SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


WARARKA MAANTA: DEC 16, 2004

  • WARSAXAAFADEED kasoo Baxay Dr. Culusow
  • Baarlamaanka Soomaaliya oo deeq ka helay hey'adda Awepa
  • Kulan looga doodayo xaquuqda Haweenka oo ka furmay Nairobi maanta 

WARSAXAAFADEED kasoo Baxay Dr. Culusow

  • "...anigoo aqoon yahan Soomaaliyeed ah, Ummadda iyo Dalka dembi ka gelin, kana dhashay Beesha Hawiye, waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in ay nala dhisaan Ra’iisul Wasaaraha, oo ayna na diidin, wixi qalad ah ee dhacay in ay raali ka noqdaan, diyaarna loo yahay in la saxo...." Dr. Cabdi Maxamed Culusow ‘Black’ | Email: drabdi2000@yahoo.com

WARSAXAAFADEED | December 17, 2004

Ayadoo, dhibaatada dadka iyo dalka haysato, ay fara badan yihiin, oo afar iyo tobban sanno, dalki qolaba meel goosatay, Ummadda Soomaaliyeedna, qaar dalka ka qaxay, oo dhibaato dibedda ku haysato, qaarna dalka gudahiisa qaxooti ku yihiin ama kuwi dalka ku haray, ay ku sugan yihiin, in ay noqdaan qaar xabad disho, qaar gaajo, macluul iyo cudur u dhinta; ayaa waxaa lagam maarmaan ah in leys daba qabto, oo Dalka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed loo naxo.

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
Barnaamijkaas oo loogu magac daray:
Murtidii Yamyam, Martigalinta Boosaaso iyo Masrixiyada Jamacada Bariga Afrika... Guji.. Dec 16

Haddaba, waan la wada socona, Shirki labada sanno wixi qaladaad ah ee dhacay, qaladaadyadi sida la rabo loogu fasirtay, Axdigi Qaranka-KMG aha iyo qaladaadki dhacay, markii Dowladda la soo dhisay, oo ayna dheeli tirneyn awood qeybsigi ama jagooyinka muhiimka ah ee Dowladdaa sida lo qeybiyay. Waxaan, aaminsanahay, in Ra’iisul Wasaaraha diyaar u yahay, in uu saxo wixi qalad ah; sida ay sheegayaan, wararki iga soo gaaray Xildhibaanada Beelaha aan la kulmay iyo in Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha kula taliyay Beesha Darood, mar uu la kulmay, in la taagyeero Ra’iisul Wasaaraha; oo aan la qabo, ahna talada ugu fiican ee Xildhibanada la siin karo. Marka, waxaanna dhammaan Xildhibaanada Soomaaliyeed ka codsanaya, in ay si yaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, Codka Kalsoonida, si aan horay ugu socono, fursadna la siiyo, oo aan ku qeymeyno, wax qabadkiisa shaqo.

Mida kale hoggaamiyaasha Xildhibaanada noqday, laguna tixgeliyay in ay ka midnoqdaan dowladda, waa in ay ogaadaan, in ay matalaan jufadooda, oo aan loo baahneyn in ay fara geliyaan arrimaha beelaha kale, culeysna ku saaraan Ra’iisul Wasaaraha, cidda ay rabaan in Wasiir loogu magacabo, beel ayna u dhalan. Ra’iisul Wasaaraha shaqadiisa, ha loo daayo Waa sahlantahay, si wax loo dumiyo, laakin weey adagtahay in wax la dhiso, yaan dib loo eegin wixi dhacay, aan wada saxno, arrintana yaan laga dhigin, wax shaqsi leeyahay; hana la fiiriyo waxa dalka iyo dadka u baahan yihiin, ee ah Dowlad Soomaaliyeed, oo soo celisa adeegayaasha daruuriga ah iyo Sharciga iyo Kala-dambeynta. Ra’iisul Wasaaruhuna, waxaan kula talinaya, in uu badiyo wada tashiga iyo wada hadallada Xildhibaanada, beelaha iyo Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeed, ayaa ka talintiisa, Ummadda Soomaaliyeed ka wada dhaxeeyo; dal ama dad si gaar ah, in loo qanciyo, ay waajib tahay, in ayna jirin. Danta dalka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed, ayaa wax walba ka horeeya, sidi loo ilaalin laha. Taa, waxaan ula jeeda, in aan a qanciyo, Xildhibaanada walaaca ka qaba, in Itoobiyaanka ay faraha kula jiraan arrimaha Soomaaliya; dowladana ay soo xulayaan ama na farto cidda aan Dowladda laga qeyb-gelineyn, in ay tahay wax, marnaba suurta gal noqoneyn.

Itoobiya iyo Soomaaliya, waa lagama maarmaan, in ay yeeshaan, xirrir wax wada qabsi iyo deris wanaag; in ay noo soo xulaan ciddi Dowladda ka qeyb-galeyso ama fara gelin Arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya, cid ka aqbaleysaahi ma jirto, saaxibtinimada kuma jirto. Sida, Caalamka uu qabo, waa in lagu dhaqo Siyaasada Arrimaha Dibedda ee dalka kasta, Mabaadii’da Dhoowritaanka iyo Sinaanta Dalalka, oo aan la fara gelin, laguna xadgudbin Arrimahooda Gudadaha; lana horumariyo Danaha ka dhaxeeyo Dowladaha deriska ah, Gobolka iyo kuwa Caalamka.

Marka, anigoo aqoon yahan Soomaaliyeed ah, Ummadda iyo Dalka dembi ka gelin, kana dhashay Beesha Hawiye, kuna hadli karo magacooda; ayaan, waxaan leeyahay, Xildhibaanadi, igu yiri “ ABGAAL HA NAGA CODSADO, IN AAN RA’IISL WASAARAHA, LA DHISNO”, ayaa hadda anoo ku hadlaya, magaca Abgaal, mar haddii Ra’iisul Wasaarihi dad isku xigno, ayaan, si xushmad leh uga codsanaya, in Xildhibaanada Soomaaliyeed, ay nala dhisaan Ra’iisul Wasaaraha, oo ayna na diidin, wixi qalad ah ee dhacay, in ay raali ka noqdaan, diyaarna loo yahay in la saxo; si dowlad u wada dhisano, dhibaaada Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Dalka haysata looga samata baxa.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow ‘Black’
drabdi2000@yahoo.com | Updated: Dec 17, 2004


Baarlamaanka Soomaaliya oo deeq ka helay hey'adda Awepa

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Nairobi, Kenya | SomaliTalk | Dec 16, 2004

Hey’adda Awepa oo ah hey’ad baarlamaanka Yurub u qaabilsan amuuraha Afrika, ayaa maanta baarlamaanka Soomaaliya guddoon siisay kow iyo toban “11” xafiis iyo sideed “8” Kubuyuutar. 

Maxkamada Hargeysa oo Burisey Hadalkii Taliyaha Booliska
iyo Samsam oo lagu xukumay 5-sano... Guji....

Sida ay iigu warantay mid ka mida howl wadeenada hey’ adda Awepa oo lagu magacaabo Landa Baas, ahna uqeyb sanaha dhinaca Afrika iyo Soomaaliya ee Awepa, ayaa waxa ay hoosta ka xariiqdey in ay bixinayaan qarashka xafiisyadan inta baarlamaanka Soomaalidu ku sugan yahay Nairobi. 

Iyadoo sheegtay in howlihii baarlamaanka Soomaalidu inta badan ay dhamaadeen balse ay ku sii sagootinayaan mucaawinadan Golaha Baarlamaanka Soomaaliyed. 

Mar aan waydiiyey haddii baarlamaanka Soomaalidu sii joogo sanad waxa ay falayaan, waxa ay cadeysay in ay bixinayaan kirada gurigan inta baarlamaanku joogo Nairobi. 

Dhinaca kale waxaa kulankaa ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh. Xasan Sh Aadan oo mahad gaara u celiyay Awepa kuna amaaney dadaal kooda wax tarka leh, isagoona sheegay in haddii baarlamaanku aado Dalka Soomaaliya ay ka sugayaan deeqo wax tar leh Awepa, 

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh Xasan Shiiq Aadan, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ahaa: -  

  • Ø      Dr Jaylaani Cali Kadiye

  • Ø      Dr Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

  • Ø      Drs Fahmo Axmed Nuur

  • Ø      Dr Xasan Dhinbil Warsame

  • Ø      Drs Caasha Axmed Cabdalle

  • Ø      Cawad Axmed Cashara

  • Ø      Cabdalla Boos Axmed

  • Ø      Dr C/kariin Axmed Cali

  • Ø      Dr C/qaadir Nuur Caraalle

  • Ø      Cali Xaaji Maxamuud Cali Baashi

  • Ø      Ibraahin Isaaq Yaroow

  • Ø      Ibraahin Xusseen Saalax

  • Ø      Daahir Xaajo Khaliif

Waxaa kaloo joogay kulankan xubno ka tirsan ergooyinkii shirka Soomaalida ku sugnaa mudadii labada Sano aheyd, iyo saxafiyiin iyo marti sharaf kale oo badan

Kulan looga doodayo xaquuqda Haweenka oo ka furmay Nairobi maanta 

Kulankan waxaa iskugu yimid Dumarka Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya& haweenka ku jira baarlamaanka wadanka Kenya, 

Kulankan waxaa la iskula soo qaaday sidii haweenka labada wadan ama guud ahaan aduunka haweenka ku nool looga saari lahaa Jahliga Colaada Aqoondarada  Cudurada Faafa Sida Adiska Malaariyada iyo guud ahaan cudurada,

Waxaa kaloo la iskula soo qaaday bal sidii haweenka u heli lahaayeen Xuquuq ku filan oo la siman mida raga dhinaca Waxbarasha Caafimaadka Siyaasada iyo guud ahaan dhinacyada Nolosha, 

Waxaa goobta ka hadlay xubno ka socday labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Kenya haween ka mida ergooyinkii shirka Soomaalida iyo Xubno ka socday wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya, 

Guud ahaan shirku waxa uu ku dhamaaday jawi farxad leh waxaana la isku waydaarsaday Figrada iydoo labada dhinacba ay soo jeediyeen afkaaro mu him u ah labada dhinac

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Nairobi, Kenya | SomaliTalk | Dec 16, 2004

Faafin: Somalitalk.com Nairobi | Dec 16, 2004

Doorashooyinka Puntland iyo Musharaxiinta
 iyo wararka kale ee Boosaaso... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD