SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


WARARKA MAANTA: 22/12/2005
  • »Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta marti qaadey xildhibaanada baarlamaanka.
  • » Shil ka Dhacay Wadada Isku Xirta Berbera & Hargeysa
  • » Aaden Saransoor: Ciidamo Itoobiyan iyo Puntland ah ayaa weerar nagu soo haya
  • » Beelihii ku dagaalamayay Gobalada dhexe oo dagaalkoodu ku faafay kilinka shanaad ee itoobiya.

Shil ka Dhacay Wadada Isku Xirta Berbera & Hargeysa oo ay ku dhinteen Odayaal magac weyn kulaa Burco ah

Hargeysa (SomaliTalk.com): Shil baabuur oo maanta (22/12/2004) ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ayaa waxaa ku geeriyoodey laba marxuum oo kamid ah cuqaasha aadka looga yaqaan Burco, kuwaas oo kala ah Marxuum Xasan Faarax Dhuxul "Xasan Khaliif" iyo Marxuum Ibraahim Salaad "Indhacawle".

Labada marxuum waxa ay ka ambabaxeen magaalada Hargeysa waxana ay kusoojeedeen berbera, waxaan gaarigii ay wateen ku qalibmey wadada intii aysan gaarin Berbera, waxaana meydkoodii loo qaaday Berbera. Allah ha u naxariisto.


Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta marti qaadey xildhibaanada baarlamaanka.

HAMBALYO AROOS:::

Anagoo Kalla ah Maxamed Muuse Seeraar Tifatiraha Idaacada Radiowarsan, Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca), Cabdirxmaan Maxamed Adan Koronto, Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan, Imaan Cali Cabdi Jaamac Dharbaaxo Xasan Cali Gurxan Nafiso Nuur Cusmaan, Hodman Cabdi Salaan Ismaaciil, Hibo Cabdi Salaan Ismaaciil ,Faadumo Cabdi Salaan Ismaaciil,Hayaan Cabdi Salaan Ismaaciil,iyo dhamaan Xaasaskooda Ilmahooda iyo Asaxaabtooda oo kalla Jooga Gudaha Soomaaliya iyo Daafaha Dunida waa la isku soo noqon wixii nool aduunyada

Waxaan kalkan hanbalyo Farxad iyo Bogaadin wadata uga diraynaa Arooska iyo Aroosada Boqorada Maryan Cabdi Salaan Ismaaciil iyo Boqorka Cismaan Abshir Muusse, oo dhawaan ku aqal galay Wadanka Norway Oslo waa caasimadee,

Waxaan alaha Awooda Sare leh uga Baryeynaa Wiilal iyo Gabdho Saalixaad ah oo wanaagsan iyagana waxaan u rajaynaynee in ay Noqdaan kuwo Isku Jano Gala oo ku wada waara Wanaag,

Qore: axmeddheere65@hotmail.com

  • Madaxweynaha dowlada faderaalka ee Soomaaliyeed Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa casuumaad u fidiyay xildhibaanada dowlada faderaalka ka tirsan, si uu ugga dhaadhiciyo kalsooni in ay siiyaan Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi Somalitalk

Nairobi (SomaliTalk.com): Madaxweynaha JFS mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed, ayaa marti qaad u sameeyey xubnaha Baarlamaanka jamhuuriyada fadaraaliga ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Kulankaas waxa uu ka dhacey hotel Inter Continental ee ku yaala Magaalada Nairobi, isagoo madaxweynaha doonaya in uu ka dhaadhiciyo in ay ansixiyaan xubnaha Baarlamaanka xukuumada uu soo hor dhigi doono Pro. Cali Maxamed Geedi.

Madaxweynaha DFKMG mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed xiligii uu magacaabayey Ra’iisal Wasaarahan oo ay kalsoonida kala laabteen xubnaha Golaha Baarlamaanka 11-kii bishan, waxuu ka codsadey in ay dib u aqbalaan maadaama ay Soomaaliya ay ku soo jirtey afar iyo toban “14” -sano dhibaato iyo qaxar.

Xubnaha Baarlmaanka ee Soomaliya ayaa ku kala qeybsan aqbalida Pro. Cali Maxamed Geedi, iyadoo lagu wado maalinta barito ah in la horgeeyo Pro Cali Maxamed Geedi xubnaha Baarlmaanka si ay ugga qaataan go’aanka uggu dambeeya oo ah cod bixinta ama diidmada mar kale.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mooda  in jamhuuriyada faderaaliga Soomaaliya ay maal mahaanba ku jirtey jaahwareer siyaasadeed, iyadoo Baarlamaanka Soomaalidu uu gaarey gacan ka hadal kadib markii la sheegay in uu jabiyey axdiga ku meel gaarka ee Soomaaliya.


Aaden Saransoor: Ciidamo Itoobiyan iyo Puntland ah ayaa weerar nagu soo haya

Cabdi xasan Cali Somalitalk/Muqdisho
 abdi172@hotmail.com

Baydhabo (SomaliTalk.com) Waxaa maanta shir jaar'id ku qabtay magaalda Baydhabo Aaden saransoor oo ah ku simaha Xaabsade ee ka mid ah garabyada RRA,waxuuna Shirkaa jaraa'id ku sheegay in ciidan tiradoodu gaarayso 4000 isuguna jira Itoobiyaan iyo Maamul Gobleedka Puntland ay soo wadaan duulaan,kuwaasoo doonaya waa siduu hadalka udigaye inay Cabdullaahi Yuusuf u qabtaan Gobalada Bay iyo Bakool,kadibna uga sii gudbaan Shabelada Hoose iyo Jubbada hoose,waana qorshe lagu gaaray magaalada addisababa ka dib markii rag madax ah ku shireen halkaas ayuu shirkaa jaraaid ku sheegay saransoor.

 
Aaden Saransoor oo hadalkiisa sii wata waxuu sheegay in ciidankaas haddaba ay gudaha Bakool soo galeen oo ay fariisin ka samaysteen Ceel berde oo ku taal xuduudda Soomaliaya iyo Itoobiya,waxuuna sheegaty inay u diyaar garoobayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen waxuu ku tilmaamay ciidanka duulaanka nagu soo wada.
 
Saransoor oo marar badan ku celceliyay inuuna aqoonsanayn dawladda lagu dhisay magaalada Nayrobi ee Cabdullahi yuusuf madexwenaha lagu doortay,waxuuna isbahaysi qarsoon la samaystay Shiikh Yuusuf Indhacadde oo  fadhigiiisu yahay gobalka Sh/hoose iyo waliba Isbahsiga Dooxada Jubba ee ay hogaamiyaan Barre hiiraale iyo Yuusuf Mire Seeraar.Waxaa maalamahan la hadal hayay in ciidan Itoobiyaan ah ay soo fariisteen xuduudaha soomaliaya iyo Itoobiya inkastoo aan la kala hubin inay wataan qorshe ay ku taageerayaan dawladda cusub iyo inay tahay dhaqdhaqaaqoodii ay waligood ka samayn jireen xuduudaha Somaliya iyo Itoobiya.

Beelihii ku dagaalamayay Gobalada dhexe oo dagaalkoodu ku faafay kilinka shanaad ee itoobiya.

 
Muqdisho (SomaliTalk.com): Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Galkacyo iyo Cadaado,waxay sheegayan in dagaal uu ku dhexmaray beelaha Sacad iyo Saleemaan dhul gudaha Itoobiya ka tirsan oo ay wada degaan labaads beelood,sida meesha loo yaqaan Dacdheer iyo Jeexdinta oo ah degaan ku beegan xuduudda Gobalka Mudug iyo Itoobiya. dhulka dagaalku ka socda oo ah dhul isgaarsiintu ku yar tahay ayaa wararka naga soo gaaraya Gaalkacyo iyo cadaado oo labadaas beelood fariisimo u kala ah ayaa xaqiijiyanaya in dagaalo goos goosa uu halkaas ka dhacay ilaa 5 qofna ay ku dhinteen dhawacuna uu ka badan yahay 8 qof.
 
Tan iyo intii labadaas beelood uu dagaalka dadka badani galaaftay socdeen waxaa soo baxayay baaqyo iyo nabadayn ay wadeen odayaal ka tagay Muqdisho oo isku dayay inay xaliyaan mushkilaaadaas.Waxaana lasoo warinayaa in shuruudo adag ay la yimaadeen odayaal ka tirsan mid ka mid ah labada beelood ee dirirtu ka dhaxayso,ayadoo waxgaradkii ka tagay Muqdisho ay hadda ku soo noqdeen Degmada Guriceel oo aan la kala ogayn inay iskaga soo noqonayaan iyo inay udad badsanayaan si loo furdaamiyo ismari waagaas ka dhextaagan labada beelood ee s Sacad iyo Saleemaan.

Cabdi xasan Cali Somalitalk/Muqdisho
 abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2004


Eng. Abshir Muuse oo Booqday Laascaanood
Laascaano: Musharaxa madaxweynaah DGPL, ayaa booqasho ku tegey magaalaad Laascaano, halkaas oo..  Guji.. Dec 20

Baaq Kuwajahan Doorshada Puntland
Kenya: Musharax hore ee madaxweynaha TFSR ayaa bqaa u diray dadka wax dooranaya iyo kuwa la dooranayo.. Guji Dec 20

MDGPL oo ka Warbixiyey Safaradiisii
Galkacyo: Madaxwaynaha DGPL, Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa la shiray maamulka G/Mudug waxana uu..  Guji Dec 20

Shil Gaari oo ka Dhacay Kanada
Edmonton: Waxaa shil gaari ku dhintay labo Soomaali ah, waxaana ku dhaawacmay labo kale...
Guji... Dec 20

Halista HIV/AIDS & Dhallinta soo Koreysa
London: Ururka SIIC oo soo qaban qaabiyay Barnaamij looga hadlay ka hortagga xanuunsidaha HIV/AIDS-ka Guji Dec 20

Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda SL
Hargeysa: baaq ku wajahan Xuquuqda Iinsaanka oo naqdiyey hab-dhaqanka Hay’addaha Garsoorka dalka.. Guji Dec 20

Wareysi Hay'ad NGO Soomaaliyeed
Nairobi: Warasysigii Gudoomiyaha Hay'adda Somlink, Mudane C/qaadir Xuseen Maalin (marshaale)...  Guji.. Dec 20

Wareysi Somalitalk la yeelatay Wardheere
Minneapolis: “Samsam in cafis la weydiisto ayadaa mudan iyo in xaal la siiyo”.. Guji... Dec 20

Abaabul Mudaharaad oo Ka Socda Kismaayo
Kismaayo: Afduub magaalada Kismaayo...
Guji... Dec 19

BOOQO BOGGA: www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD