SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
Daabaco Boggan | Print


  • Dowladda FKMG ah oo dalbatay in waqti loogu daro mudadada sii joogitaankooda dalka kenya.
  • KADISKII DUGSIAYADA SARE EE MAGAALADA BOOSAASO SANADII 2004 / 2005

Dowladda FKMG ah oo dalbatay in waqti loogu daro mudadada sii joogitaankooda dalka kenya.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi 
canabmumtaz@yahoo.com  | dec 28, 2004


Muqdisho, Somalia

Nairobi, Kenya

Afhayeen u hadlay dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka dalbanayaan dowladda kenya in ay sii joogaan dalkooda ilaa inta laga habaynayo qorshaha dowladda ee sanadka cusub ay ku howlgali doonto.

Afhayeenka ayaa ku tilmamay sababaha dalbashada sii joogitaankooda ay tahay in aysan jirin barnaamij ay dowlada ku tagi karto caasimada somaliya,isla markaana aysan diyaarinin qaab dhismeedkii gollaha wasiirada oo u baahan xalin iyo wada hadal dheeraad ah si wax raali lagu wada yahay loo helo,loogana fiirsado in aysan imaanin waxii burburiyay Gollihii wasiirada ee la casilay.

Dowlada kenya,wasiir u hadlay ayaa horey u sheegay in aysan sugi karin amaanka dowladda dhan oo leh baarlamaan,Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare ayna aadaan dalkooda iyo dadka ay hayaan xilalka,laakiin waxaa codsiyo kale diray mas’uuliyiin dowlada ka mid ah sidaasna waxaa loogu daray muddo aan ka badnayd bil oo bishan disember oo ah gabagabo.

Mudadada oo dhamaad ah ayaa keentay codsiga cusub ee Dowladda ku doonayso in ay sii joogaan Magaalada Nairobi ilaa laga helayo awood buuxda oo damaanad qaada amaanka dowladda iyo baarlamaanka ka dib marka ay ka dagaan caasimada Soomaaliya ee Mogadisho.

Qarashka ku baxaya baarlamaanka iyo dowladda waxaa badi bixiya Midawga Yurub,jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay, IGAD waxay ka shaqaysaa howl u fududeynya iyo isku xirka ururada deeqda iyo soomaaliya,gaar ahaan kenya ayaa ah wadanka marti galiyay shirka ee ay ku sugan yihiin barlamaanka iyo dowladaba waxaana ka soo gala dhaqaale hotelada ay dagan yihiin dadkaas oo habeenkii ay ku baxayso ugu yaraan $200,dolar halka hotelada waawayna ay gaarayaan $400 dolar, soomaalida ayaa kala dagan hotelo kala duwan xaga qarashkana ku kala badan oo gaaraya ugu yaraan toban hotel iyo guryo iskugu jira.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi 
canabmumtaz@yahoo.com  | Dec 28, 2004


KADISKII DUGSIAYADA SARE EE MAGAALADA BOOSAASO SANADII 2004 / 2005

Axmed Yaasiin | Boosaaso, Soomaaliya
a_yaasiin@yahoo.com | Dec 28, 2004

Kadis aqooneed ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka aradayda G/BARI ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan B.S.O. kadiskan ayaa waxaa loo qabtay dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso kaasoo lagu qabtay hoolka shirarka ee shabakada PEN .

Dugsiyada ka qaybgalay ayaa waxaa ay kala yihiin dugsiga sare ee xamdaan, dugsiga sare ee Boosaaso, iyo dugsiga sare ee Nawawi, sadexdan dugsi ayaa loo qabtay kadis aqooneedkan kadiskan oo looga soo shaqeeyay si habsami ku dheehan tahay ayaa aad loo soo dhoweeyay dhamaan ardayda kabarata dugsiyada iyo maamulayaasha schoolada iyo maamulka puntuland ay aad ugu farxeen sida wanaagsan ee looga soo shaqeeyay kadis aqooneedkan.

Kadiskan aya maalinimadii Axada taariikhduna ahayd 26/12/2004 kadhacay hoolka shirarka shabakada pen halka habeenimadiina waxaa xafladiisii lagu qabtay hoolka shirarka ee Dowlada hoose EE magaalada Boosaaso.

Xafladan ayaa waxaa ka hadlay masuu li yiin farabadan ku waasoo ku nuux nuux saday horumarka waxbarashada iyo baalka aan kaga jirto waxbarashada, hadalada ma suu li yiin ta oo isugu jiray guubaabo wacyi galin iyo wax u sheeg ayay ku soo gabagabeeyeen ka dib waxaa bi laab may bixintii jaa'i'sooyinka ku waasoo lasii nayay ardaydii ku guu laystay kadiska iyo shahaado sharaf la siiyay dugsiyada iyo ganacsatada qaybka mida.

Waxaa galay kaalinta koowaad dugsiga Xamdaan oo eekeenay 28 dhibcood, waxaa lambarka labaad galay dugsiga sare ee magaalada Boosaaso oo isaguna keenay 25 dhibcood, halka uu dugsiga kaalinta sadexaad galay uu yahay dugsiga sare ee Nawaawi oo keenay 24. Dugsi kasta ayaa waxa la waydiinayay toban su'aa lood oo lagu helayay su aal kasta 10 buundo.

shahaada sharafyadii halkaa lagu bixiyay ayaa waxa la sii yay ganacsade LIIBAAN YUUSUF (liibaan dheere ) oo isagu ahaa ganacsadihii qaatay shahaada sharaftii tageerada Bulshada. si kastaba ha ahaatee ururka ardayda gobolka bari ayaa iyagu mar waliba waxay ka shaqyeeyaan horumarka Bulshada. mar aan wax ka waydiiyay gudoomiyaha ururka ardayda G/Bari B.S.O ayaa waxaan waydiiyay yaa idin ku tageera arimaha bulshda ayaa waxaa ;uu yiri waxa aan la kaashanaa Ganacsatada ku dhaqan gobolka ku waasoo mar walba nalagala qayb qata horumarka ardayda

Axmed Yaasiin | Boosaaso, Soomaaliya
a_yaasiin@yahoo.com | Dec 28, 2004

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2004


Khasaarooyinkii Mowjadaha Badda Soomaaliya
» Prof. Geeddi oo Caalamka ka dalbay Gargaar Degdeg ah
» Madaxweyne Kuxigeenka DGPL oo Qabtay Warsaxaafadeed
» Baaq kasoo Baxay Eng. Abshir Muuse, Musharaxa DGPL
» Dhimashada Dhulgariirka Indonesia oo maraysa 44,000 qof
Dhammaan ka akhri halkan... Guji Dec 28

WARARKA KALE::::
K/Afrika:
Afar Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Africa
Pakistan: Labadii Soomaalida ahaa oo la siidaayey
Boosaaso: MDGPL u amba baxay Gobolada Sanaag/Sool
Hindiya: Halgankii Dr. Xareed ee Waxbarashada
Jilib: Guryihii Dawladii Hore oo Dadka Laga Saarayo
Muqdisho: Wareysi uu bixiyay Max’ed Faarax Jimcaale
Wararka oo dhan ka akhri halkan.. Dec 27, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD