SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO
Daabaco Boggan | Print


MADAXWAYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO SHIR LA YEESHAY MAAMULKA GOBOLKA MUDUG KAGA HADLAY ARIMO DHOWRA OO LA XIRIIRA SAFRKIISII,  DOORASHOOYINKA LA FILAYO IN AY KA DHACAAN PUNTLAND HORAANTA JANAAYO.

Galkacyo (Somalitalk)
Isniin 20/12/04. 

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi  ayaa kulamo layeeshy xubno kala duwan oo ay kamid ahaayeen masuuliyiinta maamulka gobolka mudug iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen odayaal dhaqmeedyada iyo ganacsatada kaladuwan ee gobolka mudug. 

Madaxwaynaha ayaa shirkiisa ku soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kulamadii uu safarkiisa ku soo kala bixiyay Dowladah Ethiopia, Jibuuti, iyo dalka Kenya, waxa uuna kawarbixiyay in PL  ay heshiis  kala duwan lasoo gashay dalka Ethiopia waxa uuna ku tilmaamay in uu heshiiskani ku saabsanaa dhinaca ganacsiga labada dal ayna isku soo qaadeen maaulka dowladda Ethiopia sidii uu miro dhal u noqonlahaa heshiiska dhexmaray labada dalba ayadoo dhinaca kale la doonayo in la adkeeyo sugida amaanka iyo xuduudaha labada dalb. 

Madaxwaynaha oo shirkiisa ku qabtay xarunta gobolka mudug ayaa waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobolka mudug Maxamed Warsame Cabdulle (jabhad) duqa dagmada galkacyo Xuseen Jamac Yabaq, iyo taliyaha ciidamada daraawiishta aagaga Mudug iyo Cayn, Maxamed Muuse (Ilkadheere) iyo wufuudii la socotay madaxwaynaha ee uu horkacayay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka maaliyada Cabdirixmaan Cayrow iyo wasiirka Adeega bulshada, ayadoo ay horay ula socdeen dhiniciisii safrka dibada wasiiro kale oo ay ka mid ahaayeen wasiika Dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare iyo lataliyaha dhinaca ciidanka daraawiishta ee madaxwaynah PL Maxamed Cabdi Xaashi. 

Warbixintaa kadib ayaa madaxwaynaha wuxuu baaq xabadjoojineed ugu baaqay beelihii dirirtu u dhexaysay ee Sacad iyo Saleebaan kuna dagaalamayay baryahanba gobolada mudug iyo galgaduud, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidatan. 

Waxaan idiin soo gudbinayaa hadaatihiin labada beelood in aad kanoqotaan in uu sii socdo dhiga dadanaya oo yaysan jirin dhiig dambe oo ladaadiyo aynu nabada iyo xasiloonida dib ugu noqono aan ilowno nin dhintay kadaba tagiisan joojino kannool aan u talino qolada walaalahayo saas ayaan u soo jeedinaynaa kana codsanaynaa inta gobolka dagan iyo reer Punlandina waxaan ka codsanaynaa walaalaheenaas sidii ay uwada hadlilahaayeen oo u heshiin lahaayeen oo wixii dhacay haatan looga bogsoonlahaa intaynu kal qabankarno aynu kala qabano, dowlad ahaan waan balanqaadaynaa in intaan wax ka qaban karno kaqabano. Laakin idinku hadaa tihiin reer mudug idinkaa bud,dhige u ah oo xil gooniyaa idinka saran howshaa in walaalaheena loo ergoodooo loo gurmado inay nabadda ilaaliyaan wixii dhintayna allaha u naxariisto, wax danba aanlagu darin. 

Waxaan kaloo ayadana wax aka oranayaa doorashooyin baynu ku jirnaa, Baarlamaan cusub baynu xulanaynaa, Madaxweyne & madaxweyne ku xigeen ayaa haddii alle idmo la dooranayaa, anigu haddii aan Maxamed Cabdi Xaashi ahay duo laba bilood ah ayaan Madaxweynanimada wadanka hayaa ayaan u malaynayaa madaxweynimada wadanka, Markiiba waxaan soo jeedinay dagaalo ayaa nagu socda, dhaqaalo Xumo ayaa jirta oo doorasho lama gali karee mudada ha la kordhiyo, markii hadalkaasi afkayga ka soo baxay hadalo badan oo kul kulul ayaa nalagu sii daayay oo dadkuna uma wada dhamayne qaar aan filayo haatan in ay u loolamayaan jagada madaxweynanimada hadala nasoo gaarayna waxaa ka mid ahaa haddii maalim lagu daro xilliga Golayaasha Dawlada Dagaal ayaa dhacaya iyo wax aan la malayn kareyn, hadalkaasna markay ragu caynkaas u soo jeediyeen waxaanu dooranay in ay markhaati yeelato oo waxaan isugu yeernay Isimada Puntlnad, Isimaduna maalin walba way korhdaan, wayna bataan, wax walba oo dunida bataana waa qiima beelaan, lacagta waa taqaaniin oo haddii ay badato waa qiimo beeshaa, bilmatalan ka soo qaad kuli dadkani waa wada dhaqaala yahan haddii Abaari jirto caanuhu waa yaraadaan, Markaa waxaa laga yaabaa in 20 ama 30 lagu waayo koonbadii caanaha ahayd, balse haddii aan abaari jirin xoolaha caana badan ayaa soo gala markiibana waa ay dhacaan wixii bataana sidaas ayay u qiimo dhacaan, marka isimadeenu waa bateen doorashaynu galaynaa nin walbana wixii ilaahay kala kulmiyo arkaynaa hadaba waxaan idin leeyahay meelwalba hadiidina hadaad horayba u diideen mudadii in la kordhiyo hadana doorashada in ay dhacdo hadiidina ninkii labadaaba diida macnaheedu waxaa weeye dagaal buu doonayaa. Waxaana filayaa inaan ninna ku faaidayn dagaal dagaalna wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho waliba waxan adhiil gooniya ugu samaynayaa boqor Cdde Muuse waxaan leeyahay boqor kii daarood baatahay inaad boqorkii daarood dhaxasho xaq baad u leedahay waana kuugu raacsannahay had iyo jeerna boqorkii daarood baadtahay waliba kii hartaa noqonaysaa oo cid kuugu qabsankarta majirto lakin ilaahay waxaan ka baryayaa inaan calooshaada ku jirin sidii aan boqortooyada u leeyahay ayaan Madaxwaynaimadana u leeyahay taa waa loo simanyahay kii dadku doortaa qaadanaya  sihigu dhaxaltooyo maaha ee waa rabitaan dadka  ee waxaan leenahay nabada aan ilaalino ayaan ku soo koobayaa hadalkayga. 

Intaa kadib waxa uu madaxwaynuhu kormeer kumaray Dugsiyada/hoose dhexe sare, iyo Cisbitalka magaalada galkacyo, waxa uuna ku hakaday Dugsiga Hoose ee umadda halkaasi oo la kulmay macalimiin tababar uga socday oo kakala timid Gobolka Mudug tiradooduna ay gaaraysay 210, macalin waxaana uu u mahad celiyay macalimiinta iyo tababarayaashii waday siminaarka oo uu kamid ahaa Master Powell oo ka socday Hay,adda unesco waxa uuna u mahadceliyay Madaxwaynaha iyo Maamulka Gobolka, waxa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Warsame Cabdule Jabhad, duqa dagmada Xuseen Jamac Yabaq iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta aagagga Mudug iyo Cayn, Maxamed Muuse Ilkadheere. 

Kadib waxaa la gu soo laabtay Hotel Taar oo ku yaala koonaha magaalada  waxaana madaxwaynuhu dhagaystay warbixinno ay soo jeediyeen masuuliyiinta Maamulka waxaana ka mid ahaa - 

Duqa dagmada Xuseen Jamac Yabaq   waxa uuna ka warbixiyay xaaladda amaanka ee Gobolka dhinaca canshuuraha iyo arin in muda ahba ka socotay magaalada oo uu ku tilmaay in ay maamulku u baahnaayeen in ay dhisaan Xero ciidankii Daraawiishta Soomaaliya ay u lahayd oo loo yaqaano Xero Dayax ayna is hortaageen xubno kamida shacabka hirgalintaz dhismaheeda oo maamulku uu doonayay in ay dhisaan ka dibna laga dhigo goob ay dhalinyaradu wax ku aqristaan oo loo keeno buugaag kala duwan lagana dhigo qaybaha kale Suuq  wayn iyo waliba goobta loo yaqaano boosteejada oo iyana la doonayay in ay noqoto xarunta ay ka baxaan gawaarida gobolada ubaxda.  

 kulamada madaxwaynaha ayaa soconayay saacad walba ayadoo uu layeelanayay qaybaha kala duwan ee magaalada Galkacyo. 

sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2004


Halista HIV/AIDS & Dhallinta soo Koreysa
London: Ururka SIIC oo soo qaban qaabiyay Barnaamij looga hadlay ka hortagga xanuunsidaha HIV/AIDS-ka Guji Dec 20

Isbahaysiga Caddaaladda iyo Nabadda SL
Hargeysa: baaq ku wajahan Xuquuqda Iinsaanka oo naqdiyey hab-dhaqanka Hay’addaha Garsoorka dalka.. Guji Dec 20

Wareysi Hay'ad NGO Soomaaliyeed
Nairobi:
Warasysigii Gudoomiyaha Hay'adda Somlink, Mudane C/qaadir Xuseen Maalin (marshaale)...  Guji.. Dec 20

Wareysi Somalitalk la yeelatay Wardheere
Minneapolis: “Samsam in cafis la weydiisto ayadaa mudan iyo in xaal la siiyo”.. Guji... Dec 20

BOOQO BOGGA: www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD