SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Daabaco Boggan | Print


Beesha Gaaljecel oo la dardaarantay Xubnahooda ku jira Baarlamaanka

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi | SomaliTalk

  • Beesha Gaaljecel ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Nairobi kula dardaarmay Xubnahooda ku jira Baarlamaanka ugana digay in aysan wax aan u qalmin beesha u keenin dhinaca wasiirada la soo xuli doono

Kulankaa waxaa ka soo qayb galay xubnaha Xidhibaanada Beesha Gaaljecel dhalinyarada iyo waxgaradka Beesha Gaaljecel ee ku Sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Kulanka waxaa looga hadlayay Doorka siyaasaded ee Beesha Gaaljecel iyo in Xukuumadii Prof Cali,Maxame,Geedi oo kal soonida Baarlamaanka Soomaalidu kalla noqday 11/12/2004.

Xubnuhi waxa ay hoosta ka ariiqeen in Xukuumadaas ay beesha ihaanaysay isla markaasna beeshu ay ku xaqirneed wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga ee Beeshu saamiga uga heshay Xukuumadii kal soonida lagala noqday wasiir ku xigeenkaas oo loo magacaabay Xubnin ka tirsan Beesha Gaaljecel oo ahaa Xidhibaan Saalax Cali Faarax.

Beeshu waxa ay isla ogolaadeen in aysan Soomaaliya u horseedin dhibaato iyo colaad sokeeye waxse hadana la isla meel dhigay in ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo Cadaalada iyo Sinaanta si saxan oo simana dadka wax loogu qaybiyo iyadoo la tixgalinaya 4.5 oo xiliyadan Soomaalidu wax ku qaybsadaan.

Dhinaca kale kulankan waxaa loogu han balyeeyay Xubnaha Beesha Gaaljecel ee deegaanada Kismaayo, Baladwayne, Jilib, sidii qaymiga badnayd oo ay uga hortageen ihaanadii iyo sharaf dilkii beesha Gaaljecel kalla kulantay Xukuumadii kalsoonida Baarlamaanka waysay waa sida ay hadalka umacneeyeen.

Xubnaha Xidhibaanada ee kulankan goob jooga ka ahaa waxaa ay kalla ahaayeen

  • 1-Xidhibaan Muuse Nuur Amiin
  • 2-Xidhunaan Cabdulaahi Macalin Maxamed(Faax)
  • 3-Xidhibaan Saalax Cali Faarax N.B wa wasiir ku xigeenkii Gaashaandhiga ee kal soonida baarlamaanka Soomaalidu kalla noqdeen beesha Gaaljecelna ay ku tilmaameen Ihaanada iyagoo shegay in wax lagu saleeyo 4.5
  • 4-Xidhibaan Cabdi Buulle Xussen,
  • 5-Xidhibaan Cumar Adan Dhabad (Cumardheere)

kulankaa waxaa kaloo goob joog ka ahaa Dhalinyada Aqoonyahanka iyo waxgarad ka tirsan beesha Gaaljecel ee ku sugan Nairobi, Kenya iyadoo ay gaarayeen 40 Xubnood

waxaa kulanka soo qabanqaabiyay Gudoomiyaha Dhalinyarada Jaaliyada Gaaljecel ee Nairobi

  • Axmed Jeele Faarax
  • C/laahi Maxamed Cali Shaxam
  • Daa,uud Maxamed Ibraahim(Godir)
  • Ismaaciil Cali Xaaji(Jawhar)
  • Bishaar Adan Gedi
  • Ismaaciil Maxamed Adan

Guud ahaan dhalinyaradani iyo qaarkaloo badani waxa ay hoosta ka xariiqayn iyo xubnihii baarlamaanka ee Beesha Gaaljecel in hadii ay dhacdo Cadaalada daradii hada ka hor lagu sameeyay beesha aysan doowladu ka hirgali Doonin deegaanada iyo dhulka beesha Gaaljecel ka taliso.

Waxaa jira qabiilooyin dhowra oo ka biyo diiday qaabka loo qaybiyay xukumadii kal soonida lagala noqaday waxaa kaloo jiray Xubno ka tirsanaa Xukuumadaa oo iyagi is casilay kal sooni kalla noqoshada baarlamaanka ka hor.

Dad badani waxa ay is waydiinayaan Xukuumada iyo sida loo deeqsiinayo qabiilooyinka Soomaaliyeed isagoo qabiil walbaa doonayo in si gaara wax loo siiyo marka Prof Gedi waxaa horyaala Buundo dhaxda ka go an dhaxna marta wabi Biyo badan Dushiis.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi | SomaliTalk

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2004

LINK: http://www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
CALI MAGAN
Cali magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD