SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print


Maleeshooyinkii 14 sano ka dagaalamayay Muqdisho oo u diga-rogtay Gobalada dhexe

Waxaa maalmahan ku sii qulqulayay gobalada Mudug iyo Galagaduud Maleeshooyin hoos imaan jiray qaara ka mid ah hogaamiye Kooxeedyada magaalada Muqdisho, kuwaasoo doonaya inay ka qayb galeen isgumaadka ka socda gobaladaas ee ku saabsan dagaalka qabaliga ah ee ay wadaan kuwa  aaminsan ee ahmiyadoodu tahay qabiil.

 
In kabadan 30 tikniko ah oo ka baxday magaalada Muqdisho, si ay garab usiiyaan beel ka mid ah beelaha ka dagaalmaya aagaas ayaa maanta waxay foodda is dareen beeshii kale oo u gashay jidka maadaama ay dhanka Muqdisho deegaan ahaan ka xigaan.Waxaa halkaas ku riiqday oo ayna naftu dhulka la gaarin in ka badan 36 qof,laba jibaar tiro ka badanna waxaa kasoo gaaray dhaawac oo labada dhincba ah, gaadiid badanna wax gubtay iyo wax lakala qabsaday ayay noqdeen.
 
Mar aan khadka fooniyaha kula xirriray deegaanada dagaalku aafeeyay waxay noo sheegeen in dhul badan laga qaxay,maydadkuna wali ay waran yihiin dhulka miyiga ee dagaladu ka soconayaan, ayadoo ay suuroobi karto waxyeeladu inay intaas ka badantahay.
 
Waxgarad ka tagay magaalada muqdisho oo u istaagay dhexdhexaadinta labadaas beelood ee Sacad iyo Saleemaan, ayaa maalmahan rajo fiican ka sheegayay ka dib markii labada beelood ay udhiibteen dhexdhexaadnimadooda isla markaana ka aqabaleen xabbad joojis.Balse waxaa intaas iyana garab socotay in Muqdsho laga diro tiknikooyin iyo maleeshoyin ka qaybgala dagaalkaas qabaliga ah, kuwaasoo aan dheg jalaq usiin samotaliska ay wadeen odayaasha Xamar iska xilqaamay.
 
 
Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2004

LINK: http://www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
CALI MAGAN
Cali magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD