SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI
Daabaco Boggan | Print


WARAYSI XILDHIBAAN ZAKARIYE MAXAMUD XAAJI CABDI.

SADAX ALIFLEY TIGREE AH SHAX UU DHISAY UMADU YEELI MEYSO DAD ITOOBIYA U SHAQEEYA AYAA LA QORAY.

  • SomaliTalk oo Warastay Xildhibaan Zakariye | Nairobi, Kenya | W/Waraysatay Fahad Yaasiin

Somalitalk: Barlamaanku wuxuu ansixiyey Moooshinkii aad adigu akhriday, waxaana la idinku eedeynayaa in Barlamaanka laftiisu uu galay xadgudubyo xaga sharciga ah, oo ay kamid tahay: In Gudoomiyaha uu mar xiray Barlamaankii, hadana ay dad ka codsadeen inuu wado, iyo dhawr khalad oo kale oo lagu xadgudbay Xeer-hoosaadkii Barlamaanka, marka waxaa la leeyahay go'aan-kiinni fowdo ayuu ahaa. Sideed u aragtaa doodaas?

Zakariye: Bismilaahi: ugu horeyn Gudoomiyuhu kutala-galkiisu ma'ahan inuu shirka xiro ee wixii dhacay ayaa ku khasbay, anaguna waxaan usuurogalinay inuu shirka sii wado, oo nadaamkii soo laabto, shirkiina uu furnaado. Xagga dastuurka wey iska cadayd oo hadaad hada soo qaado waad arkeysaa. Xukuumada iyadaa khilaaftay sharcigii, waxayna damceen iney xoog wax ku wadaan, waxayna ila tahay inaad daawateen cajalkii. Waxayna ahayd dowlad aan la dhaarin oo aan sharciga soo marin, fawadada iyagaa waday.

Somalitalk: Waxaa la leeyahay waxaa jira waxyaaba idiin qarsoonaa oo aad ku diidaneydeen dowlada, sharciga iyo qodobada aad sheegtenna uu idiin noqday xirsi-furyo aad fursad ugu hesheen inaad ku mucaaradaan dowladda?

Zakariye: Arintaas waxba kama jiraan, dadka Soomaaliyed iyo aduunkuna waa u jeeday, siday u dhaqmeen waa la arkayey, wax noo qarsoonna ma jirin, hadaadse leedahay Qulhuwalle hadaad akhrido danbaa kuugu jirto, ama waxbaa kuugu hoos jira, marka waxay ila tahay macal cune waa soo bixi doonaa.

Somalitalk: Waxaa la ogaa in adiga iyo Madaxwenaha aad iska soo horjeedeen, waa dhawaydna safar ayaad u raacday, iyadoo loo fasiray inaad is fahamteen, laakiin goortii aad Moshiinkii wax ka abaabushay waxaa la leeyahay mar labaad ayey isku dhaceen hadana, hadaba muxuu yahay isku dhiciinaan danbe?

Zakariye: Hadii xeerka la ilaaliyo ma isku dhacbaa, Madaxwenaha iskuma aynan dhicin. Annagu dhaar ayaan marnay oo ah inaan ilaalinno sharciga iyo dastuurka, qaranka iyo dalkana aan daacad ugu shaqayno. Siyaasadda Soomaalida ee waaydan danbe ayaa iska noqotay isku dhac iyo kala dhac iyo waxaaynan garanayen. Anagu waajibaakeenna ayaan gudaneynaa, wax isku dhacay iyo wax isku burburayna midna majiraan.

Somalitalk: Waxaa la leeyahay Zakariye hadii Wasiir la siin lahaa waxaan oo dhib ah madhaceen, marka hadeer hadii Wasiir lagu siiyo xaalada ma dajineysaa?

Zakariye: Wasiir iyo kabadanba waa soo noqday, xiisena uma qabo, arintuna sidaas ma'ahan, anigu 153.xilidhibaan mawada ahayn, aragtidaas xildhibaanna mid kamid ah ayaan ahaa, haddee qoladii isku dhajineysay oo lahaa yaan lacodeyn, oo yuusan mooshinku socon, mindhaa qoladaas ayaa wax isku dhajineysayee, anigu waxay iigu fadhido majirto, xilidhbaan iyo wasiir waxaa ii qiima weyn xildhibaanimada.

Somalitalk: Dowladii Cali Khaliif Galaydh ee la riday waagii Carta, waxaad kamid ahayd raggii u ololeeyey in larido, tan Cali Geeddina waxbaad ka riday, marka adigu maxaad marwalba ugu ololyesaa in dowlad kasta la rido, oo aad ka heshaa?

Zakariye: Wax hagaagsan ayaan raadinayaa, wax khaldan oo aad u jeedo iney khaldan yihiin uma adkeysan kartid, marka hadaad khalad aragto waa inaad iska casishaa ood isaga tagtaa, ama wax ka qabataa. Xalaada Soomaalidana meel cidla looga dhaqaaqo ma joogto, oo wakhti xun ayey ku jiraan, mushkiladda Soomalida haysatana waxaa weeye, manaqaano cid naftooda umadda u hurta, waliba xaga Siyaasada, hadaad wax dan u ah u dhaqaaqdana waxaa lagu leeyahay dan ayuu wataa, boqolsano ayaa laga murmayaa Sayid Maxamed Wadani weeye iyo ma'ahan, seen yeelnaa hadde hadii dadkan aysanba dhaqankooda ku jirin iney la raadiyo hogaamiye-yaal u istaaga danaha umadda, waxayna u haystaan in qabiil iyo dano shakhsi mooye aan wax kale daacad loo noqon karin.

Somalitalk: Waxaad kamid tahay Siyaasiyiinta ku caanbaxday iney dhaleyceyso Itoobiya, dad badan ayaa waxay qabaan in dhalacaynta joogtada ah laga yareeyo maxaa yeelay Soomaali wey tabar darantahay, si ay meel dhexe u gaarto sow mahaboona in la tixgaliyo tabaryarida jirta haysata Soomaalida, adinkuna aad deysan canbaareynta joogtada ah ee aad ku haysaan dowladaha dariska ah?

Zakariye: Fiiri, waxaad ileedahay hala'iburburiyo, dowlad aanan anigu dhisan hala ii dhiso, waxaad leedahay dalkeyga sidii larabo halaga-yeelo, waxaad leedahay hala'iburburiyo, diinteyda sidii la rabo halaga-yeelo. Aan iska aamuso waan tabaryarahay, hadaad hadda aamusto goormaad tabaryeelan? Ma marka lagu qabsado ayaad haydleysaa? Itoobiya anagu nacayb gooni ah uma hayno, cidlana kama eedeyno, oo waxa ay samayso ayaan radulficli ka samaynaa kana hadalnaa oo kaliya, iyadu marwalba ficil ayey samaysaa, anaguna waan hadalnaa. Mawaxaa la leeyahay wadan jaar ah ama ajnabi ah oo wadakaada ku jira oo sey rabto kaa yeleysa oo aan dowladnimo kula rabin. Maamulka hadder Itoobiya ka jira Soomaaliya dowlad-nimo lamarabo, intaas ayaan sheegnaa anagu.

Somalitalk: Maxaa cadayn u ah in Itoobiya aysan Soomaaliya dowladnimo la rabin?

Zakariye: Sidey 14.kii sano u dhaqmeysey ayaa caday noogu filan, mana ahan wax cilmi badan iyo waxyaabo kale u baahan. Iyadu haday sidaas tanteeda u aragtay , dan wey yeelan-karaan, anaguna ka Soomaali ahaan inaan garanno weeyaan, hadaanan wax kale qabankarin karina dadkayaga intooda aan garaneynna aan u sheegno, sida ay diintu nafarayso waxa xun hadaadan awood ku badali Karin waa inaad hadal ku badasha.

Somalitalk: Maxaa Soomaalida kaliya loogu diidayaa? Sow aduunka caadi kama ahan in maamul dowladaha qaarkood xiriir laleh oo wadankaas taageero kahaysta la dhiso, waana arin dunida oo dhan ka dhacda,?

Zakariye: Isku mid ma'ahan, waxaa weeye, madaxbanaanida ayey asaas u tahay dhismaha dowladaada, war nin meel iigu dar iyo kaas ii tixgli waa la is yiraahdaa, laakiin shax dhan inta la soo dhigto oo dad adigu kuu shaqeeya ama jawaasiis kuu ah, dal dhan madax haka noqdeen aduunka oo dhan kama dhacdo. Waa la'arkaa nin madax oo ninkale oo madax ah ku dhaha adeerow hebel aan abaal isu hayno oo wax iiga dhig, laakiin shax dhan oo ay wiilal yar yar oo Isbatoorayal ahi qorayaan oo madaxdii dalka ay u yeerinayaan, adeerow mawaxaas oo kale ayaa la aqbalaa, oo umadda loo qarin karaa, hadaan qarinno waxaasoo kale anaguna khaa'imiin ayaan noqoneynaa.

Somalitalk: Laakiin waxa la leeyahay dowlada waxaa soo dhisay Madaxweynihi iyo R/Wasaarihii oo gacansaar la leh dowladdaas. Rag farabadan oo lagu yaqaanay iney Itoobiya ka soo horjeedaanna waa lagu daray dowladdii, oo uu kamidyahay Muuse Suudi, Caato, Xaabsade, iyo rag kale, raggii muhimka ahaana wax banaanka loo tuuray majiro, marka maxaa dhacay oo aad u leedahay liisbaa la qoray iyo kanbaa la sameeyey?

Zakariye: Waxaanu haynaa rag kamid ahaa Wasiirradaas Mooshinka lagu riday oo niman odayaal ah, in lagu yiri hebel ayaa idinku dhagan oon ku rabinee iska soo maslax, waxa loo dirayana waa wiilal yar yar oo Sadax aliflayaal ah oo Tigree ah, oo waliba ninkii weynaa intuu u tagay iska soo baryey. Xog ogaal baanu nahay, dadka-yaga inaan xaqiiqada u sheegno waajib weeye, qarnigii 21.naad ayaa lagu jiraa umaddu hadaysan wax kale haysan waa iney xaqiiqada ogaataa. Waana danahoodi iyo mustaqbalkoodii, dadka hadda aad leedahay xiriir ayey leeyihiin, xiriirku waa inuu noqdaa mid isku dheelitiran, oo wax siman lakala helayo, xiriir hal dhinac faa'iidayo oo kan kale khaasir yahay xiriir ma'ahan kaas, xiriirku waa in adigana wax laguu ogol-yahay adna aad wax ogoshahay, anagu mahayno cid Soomaali ah oo wax loo ogolyahay. 14.sano ayaan silcaynaa, oo markii wax la dhisana la laadayaa, dowlad markey dhisatana jabhado iyo mooryaan loo adeegsanayaa. Hade miyaan is dhiibnaa oo iska aamusnaa aan baaba'nee? Maya ayey ila tahay.

Somalitalk: Mooshinkii maalindhaway la'ansixiyey, waxaa laga yaabaaa inuu Soomaalida dhib weyn ku keeno, yaa qaadaya mas'uuliyada dhibaatada uu keeno?

Zakariye: Haddii la sii daynlahaana dhib ka weyn ayuu keeni lahaa, anigu hadda dhibuu keenay ma'arko, wax la saxo waa in la bartaa, haddii nolosheenna waxwalba aan qabiil ku jaangoyno meeshaynu naal iyo wax ka xun baan tagaynaa.

Somalitalk: Cali Maxamed Geedi dib ayaa loo soo magacaabay, dhawaanna Barlamaanka ayaa la keenaya, adigu codkaaga masiineysaa?

Zakariye: Barlamanaka ayey u taal, codkuna waa qarsoodi ma'ahan in la sheeg-sheego.

Somalitalk: Waxaa socdaa warar sheega in ciidamo Itoobiyaan ah la soo galinayo wadanka, maxaad kala socotaa arintaas? Hadiise ay soo galaan wadanka maxaad u malayneysaa inuu wadanku ku sugnaan doono?

Zakariye: Dadka Soomaaliyeed bey u taalla iney is difaacaan, ma'umalaynayo in umaddu ay gumeysi aqbali doonto qarnigan 21.naad, waliba dadaan ka tabar-rooneyn ah, inakstoo dad kharibani buuxaan, inkastoo jawaasiis buuxdo, hadana bulshada inteeda badan madaxbanaani iyo xoriyad ayey rabaan. Arimahas waa la shegsheegayey, wax la taaban karana mahayno, wakhtigaasi cadayn doona., haderna kama maqna oo meelo badan oo dalka gudihiisa ayuu xiriirkoodu jiraa, oo wixii ay rabaan looga samayo. Anagu hadda nimanka Itoobiya u taliya axsaan ayaan usamaynay markii ay la dagaalamayeen Mingiste, hantidii umada soomalaiyeed ayaa lagu kaalmeeyey, sharaftii umada aya al huwiyey oo basaboorro ayaa la siiyey, hub iyo rababarna wey heleyeen,. Kursiga ay hada ku fadhiyaan anagaa ku fariisinay, maanta markii aan dhibatoonay waxay noogu abaalgudeen waa loo jeedaa. Marka sidii aan ugu lisnay nooguma aysan habeyn, waxaana jecelahay inaan nabad kuwada noolaano, oo ay fursad nasiiyaan si aan dowlad u dhisanno.

###

W/Waraysatay Fahad Yaasiin.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004


Waraysi ay Somalitalk.com la yeesheen Xildhibaan "Jinni Boqor"
"Waa in wadanka gudihiisa laga abaabulo hubka dhigista ee aan loo aadin Addis-abbaba. Waana in dadka la wacyi galiyaa..." Sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid “ Jinni Boqor” oo..
Guji... Nov 26


XAMAR IYO XALKA SOOMAALIYA
14.Sano ayey Soomaali Xamar u xaniban-tahay. Hadaba Reer Muqdisho C/Laahi kadib maxaa la gudboon..  Guji..

GO'AANKII BARLAMAANKA IYO GOLIHII WASIIRRADA S.R.R.C.
Waji Gabaxii koowaad oo ku dhacay kooxaha Itoobiya....
Guji..

BOOQO BOGGA: www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD