SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Denmark
Daabaco Boggan | Print


Nolosha Soomaalida kunool Denmark 
 
Soomaalida ku nool dalka denmark oo horay qiyastoodu ay u ahayd 17,400 ayaa sanadahan danbe ay aad usoo yaraanaysaa iyadoo sabab looga dhigayo in dadka Soomaalidu ay u guuraan intooda badan dalka Britain, waloow ay jiraan tiro yar oo qoysas u guura dalal kale.
 
Soomaalidu waxaa ay guud ahaan daganyihiin caasimadda dalkan ee Copenhagen iyo magaalooyinka kale ee Arhus iyo Odense, waxaana haysata dhibaatooyin dhaqan-dhaqaale iyo kuwo la xiriira dhaqanka guud ee dalka ay ku noolyihiin, waxaa soomaalida ku nool dalkan marka aad waydiiso sababta keentay in ay noqdaan reer-guuraa ay ii sheegeen in ay jiraan dhibaatooyin guud ahaan ka haysta nolosha. 
 
Cunista qaadka iyo dhibaatooyinkiisa.
 
Cabdulaahi Aden Cali oo kamid ah masuuliyiinta Idaacadda Somali Radio Copenhagen waxaa uu iigu waramay in dhibatooyinka ugu badan ee soomaalida haysta uu kamid yahay jaadka oo laga mamnuucay dalkan , waxaana jaadku uu keenay dhibaatooyin in qofku uu noqdo ma shaqyste iyo in qoysaska wada nool ay kala tagaan.
 
Odense waxaa ay kamid tahay meelaha inta badan booliska dalkan uu ka codsado Soomaalidu in ay ka caawiyaan sidii loo cidhib tiri lahaa cunidda qaadka oo dhibaatooyin sidii qofku uu ku fahmi lahaa nolosha iyo dadka uu ku dhex noolyahay.
 
horay waxaa ay dawladda dalkan u sheegtay in ay wax ka qabanayso sidoo talaabooyin looga qaadi lahaa kooxaha muqayiliinta ah iyo goobaha lagu cuno ama lagaga ganacsado , wasiirka arimaha qaxootiga iyo shisheeyaha Denmark Bertal Haarden waxaa uu dhowr jeer u sheegay dadka Soomaalida ah in ay talaabo ka qaadayaan ka hortagida cunidda Qaadka.  
 
Warbixin kooban oo ku saabsan Denmark.
 
Denmark waxaa uu kamid yahay dalalka la isku yiraahdo Scandinavia, waxaana uu ku yaalaa Woqooyiga qaaradda Yurub waxaa uu xuduud la wadaagaa dalalka Jarmalka iyo Sweden oo iyaguna kamid ah dalalka ay ku noolyihiin dadka Soomaalida ah oo xiliyo kala duwan soo galay guud ahaan Yurub.
 
Dhulka waxaa qiyastiisu ay tahay 43,094 sq km , iyadoo 700 sq km oo kamid ah ay tahay biyo, waxaa dalkan ku nool sida lagu sheegay warbixinta CIA World Factbook dhowr sano ka hor dad gaaraya 5,352,815. waxaana dadku ay ku hadlaan Danish.
 
Dadyoowga aan dalka u dhalan ee ku nool dalkan denmark (Ethnic groups) waxaa ka mid ah Soomaalida,Turkida iyo Iraaniyiinta.
 

Ridwaan Haji - Copenhagen, Denmark.

24.12.2004. | ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2004


Caaqil "Cali Waraabe" oo Geeriyoodey
Hargeysa: Bahda SomaliTalk waxay u tacsiyaynayaan Eng. Faysal Cali Waraabe oo aabihiis geeriyoodey..
Guji.. Dec 24

Dhahar oo Sharci Kasoo Saartay Xaalufinta
Dhahar:  
Baabuurkii sida Dhuxul ama Caws waxaa la ganaaxayaa 6,000,000/= oo shillin Soomaali ah.. Guji Dec 24

Xabbad Joojin Beelaha  Yintaar iyo Hubeyr
Atlanta: Baaq ay soo saareen odayaasha iyo waxgaradka  Digil & Mirifle ee ku nool gobolka Georgia ayaa
Guji Dec 24

Ammaanka Kismaayo oo Faraha kasii Baxaya
Kismaayo: Waxaa baaq dedged ah Kismaayo kasoo saaray dalada ku bahowdey Jubbo oo.. Guji Dec 23

Baarlamaanka  oo ogolaaday in Prof Geeddi
Nairobi: Xildhibaanada Baarlamaanka DKM ayaa codkooda ku ansixiyey Prof. Cali Maxamed Geeddi.. Guji.. Dec 23

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Abwaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD