HAL-KA-HALEEL
Faalladii Rashiid Sh. C/laahi
X. Axmed
Waxaa qoray Maxamed Baashe Xaaji Xasan;
Waa saddex boqol iyo afar bog oo ay ku jiraan sawirro;
Waxa uu leeyahay hal-ku-dhig baadi-sooc ah oo ah
Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa
Waxaa laga soo saaray Bashe publications, lana soo saaray 2004.
* * * * * *
Hal-ka-haleel waa buug uu qoray, soona saaray Maxamed Baashe Xaaji Xasan;
waana buug ku saabsan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Qof ahaan,
suugaan ahaan iyo fikir ahaanba. Nuqul hadiyad ah ayaa i soo gaadhay oo aan
akhriyey, ka dibna waxay ila noqotay fikradahan oo ah kuwii u horreeyey ee
igu dhashay, in aan soo hor-mariyo oo halkan ku soo gudbiyo.
Magaca buugga hal-ku-dhigga u ah oo ah
Hal-Ka-Haleel sansaankiisu wuxuu ku xusuusinayaa
Hal-karaan, diiwaan maanseedkii Hadraawi ee caan-baxay. Hadraawi, malaha
magaca
Hal-karaan
wuxuu uga socday macnaha garo oo intii qof karo; Maxamed Baashena waxa uu
uga jeedaa magaca buuggiisa intii uu ka haleeley mowduuca uu dersayey; waa
sida aan u maleeyey, si kalena way noqon kartaa. Si kastaba ha ahaatee, waxa
aan shaki ku jirin saamaynta weyn ee uu Hadraawi ku leeyahay Maxamed Baashe.
Markaan akhriyey buugga waxaa, hummaag ahaan i hor-yimid oo xusuustayda dib
ugu soo dhacay shakhsiyaddii Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ay muddo, malaha,
toddoba iyo toban sannadood ahi isugu kaayo dambaysay. Maxamed Baashe
waqtigaas wuxuu ahaa nin dhallin-yaro ah; jabhad dagaalyahan ah oo dhimbiilo
dab ahi ka kacakayaan, nin mabda’iisa iyo mowqifkiisa ku adag oo aan laga
loodin karin; wuxuu ahaa nin yar oo aad u dhiirran. Waa nin aan
is-weydiinayo, haddii uu sii joogi lahaa goobihii halganka hubaysani ka
socday tolow maanta ifka ma joogi lahaa oo buuggan hadda i hor-yaallaa ma
qormi lahaa? Sifo kale oo waqtigaa aad uga muuqatay waxay ahayd jacaylka
cilmiga iyo aqoonta; waana ta labadayada sida gaarka ah noo xidhiidhisay.
Maxamed weli waa jabhadkii, waase asagii oo aan dagaalkii hubaysnaa ku
jirin, waayeelnimo iyo waaayo-aragnimona u kordheen.
Hadraawi, fikir, maanso iyo qof ahaanna, waa bad-weyn mug iyo baxaadba aad u
ballaadhan, ha-yeeshee Maxamed geesinnimadii aan ku aqiin buu ugu badheedhay
oo uu ugu babac-dhigay tiisana kaga yool-gaadhay. Badweyntaas ayuu in uu
dabbaal kaga gudbo doonay, kuna dhaqaaqay. Haddii aanu kaga gudbin ma jiro
qof kale oo keli baddaas dabbaal kaga bixi kara, mana jiri doono. Qof waliba
waa ilaa halka uu gaadhi karo. Boqollaal iyo kumannaan sannadood oo soo
socda suugaanta Hadraawi, hadday dunidu sii oolsho, waa laga hadli doonaa,
mana jiri doono qof ereygii u dambeeyey ee Hadraawi laga odhan lahaa
sheegta. Qof kastaa, koox kastaa iyo fac kastaaba tiisa ayuu odhan doonaa,
runta buuxda ee aan dhibici ka maqnaynina Allay la taallaa; qof aadami ahise
inta uu ka haleelaa waa ku-dhawaanshaheeda. Intee tolow Maxamed Baashe u
jirsaday runta shakhsiyadda, fikirka iyo suugaanta Hadraawi? Jawaabtan
lafteedu waxay furaysaa dood aan go'aynin.
Waxa uu Maxamed Baashe maansada Hadraawi ka abbaarayaa gees aan weli cidi ka
marin, marka laga reebo muxaadarooyin Hadraawi leeyahay oo ku saabsan
maansooyinkiisa dambe qaarkood; waa fasiraadda maansada lafteeda. Waxa uu
Maxamed Baashe si weyn isugu hawlay oo uu meel wacan ka gaadhay, in uu
tuducyada maansooyinka uu doortay fasiro oo uu macneeyo. Ha-yeeshee maansada
Hadraawi waa tu ka duwan maanso kasta oo kale oo ay soomaaliyi tirisay.
Waayo maansada Hadraawi kama timaaddo oo qudha shucuurta, ladhka dareenka
laabta iyo qalbiga; waxaa Hadraawi intaaba u dheer oo maansadiisu
walwaalaysaa fikir iyo falsafo gaar ah oo aad ka soo tuujiso, soona
debed-dhigtaa aanay ahayn wax fudud. Taas ayuu Maxamed Baashe geesinnimo ugu
badheedhay meel-durugsanna ka gaadhay. Nacam; Geesinnimo weyn baa ku jirta
in qofnaba ku dhiirradu sharaxa iyo faaqidaadda maansooyinka dambe ee
Hadraawi, kuwaas oo qaddiyadaha fikriga iyo caqiidadu u sal yahiin.
Tixaha qaybta buugga ee uu Maxamed Baashe ula baxay MAANSADA RUN KU SII
DURUGGA AH, kuwa uu ka soo qaadanayo waxaa ka mid,
AF-KU -SIRAN iyo
HAL IYO HALKIIS; waa laba tixood oo Hadraawi si weyn ugu
talax-tagayo fikirka, qiyamta guud-marka lama-taabtaanka ah iyo weliba
arrimaha towxiidka ee rumaynta qalbiga oo qudh ah lagu la xidhiidho, aanayse
qawaaniinta caqliga aadamigu tiigsan karin. Malahayga, tixahan oo kale waxaa
Hadraawi mushkilad ku noqotay oo ay hawl aad u culusi ka qabsatay in uu
arrimaha baaxaddaas leh u helo luqo maanseed uu ku soo gudbiyo; waxay
gayeysiisay - gaar ahaan tixda HAL IYO HALKIIS - in uu luqada lafteeda
jajabsado oo uu baguugaha ka dhigo. Maxamed Baashena xilka uu isa saaray ee
u babac-dhigay waa in uu jajabka dib isugu keeno, isuguna kabo si kale oo
aynu Hadraawi ku fahmi karno. Intee bay isu jiraan sharaxa uu Maxmed Baashe
inaga siiyey tixda HAL IYO HALKIIS iyo luqada uu Hadraawi inoogu soo
gudbiyey? Waa su'aal iyaba dooddeeda yeelan doonta
Maxaa tallow intaas ka badan, oo aan hadda ka idhaahdaa buugga
Hal-ka- Haleel?
Wax badan oo iigu hadhay way jiraan; waase inoo waqti haddii Eebbe idmo.
Qallinkii: Rashiid Sh Cabdillaahi X Axmed
Qoraalkan kla xiriir:
Yaasiin-Suldaan
aftahanc@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004
BOOQO BOGGA:
www.somalitalk.com/samsam/
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|