SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OGADEN
Daabaco Boggan | Print


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Siyaasi sare oo katirsan Dawlada Kenya oo eedayn usoo jeediyay wadanka Itoobiya.
  • 30 ka mid ah ciidamada Itoobiya oo 7 kamid ahi saraakiil yihiin oo isu dhiibay Wadanka Kenya.
  • Maraykanka oo Geeska Afrika ka samaynaya Idaacad la hadasha Soomaalida iyo Oromada.
  • Ururka caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka oo xaalada Soomaaliya ka deeyriyay.
  • Barnaamujkii sheeko halgan oo aan caawa ku soo qaadan doono maamule mashruuc oo ay ciidamada Itoobiya u diideen in uu ka hir galiyo gobolkii uu mashaariicda ka fulin lahaa iyo suugaan halgameed.

Siyaasi sare oo katirsan Dawlada Kenya oo eedayn usoo jeediyay wadanka Itoobiya. 

Faragalinta Siyaasadeed iyo tan milateri ee ay Itoobiya ku hayso arimaha gudaha ee Somaliya oo ahayd mid marba marka kadambeysa isa soo taraysay ayaa waxaa si isdaba joog ah usoo kordhasay cabashooyinka iyo baaqyada kusaabsan faragalinta caddaanka ah ee ay ku hayso arimaha gudaha ee Somaliya. 

Xoghayaha guud ee Xisbiga Ford ee dalka Kenya Farax Macalin oo ah Siyaasi caan ah, ayaa 21kii bishan aan kujiro ee December. ku eedeeyay xukuumada Itoobiya in ay faragalin aan loo dulqaadan karin ku hayso arimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya iyo Raisul-wasaaraha uu magacaabay labaduba ay uqafaalan yihiin Itoobiya oo xabad dhafoorkaga ka haysa, wuxuuna sheegay in Madaxweyne kasta oo Somaliya loo dhiibo uusan lahaan doonin awood uu ku gaadho go,aan madax banaan ilaa ay bulshada Caalamku wax ka qabato Faragalinta ay Itoobiya kuhayso Soomaaliya. Mr. Farax Macalin wuxuu kaloo sheegay in Dhiblomaasiyiinta joogta Kenya iyo wadamada IGAD ay labaduba ogyihiin Faragalinta Itoobiya ay ku hayso Somalia,  Farax Macalin ayaa eedayntaas ugu gudbiyay BBC da hab qoraal ah iyo waraysi labaduba. 

Ma,aha markii ugu horaysay ee Itoobiya loo soo jeediyo eedaymaha ku saabsan Faragalinta ay ku hayso arimaha gudaha ee Soomaaliya. Waxaana horaan cabasho midaas la mid ah u soo jeediyay Raisul-wasaarihii hore ee DKM ahayd ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Jabouti mudane Cali Khalif Galaydh 

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa si cad uga sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay in ay faragalin Militer iyo mid siyaasadeedba ay ku hayso xukuumada Itoobiya, waxaa sidoo kale Cabasho taas lamid ah ugudbiyay Urur goboleedka IGAD iyo Ururka Midoowga Africa, kan Jaamacada Carabta iyo bulshada Caalamka, Madaxweynihii hore ee Xukuumadii

lagu soo dhisay Carta Mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan oo sheegay in aysan Itoobiya marna kabaaqsanaynin in ay hor istaagto Dawlad ka dhalata Soomaaliya. Waxaa Arintaa markale Cadeeyay Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi, oo isna sheegay kadib markii uu

xukunka kadagay in aysan Itoobiya iyo Kenya daacad ka ahayn in Soomaaliyaa loo dhiso Dawlad. 

30 ka mid ah ciidamada Itoobiya oo 7 kamid ahi saraakiil yihiin oo galay Wadanka Kenya. 

30 Askari oo ka tirsan ciidanka gumaysiga Itoobiya 7 kamid ahna ay saraakiil yihiin ayaa isu dhiibay ciidamada Booliska ee wadanka Kenya. Askartan ayaa waxay sheegeen in ay ka mid ahaayeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduuda ay Itoobiya la wadaagto wadanka Eritrea. 

Ciidamadan soo baxsaday ayaa sheegay in ay naftooda la soo baxsadeen kadib markay ogaadeen in ay xukumada Itoobiya mar kale isu diyaarinayso dagaal ay ku qaado wadanka ay dariska yihiin ee Eritrea oo dagaal uu dhaxmaray sanadihii 1998-2000. 

Maha markii ugu horeeysay ee ay ciidamo Itoobiyaan ah iska dhiibaan wadamada dariska la ah xukuumada gumaysiga Itoobiya, waxaana labadii bilood ee la soo dhaafay wadamada Itoobiya dariska la  ah iska dhiibay in ka badan 120 Askari.  

Dhinaca kale, 3 ruux oo shacab ah  una dhashay wadanka Kenya ayay ciidamada Itoobiya ka afduubeen dhinaca gudaha dalka Kenya,sadexdaa qof ayaa waxaa ka mid ah nin caaqil oo deegaankaas aad looga yaqaano,ciidamada itoobiyaanka ah ee afduubey dadkaas ayaa diiday inay siidaayaan,lamana oga ilaa hadda  sababta dhabta ah  ee ay u qafasheen una diideen inay siidaayaan. 

Maraykanka oo Geeska Afrika ka samaynaya Idaacad la hadasha Soomaalida iyo Oromada 

Safiirrada Maraykanka u fadhiya geeska Afrika ayaa u gudbiyey wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka mashaariic cusub oo isugu jirta barasho dhinaca afafka iyo dhaqanka ah iyo weliba idaacad cusub oo looga gol leeyahay in ay gacan ka geystaan is fahamka bulshada Maraykanka iyo kuwa geeska Afrika. Sidaas waxaa qortay Shabakada wararka ee SBC.

Safiirka lagu magacaabo David Shinn oo horay u fadhiyi jirey safaaradda Maraykanka ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in qorshahan ay dawladda Maraykanku ka aqbashay dhowaanna ay filayaan in ay ka fuliyaan idaacado ku wajahan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, Jabbuuti iyo mujtamaca Oromada ee Itoobiya oo ah Jinsiyadda hal meel ka soo jeedda ee ugu badan Bariga Afrika.

“waanu ognahay in dhawrkii sano ee la soo dhaafay ay dadka Muslim-ka ahi  dhabarka u jeediyeen Maraykanka, sidaa darteedna waxaan isku deyeynaa in aanu xallino arrintaasi” ayuu yiri Ambassador David Shinn.

Qorshahan waxaa taageeray siyaasiyiin badan oo American ah gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Washington.

Xiisadaha u dhexeeya dadka Muslim-ka ah iyo kuwa aan ahayn, iyo weliba khilaafaadka dadka Islaamka ah dhexdiisa ee ku aaddan aragtiyaha caalamiga ah ayaa noqday halgan weyn oo ka jira dalalka Geeska Afrika ayuu yiri David Shinn.

Wejiga hore ee asaaska idaacad ku hadasha Afafka Soomaaliga iyo Oromada iyo tababarro waxbarasho oo kale oo dheeraad ah ayaa Waxaa ku bixi doona $1,200,000, sida ay sheegeen danjire Vindent Battle iyo agaasimaha hay’adda horumarinta caalamka u qaabilsan dawladda Maraykanka ee USAID.

Maraykanku waxay u arkaan barnaamijkan mid diblomaasiyadeed oo muhiim ah isla markaana gacan ka geysan kara xakamaynta argagixisada.
 

Ururka caalamiga ee xalinta khilaafaadka oo xaalada Soomaaliya ka deeyriyay. 

Warbixin cusub oo uu soo saaray ururka caalamiga ee xalinta khilaafaadka ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo IGC ayaa lagu sheegay in hanaanka nabada Soomaaliya uu qarka u saaran yahay inuu burburo, wadanka Soomaaliyana uu galo xaalad fowdo oo aad u daran.

Ururkan oo warbixintiisa soo saaray 21.12.2004, ayaa ku tilmaamay hanaanka nabada Soomaaliya mid aad u jilicsan, isla markaana loo baahan yahay midnimo qaran oo dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo.

Ururkan oo fadhigiisu yahay magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa sheegay inkastoo ay Soomaaliya u dhalatay dowlad ku meelgaadh ah bishii October ee sanadkan, hadana marka la eego hanaanka nabada waa mid aad u dabecsan oo aan cago adag ku taagneyn.

Ururka IGC wuxuu sheegay in dowlada FKMG aanay sameyn dadaal dhab ah oo dhaqangelin kara arrimaha dib u heshiisiinta gudaha dalka Soomaaliya, waxaana jira buu yidhi Ururku horumar aad u yar oo laga gaaray dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in ay wali jirto kala qeybsanaan xaga siyaasada ah oo ka jirta gudaha dalka Soomaaliya, dhul Soomaaliyeed oo weli la haysto iyo xadgudubyo lagu hayo xayiraada xaga hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya. 

24.12.2004

C/Nuur Sh.Mohamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Fikrada Warkan waxaa leh radio xoriyo

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD