SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DHAHAR
Daabaco Boggan | Print


GOBOLKA SANAAG | DEGMADA DHAHAR

Uj:Baaq la dagaalanka Xaalufka iyo Nabaadguurka

  • Gudoomiyaha Gudiga Badbaadinta degaanka ee Degmada Dhahar
    Sahal Maxamed Jaamac | ismacil1@hotmail.com | 23/12/2004


Anagoo ah Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanada, Ururada Dhaliinyarada, Ururada Haweenka, Culumaa'udiinka iyo dhamaan Bulsho waynta ku dhaqan degmada Dhahar ,waxaan ugu baaqaynaa oo ogeysiinaynaa dadwaynaha ku dhaqan degmada Dhahar iyo dhamaan Gobolada iyo degmooyinka deriska la ah degmada Dhahar in si rasmi ah loogu dhawaaqay joojinta xaalufinta degmada Dhahar Sida:

  • Dhuxusha
  • Jarida Cawska
  • Iyo deegaamaynta cusub

Kadib markay muuqatay ama soo ifbaxday dhibaatada laxaadka leh ee loo geeysanayey degaanka ilaa 14sano muddadii burburka ah ,waxaa lagama maarmaan noqotay inla hambo qabto lana badbaadiyo degaanka .Isla mar ahaantaa waxaan ka codsanaynaa shacabka ku dhaqan Goboladan aan walaalaha nahay ee degaanka deriska la ah degmada Dhahar inay xaqdhawraan ilaaliyaana go’aanka ay degmadu qaadatay ,kaasoo ah sidan hoos ku qoran:

  • Inaan laga shidi Karin dhuxul degaanka.
  • Inaan laga jari Karin Caws degaanka
  • Inaan laga aasaasi Karin Berkado ,Beero iyo Tuulooyin cusub.

Goáankani wuxuu dhaqan gelayaa laga bilaabo 02/01/2005 . Muddadaas marka laga bilaabo ciddii lagu qabto qodobadan kor ku qoran waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan oo ganaax iyo xarigba leh kana kooban sidan hoosku qoran:

1. Baabuurkii sida Dhuxul ama Caws waxaa la ganaaxayaa qabashada kowaad halkii Tan hal malyan ,hadba tanka Baabuurku intuu yahay ,hadduu yahay B/buurku lix tan waxaa laganaaxayaa 6,000,000/= lix malyan oo shillin somaali ah.. Qabashada labaad halkii tan 3,000,000/= sadex malyan oo shillin soomaali ah. Qabashada sadexaad waa la lawareegayaa ama gubis gaadiidka lagu qabto Xaalufinta dhulka.

2. Ciddii lagu qabto fal goyn ama gubis ah waxay la kulmi doontaa Ciqaab isugu jirta xarig iyo ganaax lacageed .

Gudoomiyaha Gudiga Badbaadinta degaanka ee Degmada Dhahar
Sahal Maxamed Jaamac
ismacil1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD