SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 |
NADWO DIINI AH OO LAGU SOO GABAGABEEYEY MAGAALADA KISMAAYO

Culumada kismaayo ayaa maalinkii sabtida oo ku beegnay 11/12/2004 ku soo gabagabeeyey nadwo diini ah masjidka alqadiim ee magaalada kismaayo. nadwadaas waxaa ka qeyb qaadanayey culumo horey u daganayd magaalada oo uu ka mid yahay sh/Yuusuf Cali DHuux iyo kuwo booqasho dacwadeed ku yimid oo uu hogaaminayey sh/Maxamuud Macalin Nuur. arrimaha looga hadlay nadwada waxaa ay ahaayeen kuwo ay bulshada ku nool magaalada kismaayo aad ugu baahnaayeen, waxaana ka mid ahaa muxaadaro cinwaankedu yahay (DULMIGU IN UU YAHAY MUGDI MAALINTA QIYAAME) waxayna socotay mudo laba maalmood ah. waxaa kale oo ka mid ahaa muxaadaro kale oo iyana cinwaankeedu yahay ( HA U DHAWAANINA FUXSHIGA). waxaa ay culumadu aad uga digeen wax walba oo keeni kara in bulshdu kala fogaato isna khilaafo iyo wax walba oo iyana keeni kara fuxshiga sida mukhaadaraadka, shineemooyinka dhiga filimada anshax xumida ku dhex fidinaya bulsha.

Dhinaca kale waxay culumadu u fureen ducaada magaala kismaanyo maalinimadii shalay ee sabtida simnaar aqoon kororsi oo socon doonaa mudo dhan shan maalmood. ducaadu waxay ku baran doonaan simnaarkan tilmaamaha laga doonayo qofka daaciga ah in uu ku sifoobo, iyo in uu uga daydo nabigeena ( Muxamed ) ah nnk, sida uu u gaarsiinayo dacwada dadka soomaaliyeed ee 100%muslimka ah.

Ducaada uu simnaarku u furmay ayaan ku dhow ilaa boqol daaci, waxaana la filayaa in ay ka kororsan doonaan simnaarka dariiqooyion iyo qaabab cusub oo cilmi ah, oo ay u adeegsadaan dacwada iyo wacyi galinta bulshada. sidoo kale ayaan maanta oo ah maalin axad ah ayay culumadu u fureen qaar ka tirsan dumarka magaala simnaar socon doona afar maalmood oo ay ku qaadan doonaan duruus la xirirrta barasha diinta islaamka iyo casharo gaar u quseeya gabadha muslimada ah.

waxaa kale oo ay culumadu sameeyeen kormeeray ku tageen machadka la yiraahdo Al -hudaa oo ay kan ugu weyn macaahida laga barto qur'aanka kariimka ah , waxaa uuna qur'aanka baraa machadkaasi ardey gaaraysa (250) arday, macalimiintiisuna waxay dhan yihiin (14 macalin iyo maamule iyo maamule ku xigeen.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay culumadukulan la yeesheen maanta oo axad ah waxgarad ka tirsan waxgaradka magaalada kismaayo , halkaas oo ay xasuusiyeen in qof walab oo muslim ah looga baahan yahay in uu ilaah ka baqo, aaqirana uu wax u hor marsado, waxayna kala hadleen oo kale in ay sida ugu haboon u gutaan mas'uulida weyn ee ay u hayaan bulsha soomaaliyeed .

wax garadka ayaa dhiciisa aad u soo dgaweeyey culumada ugana mahad celiyey sida ay u gudanayaan xilkooda culumanimo, bulshaduna ay aad ugu baahan tahay, waxayna cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii ay bulshadu uga faa'iidaysan lahayd fursadan qaali ah ee ay culumadu u hurayaan umadooda sidii ay horeyba ugfu huri jireen. waxayna ka codsadeen in culumadu ay xilligii ay ku soo tala galeen kordhiyaan maxaa yeelay ayay yiraahdeen baahida loo qabo wacyi galinta culumada kuma filna in ay ay ku soo tala galeen.

MAKTABKA DACWADA IYO TARBIYADA EE SOOMAALIYEED

Laxiriir: dacwah@hotmail.com ama xanaf2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2004

»Kufsigii Cadaaladda ee Hargeysa ayaa ka Horeeyey kiiska SamSam
»
Dawladii Prof Geedi oo la riday... [Gaagaale]
»Xog waran ku saabsan Shirka ka dhacaya Copehagen [M.Abdi]
»DADKAYGOOW DULMIGA DAA [Garaad]
»C/LAHI XAAJIYOW CIMRI TAGAY CEEB HA KU SAGOOTIN [Abshir]
»Wallee Lama Ledo ! [Hadal-wanaaje]  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD