SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback | Allah Is Great
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Wararkii maanta: 27/12/2004

Saddex Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Africa:

USA: Hadalkii Safiirkii Maraykanka u fadhiyi jirey Itoobiya::: ENGLISH

Dec 26, 2004: Wararka ka imanaya caasimada Koonfur Afrika ayaa sheegay in saddex dhallin yaro oo Soomaali ah xallay  lagu diley dalkaasi, Waxaana lagu diley goobo ganacsi oo ay halkaas ku lahaayeen.

Saddexdaas dhallinayada ah waxaa magacyadoodu kala yihiin C/Kariim Xulusow, Maxamed Diiriye, iyo Xuseen Maxamed Axmed 'Gurbe" sid ay werisey idaacada Daljir, waxaana warku intaas ku daray in dhallinyaradaasi ay ka soo jeedaan deegaan Hiiraan ee Soomaaliya. Waxaana dilkaas geystey burcad aan la aqoon haybtooda. Warar kale ayaa tibaaxaya in nin afar oo Soomaali ah dalkaasi lagu diley. Afarta nin oo la dileyba waxay ahaayeen ganacsato.

Warkan iyo warkale oo ku saabsan idaacado ku wajahan geeska afrika oo ay soo jeediyeen madax sare oo ka tirsan Maraykanku ka dhegeyso halkan.... [Isha: idaacadaha Wadajir (warka Koonfur Afrika) iyo Xoriyo (warka Idaacadaha)]
[Soomaalida hore loogu lagu laayeye K/Afrika]


Pakistan: Laba nin oo Soomaalida ahaa oo la siidaayey.

Dhawaan ayaa si gooni-gooni ah waxaa xorriyaddoodii loogu soo celshay laba nin oo Soomaali ah oo lakala yiraahdo Sheikh Maxamed iyo Cabdinuur, kadib markii guryahoodii laga baxay horaanta bishii November.

Sheikh Maxamed oo isagu ahaa macalin Jaamacadeed ayaa waxaa lasoo daayey asbuucii tagay horaatiisa, halka Cabdinuur oo ahaa arday jaamicadeed lana soodaayey asbuucaan gudihiisa.

Sheikh maxamed oo ku noolaa waddanka Pakistaan muddo dhan ilaa 14-sano, ayaa markii lasoo daayey isla markiiba u dhoofay waddanka Soomaaliya.

Mar wax laga waydiiyey sababta loo xirtay, dadka xirtay iyo waliba meesha lagu xiray ayey ka gaabsadeen wax faah-faahin ah in ay kabixiyaan.

Arimaha noocaan oo kale ah, oo aanan kuwo kucusbayn umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Pakistaan, ayaa ah kuwo murigo iyo tiiraanyo ku beeray ardada iyo qoosaska Soomaaliyeed ee kunool waddankaan.

W/D Suldaan Nayruus Xaaji Aadan
Karachi-Pakistan
suldaan25@hotmail.com 


Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi oo Saaka u amba baxay Gobolada Sanaag  iyo Sool

Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi

Waxaa Tariikhdu Markay ahay 22-12-2004 sasacaduna ahayd 11: 30 Makhribnimo gaaray magaalada Bosaso Madaxweynah DGPL Maxamed Cabdi Xashi oo dhawaan ka yimi Magaalada Nairobi ee Dalka kenya iyo socdaal uu ku soo maray Dalka Ethiopia Madaxweynaha ayaa ka soo Dagay Magaalada Gaalkacyo oo ah Caasumada Gobolka Mudug kana tirsan Maamulka Puntland, halkaasna ku sugnaa Mudo labo Casho ah Madaxweynaha DGPL oo saxaafada waraysatey ayaa sheegay in uu yahay Musharax Madaxweynaha DGPL ee la filaayo in uu 06-01-2005 ka dhacdo doorashada magaalada Garoowe ee Casumada DGPL. 

Madaxweynaha ayaa u soo Gudbay 20-12-2004 magaalada Garoowe isagoo shir Jaraa,id oo uu ku qabtay Malintii 21-12-2004 ku sheegay in ay jiraan in ay musharaxiintu ka dhawaajiyeen inay ka soo horjeedaan Gudiga Doorashaada iyo Ansaxinta ee dhawaan ay magacaabeen, waxaa Madaxweynuhu Taana uu sheegay in loo dhan yahay oo ay gudigaa ka kooban yihiin Qabaa,ilada oo dhan. 

Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi ayaa intuu u kicitimin Magaalada Boosaaso xilkii kaxayuubiyay Taliyihii Ciidanka Boliska G/Sare Nuur salaad isagoo jagadaa u magacaabay Taliyihii Ka horeeyay Nuur Salaad G/Sare Cabdirizaaq Afgaduud waxaa halmar isla dhawaqay magaalada garoowe isagoo isla maalintii ku xigtay ka soo ambabasax Magaalada una u kicitimay magaalada Boosaaso oo uu sii booqday Magaalooyina Qardho iyo Carmo oo ah labo degmo oo ka kala tirsan Gobolka karkaar iyo Gobolka Bareeda mdaxaweynaha ayaa halakaa ku sii Booqday Iskoolo iyo Xarumo kale oo ka tirsan Maamulaka DGPL. 

GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
Dr. C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman M. Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

Dr. CALI CAYDIID
Dr. Cali Caydiid Xasan: musharax madax-weyene DGPL | Guji...

MDGPL ayaa intuu ku sugnaa Magaalada Boosaaso ka warbixiyay Saafarkiisa Dalka Ethobia iyo Kenya isagoo sheegay in uu yahay Musharax Madaxweynaha DGPL oo hadii uu Qayr u yahay ay doortaan hadii uusan Qayr u ahayn aynan Dooran. 

Madaxweynaha DGPL oo ay noo saamaxday in aan waraysi kala yeelano Nabadgalyada sii xumaanaysa intuu u amaba bixin Magaalada Baran oo ah Caasumada Bariga Sanaag ee DGPL iyo Laascaano oo ah Caasumada Gobolka Sool ee DGPL ayaa ku Jawaabay in ay jiraan Gadood ay Ciidamadu wadaan oo ay ku kaliftay Mushaaro la,aan dhowr bilooda sida kale waa Nabad DGPL. 

MDGPL oo aan waydiinay in socdaalkooda uu yahay mid musharax nimadiisa ah kaliya oo hore aysan u jirin safaro sidaan oo kale ah ugu tagin Goboladaas isaga iyo madaxweynihii ka horeeyay ayaa ku jawaabay waa ay jirtaa in aan hore loogu tagin safaro lakiin madaxweynihii iga horeeyay Col: Cabdulaahi Yuusuf uu in badan ku tagay dhulka Socod lakiin hadana waxaan rabnaa inagoo ka faa,iidaysanayna Fursadaan in aan u kuur galno dhibaatooyinka iyo Faa,iidooyinka ay qabaan dadkeena Reer Puntland. 

Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi Xaashi oo aan waydiinay Sida ay yeelayaan Gudiga ay ka biyo diidsanyihiin Musharaxiinta kale ayaa ku jawaabay: Wadan walba Dowlada xiligaa joogta ayaa samaysa Qabanqaabada Doorashooyinka anagu waxaan leenahay Doorashooyinka ha u dhacaan si Dimoqaraadiyo ah cidii ku guulaysataa ha loo Tahniyadeeyo hana lala shaqeeyo. 

MDGPL oo saka subaxnimadii hore ka amba baxay Magaalada Boosaaso ayaa socodkiisa ku sii mari doona Magaalooyin ay katirsan Gobolda sanaag iyo Sool sida ay noo sheegeen Xubno ka tirsan Madaxtooyada DGPL.

C/fatax Jaamac | somalitalkpl@yahoo.com | Bosaso | Dec 26, 2004

LAASCAANO: Dr. Cali Caydiid Oo Cadeeyey In Uu Isu Soo Taagayo Tartanka Madaxtinnimada Puntland.


Ardayda Soomaalida ee Dalka Hindiya oo Xaflad u Qabtey Dr.Xareed oo Qaatey PHD

Hyderabad-26.December.2004 Xaflad is heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa waxaa lagu Qabtay 19/12/04 Magaladan Hyderabad ee Dalka India, Xafladan oo ay qabsadeen Dhallinyarada Ardayda ah ee Somaliyed ee Ku Nool Dalka India Gaar ahaan Hyderabad ayaa Waxaa Loogu magacdaray, Xaflad Sagootin ah(Fare-well Party), Waxayna Ahayd Mid Lagu sagootinayay Dr Xareed C/laahi Nuur oo Ka qalin Jabiyay Sannadkan Qaatayna Shahaadada Ph D(Agriculture).

Waxaa Xaflada Ka soo qayb galay Arday ka badan 300 oo Somali ah iyo Arday kale oo u Dhalatay Wadamada Djibuti, Sudan, Eretria iyo Yemen.

Xafladan ayaa waxaa Qaban qaabadeeda Gacan weyn ka geystay Ardayda ay ka mid ka yihiin, Saciid Xuseen Ciid, Dhinaca Dhaqaalaha waxaa Xafladan si Weyn uga Taakuleeyay, Axmed Max'ed Nuur(Axmed Barakaat), Osman Xalane, C/Naasir Soleyman iyo Daahir Max'ed Yuusuf(Dhankool).

Waxaa Xaflada oo socotay ku dhowaad Sadex saacadod waxay u Dhacday sidan.

Waxaa ugu Horreyntii Xaflada Furitaankeeda ka dib Muxaadaro Diini ah ka soo jeediyay Sheekh Max'ed C/laahi (BBC) oo ka hadlay ahmiyada ay waxbarashadu leedahay.

Waxaa ku xigay oo isna Khudbad Qiimo leh halkaa ka soo jjeediyay Arday ku hadlayay Magaca Ardayda Dhigata Jaamacada Osmania University oo la yirahdo Max'ed Xaaji Cabaydh, Ka dib markii uu u hambalyeeyay Dr Xareed uu Shegay In Ardayda Cusub Dhibaatada haysata ay ugu weyn tahay iyaga oo aan ka helin Ardayda ka horreysay Wax Caawinaad ah oo la taaban karo isla markaana aan ka helin Information sax ah, ayaa waxay Ardaydii ku wareeraan Subject- gii ay dooran lahaayeen taasina waxay keentaa Ardayda inay Noqdaan kuwa habeenkii oo dhan Online ah Maalintiina kuwa Hurda, Wuxuna Ka codsaday in Ardayda wadanka ku soo Horreyay ay Caawiyaan Ardayda Cusub.

Waxaa Hadana Halkaa hadal ka soo jeedidiyay Arday ku Hadlaayay Magac Ardayda Dhigata Jaamacada Sikkim Manipal, oo la yiraahdo C/razaq Cigaal, wuxuu sheegay Mr. C/razaq inuu si aad ah ula yaabay Dalkan India oo ay ku nol yihiin in ka badan Hal Bilyan o qof oo kala Diin ah kala Dhaqan ah kalana Af ah Isku wada Ujeeda ah oo qof-qof kale Ku xadgudbaya uusan Jirin, balse Anaga oo isku Af, Dhaqan, Diin ah,, tiradeenuna aysan ka badnayn dadka ku nool magaaladan Hyderabad aan Noqon waynay dad isku ujeedo ah, taasoo uu Ku Tilmaamay Mr. C/rizaq Mid aad loga Xumaado.

Waxaa isagana Halkaas khudbo yar oo Qiimo Leh halkaa ka so jediyay Mr. Osman Xalane oo ah Ardayda ka qalin jebisay Shahaadada Master-ka. Xalane wuxuu Sheegay in Marka ay Ardaydu wax barashadooda Dhamaystaan ay ku noqdaan Wadankii sida Dr Xareed oo kale, Waxaa kale uu sheegay Xalane in Ardayda Somaliyed ee Waxbaranaaya ay bartaan Maadada Law(Sharciga) maxaa yeekay ayuu yiri waxaan waayay hal arday oo Somali ah oo baranaaya Maadadaas, sidoo kale waxaa aad u yar ayuu yiri Ardayda Dhigata maadada Enginering.

Waxaa intaa ka dib Halkaas lagu soo bandhigay Barnaamij yar oo Kedis ah oo ay ka Faa'iidaysteen ka soo qayb galayaashii.

Ka dib waxaa gabay yar oo qiimo badan Halkaa ka tiriyay Abwaan Cartan o uu uga Hadlaayay Waxbarashada.

Waxaa isagana halkaa ka hadlay Oday ka mid ah odayaasha Somaliyed ee Halkan wax ka barta o la yiraahdo Nuuradiin Yuusuf wuxuuna Kula dar-daarmay Ardayda Somaliyed inay Ku Dadaalaan Waxbarashada kana gaaraan heerka uu ka gaaray Dr Xareed.

Waxaa Kale oo lagu soo bandhigay xafladaas Dood Cilmiyeed aad loo soo habeeyay oo ay ka qayb qaadanayeen Aqonyahno Somaliyeed.

Sidoo kale waxaa halkaas Khudbad yar oo Baraarujin ah halkaa ka jeediyay Gudomiyaha Kulanka Ardayda Islamka(Tajammuc Dullaab Al-islaami) Sheekh Ibrahim Yemeni oo u Hambalyeeyay Dr Xareed Ilahna Uga Baryay inuu Aqoontiisa ka dhigo mid anfacda.

Ugu Dambaynti Waxaa hadalkii Qaatay Dr Xareed, wuxuu ugu horreyntii u mahadceliyay Ardayda Dhammaan ka soo qayb gashay Xafladan iyo Ardaydii isku so qaban qabiyay xafladaan, waxaa kale oo uu Ardayda Kula Dar-daarmay Inay ku dadaalaan Wax barshadoda oo uu sheegay inaysan ahayn waxabarshadu mid sahlan oo ka Culus yaambada uu Ninka beeralayda ah ku qodanayo Beertiisa maxaa yeelay ayuu yiri Dr-ku Ninka beeralayda ah marka uu beertiisa ka soo Noqdo Duhurkii wuu iska seexdaa lakin Ardaygu Marka uu Ka soo Laabto iskuulka waxaa laga Doonayaa Layli-gii lo so diray inuu ka shaqeeyo Ka dibna uu Akhriyo Duruustii,

Waxaa kale uu sheegay Dr Xareed in uu ku laabanayo dalkii Hooyo, wuxuuna Ka codsaday Ardayda inay u soo duceeyaan Inuu ilaah u fududeeyo safarka Dheer ee uu ku tagaayo wadankii.

Halgankii Dr-ku uu u Soo Maray Waxbarashada.

Dr Xareed wuxuu ku Dhashay Degmada Wajeer Sannadkii 1965.

Dugsiga Hose/Dhexe wuxuu ku dhamaystay Magaalada Kismaayo Sannadkii 1980.

Wuxuu Dugsiga sare ee Beeraha Afgooye ka baxay Sannadkii 1983.

Sannadku markuu ahaa 1989 ka qalin jebiyay Kulliyada Beeraha ee Jaamacada Gahayr.

Wuxuu Shahaada (Master in Agriculture Plant Pathology) ka qaatay Jaamacad Khartuum ee dalka Sudan Sanadkii 1995.

Ugu Dambayntii Wuxuu shahaadada ugu sarraysa ee Ph D ka qaatay Dalka India Magaala Hyderabad jaamacada Raja Agriculture University, Wuxuuna Dr-ku ku Takhasusay Shahaadadiisuna tahay Cudurrada ku Dhaca Dhirta (Ph D Plant Pathology)

Ali Abdullahi Shukri
Hyderabad, India
shariifka@yahoo.co.uk


JILIB: Guriyihii Dawladii Hore oo Dadka laga Saarayo

Waxaa maanta dib oga bilowday magaalada jilib ee gobolka jubada dhexe habsama u socodkii howlahii ganacsiga kadib markay albaabada loo laabay maalmo ka hor

Maanta ayaa waxaa laga arkaayay ayadoo dib loo furay goobahii dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee magaalada jilib ee gobolka jubbada dhexe kadib markii maalmo kahor uu maamulka deegaankaas ku soo rogay ganacsatada canshuuro laga qaadayo dhamaan ganacsatada badeecooyinka kala duwan ku heyesta deegaankaasi.

Canshuurtan ayaa waxaa qaadayay qolooyin isku sheegay in ay wax ka qabanayaan xaalada amaan ee deegaankaasi islamarkaana sheegay in ay yihiin maamulka laga aqoonsanyahay deegaankan sidaa la ajligeedna ay bilabayaan qarashaad yar yar oo lagu taakulayanayo ciidanka amaanka sugaya ee deegaanka.

Hadaba maamulkan ladoonayo in laga hirgaliyo deegaanka jilib ayaa waxa uu qayb ka yahay dadaalo ay wadeen raga madaxda u ah maleeshiyooyinka ku sugan deegaankas islamarkaana gacansaar la leh isbahaysiga dooxada jubba ayadoo ay odayaasha deegaankas taageersanyahiin maamulka ayna ganacsatada ku qasbayaan in ay bixiyaan canshuuraadka laga doonayo.

Ayadoo ay jirto in ilaa iyo iminka ay ka biyo diidanyahiin ganacsatada ku sugan deegaanka jilib in ay bixiyaan canshuurtaas ayna ku sheegeen in ay tahay baad ayagoo sidoo kale sheegay in ay jiraan dadyow ka ganacsada waxyaabo yaryar anana awoodin in ay bixiyaan lacaga canshuurta ah oo gaaraysa 3000 kun maalinkiiba marka laga reebo ganacsada baqaarada hayesta oo ayaga laga doonayo lacag intaa ka badan,

Dhanka kale waxaa lasoo sheegayaa in ay maamulkas ay ka bilaabeen deeegaanka jilib in ay dadka ka saaraan goobahii ay daganayd dowladii hore ayna sheegeen in ay u sii diyaarinyaan dowlada F.D.K.M.G ah ee uu madaxwaynaha ka yahay cabdulaahi yuusuf oo la filayo in dalka laga hirgaliyo kadib marka lasoo doorto golaha wasiirada ay hada socoto ka wada tashiga ku dhawaaqida golaha wasirada dowlada F.D.K.M.G. ah ayna sheegeen ayagu in ay soo dhawaynayaan. 

Faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com


“Soomaalidu wax ay dhisatay ma jiraan mana aysan heshiis” Wareysi uu bixiyay Max’ed Faarax Jimcaale”

“Dagaalka Mudug waxaan u arkaa laba wiil oo uu lagdan- siinayo nin aan dhalin”

Waxaa inoo suuro-gashay inaan xafiiskiisa kula kulanno siyaasiga Soomaaliyeed Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo isagu in muddo ah ku maqnaa madasha uu ka socday shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya, dhawaanna ku soo laabtay dalka, wareysigiina waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal: Waxaad muddo dheer ku maqnayd dalka Kenya adigoo ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyedd  ee halkaas ka socday, haddaba ma  matalaysay, ma magac beeleed ayaad halkaas ku joogtay, qaab caynee ah ayaad ku tagtay halkaas?

Jawaab: Waxaa weeye; waa la iigu yeeray waxaana wax ka waday howlaha shirka Soomaaliyeed ee halkaas ka socday waxaana halkaas igu casumay oo aniga warqad casumaad ah ii soo diray wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya, waxaanan ku tagay qaab siyaasadeed.

Su’aal: Halkaa dowlad ayaa lagu dhisay maadaama aad adigu tahay siyaasi weyn mana  aadan  ka dhex muuqan magacyadii golaha Baarlamaanka iyo kii dowladdii lagu dhawaaqay ee haddana la riday, haddaba hankaagu muxuu yahay?

Jawaab: Waxaan kuu sheegayaa halkaa wixii ka socday ama lagu amaamudayay ma ahayn wax rajo haba yaraatee aniga iga gelinayay, muuqaalkoodana kuma aanan qanci, aniguna waxaan leeyahay Mabda’, mabda’ayguna wuxuu ahaa mid aan ka raalli noqon amaba aan ku qancin wixii halkaas ka socday.

Su’aal: Soomaalidu dastuur ayay sameysatay iyadaa Baarlamaanka xulatay iyadaana Madaxweyne dooratay, sow sidaa maaha?

Jawaab: Dastuurka waa jirtay in loo magacaabay  Guddi Soomaali ah si ay u soo diyaariyaan, balse wixii ay soo diyaariyeen lama qaadan ee wax qoran baa loo keenay; taas ayaana xaqiiqdu tahay.

Su’aal: Ma Soomaalida ayaanan dastuurka sameysan?

Jawaab: Waad og tahay in qodobo dastuurka ka mid ahi ay  qorayaan erayo lagu kala qaybqaybinayo Soomaalida haddii ay noqon lahayn dhaqankooda afkooda iyo diintoodaba, tusaale ahaan; May iyo Maxaa tiri baa lagu qoray, waadna og tahay in rag kirishtaan ah ayaguna ay ku doodayaan Soomaali baan nahay oo aan qarsoonayn oo ka soo qaybgalay shirka iyo wax aysan Soomaalidu dhaqan u lahayn oo la yiraahdo 4 iyo bar oo dadka lagu kala geynayo.

Su’aal: Arrimaha noocaas ah ee aad tilmaa-mayso maxaad talo uga geysan wayday?

Jawaab: Talo gaar ah ma jirin sida la rabo in wax lagu dhiso ama lagu maamulo waxay ahayd wax go’an oo meel yaal cidnana lama weydiinayn sidee idinla tahay iyo sideed wax u aragtaan.

Su’aal: Hadalkaagu wuxuu u eg-yahay in aan wax heshiis ah meesha ka jirin?

Jawaab: Soomaalidu ma heshiis waxna ma dhisan, wax ay isla garteenna ma jirin, waxaan taa ula jeedaa 14-sano, waxaa jiray  dad is dagaalshanaa oo meesha la isugu geeyay, wax yiri heshiiyana ma jirin, iyaguna maanayn heshiis, haddaba wax la mid ah wixii 14-kii sano la dhis-dhisayay ayaa la soo dhisay, balse waddadii heshiisiinta rasmiga ahayd lama marin.

Su’aal: Adigu waxaad ahayd hoggaamiye mid ka mid ah xisbiyada jira, aaway xaguu ku dambeeyay?

Jawaab: Waa jirtaa balse anigu xisbigaa waxaan ka ahay xiriiriye ee kama ihi guddoomiye, guddoomiyahana waxaa lagu dooran doonaa kal-fadhi weyn oo ay isugu yimaadaan dhammaan xubnaha ka tirsan xisbigaas, isaga magaciisa ayaanna shirka uga qaybgalayay.

Su’aal: Sideed u aragtaa dagaallada ka socda Gobolka Mudug?

Jawaab: Waxaan u arkaa laba wiil oo nin aan dhalin uu lagdansiinayo.

Su’aal: Ninkaasi waa kuma?

Jawaab: Waxaan rabaa kuwa dagaallamaya in ay inta is weydiiyaan iyagu gartaan kaddibna ay fahmaan waxa ay ku dagaallamayaan, waxaana qabaa in  aysan jirin wax ay ku dagaallami karaan, waayo waa dad walaalo ah oo dhan walba isaga imaanaya, waxaan u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan gartaanna dantooda.

Su’aal: Mar haddii aadan ku qanacsanayn  Dowladdan, maxay tahay taladaadu?

Jawaab: Anigu waxaan qabaa haddii ay noqoto waxaa la soo dhisay dowlad dalka wax ka qabanaysa, nabadgalyadeeda, siyaasaddeeda iyo dhaqaalaheeda si wadajir ah in loo taageero oo aan loo fiirin qoys iyo waxyaabo kale, hadday noqoto mid aan intaasba wax ka qabanayn waa in si wadajir ah looga soo wada horjeesto oo la raadiyo wixii beddeli lahaa, waxaa iga talo ah yaan reer cidna lagu raacin, cidnana lagu diidin.

Waxaa Wareystay: C/llaahi Sheekh-doon Nageeye

kala xirrir E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Baaq Nabadeed: Sacad iyo Saleebaan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2004


Maraykanka oo Geeska Afrika ka samaynaya Idaacad la hadasha Soomaalida iyo Oromada 

RADIO XORRIYO | 24/12/2004

Qoraalka oo Af Ingiriis ah ka akhri websiteka USA INFO

Safiirrada Maraykanka u fadhiya geeska Afrika ayaa u gudbiyey wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka mashaariic cusub oo isugu jirta barasho dhinaca afafka iyo dhaqanka ah iyo weliba idaacad cusub oo looga gol leeyahay in ay gacan ka geystaan is fahamka bulshada Maraykanka iyo kuwa geeska Afrika. Sidaas waxaa qortay Shabakada wararka ee SBC.

Safiirka lagu magacaabo David Shinn oo horay u fadhiyi jirey safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in qorshahan ay dawladda Maraykanku ka aqbashay dhowaanna ay filayaan in ay ka fuliyaan idaacado ku wajahan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, Jabbuuti iyo mujtamaca Oromada ee Itoobiya oo ah Jinsiyadda hal meel ka soo jeedda ee ugu badan Bariga Afrika.

“waanu ognahay in dhawrkii sano ee la soo dhaafay ay dadka Muslim-ka ahi  dhabarka u jeediyeen Maraykanka, sidaa darteedna waxaan isku deyeynaa in aanu xallino arrintaasi” ayuu yiri Ambassador David Shinn.

Qorshahan waxaa taageeray siyaasiyiin badan oo American ah gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Washington.

Xiisadaha u dhexeeya dadka Muslim-ka ah iyo kuwa aan ahayn, iyo weliba khilaafaadka dadka Islaamka ah dhexdiisa ee ku aaddan aragtiyaha caalamiga ah ayaa noqday halgan weyn oo ka jira dalalka Geeska Afrika ayuu yiri David Shinn.

Wejiga hore ee asaaska idaacad ku hadasha Afafka Soomaaliga iyo Oromada iyo tababarro waxbarasho oo kale oo dheeraad ah ayaa Waxaa ku bixi doona $1,200,000, sida ay sheegeen danjire Vindent Battle iyo agaasimaha hay’adda horumarinta caalamka u qaabilsan dawladda Maraykanka ee USAID.

Maraykanku waxay u arkaan barnaamijkan mid diblomaasiyadeed oo muhiim ah isla markaana gacan ka geysan kara xakamaynta argagixisada.
 


Marwadii  Cigaal oo Cafis u Dalabtay Samsam
Hargeysa:
Kaltuun X. Daahir oo ah marwadii marxuum Cigaal ayaa ka dalbatay Daahir Riyale in Samsam cafis loo.. Guji Dec 26

Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..
Shir xalay lagu qabtay Minneapolis ayaa laga soo jeediyey in...
Guji.. Dec 26

Baaq Nabadeed: Sacad iyo Saleebaan
Nairobi: Shir maanta labada beelood ku dhexmaray Nairobi ayaa laga soo saaray laba guddi iyo saddex qodob
Guji Dec 25

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD