Gudoomiyaha Hay'adda Somlink Mudane C/qaadir Xuseen Maalin(marshaale) oo
hadda howlo shaqo u jooga dalka Kenya,waxaana ka wareystay dhinacyo badan oo
ku aadan waxqabadka Hay'addaas iyo waxa ay kutala jiraan mustaqabalka
soo socda wareysigii oo dhamaystirana waa kan.
Somalitalk: Waxaad naga siisa warbixin kooban Hay’adda SOMLINK?
Jawaab: Somlink waa Hay’ad Samafal Soomaliyeed waxaana la aas
aasay sanadku markuu ahaa 1994. waxayna daraasado badan ka
sameysay guud ahaan dalka oo dhan, waxayna leedahay xeer hoosaad iyo qaanuun
ku saabsan xagga maamulka iyo maaliyadda. Waxaana aasaasey aqoonyahanoo
soomaaliyeed oo ka kooban 5 xubnood waxanna howlo badan ka soo qabanay
Gobollada Galgaduud, Shabellaha dhexe, Bari, Hiiraan, bay iyo
Bakool
Hawlihii iyaga ah waxaa ka mid ahaa 96 waxay Hay’addu ka qayb gashay
tababarro la xiriira horumarinta hay’adaha, Muumulida qarajyada, diyaarinta
warbixinada kala duwan, diyaarinta mashaaricda, dalabyada maaliyadda iyo
dhinacyada kala duwan ee maamulka.
Waxay Hay’addu u faa’ideysay in ka badan 5000 qofood si toos ah iyo si
dadban intuba Mashruucii ugu horeeyey waxaanu ka hirgelinay
Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud sanadka markuu ahaa 1997.
Sanadihii 1997-2000 waxay Hay’addu qaybisay raashiin dhan 3000 metrik ton oo
lagu dayactiray wadooyinka isku xira gobollada dhexe iyo kuwa bari.
Sanadihii 1998-2000, Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada dhexe waxaan u
fidinay tababarro la xiriira xagga horumarinta kallumeysiga iyo qaababka ugu
haboon ee loo jilaabto, iyadoo aanu xoogga saarnay haweenka iyo
kaluumeysatada danta yar una qaybinay shabaago, dooman iyo aqoon ay ku
horumariyaan xirfadahooda ay ku shaqeystaan.
Waxaan dib u furnay dugsi hoose dhexe 2001 oo dhigata 500 arday oo
manhajkii hore ee af Soomaliga, maadama dugsiyada hadda jiraa ay yihiin kuwo
lacag, ilmaha taagta daran ee haleeshay dhibaatada iyo colaadaha aysan iska
bixin karin qarajyada waxbarasho, ayaynu ugu tabarrucnay. Waxaa inoo
suura geli waysay in aanu dib u furno xarumuhiii caafimaadka
degmada Kaaran sababo xagga amniga awgeed. Iyadoo aanu rabnay in aan
ugu talo galno haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya iyo caruurta da’doodu
ka yartahay 5ta sano ay ka helaan nafaqo tayeysan iyo daawo lacag la’aan ah.
Hay’addu waxay heshay hadiyad International Speaker Aid and Trade africa
2003, waxaa ururka Somlink lagu daray liiska u dooda horumarinta Africa
xagga samafalka iyo ganacsigaba. Marka howlihii ay qabatay awgeed,
waxay hawl ballaaran ka qabatay in la gaarsiiyo in ka badan 40,000 ton
raashi gobollada Hiiraan, Bay iyo Bakool, Hay’addu ma ahayn keliya mid
ku kooban hawlaha samofalka ah, balse waa mid ogol raalina ka ah in Somalidu
ay wax qabsato Hay’ad ahaan ama shaqsi ahaan. Muhiim ma ah in hay’adda
Somlink wax walba qabato laakin haddii shacabku wax helaan taa baa inoo
muhiimsan oo priority siinnaa inta badan, taasina waxaanu ku guuleysanay
inaan ka mid noqono guddiyada heer caalami anagoo matalna hay’adaha
Soomaaliya oo dhan, marka laga hadlayo horumarinta, dib u dhiska, iyo dib u
heshiisiinta Somalida. Hayaddani Somlink waxay gacan wayn ka gaysatay
sii dayntii saraakiishii qaramada midoobay iyo Hay’adaha caalimga ee
lagu afduubtay Somaliya,
Somalitalk: Ma jiraa wax howl ah oo Hay’adda Somlink ay ka wado
magaalda Nairobi ?
Jawaab: Haa, horay waan uga qabanay oo xuska maalinta nabadda
Adduunka 2004 ayaanu ka hirgalinay annagoo ka mid ah koox xuddun u ah
abaabulka iyo hirgalinta xafladaha maalinta nabadda oo laga hirgeliyey dalka
Soomaliya oo dhan.
Hay’addan oo loo doortay oo tartan la galay 7 hay’adood oo laba caalami
yihiin 5ta kalena ay Soomaali yihiin, nasiib wanaag Somlink ayaa loo doortay
dhanka soomaaliya inay ka mid noqoto Guddi lagu magacaabo Global Fund
Aids Tuberculoses and Malaria Technical Coordination Taskforce oo
ka mid 16 hay’adood sida, undp, unicef, horn relief, handicap
international, somlink, Merlin, CCM Italy, world vision, ifrc/srcs,
unfpa, who, sacb, world bank, DFD iyo 3 xubnood xagga maamulada dawliga ah.
Global fund lacagta ay ugu deeqday Soomaaliya oo dhan 25 malyan oo dollar
shanta sano ee soo socota oo lagu qabanayo hawlaha ka hortagga cudurka Aids
iyo daaweyntiisaba oo Soomaaliya oo dhan ah, UNICEF oo noqon doonta
hay’adda ugu horeysa ee lacagtaasi helaysa iyada oo mashaariic kala duwan u
gudbin doonta hay’adaha caalamiga iyo kuwa waddaniga, iyo kuwa qaran
intuba. Guddigeena hadafkiisu waa:
- Horumarinta tayada iyo habka loo xulanayo mashaariicda
- In la dhamaystiro baahida documentiga loo baahan yahay GFATM
- In lasiiyo macluumaad dhab ah cidda ay qusayso
- In la xaqiijiyo isuduwiyada iyo mideynta hay’adaha maalgelinaya iyo
kuwa hawsha hirgelinaya
Guddigan aan ka mid ahay Somlink ahaan waxaa mas’uuliyadeenu tahay in
aanu diyaarino sidii iyo dariiqadda ay u soo mari karoon codsadayaasha ama
hirg geliyaasha mashaariicda ha ahaadaan somaali ama mid caalami ah.
Somalitalk: Goormaad is leedahay mashaariicdan ayaa la soo dalban
karaa?
Jawaab: Waxaan hadda dhamaynay qaabkii ay ku soo dalban
lahaayeen hay’adaha caalamiga iyo kuwa Soomaalida, maalinta talaadada ama
arbacada ayaan si rasmi ah u soo baahin doonnaa sidii loo soo dalban lahaa
mashaariicda la xiriira hawlaha AIDS marka waxaan ku soo daabici doonaa web
page-yada hay’adaha soomaaliya ka shaqeeya iyo dabcan kuwa soomaalida intuba.
Somalitalk: Sida ay muuqato hey’adiina waxey qabatay shaqooyin
ballaaran, yaa idin maalgeliyey waqtigaasii dheeraa?
Jawaab: Hay’adani waxaa malgeliyey hay’adaha WFP/CARE, USAID/CARE,
UNPOS/UNDP. UNICEF, UNESCO iyo hayado kale oo hadda online ku soo jira.
Somalitalk: Qorshaha dhow, maxaad ku tala jirtaan in aad
dalka ka qabataan?
Jawaab: Waxaan hay’adda u qorsheysan Haddii Ilaah la
garab galo:
in aan sameyno xarumo lagu tabaro kaluumeystada somaaliyeed.
Bilaha soo socda sidii baarlamanka soomaliyeed aanu u tabari laheen oo aanu
kor u qaadi lahayn xagga aqoontooda, dhanka xalinta qilaafaadka iyo
sidii loo dhisi lahaa nabad xooggan lana gaarsiin lahaa wadanka oo dhan.
Iyo hub ka dhigidda dhalinyarada yar oo shaqo la’aanta dilootay si ay u
helaan fursado fiican ay wax ku bartaan haddii ay ahaan lahayd xirfado shaqo
ama mid maamu.l
Somalitalk: Maxaad talo u soo jeedinaysaa dhalinyarada
Soomaliyeed ee ku nool dibedda?
Jawaab: Waxaan u soo jeedinayaa inay maanka ku hayaan in
shacabkoodii ay ka soo tageen weli u baahan yihiin oo aysan ka maarmin,
maadama ay fursado aqooned iyo qibrado aad ka hesheen dalka dibediisa in dib
loogu faa’ideeyo dadkii aad ka soo tagteen haddii ay ahaan lahayd xagga wax
barida, kaalmada, iyo ugu yaraan la is waydaarsado qibradaha ay
ka soo dhaxleen dibedda. Waxaanu leenahay dalkiinii iyo dadkiina wuu
idiin baahan yahay, ee u soo jeesta idinkoo dantiida wata iyaga waqti siiya
sidii loo horumarin lahaa xagga disb u heshiisina, iyo dib u dhiska Somalia
guud ahaan. Dhalinyarada dibedda jirta waa xoogga ugu ballaaran haddii ay
midooban dalkana wax weyn u tari karo.
Dhamaad.
Waxii talo iyo tusaale ah ee ku saabsan wareysigan, fadlan u soo gudbiya:
Abdulkadir Hussein Maalin
Somlink@iimetro.com.au
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2004
BOOQO BOGGA:
www.somalitalk.com/samsam/
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com