SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARQAD FURAN
Daabaco Boggan | Print


Somali Concern Group
www.somaliconcern.org

WARQAD FURAN 

Ku: Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed, Madaxweynaha DKFS
Ku: Mudane Ali Mohamed Gedi, Ra’iisal wasaaraha DKFS
Ku: Mudane Sharif Hassan Sh. Adan, Guddoomiyaha Baarlamaanka DKFS.

 25ka December 2004

Mudanayaal, 

Ururka Somali Concern Group si aad iyo aad ah ayuu uga murugeysan yahay xaaladda uu waddanka maanta ku sugan yahay, welwelka aan qabno darteed ayaan u aragnay inay ku habboon tahay inaan warqad furan idiin soo gudbino taasoo aan ku caddeynayno welwelkayaga.  

Sidaan horeyba 21kii November 2004 talooyin ugu soo jeedinay dowladda, ayaan mar walba diyaar ugu nahay inaan ugu soo jeesanno sidii loo horumarin lahaa waddanka, looguna howlgeli lahaa wax qabad dhab ah oo wax tar u leh shacabka Soomaaliyeed. Waxaad ogaataan inaad mas’uuliyad culus aad u qaaddeen shacabka Soomaaliyeed, ha yeeshee aad moodo in shakiyo badan ay soo baxayaan maalinba maalinta ka danbeysa.  

Waxaa muhiim ah inaad noqotaan shaqsiyaad dhowra sharciga, illaaliya hantida ummadda soomaaliyeed. Mas’uul waa kan danta gaarka ah ka horumariya tan guud, isla markaana ogaada rabitaanka shacabkiisa. Waxaad maanta heysataan fursad qaalli ah oo aad dhabaha saxda ah ku qaadaan idinkoon u qaraabo kiilin dano gaar ah. Mas’uul waa kan dadka dhibka ka saara oo u horseeda dhabbo suuban oo ku dayasho mudan.

EXECUTIVE SUMMARY AND RECOMMENDATIONS


PDF Format | MS-Word format

Maalintii 21kii December, hayadda caalamiga ah ee la yiraahdo International Crisis Group (ICG) waxey soo saareen warbixin muhiim ah oo la magac baxday “Somalia: Continuation of War by Other Means?” oo ay ku soo jeediyeen talooyin macquul ah oo muhiim u ah waddanka, sidaas daraadeed waxaan jeclaan laheyn in xubnaha baarlamaanka ay ka doodaan oo tallooyin muhiim ah ka soo saaraan. SCG waxey aaminsanyihiin in nuqulkan uusan wada saxsaneyn, ha yeeshee talo soo jeedintooda ay macquul tahay una aragno fursad xukuumadda iyo baarlamaankaba bilow ugu noqota doodooda.  

SCG waxey idinkula talineysaa inaad tallooyinkii aan horey idiinkugu soo jeedinayna aad tixgelisaan, lana timaadaan horseed cusub oo waxtar shacabka u leh. Mas’uuliyiinta dowladda ee la dooranayo waa in lagu saleeyaa aqoon, karti, waayo aragnimo shaqo, lalana xisaabtamo. SCG waxey talo ku soo jeedineysaa in sharciga loo dhowro sida uu yahay oo aan markii larabana laga faa’iideysan. Ogaada in ummaddu ay idin wada fiirsaneyso oo noqda kuwii isku kalsoonaada oo shacabka soomaaliyeed siiya mudnaanta koowaad.  

SCG waxey talo ku soo jeedineysaa in barnaamijka dowladda uu noqdo mid shaqsi walba oo soomaali ah uu heli karo, si xisaabtanku u noqdo mid loo wada jeedo. Sidoo kale xildhibaanada marka ay doodayaan waa inay si cilmiyeysan oo sharciga waafaqsan u fuliyaan howlaha horyaalla, ogaadana aragtiyaha lagu kala duwan yahay waa faa’iidada horumarka. Xildhibaanadu waa iney la yimaadaan firfircooni dheeraad ah oo ay danta guud ka horumariyaan danta gaarka ah. Dhamaan xildhibaanada waa in tababarro joogta ah loo fidiyaa si habsami u socodka howlahoodu uu ugu fududaado.  

SCG waxey jeclaan laheyd dowladda iyo baarlamaanka oo waddanka gudihiisa taga sida ugu dhaqsiyaha badan iyagoo gacmaha iswada heysta. Sidoo kale waa inaad Somalida dibedda joogta aad ka codsataan inay waddanka dib u dhiskiisa iyo horumarkiisa ay kaalintooda uga aadan ka qaataan. Sidoo kale shacabka soomaaliyeed ee gudaha jooga waa inaad si dhab ah oo kal iyo laab ah ula hadashaan una caddeysaan inaad iyaga u shaqeyneysaan, kana codsataan wada shaqeyn dhab ah. Waxaan aaminsanahay in shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay kaalin firfircoon ka qaadan karaan dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska waddanka. 

Mudanayaal, waxaan idiin rajeyneynaa inaad xilkiina u gudataan si dhab ah oo aad fulisaan dhaarta aad u dhaarateen xilka. SCG waxey idiin rajeyneysaa in EEBBE idinku garab galo howshiina, ogaadana waxaan ugu horreynaa hay’adaha ama shaqsiyaadka idin la xisaabtami doono. 

Mahadsanidiin 

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Chairperson of Somali Concern Group
somali@somaliconcern.org

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD