SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print


Dhibatooyinkii ay Mowjadaha Baddu Soo Gaarsiiyeen Soomaaliya::

»DGPL iyo Hay'adaha Samafalka oo Soo Qiimaynaya dhibkii gaarey xeebaha Puntland
»
R/wasaaraha Soomaaliya oo La Hadli Doona Soomaalida Minnesota
»
Prof. Geeddi oo Caalamka ka Dalbay in ay gargaar la soo gaaraan Soomaaliya

»Warsaxaafadeed uu qabtay Madaxweyne ku xigeenka DGPL
»Baaq uu soo Saaray Musharax Madaxweyne DGPL Eng. Abshir Muuse saciid 
»Waraysi: Soomaali Jooga Dalka Malaysia

Shir Loogaga hadlaayey sidii Dowlada Maamul Goboleedka Puntland iyo hay,adaha Samafalka ay u soo qiimayn lahayeen Dhibkii ka dhacay Xeebaha Puntland


Madaxweyne kuxigeenka DGPL iyo wasiirda kale

Agaasimaha Cafimaadka DGPL_Cabdi Cawad

Waxaa maanta oo Taariikhdu tahay 29-12-2004 shir aad u balaaran ku yeeshay Xafiiska Madaxtooyada DGPL ee Garoowe Madaxweyne Ku xigeenka DGPL oo uu hormuud u yahay Wasiirada Maamulka DGPL Qaarkood iyo Xubno ka mida Hay,adaha Samafalaka ee ku sugan Garoowe Qaarkood, Shirkaa ayaa loogaga hadlaayey sidii loogu gurman lahaa Dadkii ku waxyeeloobay Fatahaadii Badaha Hindiya ee Xeebaha Puntland.

Shirkaa ayaa lagu xulay Kooxo isugu jira Maamulka DGPL iyo Hay,adaha waxaa iygana Gadaal looga Daray oo markay waydiyeen loo Ogolaaday Wariye yaasha Radio iyo kuwa madaxa banaan in ay ku soo Sameeyaan Qiimayn waxyeeladii gaartay Dadkaa iyo inta Dhibka le,egyahay. Kooxahaa oo Bari Subaxnimadii lafilayo in ay u kicitimaan Goobahaa.

Kooxahaa ayaa loo Qaybiyay Labo kooxood oo ay ukala bixi doonaan Degmada Eyl ilaa Degmada Bayla Xeebahooda iyo Koox kale oo aadi doona Degmooyinka Garacad ilaa Bayla Xeebahooda, Koxahaas kuwa lamida ayaa Hore uga baxay Degmada Boosaaso iyadoo uu Hogaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka G/Bari Yuusuf Muumin Bide, Koxdaas ayaa Gaarsiisay Dadkii ku Waxyeeloobay Magaalooyinka Xaafuun, Baargaal, iyo kuwo kale Deeq isugu jirta Dhar, Cuno iyo Daawo ay ka Ururiyeen Dadka ku Dhaqan Magaalada Boosaaso iyadoo Daawadu ay bixiyeen Hay,ada UNICEF Puntland, Deeqdaas ayuu Gudoomiye ku xigeenka u sheegay in ay aad u yartahay oo aysan ku filnan Dadka Waxyeeloobay oo Tirada la hayaa ay kor u Dhaafayso Kontameeyo waa Magaalooyinka Xaafuun iyo Baargaal.

Mar uu ka hadlaayey Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka DGPL Dr. Cabdi Cawad Dhibkii iyo sida ay ugu Gurmadeen Maamul ahaan ayuu sheegay in ay direen Kooxo loo taba baray sidii ay u caawin lahaayeen Dadka Dhibka Gaaray iyo Daawo aad u yar oo Wasaarada Caafimaadka iyo Hay,ada UNICEF ay iska kaashadeen, Agaasimaha ayaa ka Warbixiyay inay Jiraan Daawo ay ka filaayeen in ay soo Qaado Diyaarad ka imanaysa Dalka Emarat-ka carabta Dubai Diyaaradaa ayuu Sheegay in ay Xayireen Roobab Biyo Dhigay Garoonka Diyaaradaha Dubai.

Waxaa kaloo Agaasimuhu u sheegay Saxaafada in uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka DGPL Maxamed Cali Gaagaab Gudi ka kooban Wasiiro iyo Agaasimayaal Guud oo u Qaabilsiisan Arimahaa Dhibka in ay kasoo Warbixiyaan

c/fatax jaamac | SomaliTalk.com | Bosaso, Soomaaliya
Email: somalitalkpl@yahoo.com | Dec 29, 2004


Prof. Cali Maxamed Geddi oo ka Dalbaday Caalamka in ay  Gargaar La soo gaaraan dadkii ku wax yeeloobay Mowjadihii Badda badda. 

Qaybtaan waxaa isku soo dubaridey:
Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya |   canabmumtaz@yahoo.com
Waxaana kala qayb qaatay:

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Nairobi Kenya |  axmeddheere65@hotmail.com

Talaada December 28, 2004

Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Cali Maxamed Geeddi

Wasiirka koowaad ee Dowlada FKMG ah ee soomaaliya Cali Maxamad Geddi oo maanta shir ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay khasaarihii ay gaysteen mowjadihii soo gaaray bariga afrika waxyeeladana ugu gaystay meelo ka mid ah soomaaliya dad rayid ah ay ku dhinteen, qaar kalena lagu la’yahay wali. 

Wasiirka waxa uu ka dalbaday beesha caalamka in ay la soo garaan dadkaas waxyeelada soo gaartay gargaar iskugu jira hoy siin iyo xanaano baaritaan caafimaad ah kuwa kalena la baadi goob. 

Waxa uu intaas ku daray mr.Geddi in Somaliya aysan lahayn wali awood ay dhibaatooyinkan oo kale kaga hortagto, dowladdiisana aysan caga dhigan,waxaana looga baahan yahay ayuu yiir in caalamka si wada jir ah ay dhitaatada ku dhacaday dadkaas soomaaliyeed wax uga qabtaan, hay’adaha gargaarkana halkaas ay u tagaan si ay qiimeeyaan khasaaraha dhibkaas mowjadaha biyaha wata ay gaysteen. 

Prof. Cali Maxamed Geedi waxa uu xusay in Soomaaliya Musiibadaasi ay ka soo gaareen dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo barakac isagoo xusay in ay ku dhinteen dad gaaray 100 qofood, waxana uu sheegay in Soomaaliya ay awalba ku jirtay Colaado iyo masiibooyin kaloo badan hadana ay igu sii darsantay Dhibkan.

Prof. Geedi waxa uu xusay in masiibadani ay asiibtay guud ahaan Bada Soomaaliya oo dhan isagoo tiriyay Goobo badan ay ka mid ahaayeen Xeebaha Hobyo, Banaadir, Baraawe, Garacad, Xaafuun, Ceelmacaan iyo deegaano kalle.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh. Xasan Sh Adan, Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Xubno ka tirsan urur goboleedka IGAD iyo marti sharaf kaloo badan .

Todobaadkan bilowgiis ayaa dhibaatooyin ka dhaceen wadamo badan oo ku yaalla Qaarda Aasiya,waxayna keenaan qasaarooyin badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac,masiibadan oo iskugu jirtay dhul gariir iyo badda oo dhulka hoose dilaac ka soo gaaray sida ay wararku sheegayaan sidaasna ay ku yimaadeen mowjado wata biya xoogan,iyagoo gaaray bariga afrika sidaasna meelo ka mid ah soomaliya waxyeelo gaarsiyay. 

Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay illaa hada boqol qofood dad badana la waayay meel ay ku dambeeyeen,hay’addaha gargaarka ayaa sheegay xalay in meelaha ay qasaarooyinkan gaareen oo ay ka mid tahay somaliya wax ka qaban doonaan,waxayna intaas ku dareen hay’addahaas in ay caawinaad u dirayaan meelaha ay qasaarahaasi gaareeen.


Qaybtan waxaa isku soo dubaridey:
C/fatax Jaamac | somalitalkpl@yahoo.com | Boosaaso, Soomaaliya
Isniin December 27, 2004

Warsaxaafadeed uu qabtay Madaxweyne ku xigeenka DGPL


Madaxweyne Kuxigeenka DGPL:
Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)

Boosaaso iyo 2001...

Waxaa maalintii shalay ee ay Taariikhdu ahayd 27-12-2004 lagu qabtay warsaxaafadeed Xafiiskiisa Madaxweyne kuxigeenka DGPL Garoowe Maxamed Cali Gaagaab ku wajan sidii wax ay u gaareen Dadkii Badu ay ku soo Fatahday, Warbixin aad u dheer oo uu ka bixiyay Goobihii ay Dhibtu ka dhacday ayaa uu ku tilmaamay in Dad aad u badan ay ku Guryo waayeen aysana haysan Dhar ay xirtaan, Cuno iyo Caafimaad Daro ka dhalatay Dhaawacyadii ka soo gaagaray fatahaadii bada oo aan Dawo haysan.

Magaalooyinkaa iska Tabar darnaa oo usan Gaarin Xiriirka wax qabad ee Hay,adaha iyo Maamul ayaa Madaxweyne ku xigeenka uu ku sheegay Warbixinada ka soo gaaraya in ay sheegayaan in aan la hayn tiro dhaba lakiin ay hayaan tiro aad u fara badan oo ah Dhimasho iyo Kuwo la waayay oo ilaa hada lagu jiro Baadi goob kuwa ka badbaadayna ay Hoy la,aan hayso oo Guryahoodii ay Biyaha Bada soo galeen.

Madaxweyne ku xigeenka oo saxaafadu wax ka waydiisay sidii wax looga Qabtay Dhibtii ka dhashey Abaarihii iyo Robabakii watay Qabowga oo Dad badan ay ku cayroobeen iyo sida ay uga Caawiyeen Hay,adaha samafalka ah ayuu ku jawaabay in maamulka u xiligii abaaraha ka qayb qaatay Biyo dhaamintii iyo soo ururinyii Dadkii xoolahu ka dhamaadeen lakiin ay hay,adaha aysan wax saa u buuran ka qaban oo ay kaliya Diyaaradaha u sii racaan dalka Kenaya marna ay u soo raceen Dalka Soomaaliya Gudaheeda.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay saxaafadu markale wax ka waydiisay in ay jiraan Culays Doorashooyinka la filayo Dhawaan in ay ka dhacaan Puntland Caasumada Garoowe iyo Dhibkaan hada yimi sida ay wax uga qabanayaan ayuu ku jawaabay in ay jiraan Doorashooyinka Culays ay keeneen tasoo oo ay ugu darantahay Nabad galyada oo laga Cabsi qabo iyo Dhibkaan hada jira oo ka dhashay Bada soo fatahay in ay keeni karto in ay dayacmaan Dadkaa dhibku gaaray lakiin hay,daha caalamiga ah waxaan waydiisanaynaa in ay u so gurmadaan Dhibkaa ayana wax nagala qabtaan.

BAAQ KASOO BAXAY XAFIISKA MUSHARAXA MADAXWEYNAHA DGPL ENG.ABSHIR MUUSE SICIID

Baaqaa ayaa ku Wajahnaa Dhibkii ka dhacay Xeebaha Bada Hindia gaar ahaan Soomaaliya.

Isniin, December 27, 2004

Eng. Abshir Muuse
»Qorshaha Musharxnimo ee Ing. Abshir Muuse
»Eng. Abshir Muuse oo Booqday Laascaanood

Sida lagu helayo wararka ka imaanaya xeebaha Badweynta hindiya ee PL waxaa ku dhufatay sida la sheegay Gariir ka dhacay badda gunteeda, sababayna in biyihii bada oo wata mawjado xoogan dibadda u soo baxeen, sababeena khasaare naf iyo maalba leh,in kasta oo aan wali la hayn khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen. Wararka caalamka ayaa iyagu si aada uga waramaya masuubadaas ka dhacday badweynta hindiya,meelaha sida gaarka ah loo tilmaamay ayey ka mid tahay soomaaliya laakin nasiibdaro lama hayo tirakoob dhab ah, gurmad dawladeed iyo mid caalamiya.

Hadaba, Eng.Abshir Muuse Siciid oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimadda PL.ayaa baaq uu ka soo saaray 27/12/2004 magaaladda Garoowe ugu horeyn u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay dhibkii ka dhacay xeebaha pL iyo waliba guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dhamaan hay’adaha samafalka, ganacsata, culumada diinta, aqoonyahanada ,waxgaradka iyo caalamkuba in ay u sameeyo gurmad dadkaa ku wax-yeeloobey dhibaatada ka dhacday xeebaha badweynta hindiya ee soomaaliya dadkaas oo ay soo gaartey dhibaato isugu jirta hoyla'aan ,hu'la’aan, cuntola’aan iyo waliba xagga caafimaadka. Wuxuuna Engneerku ku baaqay in loo diro dad aqoon u leh xog ururinta khasaarooyinka si loo helo tirokoob iyo xog dhab ah.

Baqaa ayaa Musharax Eng Abshir Muuse uu ku sheegay in dhibaatooyinkii soo gaaray Dadkii ay wax yeeleeyeen Abaarihii iyo Roobabkii Xooga lahaa ee watay Dabaylaha iyo Qabowga aadka u daraa ee waxyeelada soo gaarsiiyey dadka badan ay hadda ku suganyihiin meelo ay isugu soo urureen oo ay Qaxooti ku yihiin iyagana aysan haysan wax daryeel ah.

ILLAAH BAA AWOOD LEH

C/fatax Jaamac
somalitalkpl@yahoo.com


Waraysi ay SomaliTalk la yeesheen Soomaali Jooga Malaysia

Dalka Malaysia oo looga baqayo saacadaha soo socda dhul gariir sida ay sheegtay idaacada dowladda ee dalkaas.

Qaybtaan waxaa isku soo dubaridey:
Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
canabmumtaz@yahoo.com

Dec 28, 2004

Magaalada lagu magaacaabo kedah oo ah halkii uu ka dhacay dhulka gariirka markii ugu horeysay ayaa dadkii daganaa waxay noqdeen qaar qaxay,kuwo Alle baryaya iyo kuwa aanba war ka haynin oo howlahooda iska wata ka dib markii ay dowladda ku dhawaaqday in dhul gariir kale uu dhici doono saacado kadib sid laga sheegay idaacadaha la iska arko ee dalkaas.

Warbixin dheeraad ah si aan uga helno waxaan ka wareysanay suxufi halkaas ku sugan waxna ka barta jaamacad ku taala halka ay dhacday masiibadaas,sida ay xaaladu tahay hadda, suxufigan oo lagu magacaabo Cusman Cabdi Xassan (Black) waxaan ugu horeyn waydiiyay sida ay wax u dhaceen?

Black: Markii uu dhacayay dhul gariirkii ugu horeeyay ee maleeshiya ku dhufta waxaan ku jiray dabaqa jaamacada waxaana hal mar nala wareegay dhulka,waan aamusnay kadib daqiiqado ayuu joogsaday qof walbana waxa uu uga baxay dabaqa si orod ah,magaaladan oo ah mida dhibaatada ugu badan uu soo gaarsiiyay dhul gariirka waxaa ka soo jeeda hogaamiyaha dalka muhathir maxamad waana halka uu ku dhashay,waa magaalo si wayn loo dhisay dad muslin ah ayaa dagan isla markii dadka waxay guda galeen Alla bari iyo in ay magaalada qaarkood iska baxaan si aysan ugu imaanin kuwo ka daran kuwan hadda ku dhacay.

SomaliTalk: Wax Soomaali ah oo waxyeelo ka soo gaartay ma jiraan dhulgariirkaas magaalada aad joogtay?

Black: Wax Somali ah oo dhib ka soo gaaray ma jiraan intaan ogahay waxaana nahay toban qofood gobolkaan hadda aan joogo, waana arday soomaalida badankood waxay joogaan caasimada oo si aad ah looga yaqaanaa,halkan markii soomaalida ay arkaan dadka gobolkan waa la yaabaan waxayna ugu yeeraan waa Ameerikaan,markay na arkaan si aad ah ayay noo fiiriyaan.

SomaliTalk: Dadka ku dhintay tiradooda meeqa ayay gaarayaan guud ahaan dalka oo dhan wax gargaar ahse maloo fidiyay?

Black: Sida ay sheegtay dowlada dhimashada waa 100 qofood inta la ogyahay waana dalka ugu qasaaraha yar marka la eego wadamada kale ee Qaarada ee Aasiya,waxaa gargaaraya dadkii dhaawaca soo gaaray dowlada,waa wadan dhaqaale leh wax badan ugama baahna dibada oo iyaga ayaa ku filan hada in ay xaliyaan dhibaatooyinkan.

SomaliTalk: Hadda waa sidee jawiga kadib musiibadaas markii ay dhacday maxaase laga yaabaa hadal hayn ku aadan in ay soo laaban karaan?

Black: Saacado ka hor hadda ayay ka sheegtay idaacadaha la iska arko in laga cabsi qabo dhul gariiro cusub oo ku soo fool leh magaalada in ay dhacaan,waxaana dadkii ay u kala baxeen qaar qax ku maqan, kuwo Alle baryaya iyo qaar iskaga jira bararka oo aan laba soconin warkan,laakiin guud ahaan magaalada ayaa aad u kacsan oo cabsi xoog leh ayaa soo food saartay,dowladana waxay wadaa hada in ay sameeyaan qorshe lagu badbaadinayo dalka hadii ay heli karaan ama ay awoodaan inkastoo ay yihiin musiibooyin dabiici ah.

SomaliTalk: maxaa keenay ayay leedahay dadka saynisyahanada ah ee dalka iyo dowladab musiibooyinkan?

Black: Waxaa socda baaritaan la xiriira arrintaas walina ma jirto cid cadaysay waxa keenay iyo sababta midna,laakiin waxay dadku aaminsan yihiin in ay tahay masiibo rabaani,laakiin waxay wadaan dadaalo ay ku ogaanayaaan qurbaro kala duwan.

SomaliTalk: ma jiraan wax dhibaatooyin ah oo aad kala kulantaan xagga sharciga iyo daganaanshaha dalka?

Black: ma jiraan wax dhibaato ah oo aan ku qabno,waayo dalkan waxaa dagan dad muslim ah oo hadii aad islaam sheegato aad ayay kuu dhawaynayaan runtii laakiin ajnabiga kuma badna saasna loogama jecla, somalida halka aan daganahay waxaa looga yaqanaan Amerikaan,xagga sharcigana waxan ku joognaa ardaynimo, wadankana waa soo dhaweeyaa somalida ardayda ah badnaa wax dhib ahna kalama kulmaan,qofkii sameeya xadgudub waa macquul in sharciga la mariyo laakin kuguma xadgudbayaan.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2004

60,000 oo Qof ayey mareysaa Dhimasha Mawjadihii Dhulgaruiirkii Indonesia [Daawo CBC]

In Kabadan 100 Soomaali ah oo Looga Cabsi Qabo in ay Ku Dhintay Xeebaha Soomaaliya

Meelaha ilaa hadda la sheegay in mawjadahaasi ay dhibaatada u geysteen waxa akamid ah: Xaafuun,  Bayla, Garacad & tuulooyin ka tirsan Nugaal, Ceel-Macaan, Baraawe .....

Dec 27, 2004

Dhegeyso Yuusuf Baribari oo  VOA uga Waramayey Khasaaraha ay Mawjaaduhu Soo Gaarsiiyeen Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya dhibaatadii ka dhalatay mawjadihii dhulgariirka ee ka dhacay Indoniisiya aya asheegaya in ay siweyn u saameeyeen xeebaha Badweynta Hindiya ee dalak Soomaaliya. Waxaa wararku sheegeen in ugu yaraan 100 qof ayaa looga cabsi qabaa in ay ku dhinteen xeebaha dhanka woqooyi Bari ee Soomaaliya.

Waxaa wararku sheegeen in meelaha ay hirarka mawjadaha baddu sida ba'an u saameeyeen ay ka mid yihiin Xaafuun iyo tuulooyinka kale ee ku xeeran Badweynta Hindiya ee xiga woqooyi Bari ee Soomaaliya.

Warar kale ayaa tibaaxay in Bayla iyo Garacad iyo tuulooyin ka tirsan Nugaal ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof. Warar kale ayaa sheegaya in dhanka Puntland ay ku dhinteen 30 qof, 7 qofna ay ku dhinteen meel u dhow Muqdisho. Magaalada Baraawe waxaa la sheegay in dadkii halkaas deganaa ay fuuleen meelaha taaga ah kaddib markii ay mawjaha baddu halis geliyeen magaalada, waxaana la sheegay in xataa masjid halkas ku yaal ay hirarka baddu qariyeen, sida uu Reuters u sheegay Cabdullahi Dhuxulow oo ka mid ah madaxda Baraawe, waxa kale oo mawjaduhu burburiyeen doonyihii kalluumaysiga ee Baraawe.

Sidaas oo kale ayaa wararku sheegeen in xeebaha koonfureed ay mowjadahaasi khasaaro soo gaarsiiyeen..

Sidoo kale dalka Kenya waxaa dadkii dalxiisayaasha ahaa deddeg looga qaaday xeebaha ku xeeran Mombasa.

Afhayeen u hadlayeey Madaxweyna DFKMG ayaa sheegay in laga cabsi qabo in tuulooyin dhan ay mawjadahaasi qariyeen. Yuusuf Ismaaciil Baribari waxa uu intaas ku daray in kalluumaysato sida caadiga ah xeebaha u aaday laga yaabo in ay ku qaraqmeen mawjadahaas lixaadka badan.

Dhulgariirka sababay mowjadaha aadka uu xooga badan ee soo gaarey Soomaaliya, waxa uu ka dhacay jasiirada Sumatra ee dalka Indonesia, jasiiradaas oo Soomaaliya u jirta 4500 km.

Hirarkii badda ee Ka Dhashay Dhulgariirkii Aasiya oo Soo Gaarey Afrikada Bari::

Dec 27, 2004

Ugu Yaraan 44,000 oo qof ayaa ku dhintay mawjadihii ka dhashay dhulgariirkaas..

Dhul-gariirkii ugu lixaadka badnaa ilaa 40 sano ayaa khasaaro ba'an gaarsiiyeye dalalka Aasiya iyo Afrika, dhulgariirkaas oo ubucsiidu ahayd Indonisia, khasaaraha ugu weyna wuxuu ka dhashay mawjaha hirarka badda oo aadka u lixaadka badan oo qarqiyey dadkii deganaa dhulka jasiiradaha ah ama dadkii dalxiisayaasha ahaa iyo kalluumaysatadii markaas ku sugnaa badaha iyo xeebaha Aasiya. Dalalka uu khasaaraha ugu badan gaarsiiyey waxaa kamid Indonesia, Sri Lanka India, Thailand aiyo Maldives. Kumanaal qof ayaana ku qaraqmay badaha. Ilaa hadda dhimashada waxaa lagu qiyaasay 44,000 qof. Waxaana lagu soo waramay in hal magaalo ka tirsan Indoniisiya ay ku dhinteen 10,000 oo Qof.

Sagaal Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen xeebta Kabaal oo 800 km u jirta Muqdisho. Waxa kale oo la sheegay in ilaa 7 qof la waayey aaga xeebta Ceel Macaan oo u dhow Muqdisho.

Waxaa loogu baaqay dadweynu in ay ka dheeraadaan xeebaha iyo jasiiradaha badaha Aasiya iyo Afrikada bari.

WARARKII UGU DAMBEEYEYE KA AKHRI: HALKAN... GUJI...


Prof. Geeddi oo Soomaalida Minnesota uga Warbixin Doona Dhibaatadii ay Geysteen Mowjadihii Badda

SomaliTalk.com | Minneapolis | Dec 29, 2004
Cinwaanka xarunta:
"Somali Justice Advocacy Center"
1050 Selby Avenue
St Paul, Minnesota 55102
Voicemail: 651-917-0383
Fax:   651-917-0379

Qoraal SomaliTalk kasoo gaarey Xarunta "Somali Justice Advocacy Center" ayaa shaaca ka qaaday in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi, uu khadka telefoonka toos ugala hadli doono kulan ay qabayaan Soomaalida Minnesota, kulankaas oo looga hadlidoono dhibaatadii ay geysteen mowjadihii ka dhashay dhulgariirkii badda ee Aasiya, kuwaas oo soo gaarey Soomaaliya, kuna diley ilaa 100 qof, kuna dhaawacay ilaa 150 qof - inta la qiyaasay.  Kulankaas uu la hadli doono Prof. Geeddi waxaa lagu qaban doonaa xarunta "Somali Justice Advocacy Center" oo ku taal magaalada St. Paul ee Minnesota [1050 Selby Avenue], marka ay saacada Minnesota tahay 11:00am ee maanta (Arbaca 29 December 2004).

Sida ku cad warsaxaafadeedka, waxyaabaha uu Prof. Geeddi uga xog warami doono Soomaalida Minnesota waxaa kamid ah dhibaatada ay mowjadahihii baddu u geysteen Soomaaliya. Prof. Geedii waxaa la filayaa in uu booqasho ku aado dhulka ay mowjadahaasi aafeeyeen ee Soomaaliya.

"Somali Justice Advocacy Center" Waxay adduunka u weydiiyeen in ay caawimaad degdeg ah la gaaraan Soomaaliya meelaha ay dhibaatadu ka soo gaartey mowjadahaas xoga weyn ee qarqiyey meelaha xeebaha ah iyo kalluumaysatadii markaas badda ka kalluumaysanayey.

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka, waxaa toos loogala xiriri karaa cinwaanka kor ku qoran (dhanka midig) ee "Somali Justice Advocacy Center".


Dowladda FKMG ah oo dalbatay in waqti loogu daro mudadada sii joogitaankooda dalka kenya... guji.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 28, 2004

WARARKA KALE::::
K/Afrika:
Afar Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Africa
Pakistan: Labadii Soomaalida ahaa oo la siidaayey
Boosaaso: MDGPL u amba baxay Gobolada Sanaag/Sool
Hindiya: Halgankii Dr. Xareed ee Waxbarashada
Jilib: Guryihii Dawladii Hore oo Dadka Laga Saarayo
Muqdisho: Wareysi uu bixiyay Max’ed Faarax Jimcaale
Wararka oo dhan ka akhri halkan.. Dec 27, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD