Maxaa Arimaha Soomaaliya Ka Dhigay “Ma
Dhamaato”
Ayadoo sidaan la socono
ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed soo foodsaartay dhowr iyo tobankii sano ee
la soo dhaafay:- Collaado soo noqnoqda oo kala ujeeddo ah. Dhimasho, dhaawac
iyo naafow haleeley boqolaal kun oo qof. Barakac boqolaal kun ugu baydadeen,
ayagoo basan-baas qaba baalaha adduunka, ama bahdoodu meelahay Soomaaliya
ka dagi jirtay u haajirey, bar adduunyo wixii ay dhaqdeena ka faro maran.
Burbur aan aaboyeel
lahayn oo loogaystay hantidii dalka, mid guud iyo mid gaar loo leeyahayba,
qaar faro badana burcadnimo lagu dhacay. Caado laga dhigtay ka been sheegid
iyo in la baal maro shuruucdii bulshada ilbaxa ah xakamayn jiray (diinta
Islaamka, dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalidu lahaan jirtay ama
qawaaniinta madaniga ah ee dowladuhu isku maamulaan iwm).
Baalo-rif ku dhacay
madax dhaqameedyaydii iyo culumadii looga dambeyn jiray bulshada arimeheeda.
Xoogaysi ururo ku dhisan danaysi oo isu kaashada aragti iyo hadaf ay wada
leeyihiin, ayagoon dhag u dhigin rabitaanka iyo fikriga bulshada iyaga ka
badan iskuna qanciya taada wado!
Raadin hanti lagu yeesho
dalka iyo dibadda, ayadoo la qabatimay in xaaraantu aysan xalaasha ka
duwanayn ee lagu fakaro sidii xoolahaas lagu heli lahaa, ama dad ha lahaado
ama ha laga tabco xaalufin badda iyo biriga loo gaysto oo inkaar iyo
cawaaqib xumo laga dhaxlayo.
Hal hayskii dhaxal galka
ahaa, ee haddaaqiisa Soomaalidu caanka ku ahayd sanadihii afartamaadkii
“Soomaaliyey toosoo.. isku tiirsanaada” oo loola jeeday midaynta umadda
Soomaaliyeed ee dunida kaga gaarka ahayd lahaansho af isku mid ah, diin mid
ah (islaam) iyo hal dhaqan-dhaqaale,oo meesha ka baxay,ayna badashay
bulshadii oo ay kala qaybsadeen inteedii badnayd:-
- 1.
Madax jifiyeedyo danaysi loo caleema
saaray
- 2.
Madax diimeed iska hor jeeda.
- 3.
Madax siyaasadeed intooda badani burburkii la kowsaday
- 4.
Hantiilayaal dhawaan soo if baxay oo bur-burka ku
tabcaday oo an la is waydiin meesha xoolahoodu ka soo jeedaan.
- 5.
Qolo loogu yeero madaxda
ururada bulshada.
- 6.
Dalalka caalamka oo
Soomaalida dalba intii u baydaday la hayb noqotay.
Tiro badan oo Soomaali ah
oo isku dayay inay qaataan quruxna bidaan dhaqankii iyo diimihii quruumaha
ay u qaxeen, laakiin si khaldan ugu dhaqmay oo bulshadii dhaqankaas iyo
diintaas lahaa la yaabeen.
In la qabatimay in laga
jeesto oo aan daryeel iyo kutaxaluqid la siin ilihii dhaqaalaha (xoolaha iyo
beeraha) oo dhaqan ahaan nolosha Soomaalidu ku tiirsanaan jirtay, ayadoo
badiba bulshada Soomaaliyeed intii ku howlanaan jirtay; tacabka beeraha ay
noqdeen qaar ku jira xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska ah, qaar badana
dibadda loo daabulayo (12,000) ayaa haatan in la qaado u diyaarah, ayagoo
nolosha dibadda naf biday, halka in badananina ay gobolada nabadda ah ee
Soomaaliya xoogsi u joogaan, ayadoo dhalintii xoogga u lahayd dhaqidda
xooluhu ay ku soo urureen magaallooyinka, ayna qabatimeen balwado iyo nolol
qaabab fool xun lagu raadsho, xoolihiina waayeelka looga soo dhaqaaqay,
taasoo keentay inaad aragto geel ku dabran guryaha miyiga agtooda ciidan
xumo darteen.
In Soomaalida dibadda looga taliyo,
saamaynta shisheeyuhuna lagama gudbaan noqotay. In ku dhow kala bar bulshada
Soomaaliyeed meel ay joogaanba (miyi, magaalo iyo dalka dibaddiisa) oo
qabatimay balwado siyaabo kala duwan halis ugu ah umadda Soomaaliyeed - taas
oo aysan ka badbaadin qayb kasta oo bulshada kamid ah Soo badashada dad
badan oo Soomali ah oo ku faana inay qaateen diin iyo dhaqan kale diyaarna
u ah inay fidiyaan, ayagoo ka faaiidaysanaya inaysan jirin cid si adag uga
hor imaanaysa, waxayna bulshada badankeedu rumaysatay intay waxbarasho iyo
qalin wax ku raadin lahaayeen, nolosha iyo aayaha danbena ku dhisi lahaayeen,
inay ka fududahay in dhaqaale deg deg ah lagu heli karo ,ayadoo qori la
qaato, la abaabulo koox burcad ah, la taageero cid lacag haysata oo dan leh,
dhul lagu habsado, dibad iyo dalshisheeye oo loo hanqaltaago, ayadoo
arimaha aan kor ku soo xusay ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ku habsaday
ummadda soomaaliyeed dhowr iyo tobanka sano ee aan soo dhaafnay, oo ahaa
sanadihii Soomaalidu caanka ku noqotay is dilka, nabad iyo maamul diidka,
dal kacararka, dabargo’a ku dhacay dadka laga tirada badanyahay, duur joogta,
deegaamadda hawdka ahaan jiray oo dhuxul dhoofin darteed dab la qabadsiiyaya,
darxumada iyo daryeel la,aanta ku dhacday diinta iyo dhaqanka dadkeenii
hore.
Beenku doodka iyo duudsiga xaqa iyo
diidmada dareenka dadka waxgaradka ah iyo bulshada inteeda badadan kuwaas oo
daliil kastoo ay keenaan loo dhag raaricin, ayadoo waliba aysan muuqan xal
soo dhow iyo in lagu heshiinkaro, shir kasta oo soomaali isugu timaado waa
lagu kala tagaa iyadoo bulsha weynta soomaaliyeed aanan waxba loo qaban,
tusaale ahaan:- Dowladii carta lagu soo dhisay oo uu madax ka ahaa Abdi
Qasim Salad Hassan, maxay dadka iyo dalka Somalia u qabatay, wuxuu shirkii
carta u muuqday mid isugu yimaaday shacab kaliya oo waliba ay u badnaayeen
Somaalidii dibada ku nooleed, waxase lataaban karaa in hal hogaamiye kooxeed
laga waaye shirkaas, marka shir kasta oo loo qabto Soomaalida waxay
hogaamiyaasha siyaasada qaarkood is waydiiyaan marka horeba!
- Yaa shirkan qaban qabanqaabinaya
ama lug ku leh?
- Ujeedooyinka laga leeyahay maxay
yihiin?
- Shirku danahayga ma
taageersanyahay mise waa ku lid?
- Ra’yigayga dantaydu ku jirto
shirku ma soo dhawaynayaa mise waa ka kor imaanayaa .
- Dadka shirka ugu cod badan awal
ma isku dhinac baan ka ahayn arimaha soomaliya mise kala aragti.
Waaya aragnimadii aan ka dhaxalnay
shirarkii badnaa ee loo qabtay xal u helida dhibta dalkeena ka taagan dhowr
iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxay ina tusaysaa in hada
jawaabaha su’aalaha kor ku qoran koxaha qaarkood ula muuqdaan kuwo aan
iyaga qancin, kana biya diidaan shirarka islamarkaasna tuhunka ka qaada sida
wax u socdaan, kuwaas oo caadaysta inay shirka marna ka baxaan marna ku soo
noqdaan oo canbaareeyaan xubnaha shirka mas’uuliyadiisu saaran tahay iyo
cida taageersan, kuna hanjaba inay shirka fashilinayaan haddii aan la qaadan
fikirkooda, iyagoo hadiiba ku baaqa durbaan tumid cusub, raadin xulafaysi
hor leh oo ku dhisan qabiil iyo danno foolxun oo lagu sii kala durkinayo
ummadda soomaaliyeed. Sidaas darteed maadaama sidaan la socono shirka
Soomaalida ugu socday Wadanka Kenya, waxaa 10 October 2004 la lagu dhawaaqay
Dowladii Somalia, loona magacaabay Madaxawaynaha Dowlada Federaalka Somalia,
Abdullah Yusuf Ahmed, waa shirkii ugu horeeye ee hal hogaamiye kooxeed ee
ka dhisan wadanka Somalia aanan ka maqnaan, oo waliba ay ka dhex muuqaan
baarlmaanka dowlada cusub, waxaa mudo kadib dowlada cusubi ay dooratay R/W
cusub ee Somalia Ali Mohammed Ghedi, iyada oo aan wada ogsoonahay dowladii
lasoo dhisay oo waliba aan dibadii kasoo dhamaan wadankiina gaarin ee golaha
baarlamaanku kala laabteen kalsoonidii ay hore usiiyeen, balse dadaal fara
badan oo uu sameeye Madaxwaynaha Somalia Abdullah Yusuf Ahmed iskuna dayay
in uu dib usoo caleemo saaro baarlamaankana ay cod kale u bixiyaan si ay
kalsoonidii hore loo riday loo soo celiyo, Madaxwaynaha waa uu ku guulaystay
arrinkaa, R/W Ali Mohammed Ghedi wuxuu ka dhaartay baarlmaanka hortiisa uuna
ballan ku qaaday in uu dowlada iyo dalka iyo dadka soomaaliyeed uu si daacad
ah ula shaqayn doono, balse aysan ku wada qancin kooxaha shirka loo qabtay,
go’aankooduna noqdo inaysan raali ka noqon si yaabaha aan kor ku xusay
dartood, xal iyo heshiis loo dhan yahayna ay adagtahay in la helo, ayaa
waxay u muuqataa in arimaha Soomaaliya ay markasta noqoto ‘madha maato’
WQ.
Ismail Mahmoud
Dubai – United Arab Emirates
Ismoma114@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004
»DACWADA
CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii
2004 & Qarniga (Samsam Yarey) Cabdi
»"Digniin
ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" |
C/rashid
»Riyadii
Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta
Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida
dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA
NOLOSHA DHULKA [Mohamed A.]
»Nelson
Mandel: Madaxdii Adduunka:
Qarniyada 20aad & 21aad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|