SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Daabaco Boggan | Print


"Xaaladda Ammaan ee Kismaayo oo Faraha kasii baxaysa" Baaq dededg ah
  • Waxa uu baaq xoogan oo loo soo jeedinayo maamulka isbahaysiga dooxada jubba uu ka soo baxay saakay ururada bulshada ee ku bahoobay dalada jubbonet ee magaalada kismaayo, baaqaas oo ku saabasanaa in si degdeg ah wax looga qabto xaalada amaan ee faraha ka sii baxaysa ee magaalada kismaayo

faysal xaaji siyaad muumin
faysalsiyaad@hotmail.com
SomaliTalk | kismaayo soomaaliya

Dec 23, 2004

Kulankan ballaaran ay saakay ku yeesheen xarunta unitrain community college ururada bulshada rayidka ah ee ku bahoobay dalada jubbo net ayaa waxay ka soo saareen kulankoodaas baaq xoogan oo si dagdag ah wax looga qabanayo xaalada faraha ka sii baxaysa ee ka jirta magaalda kismaayo.

Baaqan wax looga qabanayo xaalada murugsan ee magaalada kismaayo ayaa ururada bulshada waxa ay u soo jeediyeen masuuliyiinta iyo madaxda isbahaysiga dooxada jubba ee ka arimiya gobolada jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaayo ayagoo sheegay in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay sii badanayeen falalka dilka dhaca afduubka ee loo gaysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada kismaayo.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay sii badatay tirada isbaarooyinka ay dhigteen maleeshiyooyinka hubaysan ee sheegaya in ay ka gadoodsanyahiin hab maamulka ay ola dhaqmaan madaxda isbahaysiga dooxada jubba ayadoo ay indhahaagu qabanayaan marka aad dhex maraysid laamiga magaalada baabuurta xamuulka ah ee dhuxusha u daabula dakada oo saf ku jira bartamaha laamiga ay hortaalo isbaaro ay dhigteen maleeshiyooyinka caraysan ee isbahaysiga.

Ayadoo sidoo kale ay baabuurta loo yaqaano BL-ka ay dhexmushaaxayaan dariiqyada iyo jidcadayaasha yaryarka ah ee dhexmara xaafadaha dhexdooda taasina ay qayb lixaad leh ka tahay qaska iyo fowdada sii laba lixaad satay ee ka jirta magaalada kismaayo.

Dhanka kale waxaa maantay soo gabagaboobay olole talaal oo lagu dabar goynayo cudurada dilaayaasha ah oo ay ka midka yahiin dabaysha oo mudo afar maalmood ah ka socday dhowor iyo sodon tuulo oo ku xeeran degmada jilib ee gobolka jubada dhexe.

Ololahan ayaa waxaa waday hay'ada MSF ee ka howl gasha gobolkaas ayadoo ay hawlahan fulinayeen shan iyo todobaatan shaqaale oo loo carbiyeeyay fulinta howshan talaal ee la doonayo in lagu dabar gooyo cudurada ay ka  midka yahiin dabaysha iyo xiiqdheerta iyo cudurada kale ee halista ah. 

faysal xaaji siyaad muumin
kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2004

Baarlamaanka Soomaaliya  oo ogolaaday in Prof Geeddi
Xildhibaanada Baarlamaanka DKM ayaa codkooda ku ansixiyey Prof. Cali Maxamed Geedi in uu noqdo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, waxayna ku ogolaadeen codad dhan Guji.. Dec 23

Wararkii Dec 22:::
Nairobi: Madaxweynaha JFS oo casumey Xildhibaanada
Berbera: Shil gaari oo ay ku dhinteen cuqaal reer Burco ah
Baydhabo: "Ciidamo ayaa weerar nagu soo haya" Saransoor
Muqdisho: Dagaalkii G/dhexe oo ku faafay kilinka shanaad
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD