SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Dowladda Mbagathi: Soortaan ka dhargi doono saan saanteedaan ka gartaa!

W/D Suldaan Nayruus Haji Adan
Karachi-Pakistan

Suldaan25@hotmail.com
Suldan25@yahoo.com 

     Good ahaan  marka la indha indheeyo  xaaladda Soomaaliya ee maanta qofkii  aan horey oola  socon  amaba ay kucusub tahay ma saadaalin  karo dadka urugada latiictiicya sida ay u tiiraayeysanyihiin. Hase ahaatee dhibaatadu waa mid soo socotay muddo dheer oo aan qofna isku dayin in uu u helo xal waara. 

     Albaabka  nabadda Soomaalya waxaad moodaa  mid qufulan, laakiin waxaa yar dadka isku dayaaya  in ay raadiyaan furaha qufulkaas.

     Waxaa yaraatay in la arko dad u taagan danta guud, umaddana waxay kadaaleen shirarka dib u heshiisinta ee loo qabanayo soomaaliya, maxaa yeelay waxay horey u soo arkeen shirar farbadan oo dib u heshiisiin ah, oo in ay wax kasoo naasa caddaan iska daaye dabka gaas ku sii huriya.

    Haatan  su’aashu waxay tahay dadku rajo intee la eg ayey  kaqabaan doladda Mbagathi lagu soo yagleelay?  

     Good ahaan mara la eego rajada ay umaddu kaqabeen shirkaasi waxay  ahayd mid iska liidatey. Waa marka horee shirka waxaa ka qayb galay dad ku nool dhiiga maatida, dad aan muwaadiniin ahayn oo u shaqeeya dalal shisheeye iyo kuwo ayagu danahooda gaarkaa eegta, oo aan laguba soo qaadi karin midda guud.  

      Waxayse rajadu buur qarkeed fuushay shirka oo gabagabo ku dhow markii ay ku dhiiradeen qaar kamid ah hogaamiyaasha kooxaha in ay katagaan shirka, dagaalana dib ooga abaabulaan meelo kamid ah gobolada koofureed ee soomaaliya, markii ay ka farxasheen dagaalkiina ay dib oogu laabteen madashii, halkaasna dib u heshiisiinta gees ay kagaleen, taasoo ay in badan dadku is waydiiyeen shirku ma mid dib u heshiisiin ah baa? mise waa mid dib u abaabul dagaal? 

    Sikastaba ha ahaatee  daruufaha lagu jiro, dagaaladda sokeeye ee dubtay umadda iyo waliba siyasaha jahwareersan ayaa dadka ka dhigay kuwo aan marnaba ku kalsoonaan shirkasta oo laqabto. 

    Dowladda lagu soo dhisay shirka dib u heshiisiinta ee Mbagathi ayaa u muuqata midaan waxba dhaami doonin kuwii horay loogusoo fara murxay, maxaa yeelay ayadoon wali ladhamaystirin xubnaha dowladdaas, ayaa madaxda oogu saraysa dowladdaas waxay bilaabeen is qabqabsi, iyo waliba aflagaadooyin gacan kahal gaaray, iyadoo dad goob joog ka ahaa halka lagu casilayey xukuumaddii Prof Geedi ay sheegeen in  xildhibaanada baarlamanka aysan biyo u kabedeen in ay hub isku adeegsadaan haddii uu  fadhigaani kadhici lahaa meel ka mid ah waddan soomlaiya.

    Isku soo wada duuboo doladda ku bilaabatay caddalad darro iyo is ixtiraam la’aan, ayaa ah mid  wax muuqta aan  u keeni doonin  dadka Soomaaliyeed, waxayna ku xasuusinaysaa  araahda soomaaliyee ee dhahaysa SOORTAAN KADHARGI DOONO SAANSAANTEEDAAN KAGARTAA.     

 W/D Suldaan Nayruus Haji Adan
Karachi-Pakistan
Suldaan25@hotmail.com
Suldan25@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 17, 2004

Doorashooyinka Puntland iyo Musharaxiinta
 iyo wararka kale ee Boosaaso... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD