SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa  maanta ogolaaday in Prof Cali Maxamed Geedi Shanta Sanoo ee fooda nagu soo haysa Noqdo Raysulwasaaraha Soomaaliya

Nairobi (SomaliTalk.com): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalsoonida rasmiga ah ugu ogolaaday in uu noqdo raysul wasaaraha Soomaaliya Shanta sano ee fooda nagu soo haysa Prof Cali Maxamed Geedi, waxana uu helay cod gaaray 229 Xidhibaan oo iyagu codka hal dheerida ah ugu gacan taagay, 24 Xidhibaan way ka aamuseen iyadoo 6 Codna gaashaanka ku dhuftay kal sooni siina Mudana Cali Maxamed Geedi. 

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay 259 Xidhibaan waxaana ku doominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh. Xasan Sh Adan, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad Cusmaan Cilmi Boqore. 

Waxaa kulkankan Joogay Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Diblumasiyiin ka-kala socada Besha caalamka, IPF, IGAD, Jaamacada Carabta, Midoowga Yurub, Midoowga Afrika ,Danjiraha Doowlada Kenya u qaabilsan Shirka Soomaalida Kipligat iyo Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Afay. 

Kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh. Xasan Sh Adan oo isagu sheegay ugu horaynba Salaan isaga oo u jeedinayay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Xibnaha Baarlamaanka Soomaaliya. 

Sh. Xasan Sh Adan waxa uu sheegay oo sharaxaad ka bixiyay kulanka maanta iyo waxa uu ku saabsanyahay isagoo sheegay kooramka in u dhanyahay ayna joogaan 153 Xidhibaan waxa uuna intaasi raaciyay in ay imaandoonaan. 

Waxa aan maanta halkan u nimid Qodobka 49 oo la soo saxay waxaana la idiin aqrin doonaa Wareegtadii lagu magacaabay Raysulwasaaraha Cusub waxaann idinka codsanayaa in aan arinkaas si dadnimo leh u wajahno, buu yiri, una diyaar garoowno anagoo isku aragti ah oo aan kala aragti ahayn si xurmad iyo dadnimo ku jirto aan isku  dhagaysano waxaana hadda ku soo dhawaynayaa Madaxwaynaha ka dibna waxaa hadalkii qaatay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed isaga oo ku bilaabay Sidan: 


Magacyada Wasiirada DFKMG

Salaan ka dib sidii Gudoomiyaha Baarlamaanku u sheegay fadhigaan fadhigi inoogu xigay ee ka horeeyay oo ku aadanaa 11/12/2004 adinkoo ah baarlamaankii ummadda Soomaaliyeed waxaad gaadheen go'aan aa tiraahdeen Sharcigaa meel looga dhacay qodobka 49aad sidaa daraadeed raysul wasaarihii hore loo soo magacaabay iyo Xukuumadii uu soo dhisay kal soonidii waa kala noqonay qodobkaad Cuskateenwaxa ay ila tahay dadku way haystaan Axdigii waan garaystay anigu waana aqbalay sidaan horay idinkugu sheegay shalayba oo aan is aragnay qaarkiinba codsigiinii ahaa Madaxwaynuhu raysul wasaare dib ha u soo magacaabo. 

Anigu waan ajiibay waana soo magacaabay raysul wasaarihii waxaana soo magacaabay 13/12/2004 bisha aynu hadda ku jirno waa la wadayaqaanaa waa Cali Maxamed Geedi ahna Xildhibaan Baarlamaanka Ka tirsan, Qoraal baan ugu soo gudbiyay (dib u magcaabistiisa), waxa ay ila tahay arintu haday aheed sharciga aan aqbalno anigu waan aqbalay, waana qaatay, shaqsiga markaa ah madaxwaynaha xilka ugu horeeya ee ugu muhiimsan ee laga rabaa waa sharciga in uu raaco in u ilaaliyo isaga naftiisa cidii sharciga jabinaysay in uu ka hor yimaado waa loo baahanyahay, sharci hadaan lagu wada socon hadee xoog iskuma muquunin karno, raysul wasaarihii waan idin hor keenay sidii baarlamaanku soo go aamiyay waa joogaayoo safka horuu fadhiyaa shaqo aad u dirsan lahaydeen idinkoo baarlamaankii dalka ah adinkay idiin taal, waxaana rajaynayaa arintu in ay ahaato sharcigii qaldanaa oo lasaxayay in aysan turxaan danbe iyo dhibaato danbe yeelan. 

Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed

Beesha: Daarood
Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Ali Mohamed Ghedi
Beesha: Hawiye
Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh Adan
Afhayeenka Baarlamaanka Som.
Sharif Hassan Sh. Adan
Beesha:
Digil-Mirifle

Waxaan Mudane Cali Maxamed Geedi ka coodsanayaa hadii wax qoonsimaad ihi jireen ama wax sharciga ku salaysan ama wax qayb ku salaysan in uu ka taxadaro.

Waxaa isaguna goobtaa ka hadlay Prof Cali Maxamed Geedi oo isla goobta kal soonida lagu siiyay lagu dhaariyay isaga oo sheegay in uu soo dhisi doono dowladiisa sida ugu fudud waxaa kaloo uu sheegay in uu samayn doono wada tashi ay ka qaybqaadan doonaan bulshada oo dhan.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi | SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 23, 2004

Wararka Kale....
Nairobi:
Madaxweynaha JFS oo casumey Xildhibaanada
Berbera: Shil gaari oo ay ku dhinteen cuqaal reer Burco ah
Baydhabo: "Ciidamo ayaa weerar nagu soo haya" Saransoor
Muqdisho: Dagaalkii G/dhexe oo ku faafay kilinka shanaad
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD