QORAALADA LAGA QORAY
SAMSAM:::
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
Hal booli ah Nirig xalaala ma Dhashaa?
Qays Hagi
birjex@yahoo.com
Dawladii ina Salaad Bouy waxay ahayd
mid loo dhoodhoobay bulshada rayidka ah, waxaana keenay inay u ekaato
Xumbo waa alifikii xumaadaa albaqaruu ku dhibaa. Waxaan ula jeedaa in
Cabdi salaad ahaa xul gurracan, taana waxaa xaqiijiyey siduu ku xushay
golihii wasiirada, wuxuu garanwaayey in shaqsiyaadka uu magacaabay uu
shardi uga dhigo inay qabaailkooda keeni karaan, Waxaana caddaatay
golihiisii wasiirada ay iska daa inay cidahoodii keenaani inaysan xitaa
caraday u dhasheen cag dhigi karin. Haduu halkuu ina Galayr ka qaatay,
ka dhigi lahaa ina Yeey waxay noqon lahayd tillaabo hore loo qaaday, ina
Caydiid ama ina Cali wey kaga haboonaayeen ina Gorod, Ina Yalaxow wuxuu
kaga haboona in Dayax,waxaan kaga jeedaa inuu ina Bouy dayacay fursad
dahabi ah oo ayadoo saxan macdana lagu sido loo keenay.
Waxaan aad uga arggagaxsanhay in ay
muuqato saansaan iyo ifafaalo aad moodid in ina Yeey afkiisa ku dilo
fursadaan ka samaysan dahabka labaatan iyo afarta keerotka ah oo loogu
keenay baafka dahabka ah. Waxaan aad u aaminsanahay inay dawlada
Madaxweynaha ka yahay Cabdullai Yusuf ay shaqyn karto haddii uu
Madaxwenuhu adeegsado caqliga iyo khibradda aan ku tuhmayo, iskana
ilaaliyo caadifa, laab lakaca, kuna dadaalo siduu taariikhda meel qiimo
leh uga geli lahaa, taanna waxaa ku filan isagoo si daacad ah isugu
hawla dib u soo celinta qaranimadii iyo sharaftii luntay ee dadka iyo
dalka Soomaaliyeed.
Waxaan qabaa Cadullahi Yusuf inuu ugu
macquulsanyahay ragga ummadda ku haystay Beebaha iyo Bombaanooyinka,
afkaygu runtii ma karo, gacantayduna ma qori karto inaan beri yeelo oo
wuxuu ka mid yahay xisbiga ay kula bahoobeen kuwo badan oo kale sida:
Maxamad Qanyare, Muuse Suudi, Xuseen ceydiid, Maxamad Dheere,Cusmaan
Caato, Moorgan,shaatgaduud, Xasan Daahir,Cabdiqaasim Salaad iyo kuwo
badan oo kale.
Waxaanse ku doodayaa oo xusid iyo weliba
ku dayasho mudan sida uu nidaamka iyo kala dambaynta uga hergeliyey
dhulka Puntland oo intuusan gacanta ku dhigin la mid ahayd waddanka
itiisa kale. waxaan muran ku jiran in siduu Cabdullahi ula wareegay
dhulka puntlaand ay nabadii iyo xasiloonidi dawlad lagu yaqaanay la
helay, waxaan jeclaan lahaa in waddanka itiisa kale la gaarsiiyo nabadda,
kalsoonida iyo kale dambaynta. Waxaan Madaxweynaha u sheegaya in xooggi
ku shaqeeyey Puntland uusan ku shaqqayn Xamar iyo Nawaaxigeeda, mar
hadii aadan xoog iyo xoolo toonna ka badnayn qabaa,ilka dega koofur,
hase yeeshee nin xoog waayey xeel ma waayey.
Haddan u gudubnno riditaankii Wasiirkii
koowaad iyo golihiisi, wuxuu qorayaa qodobka 49 in Madaxweynuhu hor
keeno Wasiirkiisa 1aad Barlamaanka, markii la ansixiyo ka dibnna la
dhaariyo, haddaba mar hadii arrinkaasi ku cadyahay qaanuunka qaranka
sidee udhici kartaa in Prime Minister aan sidii sharciga ahayd loo marin
uu dawlad u dhisi karaa, miyeysan u ekayn in gaarigu Faraska jiido,
halka lagu ogaa inuu Farasku gaariga jiido, Ukunta iyo Dooradase kee kee
hor dhasha,si kale haddaan u dhigno Hal booli ihi Nirig xalaala ma
dhashaa?.
Waxaa aad u la yaab leh in ay Madaxweynaha,
Wasiirka 1aa oo la riday , Maxamad Dheere iyo kuwo kaleba ay ku
andacoonayaan inaan la radi karin dawladaa, runtii waxaad moodaa inuu
Madaxwenuhu garan la, yahay inuusan u baahnayn inuu shacabka shakisan
uusan cuqdad sii gelin
muujinaysa adadayg iyo keli talisnimo,
maadaama ummadu guud ahaan ay sida muuqata soo dhoweynayaan Madaxweynaha
iyo dawladda intteda kaleba.
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|