Ilaahay waxuu inaga xaaraanitinimeeyay dulmiga oo ah shay aad u xun, waxaana
hubaal ah qofka oo dulmi geystaa inay iman doonto maalin lagula xisaabtami doono.
Muddadii ay dhisnayd dawladii milateriga ahayd ee soomaaliya waxaa wadanka ka dhacay
tacadiyo badan oo lagula kacay qaybo bulshadda ka mid ah,inkasta oo ay ka dibna
dhaceen waxyaabo ka daran.
Tacdiyadaasi ugu horayn waxay ku dhaceen dadkii
aqoonyahanada ahaa ee soomaalida, waxayna taasi sababtay in dadkii aqoonta lahaa ay
mar hore wadanka debedaha uga qaxaan, waxaa taas oo kale qabtay culimada iyo cid
walba oo ka hortimaada sharcigii melateriga ahaa ee ahaa siduu yahay u qaado, waxaa
in la xuso mudan dhibaatooyinkii melaterigu ka geystay gobolada dhexe, dhibtaas oo ku
dhacaysay qabiil khaas ah aana loo kala harin waqooyi iyo koonfur waayo ciidamada
ayaa ka koobnaa, waxaana lagu muquuniney cudud iyo siyaasad ilaa laga hor keenay
dalkii ay gabaadka ka dhiganayeen waa Ethiopia,waqtigaas waxaa jiray taliyayaal
qabiil walba lahaa oo gumaadkaas fuliyey, haddana dadkii dhibtaasi ku dhacday ma
jiro cid ay si gaar ah ugu haystaan waxii gaaray oo aan ka ahayn dawladii
dhacday,mana jiro qabiil ay
gooni uga aarguteen.
Gobalada waqooyi waxaa ka dhacday dhib aad u baaxad weyn oo aanay jirin qabiil la
leeyahay gooni buu ugu sameeyey, reer waqooyiga ha u qarsoonaato goosashadii ay
rabeen haddana waxay xaq u lahaayeen inay dawlada laga doodaan xaquuqdooda waayo
waqooyi iyo koonfuri uma sinayn,maamulka, tacliinta,caafimaadka iyo cadaalada iyadoo
weliba reer waqooyigu dareensanaayeen inay ahaayeen laba wadan oo isku
darsamay,waxaan qabaa haddii maskaxdu shaqayn lahayd labada dhinacba in laga
badbaadi lahaa inuun wax yaabaha dhacay.
Siyaad Barre oo la hadlaya Cali Samatar | Oct
21, 1983 |
Haddii aan doodayda u daadego waxaa beryahan socday
dacwad lagu wado CALI SAMATAR oo
ahaa xubin ka mid ah dawladii dhacday, waxayna dadka dacwaynayaa ku doodayaan in
cali samatar si gaar ah wax ugu geystay, taasi waa dulmi iyo tacadi ay wadaan dadka
dacwadan wada sababtuna waxaa weeye iyagoo iska dhaadhiciyey in aan cali samatar ka
dhalan qabiil xoog leh oo lagaga waabto iyo iyagoo aaminsan inaan samatar lahayn
degaan uu dadka dhibta ku wada kaga aargoosan karin ,ogaada inay been yahiin waxa
aad iska dhaadhiciseen ogaadana inaad baran doontaan dulmiga aad samatar ku wadaan
midhahiisa.
Waad ogtahiin in talada wadanku ka go'i jirtay rag qabiil walba lahaa kuwaas oo aan
dadka dacwada wadaa magacooda soo qaadi karin, meeyey? Gen. ISMAACIIL AXMED
ISMAACIIL oo xukumi jiray ciidankaa asluubta oo ay hoos iman jireen xabsiyada
soomaaliya oo ninka reer Atlanta ee Baashe uu ku doodaayo inuu xabsiyadaas ku jiray,
ogaada qola kasta oo soomaalida ka mid ah inay u qoran tahay waxii ay qolo kale u
geysteen, markaa waxaan idin leeyahay haddii aad dulmi ka cabanaysaan dulmi ka
fogaada, waxaa markhaati leh markii ay dhacday dawladii soomaalidu inay reer
waqooyigu sameeyeen aargoosi baahsan oo lagula kacay dadkii aan reer waqooyiga ahayn
iyo kooxaha aan tamarta lahayn oo ay ugu marmarsiinyoodeen dawladii baad raacdeen,
waxaana qiraal u ah xabaalo wadareedyada ay aduunka tusaan, waayo qofka reer
waqooyiga ah waxaa loo soo gudbin jiray oo lagu xiri jiray koonfur sida Baashe ku
doodaayo inuu ku xirnaa xabsigii LABAATANJIROW haddii ay jirtoba.
Waxaan raga
dacwada samatar ku wada u
arkaa inay tahay tunjilaycsi, hana ogaadaan inay fureen xisaabtan qolo walbi diyaar
u tahay inay la xisaabtanto qabiilka wax kaga maqan yihiin hana ogaadaan samater
ragiisu inay xoog ku leeyahiin waqooyi iyagoo ku aamusnaa waxii aad u geysateen
markii dawladu dhacday inay tani kicin u tahay, ayna ka ficil qaadanayaa inta qof ka
nool yahay haddii aanu Isaaqu joojin ul ceel ku dayga, ha la wada xisaabtamo qolo
walbina diyaar ha la ahaato waxii ay geysatey, waxaan hubaa in dulmigan qaawani
abuuri doono isgaanshaan buuraysi dadka reer waqooyiga ah ee aan isaaqa ahayn oo og
waxa ay mudan doonaan isaaq oo dawlada loo aqoonsado iyagoo gabol soomaaliya ka mid
ah ah ayey waxan wadaane.
wabilaahi towfiiq
Hussein Farah
minneapolis usa
email
caloowe1@hotmail.com