeen iyagoo xoogaagii dowladaha Yurub soo dhiibeen laga qarsadey. Balse shaley qadana loo qaadey, qaad iyo saabbuuntana loo qaybiyey si bal ay u bixiyaan xoogaagii shaqaalaha hoteelladu ugu dhaqi jireen dharka. Waxaa soo baxdey in Shaley Madaxweynuhu qaybiyey $ 500 oo loo kala qaybiyey Xil-ma-dhibaannada isla markaana qadada laga bixiyey. Taas oo ay mahaddeedu leedahay dowladda Talyaaniga oo sugi la'a inta loo saxiixayo dhowr tan oo Moos ah.

Haddaba Xil-dhibaannadu waxay ku sifoobeen kuwo dhuuni doon ah oo aan marnaba dan ka laheyn dhulkii hooyo. Waxaa marka xeer cusub noqdey in mar kasta oo macallinka iyo madaxweyne Yuusuf ay rabaan in ay xil magacaabaan ama Xeer ka saxiixdaan Baarlamaanka in uun ay u qaadaan Qado iyo Qayilaad intaa wixii ka danbeeyana ay howshooda u fuliyaan saaxiibkood Itoobiya. Marka haatan waxaan sugnaaba waa qado iyo qaad inta aan la magacaabin Wasiiradda ku qoran liiska saraakiisha sirdoonka ee Etoobiya sida uu dhawaan shaaciyey hoggaamiyaha xisbiga Ford ee dalka Kenya.

Dadyahow Soomaaliyeed waa la inoo tashadaye ma tashannaa? Calooshiis la cayaar iyo mid camalkiisu yahay in uu wax dilo iyo mid doonayo in uu dulmi nagu haysto oo noo soo daabbulo cadowgeenna, ma ka dirirnaa oo ma iska daynaa daba oradka dabadhilifyada nagu dakeynaya ee noo diidey danteenna?

Wali Farah
wfarah@rogers.com
Ottawa, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2004


»SOOMAALIDU SAXIIB MA LEEDAHAY? | Raage
»Fiqado Makka Ayaa Lagu Diley! | Xoday
»Fursad Dahabiyaa ina Hortaal Doqoni Waa Mooge | Qays
»Ninka jooga Xamarow Xaabaashaada sii qodo | Wanaje
»Maxaa Arimaha Soomaaliya Ka Dhigay “Ma Dhamaato” | Ismacil
»‘Buufisku Madhabaa Misa waa Dhalanteed’? | Farxaan-ceynte
»MAXAAD LUQADAADA HOOYO UGA DOOR BIDAY AF QALAAD
»Qabuuro Dagaal-Ooge? mise Qabuuro madaxweyne? | Xirsi
»Laaluush iyo labeeb: Qoraalkii Shaafici
»Qodobka 49-laad Qaladkiisa Ma Geddi baa leh Mise C/laahi | Maryan
»DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD