QORAALADA LAGA QORAY
SAMSAM:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
ARAGTIYAHA
SOOMAALIDA & FEDERAALKA
Nidaamka Federaalku
Xal uma aha Dhibaatada Soomaalida
C/shakur
Jawaab ku aadan maqaalkii “
Federaalka iyo walaalaha galgaduud “
Siciid
Himilo
Federaalnimada Soomaaliya: maxaa
looga gol leeyahay?Axmed
Faarax cali(idaajaa)
Idaajaa Muxuu Soo Kordhiyey?Shaafici
Daba-galka Qoraalkii
“Federaalnimada Soomaaliya: maxaa looga gol leeyahay?” ee Axmed F.
Cali Idaajaa
Maxamed
Cadoow
Federalka iyo
walaalaha Galgaduud
Shaafici
Xasan
Nidaamka Federalku Makashaqayn
Karaa Soomaaliya!
C/Risaaq Xaaji Xuseen
|
FEDERAALKU WAA HOOG
(Gabay)
Abdibashir Ali
abdibashir@hotmail.com
Tixdan waxaa curiyey Maxamed Xirsi Guuleed 2004-12-11, isaga oo kaga hadlaaya
halista ku qarsoon fikradda siyaasadeed ee FEDERAALKA. Fikraddan waxaa lagu qaatay
shirkii ujeedooyinka badnaa ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya, taasoo
macneheedu yahay in nadaamka federaalka lagu dhaqo Soomaaliyada ay rabaan dalalkii
iyo ururadii shirka maalgashaday. Waxaa la yaab noqotay in kelmaddii oo aan xiitaa
af soomaali loo turjumin lagu daray magaca dawladda lagu soo dhisayo Kenya.
Wuxu
yidhi:
Soomaalaay habeenbaa u dumay himiladiiniiye
Hankiinii midnimo Kiiniyaa heertay maantana eh.
Bal aan hoga tusaalayn marshee hoo war iga qaata!
Federaalkan ay hadal hayaan, hadimo weeyaane
Hoog iyo ba’ weeyaan, haddaad hab u malayseene
Hiddeheenna meel kuma lihiyo, haybtii dhaqameede
Waa hadal qalaadoo haddana, hoos inoo galaye
Markaan hubiyey qaamuusyadii lagu hal-qeexaayey
Idinkuma habboonee midnimo, ka hadfa weeyaane
Hayb hayb u kala soocma iyo, hebello weeyaane
Halahaagu yey tegin halkuu, helay cir weeyaane
Hoggii weeye ay nala damceen, hore gumaystuuye
Hayeeshee rag haraggeena laa, hawshan loo diraye
Oo looga hadhay meel madoow inay ku hooyane
Oo ku leh heshiis baan wadnaa, haykal qarameede
Hengefbayse calan moodayaan, habawgu waa kaase
Ninka ka hor yimaadoow xaqqaad, u halgamaysaaye
Hal adayg lahoow goor kalaad, heli abaalkaaye
Abdibashir Ali
abdibashir@hotmail.com
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|