QORAALADA LAGA QORAY
SAMSAM:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
- Prof.Cali M.Geddi oo mar kale caawa loo magacaabay
Wasiirka Koowaad.
- Madaxweynaha Dowladda FKMG ah
ayaa aqbalay maanta kala diristii baarlamaanka ku sameeyay gollaha
wasiiradda.
- Dadyoowgii kasoo barakacay
roobabkii dhawaantan ka da ay deegaano ku dhow dhow dagmada jilib oo
wali ku hoy iyo daryeel la nawaaxiga deegaanka jilib
Prof.Cali M.Geddi oo mar kale caawa loo magacaabay
Wasiirka Koowaad.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Dec 13, 2004
Munaasabad caawa ka dhacday Hotelka Jakaranda ee
magaalada Nairobi,ayna ka soo qayb galeen Wakiilo ka
kala socday Q.M,EU,AU,Ururka IGAD iyo wafdi ka socday
Ismaamul goboleeka Puntland oo uu hogaaminayay Maxmad
Abdi Xashi Madaxweynaha ismaamulkaasi ayaa lagu
magacaabay wasiirka koowaad.
Waxaa kale oo ka soo qayb galay gudoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xsan Sh,Aadan,xubno ka mid ah
baarlamaanka iyo wasiiradii lakala diray.
Ugu horeyn waxaa qudbad gaaban soo jeediyay
Gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in uu ku faraxsan
yahay magaabista wasiirka koowaad,waxa uuna ku soo
dhaweeyay Madaxweynaha Dowlada FKMG ah ee soomaaliya
C/llaahi Yuusuf Axmad.
Madaxweynaha oo Qudbad dheer soo jeediyay waxa uu
sheegay ugu horeyn in ay la yaab ku noqotay walina
uusan arklin dowlad aan la ansaxinin waxqabadkeedana
baarlamaanka arkin in ay cod u qaadaan kuna
ridaan,balse uusan ka hadlin isaga shaqsi ahaan kana
ahaa dhexdhexaad arrintan dhex martay baarlamaanka iyo
Dowladda.
Waxa uu intaas ku daray in uu si wanaagsan u arkay
Qodobada lagu soo oogay wasiirka in uu jabiyay gaar
ahan qodobka 49-aad,qodobkana ku tilmamay in uu horay
u diidanaa,dastuurka ayuu ku tilmamay mid aan isku
dheelitirnayn ahayn mid si sax ah looga baaraan dagay
sida uu sheegay madaxweyne c/llahi yuusuf sharci
ahaana wax badan u dhiman yihiin in laga saxo.
Waxaa kale oo uu ka hadlay in dowladda ka aqbashay
go'aankii baarlamaanka iyadoo la tixgalinayo sharciga
u yaala baarlamaanka,qof walba oo ka mid ah
baarlamanka ama dowladdana uu xil ka saaran yahay in
ay ilaaliyaan nidaamka u yaala baarlamaanka.
Intaas kadib waxa uu ku dhawaaqay In uu xilka wasiirka
koowaad u magacaabay PRof Cali M,Geddi oo horay ay
baarlamaanka u rideeen,waxa uuna sheegay in sababo
badan awgood uuu u soo celiyay wasirkii hore oo ay ka
mid tahay waqtiga ay haystaan oo aad u yar iyo
cadaadis badan oo ka haysta sii joogista dalkan oo
hadii la damco in la sii raadiyo ay keeni karto daba
dheeraansho kale.
Madaxweynaha waxa uu baarlamanka ka dalbaday in ay
kalsoonida siiyaan cali maxamd geedi ama u diidaan
ayna tahay mid u taala iyaga laakiin uu ku talinayo in
ay siiyaan codkooda kalsoonida si looga mira dhaliyo
ujeedoyinka dowladda iyo wax loo yimid halkan.
Ugu dambayn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka koowad
cali Maxamad Geddi,kana mahadceliyay xilka lagu soo
celiyay,isagoo muujiyay cudurdaar iyo kalsooni raadin
uu baarlamaanka ka dalbanayo,waxa uuna ugu baaqay in
ay iska iloobaan waxi horey udhacay ayna hadda wada
shaqayn dhex marto buuxda,waxa uuna balan qaaday in uu
la shaqan doono baarlamaanka,dib u heshiisiin iyo wada
tashina la imaan doono,waxii lagu ridayna ka
digtoonaan doono sida uu hadalka u dhigay.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Dec 13, 2004
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa galabta Hotelka Jacaranda ee Magaalada
Nairobi ugu magacaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed
Geedi
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi

Hotel Jacaranda | Nairobi
Madaxwaynaha Soomaaliya mudane
Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa galabta mar kale u magacaabay in uu
Soomaaliya raysul wasaare ka noqdo Shanta sono ee fooda nagu soo haysa
Prof Cali Maxamed geedi oo 11/12/2004 baarlamaanka Soomaalidu kal
soonida kalla noqday isago oo haray u magaacay 3/11/2004 balse
baarlamaanka Soomaalidu ka eedayeen in Prof Cali Maxamed Geedi ku
xadgudbay Cahdiga qaranka Somaalieed gaar ahaan qodobada 4-12-49,
Kulanka oo ka dhacay Hotelka Jacaranda
ee Magaalada Nasirobi ee Dalka Keenya waxaa ka soo qayb galay
Madaxwaynaha Soomaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh Xasan Sh Adan, Gudoomiye ku xigeenada
Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Cismaan Cilmi Boqore madaxwaynaha Maamul
goboleedka Puntal Maxamed Cabdi Xaashi&Xubno ka tirsan golihiisa
wasiirada ee Puntland.
Waxaa kaloo ku sugnaa Goobta I.P.F
Midoowga Yurub Jaamacada Carabata Igad oo ay hor kacayeen Maxamed Cabdi
Afey Danjiraha Dowlada Kenya ee Soomaaliya&Kipligat iyo xubno kale oo ka
tirsan Beesha Caalamka,
Waxa kaloo goobta xaadir ku ahaa
Xubnihi Golaha wasiirada ee Prof Cali Maxamed Geedi oo baarlamaanku kal
soonida kalla noqday,
Waxaa halkaa laga aqriyay Ayyadaha
Quraanka Sharafta badan waxaana ka dib hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaliya Sh Xasan Sh Adan oo isagu sheegay in uu ku faraxsanyahay sida
Madaxwaynuhu u dhaqmay hadalka gudoomiyihu waxa uu ku saabsanaa uun
Caqli celin iyo tusaaleen iyo mahad naq ku aadan madaxwaynaha ka dib
waxa uu ku soo dhaweeyay madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi
Yuusuf Axmed oo isagu halkaa ka aqriyay Qudbad qiimo badan,
Madaxwaynuhu hadalkiisa waxa uu ku
bilaabay Salaan& mahadnaq isaga oo sheegay in Daraad oo Bisha 11
Baarlamaanka uu go aan ku gaaray in iyagoon arag doowladii la soo
magacaay Goleheedii wasiirda iyo barnaaaamishkeedii Siyasaded kal
soonida kalla noqday mooshin koox ka tirasan Barlamaanu wadeen
baarlamaanka aqlabiyadiisiina waxa ay isku raacday in kal soonida lagala
noqdo Dowlada iyagoo aan kal sooni la waydiisan arinta nuucaa oo kale ah
mid wali I soo martay ma ahan waayo waxaan laguba waydiisan in aad diido
aniga wax I soo maray maahan ha yeeshee hadana go aanka baarlamaanku
anigu waan cuskanayaa waxaana ogahay in aanu baarlamaanku qaldaneen buu
yiri Madaxwaynaha Soomaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo hadal ka
jeedinayay Magacaabista Wasiirka koowaad ee Soomaliya ,
Waxaa isaguna hadlay Raysul wasaaraha
la doortay ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo isagu mahad gaara
uceliyay Madaxwaynaha Somaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyed
iyo inta ka soo qaybgashay kulanka o isagu ku tilmaamay mid taariiqiya
kana xusay Saxaafada si gaaran,
Raysul wasaaraha la doortay ee
Soomaaliya waxa uu sheegay in uu sida ugu fudud u soo dhisi doono Dowlad
tayo leh soomaalidana badbaadisa,
Prof Cali Maxamed Geedi waxa u shacabka
Soomaliyeed xasuusiyay Qudbadii 14/10/2004 Goobtii lagu caleemo saaray
Madaxwaynaha Soomaliya ka jeediya madaxwaynaha Yugaandha oo aheed hadii
aadan wax helin sugo jaaniskaaga waxa uu xusay in 275 Xidhibaan aysan
dowlada kuwada jiri Karin Prof Maxamed Cali Geedi waxaa horyaala Buundo
dhaxda ka go an Horteedana Malab daadsanyahay iyadoo looga fadhiyo
qaabkii buundada Dhaxda ka go an uu uga tilaabi lahaa Hore waxaa u
taageeray Hogaamiyaasha Siyaasada Muqdisho maanana waxaa larabaa in uu
taageero ka helo Golaha Baarlamaanka Soomaaliyed.
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi
Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ayaa
aqbalay maanta kala diristii baarlamaanka ku sameeyay gollaha
wasiiradda.Canab Mumtaz
|
canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Dec 13, 2004
Madaxweynaha dowlada FKMG ah ee
soomaaliya C/llaahi yuusuf Axmad ayaa maanta aqbalay Codkii ay
baarlamaanka ku kala direen Gollaha wasiirada ee uu hogaaminayay
Cali M.Geddi.
Aqbalaadan ayaa ka dambasay ka dib
markii ay kulan wada yeesheen Afhayeenka
baarlamaanka,madaxweynaha iyo Qaar ka mid ah Danjirayaaha IGAD
ee shirka wadaday kana wada hadleen sida loo xalin karo dowladda
khilaafka soo kala dhex galay baarlamaanka iyo dowlada ee ku
aadan jabinta qaar ka mid ah Qodobadii Axdi Qarmeedka oo ay ku
eedeeyeen xildhibaano badan in uu jabiyay cali Maxamd Geddi.
Kulamadan oo socday shalay illaa
xalay ayaa madaxweynaha ugu dambayn aqbalay in dowladaas ay
dhacday,Baarlamaankana uu cod buuxa ku riday dowladii Cali
Maxamad Geddi,Lagana fiirsan doono waxii keeni kara khilaaf kale
oo soo kala dhex gala labad Golle ee Baarlamaanka iyo Gollaha
wasiirada.
Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay in
dhawaan soo magacaabay Ra'iisul wasaare lana horgayn doono
baarlamaanka kadib marka ay ansaxiyaana uu soo dhsii doono
Gollaha wasiiradda,wararka qaar ayaa tibaaxaya in madaxweynaha
uu damacsan yahay in uu mar kale soo magacaabo Prof Cali Maxmad
Geddi.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa soo
dhaweeyay arrintan aqbalaada ah kuna tilmaamay mid abuuri karta
isku soo dhawaansho ah labada dhinac ayna bilow u tahay xal iyo
xisaabtan ka dhaxayn doona labada Golle.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi | Dec 13, 2004
Dadyoowgii
kasoo barakacay roobabkii dhawaantan ka da ay
deegaano ku dhow dhow dagmada jilib oo wali ku hoy
iyo daryeel la nawaaxiga deegaanka jilib
wararka naga soo
gaaraya deegaanaka jilib ee gobolka j/dhexe ayaa
sheegaya in ay wali halkaasi ay ku dhibaataysan
yahiin dadkii kasoo barakacay deegaanada dagbajuun,
malableey, kalaguur, iyo xabaalgeedoow oo
dhamaantood ka tirsan dagmada jilib oo ay dhawaan
roobab lixaad lehi ay ka daeen
hadaba waxaa halkaa
laga soo sheegayaa in ay dadyowgaas la ildaranyahiin
xaalado ay ka midyahiin deegaan la aan nafaqo xumo
iyo dhibaatooyin kale waxayna qaarkood buushash
cooshado ah ka samyedteen duleedka dagmada jilib
halka ay qaar wali ku suganyihiin gudaha magaalada
jilib mana jiraan wax hay ado ah oo gacan siiyay
dadkaasi dhibaataysan marka laga reebo codsiyaal ay
maamulka dagmada ay u gudbiyeen hay adaha samafalka
caalamiga ah si wax logu qabto umadan ku bara kacday
roobabkii dhawaantan ka da ay g/j/dhexe,
sidoo kale waxaa
dadka ku dhaqan deegaanka jilib fara kulul ku haye
cudurka duumada ama maleeriyada oo ay haatan la
ildaran yahiin dad aad u fara badan oo ku dhaqan
deegaankaasi ,
hadaba dagmada
jilib ayaanan waxayna lahyen wax isbitaal ah ama
goobo caafimaad oo ay dadku higsadaan xiliyada ay
jiraan dhibaatooyinka cayenkan oo kale ah
faysal xaaji siyaad
muumin
kismaayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2004
Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley
iyo Afhayeenka dowladda FKMG oo sheegay inaan waxba ka jirin
go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi..
Guji... Dec 11
Doorashooyinka
Puntland iyo Musharaxiinta
iyo wararka kale ee Boosaaso...
Guji... Dec 13
IGAD oo markale
bilowday dhexdhexaadintii Qaybaha Soomaaliyeed
kadib kala diristii Golaha wasiiradda..
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|