SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


  • Yemen: Dhibaatooyin ku soo Fool leh Qaxootiga Soomaaliyeed
  • Pakistan: Hay’ada PEDO oo ka qayb qaadatay Dood Cilmiyeed Looga hadlayey dhibatoyinka daroogada…

Dhibaatooyin ku soo Fool leh Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen:

 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen oo ka dhacaysa Teestirahooda Aqoonsiga (Dal ku joog)
 
Kadib dagaaladii sokeeye ee dalka soomaaliya ku habsadey,ummadda soomaaliyeed waxay u horseeday in loo aqoonsado qaxooti. Taasoo ay tageen wadamo badan oo adduunka ka mid ah, si ay uga badbaadaan waxyeelada dagaalada Naf iyo Maalba, wixii ay markaa ka badbaadin karayeen.

Dalka Yemen oo ka mid ah wadamada aan jaarka nahay(gacanka cadmeed), ayaa waxaa ku nool qaxooti soomaaliyeed kan ugu tirada badan adduunka oo dhan. Marka aan sidaasi leeyahay waxaan ula jeedaa tirada qaxootiga ka diiwaan gashan hay'ada UNHCR, waxaa ka badan kuwa aan diiwaan gashaneyn. Waayo ilaa iminka ayey yimaadaan, ayagoo rabo inay kaga sii gudbaan, wadamada gacanka carbeed(khaliijul carab), qaar badan oo kamid ah dadkaan(transit)ka ah,ayaa safarkooda cakirmaya oo dalkaan isaga nagaada.

Qaxootiga ku dhaqan dalka yemen ayaa waxay u qeybsamaan laba qaybood:

Kuwo degan xero qaxooti iyo kuwo haysta Aqoonsi dal kujoog(Teesaro aqoonsi) oo ay ku nool yihiin gobolada dalka oo dhan kagana shaqeystaan, shaqo kastaa oo markaasi ay qaban karaan ama ay heli karaan, sida muwaadiniinta oo kale.

Dadkaasi lahaa aqoonsiga dal ku joog ayaa waxaa kusoo fool leh baqdin badan , oo kaga imaaneyso aqoonsigooda oo ku eg 30 bishaan diseembar, 2004. Taasoo ay sababi karto , tiro badan oo ayaga ka mid ah iney waayaan shaqooyinkooda, ama ay kadaneysan waayaan magaalooyinka, ayagoo ka baqaya in xabsiyada loo tahaabo.

Taasoo loo aaneynayo waxaa mudooyinkaan danbe soo kordhayey, baarista dalku jooga ajaaniibta.

Waxaad wadooyinka magaalooyinka oo dhan  ku arkeysaa ciidanka socdaalka(immigration) iyo weliba booliis koox-koox uwada socda oo ugaarsanaya dadka aan sharciga laheyn, ayagoo xabsiyada u tahaabaya.
Wel-Welkaan(cabsi) waxaa Soomaalida ku soo kor dhiyey, waxaa suurta gal ah inay ka daahdo cusbooneysiinta aqoonsigooda,ayadoo hay'ada UNHCR,ka wardhowreyso DFK Soomaaliyeed, waxa ay ka qaban doonto arintaan. Sidaas darteed ayaa dadbadani kasugayaan in DFKM Soomaaliyeed ay xiriir deg-deg ah kala soo sameysaa DowladaYemen iyo hay'ada UNHCR, si ay uga badbaadaan dhibaatooyinka kor ku xusan, qaxootiga Soomaaliyeed.
 
 waxaa qorey:Cabdi Cali Siidow.c/o Sanca-Yemen.
sidow_a@hotmail.com

Hay’ada PEDO oo ka qayb qaadatay Dood Cilmiyeed Lagu qabtey dalka Pakistan lagana hadlayey dhibatoyinka daroogada… 

  • Waxaa diyaariyey:
    Ahmed Osman Haji Farah (Zahid)
    PEDO Coordinator
    Islamabad-Pakistan
    Email: axmedshiino@hotmail.com
    Cell: +92-3005283673


Xubno sarsare oo ka tirsan Hay’ada waxbarshada ee PEDO ayaa waxay xiriir dhinaca wad shaqaynta ah la yeesheen hay’ad aan dawli ahayn (NGO) oo la dhaho Pak Progressive Social Welfare Society, hay’adan wadaniga ah oo ku hawlan wacyigelinta bulshada ayaa u muujisey Ha’ada PEDO wadashaqayn iyo iskaashi taas oo ugu dameentii ay kulan arintaas lagu xoojinayo yeesheen Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Ha’ada PEDO Mr. Maxamed C/risaaq Dayib iyo Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Hay’ada PPSWS Mr.Ch Mohamoud Aslam, kulnakasi oo la iskula soo qaadey arrimo badan ayaa lagu heshiiyey in wada shaqyn ay dhexmarto labada hay’adood.

Masuliyiinta labada hay’adood oo fadhiya hoolka Doodu ka socotey 

Dood Cilmiyeed

Xiriirka labada hay’adood ayaa toddobaadkan dhaliyey in si wada jir ah ay u abaabulaan dood cilmiyeed lagaga doodaya Masuuliyada Bulshada ka saaaran dhibaatooyinka daraagiska, doodani waxay ka dhacdey hoolka shiraraka ee Jaamacada Bahria taariikhdu markay ahayd 23/Dec/2004, dooda waxaa ka soo qayb galey Masuuliyiinta labada Ha’adood, ardayda ka socda jaamacadaha kala duwan ee Islamabad,  saraakiil ka socda dawlada Pakistan iyo Marti sharaf kale. 

Hoolka lagu qabtey dood cilmiyeedka ayaa loo agasimey si heer sare ah, iyadoo loo qaybiyey dooda laba dhinac oo iska soo hor jeeda, mawduuca laga doodayo oo ahaa Bulshada miyaa masuul ka ah in daraagiska la isticmaalo?, arday iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka qayb qaadatey dooda iyoo kooxna ku doodaysey in Bulshadu masuul ka tahay kuwa kalena masuuliyada dusha uga tuurey kuwa iyagu isticmaala daraagiska. 


Qof kasta waxuu soo bandhigey cadymihisa ku aadan doodiisa, iyadoo kuwa aaminsan in bulshadu masuul ka tahay isticmaalka daraagisku ku eedeeyeen wershadaha soo saara daraagiska ayba masuul ka yihiin in qofku siticmaalo daroogada, doodahan oo dhaadheeraa waxaa la bilaabey abaarihii 11:45am, iyadoo ay soo gabagaboobeen 1:00pm duhrnimo. 

Abaal Gud  

Gunaanadkii dooda waxay guddiga qiimaynayey doodaha soo gudbiyeen magacyada ardaydii galey buundooyinka koobaad, labaad iyo saddexaad, iyagoo kala ahaa laba arday oo ka socda Jamaacada Islaamka ee magalada Islamabad, iyo arday ka socda isna jaamcada Bahria ee Islamabad.



Xoghayaha waxbarashada hay’ada  Pedo Mr.Qalonbi   iyo  Mrs.Asmo oo gudomeysa  balmarinti kowaad. 

Hay’ada PEDO waxaa dooda uga qayb galey Gudoomiye ku xigeenka gudiga fulinta ee hay’ada PEDO Mr. A/hakin Mohammed Saleban iyo xoogahayha dhaqaalaha Mr.Mohamoud Moahmmed Qahiye, iyadoo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xooghayaha waxbarshada, Mr.Ahmed Said Qalonbi, Xiriiryaha guud ee ururka Mr.Ahmed Osman Haji farah iyo Gudoomiyaha golaha dhexe Mr.Moahmmed A/risaaq Dayib ay goob jog ka ahaayeen. 

Gabagabo 

Dood cilmiyeedkan oo ku soo gabagaboobey si heer sare ah ayaa waxaa lagu casumey gudoomiyaha PPSWS Mudane Maxamed Aslam inuu u qaybiyo shahaadada ka qaybqaatayaasha dooda, isagoo mahad balaaran u celiyey dhamaan intii isku hawshay hirgelinta doodan oo uu ku timaamey mid ka doodad mudan, gudoomiyuhu waxuu mahad gaar ah u celiyey Ha’ada PEDO oo uu ku tilmaamey hay’ad u taagan kor u qaaida waxbarshada iyo wacyigelinta bulshada, waxuuna tilmaamey inu wadashaqaynta labada Hay’adood ay horey loo sii xoojin doono. 

Madaxa hay’ada PEDO
Waxaa diyaariyey:
Ahmed Osman Haji Farah (Zahid)
PEDO Coordinator
Islamabad Pakistan 

Mohamed AbdiNUr Ahmed (Zeki)
PEDO Information Officer
Tel# +923003567173

E-mail: Mohamed_zeki@hotmail.com
           Info@pedonet.com
Website: http://www.pedonet.com

Karadhi Pakistan


Tacsi:::

Ururka ardayda Puntland ee Qaahira wuxu tacsi u dirayaa isagoo ka tiiraayeysen geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi allaha ha u naxariistee PROF. MAHAMUD ISMAACIIL ABDI RAXMAAN oo ku geeriyooday Boosaaso taariikhu markay ahayd 23/12/2004. waxaan ilaah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo janaddii fardowsa intuu u ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo gar ahaan waxaan tacsidan u diraynaa Saamiiyo Mahamud Ismaaciil oo qaahira ardayad ka ah.

 
waxaa mar labaad leenahay ilaah samir iyo iimaan ha ka siiyo isagana janatul fardowsa maqaamkiisa ha ka yeelo.
 
Siciid Macalin Mahamud             Gud.Ardayad PL
Mahamed Siciid Xasan                Ku xigeen PL
Abdiladiif Xuseen                       arimaha dibada Pl
Yusuf Mahamud                        Xoghayn Pl
Abdi Qani Mahamed                  arimaha bulshada Pl
sharmarke walacwalac                xubin
Raage Cismaan                          = 
Asad Abdigufurre.                      =
sharmarke Xusen Barre               =
Cali Xuseen Bare                         =
C.raxman Jamac                         =
Siciid Geelxoor.                            =
Mahamed Warsame                      =
Mahamed Qahar                          =
Ibrahim Abdilah Khalid                 =
Yusuf Khalid                               =
Abdi Raxman Gurey                         =
Mahamed Abdi shire                      =
C.raxman Sheikh Xasan.                  =
Hodon Ali Abdi                            =
Muno Siciid Xasan                        =
Muno Muuse Nuux                             =
Saciido Mahamed                         =
Misk Siciid
Deeqo Ibrahim
Ismahan Khaliif
Ubax Dankeli
Sagal Cismaan
Nasro Abdi xaliim.
Shukri Calli Guure.
Xaawo Mahamed Camir.
Busayna.
 
Dhamaan aryda Puntland ee Qaaira oo an halakan lagu so wada koobi karin waxay tacsi u dirayaan eheladdi iyo qaraabaddii u ka geeriyooday PRO, Mahamud ISmaacil AbdiRaxman.
 
Ardayda Puntland Ee Qaaira
puntlandstudentcairo@yahoo.com 

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyeye Raage: raage6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD