SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Daabaco Boggan | Print


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Wafdigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha J.W.X.O oo kusugan  Gobalka  Kaliforniya ee cariga maraykan.
  • Dagaalo lagu naafeeyay ciidamada gumaysiga Itoobiya.
  • Shir balaadhan oo ay Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway qabatay.
  • Dawlada Itoobiya oo looga digay in ay faragalin Miletari ku samayso Soomaaliya.
  • Dhulgariir saameeyay  inta badan wadamada koonfurta asia,
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo aan ku soo qaadan doono qaybtii Labaad ee goroyooy gabl kuu dhac iyo suugaan halgameed.

Wafdigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha J.W.X.O oo kusugan  Gobalka  Kaliforniya ee cariga maraykan. 

Makhribnimadii 24kii Decembeber ayaa waxaa ka dagay gagida dayuuradaha  ee Magaalada Sandiego ee Gobalka kaliforniya  wafdi uu hogaaminayo  gudoomiyaha Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya Adm  Mohamed Omar Osman   oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Qorshaynta  iyo Cilmi baadhista Dr. Mohamed  Sirad Doolaal  iyo wakiilka  Jabhada ee wadanka Maraykanka Professor.Mohamed Wali Abas.  

Waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta  jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka  kaliforniya, odayaasha iyo cuqaasha magaalada San-Diyeego oo y horkacayso Dr.Cibaado Xirsi Mahad oo ah  madaxa  haweenka  Ogaadeenya  ee cariga Maraykanka.   

Wafdiga oo kadib loo galbiyey Hotelka martida ee loogu talagalay, ayaa maalintii Axada ka qayb galay shir balaadhan oo ay soo qaban qaabisey Jaaliyada Ogadeeniya ee Magaalada Sandiyego. 

Shirkaaas oo ku bilowdey sacab iyo sawaxan aan kala joogsi lahayn oo lagu soo dhaweeynayay masuuliyiinta, ayaa waxay madaxdu dadka siiyeen warbixin qoto dheer oo taabanaysa dhinacyo badan oo  ku saabsan wadanka  Ogadeniya iyo guud ahaan Geeska Afrikaba. 

Dadweynihii goobtaas isugu yimid oo aad wajiyadooda ka akhrisanayso baahida ay u qabaan warbixinta Madaxda ayaa masuuliyiinta u muujiyay taageerada ay u hayaan halganka loogu jiro madax banaanida Ogaadeenya.   

Dagaalo lagu naafeeyay ciidamada gumaysiga Itoobiya. 

 Wararkii ugu dambeeyey ee wariyaha RX ee gobolka Doolo Cali Yare uu noo soo tabiyay ayaa sheegaya dagaalo badan oo ciidanka gumeysiga Itoobiya si weyn loogu naafeeyay.  

Dagaaladan oo si gaadmo ah ciidamada dulmiga iyo gardarada ku caanbaxay ee gumaysiga Itoobiya loogu qaaday badhtamihii bishii 11 ilaa badhtamihii bishan aynu ku jiro ee Dec. Ayaa ciidamada Taliska Adis Ababa lagaga dilay 100 Askari, oo 40 ka mid ah lagu gubay Baabuur wayn oo ay saaraayeen kaas oo lagu gubay Daratoore oo ka tirsan gobolka Doolo, waxaana ciidamada cadawga laga dhaawacay 77 Askari. 

Dagaaladan oo intooda badan ka dhacay inta u dhaxaysa gobolada Doolo, Qoraxay iyo Jarar ayaa ciidamada wayaanaha lagaga furtay 22 Qori oo nooca Outomatiga u dhaca ah, waxaa kaloo lagaga furtay rasaas aad u badan iyo qalab yar yar oo kale. 

Dagaaladan joogtada ah ee ay Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ku hayso ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay sababeen isku dhacyo dagaal oo dhex mara ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan gobolada Ogaadenya. Askari gadooday oo ka tirsan ciidanka gumaysiga Itoobiya ee dagan magaalada Birqod ayaa 23.12.2004 ku dilay saldhiga ciidamada gumaysiga Itoobiya Sargaalkii madaxda ka ahaa ciidanka Birqod dagan iyo 3 Askario oo kale waxuu kaloo dhaawacyo halis ah gaadhsiiyay 4 Askari oo kale. Askarigan gadooday ayaa la sheegayaa in uu baxsaday oo aan la qaban. 

Shir balaadhan oo ay Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway qabatay. 

Galabnimadii Axada ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 26-12-04 ayay jaaliyada Ogadenya ee wadanka Norway isugu yimaadeen shir balaadhan oo ka dhacay xarunta jaaliyada ee magaalada Oslo,shirkaas oo si heer-sare ah loosoo agaasimay waxaa warbixintiisa oo faah-faahsan inoo haya wariyaheena nooga soo warama wadanka Norway  Mohamed Cabdi Gaafane. 

Shir aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan qeybaha bulshada ayaa maalinimadii Axada ee ay taariikhdu ahayd 26 Dec. 3:00 galabnimo ka dhacay xarunta jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Norway Magaaladda Oslo. 

Shirkan oo ahaa mid si habsami ah loo soo agaasimay ayaa lagu doortey guddi cusub, kaas oo wadi doono hawlaha Jaaliyadda labada sanno ee inagu soo fool leh, iyada oo isla mar ahaantaana la isla meel dhigay in shirkan oo kale labadii Sanaba hal mar la qabto, halka kolkii hore Sanadkiiba uu mar ka ahaa. 

Waxaa Madashii shirka ka hadley gudoomiyihii hore jaaliyyada ogaadeenya ee dalka Norway muddane C/laahi Cali oo halkaas ka akhriyey warbixin dheer oo ka hadleysa waxqabadkii jaaliyyaddu ay ku talaabsatey sanadkii la soo dhaafey. 

Waxaa kale oo iyaguna hadalo qiimo leh halkaas ka soo jeediyey Wakiilka JWXO mudane Maxamed Yuusuf, Marwo Sahro Ismaaciil iyo Mudane Axmed Kahliif Muxumed oo idilkoodba ku nuuxnuuxsadey sida loogu baahan yahay in la garab istaago halganka aaya ka talinta shacabka Ogaadeenya. 

Guddigan Cusub ee lagu caleemo saarey goobtaas oo ay howlo badani horyaalaan ayaa  gudoomiyo loogu doortey Mudane Cabdinuur Dhaga Cade.. 

Dawlada Itoobiya oo looga digay in ay faragalin Miletari ku samayso Soomaaliya. 

Xasan Hilawle Cusman (Xasan Kacaan) oo ah ku simaha gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa dawlada Itoobiya uga digay in ay faragalin milelateri ku samayso wadanka Soomaaliya. Hadalkan ayuu sheegay mudane Xasan Kacaan kadib markay soo baxeen warar sheegaya in dawlada Itoobiya ay diyaarinayso ciidamo faragalin ku sameeya Soomaaliya, kuwaas oo lagu sheegay in ay dhan yihiin 5000 oo Askari, oo ka qayb qaadanaya hub kadhigista meleeshiyooyinka hubaysan ee Soomaaliya. 

Mudane Kacaan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya loo qorsheeyay in ay ka howlgalaan gobolada Hiiraan, Gado, Bay iyo bakool, waxuuna dawlada Itoobiya uga digay inaysan hawlgalkaas ka samaynin wadanka Soomaaliya isla markaasna waxuu carabka ku dhuftay in uu maamulka Hiiran ka soo horjeedo qorshaha Itoobiya ee ay ku damacsan tahay in ay ciidamadeeda ka hawl galiso Soomaliya.  

Dawlada Itoobiya oo ciidamo ku sii daadguraynaysa magaalada Badame. 

Wararka naga soo gaadhaya xarunta xukuumada gumaysiga Itoobiya ee Adis Ababa ayaa sheegaya ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu sii daabulayo magaalada Badame ee xuduuda wadanka Eritrea iyo Itoobiya ku taala, taas oo uu dagaal lagu hoobtay ku dhex maray wadamada Itoobiya iyo Eritrea, kadib markii lahaanshaheeda Labada wadan mid walba sheegtay. Gudi uu golaha amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa u saaray xalinta khilaafka xuduuda wadamada Eritrea iyo Itoobiya ayaa sanadkii 2002 go,aamiyay in ay magaalada Badame ku taalo wadanka Eritea, hase yeeshee waxaa go,aankaas ku gacan saydhay dawlada Itoobiya oo ku caan baxday qabsashada wadamada dariska la ah.   

Cadaadis caalami ah oo dawlada Itoobiya lagu saaray in ay u hogaansanto go,aanka caalamiga ah ee uu gudiga xalintu soo gaadhay ayay xukuumada Adis Ababa bishii hore ku sheegatay in ay ogolaatay go,aankii gudiga caalamiga ah uu ka gaadhay xuduuda Eritrea iyo Itoobiya.  

Tan iyo intii ay xukuumada Itoobiya sheegtay in ay ogolaatay go,aankii gudiga caalamiga ah uu ka gaadhay xuduuda wadamada Itoobiya iyo Eritrea waxaa soo baxayay warar sheegaya in xukuumada Itoobiya isu diyarinayso in ay mar kale weerar ku qaado wadanka Eritrea, waxaana ugu danbeeyay warkan sheegaya in wasaarada gaashaandhiga Itoobiya  ka codsatay 3 Shirkadood in ay Ciidamo u daabulaan magaalada Badame. 

Dhulgariir saameeyay  inta badan wadamada koonfurta asia, 

Dhulgariir cabirkiisu yahay 8.9 ee halbeega lagu cabiro dhulgariirka ayaa maalintii Axada ku dhuftay dhamaan wadamada dhaca Koonfurta Asia. Inkabadan 20,000 ayaa kudhimatay, malyuunaad kalana waa ay kudhaawacmeen. 

Dhulagariirkan oo aan aduunka kadhicin mudo nusqarni ah ayaa  waxuu ugu horayn kasoo bilawday, waqooyiga dalka Indonesia gaar ahaan gobolka Ache ee jasiirada tusama.


 Dhulgariirka ayaa waxa uu dhacay goor aroor ah oo badi dadku aanay shaqooyinkii u dareerin, isagoo si mawjad ahaana uga dhashay badwaynta India  oo markaa safar dheer kujiidhay dhamaan wadamada kulaala badwaynta Hindia ee kuyaal koonfurta Asia. Wadamada Indonesia, Srilanka, India iyo Thailand  ayaa ah kuwa ay masiibadu aadka u haleeshay. 

Wadanka Indonesia oo ah kay mawjadu kasoo bilaabantay ayaa waxaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen dad kor udhaafaya 5000, islamarkaana ay kumaankun dad ahi ku dhaawacmeen,halka dad badanina ay ku hanti beeleen. Dalka Srilanka oo ah  kuu khasaaraha ugu badani ku dhacay  ayaa dhimashada lagu qiyaasay mid isasoo taraysa oo aan sifiican loo xaqiijin Karin iyadoo qiyaasihii ugu danbeeyay ee qaybaha caafimaadka iyo militarigu soo saarayaan  ay gaadhayso 11,000, islamarkaana ay in kabadan hal malyan ku dhaawacmeen, dhamaan dadka ku nool aaga uu dhulgariirku ku habsaday ayaa gabi ahaanba ku hanti beeley.  

Dhamaan  adeegyadii bulshada sida isgaadhsiinta, korontada, biyaha nadiifta ah, iyo gaadiid ayaan suuragalin inay badbaadaan. Magaalooyinka  Galley, Matali ayaa ah kuwa ay masiibadu aadka u naafaysay, Gobolada  Waqooyiga iyo Bariga ee ay kataliyaan ururka mucaaradka ah ee looyaqaano Tamil Tigers ayaan xaqiiq sax ah laga hayn khasaaraha gaadhay, sababtoo ah waxaa adag in dawladu ay ka fuliso tijaabooyin buuxa.

Madaxwaynaha dalka Srilanka  waa haweenayda lagu magacaabo Chadrika kumaratunga ayaa ku baaqday in dhibkani yahay  masiibo qaran iyadoo isla mar ahaantaa ka dalbatay dalalka qaniga ah in jawaab gargaar oo dagdag ah laga bixiyo masiibada. 

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayuu badgariirkan saameeyay waxaana wadanka soomaaliya ku dhintay dad ka badan 40 Ruux waxaana ku bara kacay kumanaan qoys oo xeebaha Soomaaliya ku noolaa. 

 28.12.2004

C/Nuur Sh.Mohamed

 radioxoriyo@ogaden.com  
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2004


»SOOMAALIDU SAXIIB MA LEEDAHAY? | Raage
»Fiqado Makka Ayaa Lagu Diley! | Xoday
»Fursad Dahabiyaa ina Hortaal Doqoni Waa Mooge | Qays
»Ninka jooga Xamarow Xaabaashaada sii qodo | Wanaje
»Maxaa Arimaha Soomaaliya Ka Dhigay “Ma Dhamaato” | Ismacil
»‘Buufisku Madhabaa Misa waa Dhalanteed’? | Farxaan-ceynte
»MAXAAD LUQADAADA HOOYO UGA DOOR BIDAY AF QALAAD
»Qabuuro Dagaal-Ooge? mise Qabuuro madaxweyne? | Xirsi
»Laaluush iyo labeeb: Qoraalkii Shaafici
»Qodobka 49-laad Qaladkiisa Ma Geddi baa leh Mise C/laahi | Maryan
»DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD