SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 |
  • IGAD oo markale bilowday dhexdhexaadintii Qaybaha Soomaaliyeed kadib kala diristii Gollaha wasiiradda.

  • SPORTS:: Muxuu ku dhamaaday kulankii Soomaaliya iyo Uganda…?

IGAD oo markale bilowday dhexdhexaadintii Qaybaha Soomaaliyeed kadib kala diristii Gollaha wasiiradda.

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com

 Dec 12, 2004

Kulan afar geesood ah oo ay maanta iskugu yimaadeen Afhayeenka Baarlamaanka, Madaxweynaha Dowlada FKMG ah, IGAD iyo Wasiirkii la casilay ee Prof Cali M.Geddi ayay uga wada hadleen qaabka  loo xalin karo casilaadii shalay ay baarlamaanka.

 
Shirkan oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen waxaa ay qaybahan isla meel dhigayeen sida ugu fudud ee loo xalin karo la iskugna keeni karo baarlamaanka iyo dowladda mas'uuliyiinta kala hogaamisa si loo yareeyo dhibaatada soo kala dhex gashay ee ku aadan dastuurka iyo jabinta qaar ka mid ah Axdiga u dagsan baarlamaanka oo ay xildhibaanada ku eedeeyn cali maxamad geddi in uu ku xadgudbay.
 
Warar ku dhawdhaw madaxweynaha iyo Wasiirkii la casilay ayaa sheegaya in ay wadaan barnaamij ay IGAD kaga dhaadhicayaan in aysan waxba ka jirin codkii shalay loo qaaday in dowlada lagu casilay, sidaasna lagu shaaciyay uusana ahayn mid sharci ah oo ay qaadan karaan,mar hadii aysan dowlada wali u soo bandhigin baarlamaanka waxqabadkeeda wax lagu casilana aysan jirin mar hadii aysan la imaanin barnaamij lagu mucaarado ama lagu taageero.
 
Afhayeen u hadlay dowlada ayaa mar kale ku celiyay in dowlada aysan dhicin ayna wadan doonto howleheedi caadiga ahaa ee hor yaalay,arrimahana ay yihiin kuwo lagu dagdagay una baahanaa in la saxo ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida ee casilada ah sida uu afhayeenkaasi ku waramay.
 
Baarlamaanka ayaa dhankooda wadda dadaal xoogan oo ah in gudoomiyaha uusan marna la soo laabanin go'aan ka duwan kii ay shalay wada gaareen kuna rideen dowladdii uu hogaaminayay Cali maxmad  Geddi.
 
Dhinaca kale kulan ay lahaayeen maanta  Gollahi wasiirada ayaa waxaa ka hadlay Cali maxamd gedi oo u sheegay in ay ka warsugaan waxa ka soo baxa kulanka ay la leeyihiin IGAD iyo Afhayeenka Baarlamaanka oo meel wanaagsan maraya,siina wataan howshooda caadiga ah ee wasiir walba hortaala,waxa uuna la yaab ku sheegay in qaar ka mid ah wasiirada ay arrintan casilaada ka dambeeyeen laakiin uusan waxba u arkin, kulankan oo ay albaabadu u xirnaayen waxa intaas ku daray Prof Cali Maxmad Geddi in ay yareen buuqa iyo gacan ka hadalka oo ah wax aan loo baahnayn arrintana lagu jiro sidii loo soo xaqiijin lahaa sida uu iigu wararamay mid ka mid ah wasiiradii ka qayb galay kulankaas.
 
Arrintan casilaada ayaa wali waxaa ka jira buuq badan iyadoo baarlamaanka iyo dowladaba ay kala sheegayaan in la kala diray dowlada oo aysan jirn halka dowladana ay qabto in aan la ridin loona haynin sharci lagu rido balse waxaa laga warsugayaa wax ka soo baxa afhayeenka baarlamaanka kulamada uu la leeyahay dowlada iyo IGAD.

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com


 

Muxuu ku dhamaaday kulankii Soomaaliya iyo Uganda…?

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Shalay saacaddu markay ahayd 2:00-duhurnimo ee waqtiga Muqdisho waxaa Garoonka Qaranka ee waddanka Ethiopia kulan ciyaareed aad u xiiso badan ku wada yeeshay xulalka Soomaaliya iyo Ugandha, waxaana kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen taageerayaal aad u fara badan oo u badnaa difaacayaasha Qaranka Soomaaliya qeybtiisii hore ku soo idlaatay 0-0, inkastoo ay ciyaar-tooyda Qaranka ee Soomaaliya ay ka hor dhamaadka ciyaarata ay heleen fursaodo Gool loo fishay, balse aan dhalan.

 

Qaybtii 2-aad markii la isugu soo laabtay waxaa ka dhacay ciyaar ka adag qaybtii hore, waxaana gool deg-deg ah indhaha looga dharbaaxay Xulka Soomaaliya oo si aad ah looga gacan sareeyay, guud ahaanna ciyaartaas waxay ku soo gabagabowday 2-gool oo ay dhaliyeen ciyaartooyda Qaranka Ugandha iyo Soomaaliya oo aan wax goolal ah la imaan.

 

amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2004

»Kufsigii Cadaaladda ee Hargeysa ayaa ka Horeeyey kiiska SamSam
»
Dawladii Prof Geedi oo la riday... [Gaagaale]
»Xog waran ku saabsan Shirka ka dhacaya Copehagen [M.Abdi]
»DADKAYGOOW DULMIGA DAA [Garaad]
»C/LAHI XAAJIYOW CIMRI TAGAY CEEB HA KU SAGOOTIN [Abshir]
»Wallee Lama Ledo ! [Hadal-wanaaje]  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD