SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Daabaco Boggan | Print


Abaabul Mudaharaad oo Ka Socda Kismaayo
  • Waxaa shalay iyo maanta ka socda magaalada kismaayo abaabul mudaharaad ay wadaan ururada haweenka ee ka jira magaalada kismaayo

    Faysal xaaji siyaad muumin |  faysalsiyaad@hotmail.com
    kismaayo soomaaliya | SomaliTalk | Dec 19, 2004

Abaabulkan ay wadaan ururda haweenka ayaa waxaa laga dareemayaa dhamaan xaafadaha magaalada kismaayo gaar ahaan xaafada farjano oo ay ku taalo xaruntooda ururka haweenka kismaayo.

Abaabulkan mudaharaad ay wadaan ururka haweenka kismaayo ayaa waxay kaga soo horjeedaan xaalada amaandaro ee ka jirta magaalada kismaayo ayagoo boorar ay ku qoran yahiin halku dhagyo ay kaga soo horjeedaan isbaarooyinka iyo dilka iyo afduubka ay ku dhajiyeen wadooyinka soo gala xaafada farjano ee magaalada kismaayo.

Qaban qaabadan mudaharaad ay wadaan ururka haweenka ayaa waxay soo shaacbaxday kadib markii uu shalay galinkii danbe kulan la yeeshay ururka haweenka gudoomiyaha dagmada xaaji daahir maxamed cilmi oo isagana ku booriyay in ay sii xoojiyaan kaalinta baaxada leh ay kaga jiraan haweenka ururada bulshada ayadoo la filayo in ay banaanbaxaan ka qayb qaataan ardayda iskuulada iyo qolyaha dawanka qaraaca sida baanbayda.

Afduub Ka Dhacay Kismaayo:::

Waxaa shalay galinkii danabe lagu guulayestay in xarnimadoodii loosoo caliyo haweenay iyo canug yar oo ay dhashay oo lagu afduubtay magaalada kismaayo taasoo ay ku guulayesteen taliyaha ciidanka isbahaysiga dooxada jubba mudane goobaale ayadoo ay halkaasi tacshiirad isku waydaarsadeen qolyahii afduubka gaysatay iyo ciidankii uu watay taliyaha ciidanka isbahaysiga mr goobaale ayna halkaasi ku dhaawacmeen afar qof oo ka tirsanaa sida la sheegay qolyahii afduubka gaystay isla markaana ayagoo badqaba dhibanayaashii lagu soo celyay hoygoodii.

Hadaba haweenayda la afduubtay ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay ubax cali aydoo loo afduubtay deegaanka kabsuumo lagana dalbaday saygeeda lacag madax furasho ah in uu ka dhiibo eheladiisa ugu danbayentiina ay ku guulayesteen xalinta arintan isbahaysiga dooxcada juba.

Hadaba ma ahan markii ugu horayesay ee afduub loogu geysto maglaada kismaayo dadka aan is difaaci karin ee shacabka ah sidoo kale waxaa jira in horaantii sanadkan afduubyo loo geystay dadbadan oo uu ka mid ahaa madaxii qaramda midoobay u qaabilsanaa amaanka gobolada koonfureed tasoo sababtay in dhamaan hay'adahii samafalka ahaa ay ka huleelaan magaaladan kismaayo. 

faysal xaaji siyaad muumin
faysalsiyaad@hotmail.com
kismaayo soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2004

Maraakiibta Shisheeyaha ee ka Kalluumaysta Kismaayo
& Kaluumaysada reer Kismaayo oo ka Cabanaya arintaas xadgudubka ah ee maraakiibta Ajnabiga... Guji

LINK: http://www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD