SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BRUSSELS
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 |
Wakiilka xisbiga SSUP ee Brussels Saida Sheikh Ahmed (VIP) oo laga martiqaaday Xaflad lagu maamuusayay maalinta xuriyada Kenya ayna kasoo qayb galeen dhamaan safiiradaha Africa iyo kuwa caalamka.

Europe, Brussels Bilguim
www.ssup.org
info@ssup.org

11- 12 - 2004


Safiirka Kenya H.E Mr.Marx G. N. Kahende

Wakiilka Xisbiga SSUP u fadhiya Magaalada Brussels ee dalka Belgium Saida Sheikh Ahmed (VIP) ayaa laga martiqaaday xaflad lagu maamuusaayay maalinta xuriyada Kenya, xafladaas oo lagu qabtay Hotel Sharitonka Brussels iyadoo ay kasoo qayb galeen dhamaan safiirada caalamka gaar ahaan safaradaha iyo safiiradaha Africa, xafladaas oo uu furay safiirka Kenya u fadhiya Brussels H.E Mr.Marx G. N. Kahende oo xusay taariiqda maalinta xuriyada Kenya ay u leedahay reer Kenya isagoo raaciyay guusha ay Kenya ka gaartay arimaha dib u hishiisiinta Soomaaliya iyo Sudan isagoo sidoo kale muujiyaya sida uu ugu faraxsan yahay gabadh Afrikaan ah tii ugu horeysey ee ku guulaysatay darajada sare ee nobel peace prize Mrs Wangri Maathai oo ah gabar u dhalatay dalka Kanya.


Safiirka Itoobiya, Wakiilka SSUP and Safiirka Kanya

Dhinaca kale safiirka Kenya ayaa si aad ah u soo dhaweeyey wakiilka Xisbiga SSUP una sheegey inuu ku faraxsan yahay inuu arkay gabar Soomaaliyeed oo matalaysa xisbi wayn oo ka jira dalalka Yurub isla markaana ah suxufi ka howl gala arimaha Yurub fadhigeeduna yahay Baarlamaanka Midoowga Yurub isagoo si farxad leh u gacan qaaday wakiilka xisbiga SSUP Saida Sheikh Ahmed

Anigoo ku hadlaayo Magaca soomaaliyeed waxaan idiinkaaga mahad celineeynaa gogosha quruxda badan ee aad u fidiseen Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed sida walaaltinimada leh ee hagar la`aanta aad ku caawiseen walaalihiina soomaaliyeed waxaan ogaanay ognahayna mar walbo inaan leenahay walaalo laysku haleeyn karo islamrkaana waxynu nahay ood wadaag DERIS idinla ah oo hal gobol naga wada dhexeeyo JABUUTI, ITOOBIYA iyo KENYA. Waxaan kale oo aan aad ugu faraxsanahay inaan idinkala qayb qaato munaasabadaan muhiimka ah ee lagu xusaayo Maalinta xoriyada KENYA ayey tiri wakiilka SSUP Saciido VIP ayada oo gacan qaadeeysa.

Sidoo kale wakiilka SSUP Saida VIP waxay la kulantay safiirka Itoobiya u fadhiya Brussels H.E Mr.Berhane Gebre-Christos waxayna u sheegtay in ay jeceshahay in ay gacan siiyaan safiiradaan xisbigaan cusub (SSUP) ee jecel nabada Soomaaliya iyo horumarka gobolka dhan iyo waliba nabadgalyada dalalka dariska la ah Soomaaliya, waxayna u sheegtay safiirada qaarkood in ay fariin gaar ah ka wado Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mr. Yaasiin Maaxi iyo dhamaan madaxda xisbigaan SSUP una sheegtay jiritaanka xisbiga SSUP oo aan isagu diyaar u ahayn wax walba oo dumin ah ama dhaawac u keeni kara Soomaaliya iyo umada Soomaaliyeed soona dhawaynaya faaiido kasto oo dan u ah umada Soomaaliyeed.


Safiirka Botswana and Wakiilka Xisbiga SSUP

Waxaa kale oo aay goobtaas isku arkeen Saida Sheikh Ahmed (VIP) Safiirka Botswana H.E Mr.S.C. George oo isaga u sheegey inuu Soomaaliya tagay hada ka hor uuna jecel yahay in walaalahooda Soomaaliyeed ay ku soo noqdaan sida caadiga aay u noolaan jireen wuxuu u sheegey in uu dalka Soomaaliya yahay dal aan loo quuri karin xaalada uu iminka ku sugan yahay


Safiirka South Africa and Wakiilaka SSUP

Halka uu safiirka South Africa u fadhiya Belgium, Luxembourg iyo arimaha Yurub H.E Mr. J.M.Matjila u sheegey inuu aad ugu farxay inuu masraxa madaxda ku arko gabar Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay guul lagu faani karo,ugu danbayntii ayaa Saida Sheikh Ahmed (VIP) waxa ay sheegtey in ay rajo wanaagsan ka qabto in ay fariimaha SSUP mar dhaw gaarsiin doonto madaxda dalalka Africa.Wixii faah-faahin ah kala xiriir xurinta xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.

www.ssup.org

info@ssup.org

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2004



Ra`isul Wasaaraha Dalka Sweden Mr Goran Persson oo la kulmay Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi

The Primierminster of Sweden Göran Persson, and Yaasiin Maaxi

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD