SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 |
DADAALKII MACALINKA
 
SHEEKO DHAB AH:
Waxaa carabi kasoo tarjumay,
Maxamed Axmed
Toronto, Canada
 
Maalin maalmaha kamid ah ayaa Macallin uu kuwaaniyey ardadiisa in ay Rabbigood adeecaan, oo ay salaadda subax kudadaalaan inay waqtigeeda tukadaan, Macallinku aadbuu ugu celceliyey waanadaas iyada ah.
 
Haddaba waxaa fasalka kamid ahaa arday saqiir ah oo dhiganayey galaaska saddexaad ee dugsiga hoose oo magiciisa la oran jiray Axmed. Axmed wuxuu aad ugu macaansaday Macallinka warkiisa wuxuuna go'aansaday inuu kadhabeeyo waanadaas iyada ah oo uu qaato, isagoo ku tallamaya inuu salaadda subax masaajidka jamaacadiisa lasoo tukado. Laakiin nasiib darro waqtigaas toosidiisu  kudhib ayay ahayd da'diisa yaraanteeda awgeed.
 
Arrinku si kastaba ha ahaadee, wuxuu goostay Axmed inuu salaadda subax lasoo tukado jamaacada Masaajidka, maddaama Macallinku yiri iyada yaa ajar badan, laakiin su'aashu waxay tahay yaatoosinaya waqtigaas, ma aabbihiis baa toosin, ma hooyadiis baa toosinaysa, MAYA, haddaba yaa toosin. Muxuu samayn?!!.
 
Jawaabtu waxay tahay, wuxuu qaatay go'aan khatar ah, laakiin geesinimo kujirto, kaas oo ah inuusan seexan habeenka oodhan ilaa laga gaaro waqtiga salaadda subax soogalayso oo uu dhafro, sidaas ayuuna yeelay. Markii uu maqlay addinkii salaada subax ayuu furay albaabkii hore ee gurigooda, kaddibna bannaanka ayuu usoo baxay, waxaana indhihiisu kudhaceen waddada oo cabsi leh isla markaasna mugdi  ah kaddibna baqdin ayaa laabtiisa buuxisay, waa yaabe muxuu samayn doonaa?!!.
 
Waxaa dhagihiisu maqleen kabo sharqantood si fudud dhulka ugaraacaya, iyo ul dhulka si tartiib ah loodhigayo , wuxuu noqday ninkaansi odaygii awoowaha u-ahaa wiilka xaafadda ee ay saaxiibada ahaayeen. Kaddib wuxuu Axmed go'aansaday isagoo faraxsan in uu si qarsoodi ah udabagalo odayga waayeelka ah ee masaajidka usocda, iskana dhowro sharqanta si uusan udareemin, hadhoow marka uu soo baxayo sidoo kale uu yeelo oo uu gadaashiisa sidii ookale isugu aadiyo oo uu soo daba-galo, sidaas buu yeelay subaxaas, kaddibna gurigoodii buu kusoo laabatay wuxuuna si tartiib ah uga soo galay albaabkii hore oo uu markii uutagayey sii riixay.
 
Sariirtiisii ayuu halhaleel utagey oo wuu seexday kaddibna iskuulkiisii baa lootoosiyey wuuna aaday. Ayaamihii kuxigayna sidoo kale ayuu yeeli jiray(habeenkiina soojeed isagoo subaxa kabaqaya inuu dhaafo, odayga ayuuna sii dabagalaa soona dabagalaa). Reerkiisuna waxba kama dareemin oo aan ahayn maalintii marka uu iskoolka kayimaado oo hurdo siyaado ah lagu arkay, iyagoo garan la' waxa keenay in wiilka yar ay hurdadiisu badato maalintii.
 
Xaalku wuxuu saas ahaadaba, maalin maalmaha kamid a ayaa waxaa loosheegay in odaygii awoowaha u ahaa saaxiibkiis uu geeriyooday(odaygii uu masajidka udabagali jiray), kaddibna Axmed wuxuu bilaabay in uu kor u dhawaaqo isagoo ooyaya oo la'aamusin waayo. Aabbihiis ayaa weeydiiyey: "Maxaa kaa oohinaya odaygaasi qaraabadaa miyaa, Hooyadaa miyaa, Aabahaa miyaa"?, kaddibna Axmed wuxuu kujawaabay:  " Aabbe waxaan ka-jeclaan lahaa in aad adigu dhimato meesha uu odaygaasi kadhintay" (dabcan waxaa keenaysa yaraantiisa inuu saas uhadlo).
 
Kaddib aabbihiis wuxuu weeydiiyey sababta uu leeyahay hadalkaas "aabbe adaan kajeclaa inaad dhimatid".. dabadeedna wuxuu Axmed ku jawaabay: "Odaygaasi wuxuu ahaa odaygii aan masajidka subuxii uraaci jiray sii-socod iyo soo-socodba, marka majeclayn inuu dhinto odaygaasi, ee adaa aabboow kufiicnaa inaad dhimatid, maxaayeelay weligaa iima aadan kaxayn masaajid, imana aadan amrin salaadda"!!.
 
Dabadeed Aabbihii wuxuu amray Axmed inuu uga sheekeeyo xaaladda uu kasoo maray salaadda iyo masajidka aadidiisa, markuu uga sheekeeyeyna Aabihii wuxuu bilaabay inuu ooyo isagoo kudhawaaday in dhuuntu dillaacdo, kaddib markuu layaabay wiilkiisa saqiirka ah oo saas khayrka ugu dadaalaya una toosan iyo isagii dhalay oo baadiyaysan, dabadeedna odaygii iyo reerkii oodhammi waxay go'aan kugaareen inay wiilkooda yar kudaydaan , sidaas ayaana reerkii odhammi kuhanuuneen, Ilaah ka sokoowna wiilka yar ayaa sabab u ahaa, iyo Macallinkii isaga iyo ardadii kaleba faray inay salaadda oogaan.
 
DHAMMAAD
 
-Waxaa laga soo guuriyey (cajaladda: QISOOYINKA QALBIGA TAABTA, uuna duubay Shiikh Ibraahiim Al faaris)
 
FIIRO GAAR AH: Qisadu masheegin waddanka ay sheekadaani kadhacday.
 
Waxaa carabi kasoo tarjumay,
Maxamed Axmed
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2004

»Kufsigii Cadaaladda ee Hargeysa ayaa ka Horeeyey kiiska SamSam
»
Dawladii Prof Geedi oo la riday... [Gaagaale]
»Xog waran ku saabsan Shirka ka dhacaya Copehagen [M.Abdi]
»DADKAYGOOW DULMIGA DAA [Garaad]
»C/LAHI XAAJIYOW CIMRI TAGAY CEEB HA KU SAGOOTIN [Abshir]
»Wallee Lama Ledo ! [Hadal-wanaaje]  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD