SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 |
WARARKA MAANTA:::
Waxaa isku soo dubaridey:
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya
  • Cali Maxamed Geeddi: “Anigu ma aamisani….”
  • BADMACEEYE: “SACAD IYO SULEYMAAN HADDAAN SIIYO TALADEYDA”
  • Ergadii ka socotay Beesha Cayr oo gaareen Degmada Cadaado…
  • 54-JOORNAALIISTE OO SANNADKAAN LA DILAY!
  • 19-JIR MAREYKAN AH OO LAGU EEDEEYAY INUU GACAN SIIYAY KOOX "ARGAGAXISAA" OO SOOMAALI AH
  • Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ka hadlay kalsoonida lagala noqday xukuumadii raysul wasaare geedi
  • Xulka Qaranka Somalia oo maanta la ciyaaraya….

Cali Maxamed Geeddi: “Anigu ma aamisani….”

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ah Ra’iisul wasaaraha lagu dhisay Mbagathi isla markaana baarlamaanka uu kala laabtay shalay kalsoonidii xukuumaddiisii ayaa mar uu xalay u warramayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay ama ayaandarro ku tilmaamay barnaamijkii uu ku kacay Baarlamaanka ee ah in kalsoonida loo qaaday xukuumaddiisa.

“Anigu ma aaminsani in xukuumaddayda lagala laabtay kalsoonidii waayo barnaamikayga iyo magacyadii Xukuumadda maanan horgeyn golaha baarlamaanka” ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay inuusan marnaba ku xadgubin qodobbo uu leeyahay Baarlamaanka.

Mar wax laga weydiiyay: Haddii uu madaxweynuhu aqbalo go’aanka baarlamaanka adigu ma aqbalaysaa wuxuu ku jawaabay: ”Arrintaasi madaxweynaha ayay u taallaa markaas ayaanan ka hadli doonaa”.

Ugu dambeyntii Cali Maxamed Geeddi waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed   ay aad uga naxeen arrinta uu ku kacay Baarlamaanka, waxa uuna sheegay in arrintaas uu shaqsiyan aaminsanayn.

BADMACEEYE: “SACAD IYO SULEYMAAN HADDAAN SIIYO TALADEYDA”

Maxamuud Warsame Faarax (Badmaceeye) oo ah siyaasi isla markaana ahaa xildhibaan ka tirsanaa dowladdii TNG-da muddana ku sugnaa shirka dib u heshiisiinta ee Nairobi dhawaanna ku soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga damqaday dagaallada ka soo cusboonaanaya dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka socda dhulka Mugud iyo Galguduud oo isagu deegaan ahaan uu ka soo jeedo dhulkaas, ayaa ugu baaqay kooxaha dagaallamaya inay dagaalkaas si shuruud la’aan ah u joojiyaan lana maqlo culummaa’uddiinka iyo nabaddoonnada ku howlan xallinta dagaalladaas, waxa uuna dareenkiisa ku cabbiray gabay waano iyo canaan waayeel ah, wuxuuna ku bilaabay sedan:

  • 1.         Sacad iyo Suleymaan haddaan siiyo taladayda.

  • 2.         Haddaan hiil sokeeye uga dhigo sida aan doonaayo, salaaniyo maxaa lagu baryiyo hadallo suubsuubban, Ninkii iga sugaayoow ha filin lay silsiladeeye.

  • 3.         Saranseerka iyo barakacaa gubaya saabkayga.

  • 4.         Sambabada la qalay baygu yaal dhiigna soli waaye.

  • 5.         Saqdii dhexe xalaan laygu diday sarakac boodkiiye.

  • 6.         Siigada cirka u duushay iyo sababta yaabkeeda,

  • 7.         Saadaasha meel foga markaan sahan ku dheeraaday.

  • 8.         Siday aniga ila noqotay baan soo bandhigayaaye.

  • 9.         Sixir iyo waxaa idinku jira sun iyo waabaye, sakal laga baqiyo waxaad gasheen surin ciriiryoone, ibliisbaa hoggaan idin surtayoo idinku saynsaabay.

  • 10.       Sankuu idinka durayoo kol dhow waydin sibir-goyne.

  • 11.       Wuxuu idin salaaxaba, haddaa daba saqlayseene.

  • 12.       Haddaanan laga siqsiqin ceebta waa laga sal-gaaraaye.

  • 13.       Seetada Caqliga loo jaraa garasha seereeyee.

  • 14.       Nin walaalki seefta ula baxay sama ka dheeraaye.

  • 15.       Surka markuu ku gooyoo warmaha sararta ruubruubo.

  • 16.       Silic iyo dhibbuu mudanaayaa towbada seegye.

  • 17.       Inuu Cadowgu suu rabay ka helay saxalku haw sheego.

  • 18.       Afrtaa intaan saray naxwaha xarigga maw soohay.

  • 19.       Salka meel intaan ugu rakibay sadarka maw giijay.

  • 20.       Ninkii igu saluugoow hadhow gabaygu saad moodi iyo suu yahaa kala fogoo siriqdii waa hoose.

  • 21.       Sangaa orodka laga taawiyaa salow colaadeedka, haddii saarka laga tumo jinbaa siriq fiyoobaada.

  • 22. Sooryana gobaa bixin ogiyo sixin ku iidaaman.

  • 23. Eraygaa lagu simaa guluf hub sida laga sugaa howle.

  • 24.       Sidiinnaa raggii wada dhashana sahal ma diidaane.

  • 25.       Culummada tan iyo sii habaqami sabadi iidoole oo sacabbo hoorsanahayoo.

  • 26.       Saatir wada tuugi haddaa niman samaale ah tihii siiya mudankooda.

  • 27.       Samca oo maqloo yeela oo yay mar idin seegin.

  • 28. Waryaayooy sidani maaha siye, wada samroo jooga.

Ergadii ka socotay Beesha Cayr oo……

Wararka ka imaanaya gobollada dhexe waxay sheegayaan in ergadii ka socotay Beesha Cayr ay shalay gaareen Degmada Cadaado oo xarun u ah mid ka mid ah beelaha ku dagaallamaya gobolladaasi, waxayna markiiba kulammo la yeesheen wax-garadka & nabadddoonnada beesha Reer Xaaji Suleymaan, waxaana la sheegay inay beeshu soo dhaweysay dadaalka dib u heshiisiineed ee ay waddo beesha Cayr.

Waxgaradka beesha Suleyumaan ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan xabbad joojin ka dhex dhacda labada beelood.

Odyaashaas oo ay la socdaan ciidammado aad u fara badan ayaa waxa ay sheegeen inay la sameeyeen xiriir dhinaca kale ee beesha Sacad, waxayna sheegeen inay soo dhaweynayaan heshiis kasta oo lagu walaaleynayo labada beelood, waxaana la filayaa in maanta ay u gudbaan dhinac kale si ay kulamo ula yeeshaan dhinaca kale.  

54-JOORNAALIISTE OO SANNADKAAN LA DILAY!

 54-joornaaliiste ayaa la sheegay in sanadkaan oo qura ay naftooda waayeen iyagoo ku jira shaqooyinkooda, waxaana sanadkaan loo aqoonsaday sannadkii ugu dhimshada badnaa saxafiyiinta 10-kii sano ee ugu dambeysay, sida ay jimcihii sheegtay kooxda lagu magacaabo Watchdog Group.

Ciraaq ayaa lagu sheegay inay tahay meeshii ugu khatarta badnayd saxafiyiinta, iyadoo ay Ciraaq keliga sannadkaan ku dhinteen 23-weriye, halka sannadii horena ay ku naf waayeen dalka Ciraaq gudihiisa  13-Weriye.

Weriyeyaasha inta badan ku geeriyooday dalka Ciraaq waxay ahaayeen Ciraaqiyiin u shaqeynayay dalalka reer galbeedka, iyadoo inta badan dilalkaasi ay geysteen kooxaha mucaaradka, qaar badan oo suxufiyiintaas ka mid ahna waxay u shaqeynayeen saxaafadda Mareykanka, sida ay weriysay Hay’adda lagu magacaabo Guddiga Difaaca Suxufiyiinta (Committee To Protect Journalists).

Sidoo kale 22-joornaaliiste ayaa lagu afduubay dalka Ciraaq iyadoo weriye u dhashay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Enzo Baldoni la dilay, waxay warbixintu sheegtay in hal weriye oo Keiya oo Mareykan ah uu sannadkan ka mid ahaa Weriyeyaasha dhintay waxaana lagu magacaabi jiray Paul Klebnikov.

Dalka labaad ee ugu badan ee ay ku dhinteen weriyeyaasha waa dalka Filibbiin, waxaana lagu dilay illaa 8-weriye, iyadoo ugu yaraan 48-weriye ay ku geeriyoodeen dalkaasi Filibiin tan iyo intii uu qaatay Nidaamka Dimuqraadiyadda sannadkii 1986-kii.

Sannadii ugu dhimashada badnaa tan iyo xilligii ay kooxdani bilaabeen howshooda 12-sano ka hor, wuxuu ahaa sanadkii 1194-kii markaas oo la dilay illaa iyo 66-joornaaliiste oo intooda badan ka soo warramayay dagaalladii Al-jeeriya, Ruwanda iyo Bosnia.   

19-JIR MAREYKAN AH OO LAGU EEDEEYAY INUU GACAN SIIYAY KOOX "ARGAGAXISAA" OO SOOMAALI AH

 Koox garsoorayaal ah ayaa Mark Repert ku eedeeyay in uu gacansiinayay waxay ugu yeereen "koox argagaxiso ah oo ka jirta Soomaaliya", kaddib markii la soo xiray arbacadii aynu soo dhaafnay isagoo la sheegay in uu qorsheynayay in uu gaarsiiyo kaalo isugu jirta mid dhaqaale, farsamo iyo qalab koox u dagaallamaya sidii ay u ridi lahaayeen dowladda Cusub ee Soomaaliya.

Wargeyska Star Tribune cadadkii sii soo baxay Jimcihii 10-Dicember 2004 oo warkaan qoray ayaa xusay in sarkaal ka tirsan Hay’adda Sharci fulinta ay sheegeen in Walker lala xiriiriyay shaqsiyaad gacan siiya Al-Itixiaad oo ah koox u dagaalanta sidii dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa dowlad Islaami ah, waasida uu hadalka u dhigay wargeyskee.

Sida laga helay dukumeenti maxkamad leedahay wuxuu sheegayaa in Walker uu sheegay inuu qorsheynayay in uu kooxahaasi u iibiyo ookiyaalayaasha habeenkii wax lagu arko (Night Vision Glasses) iyo weliba qalabka sida shaararka loo gashado oo aysan xabbaduhu kasoo gudbin (Bulletproof Vests). Waxaa kaloo Walker lagu eedeeyay inuu abuuray website lagu diiwaangeliyo dadka. Ururka Al-itixaad ayaa sannadkii 2001 Mareykanku ku daray liiska waxa uu ugu yeeray Argagaxisada.

Walker waxa uu wax u baranayay  kuliyada Farsamada ee Wyoming uu ku taallada Laramine, wuxuu u baxsaday xadka Mareykanak iyo Mexico u dhexeeya kaddib markii inankii ay qolka wada deggenaayeen uu arrinkaas kashifay oo uu booliiska u sheegay inuu qolkiisa uu yillay Computer isagoo Chart-ka Internetka uu kula xiriir jiray kooxaha argagaxisada ah. Hadda waxaa lagu hayaa xabsi isaga oo aan loo ogleyn in xittaa damaanad lagu sii daayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho | Soomaaliya


Isbahaysiga Dooxada Jubba oo maanta ka hadlay kalsoonida lagala noqday xukuumadii raysul wasaare cali maxamed geedi iyo sida looga dareemay magaalada kismaayo 

Faysal xaaji siyaad muumin
faysalsiyaad@hotmail.com
SomaliTalk | Kismaayo | Soomaaliya

Waxaa maanta ka hadlay kalsoonida lagala noqday xakuumadii raysul wasaare cali maxamed geedi maamulka isbahaysiga dooxada jubba ee ka arimiya magaalada kismaayo oo ka dhawaajiyay fikarkooda ku aadan kalsoonida lagala laabtay rasul wasaaraha iyo sida ay u arkaan arintaa iyo ayada ah.


Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga Cilmi Nafsiga)... GUJI...

Hadaba waxaa saakay yimid xafiiska suxufiyiinta ee gobolada jubooyinka afhayeenka maamulka isbahaysiga dooxada jubba mudane bille cabdule cali oo sheegay sida ay u arkaan kalsoonida uu baarlamaanka FDKMG ee soomaaliyeed ay kala laabteen raysul wasaaraha dowlada FDKMG soomaaliyeed mudane cali maxamed geedi ayagoo sheegay in ay mar waliba raacsanyihiin waa isbahaysigee halka ay u bataan xil dhibaanada dowlada taasoo hada ay intoodi badnyed ay isku raaceen kalsooni kala noqoshada xukuumada geedi islamarkaana ay ku waafaqsanyahiin waa hadii ay noqoto in u kursigaas badalo nin ay si weyn ugu kalsoonyahiin xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed lagana fili karo in dabooli karo dhaliilaha lugu eedeeyay raysul wasaare geedi

Hadaba afhayeenka waxa uu sheegay in ay taageersanyahiin mar waliba maamulka iyo shaqsiyaalka lagu kalsoonyahay ee lagu soo doorto madasha ay ka socoto yagleelida dowlad soomaaliyeed ee inta mudada ahba loo fadhiyay ,

Dhanka kale waxaa maanta si weyn looga hadal hayay meelaha fadhi ku dirirada iyo goobaha shaaha laga cabo oo ay ku kulmaan dadka indha indheeya siyaasadaha ka socda soomaaliya ayagoo hadal hayenta ugu badan ay ahayd kalsoonida ay xubnaha baarlamaanka ay kala noqdeen raysal wasaare cali maxamed geedi iyo cida badali doonta,

sikastooy ahaataba waxaa sii yaraanaya rajada ay bulsho weynta soomaaliyeed ay ka qabeen dowlada loogu soo dhisayo dalka kenya islamarkaana ay sugayeen mudada kabadan labada sano taasina ay tahay dhabar jab ku jimid rajadii umada soomaaliyed meel walba ay joogaan

Faysal xaaji siyaad muumin
faysalsiyaad@hotmail.com
SomaliTalk | Kismaayo | Soomaaliya


Xulka Qaranka Somalia oo maanta la ciyaaraya….

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho | Soomaaliya

Xulka Qarankeenna Soomaaliya oo ka qayb galaya tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka furmay waddanka Itoobiya caasimaddiisa Adis Ababa ayaa kulankiisa ugu horreeya ee tartankaasi waxa uu maanta la yeelan doonaa xulka Qaranka waddanka Uganda.

Ciyaartan oo ah mid si aad ah loo wada sugayo xulka Soomaaliyana la filayo in uu tartankani ka keeno guulo la taabankaro ayaa kulankii ugu dambeeyey ee labadan xul waxaa 2-0 ku badiyey xulka Qaranka uganda, iyadoo ciyaartoyda xulka Soomaaliyeed ay taageerayaal aad u fara badan ka rajeynayaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Itoobiya, gaar ahaan caasimadda Adis Ababa.

Tababare Geela oo hor kacaya ciyaartoyda xulka oo la hadlayay saxaafadda ayaa xusay in xulku uusan qaadan tababar sidaa u weyn, balse waxa uu rajo ka muujiyey in kulankan ay guul ka soo hoyn doonaan, waxaana Soomaaliya ay isku qayb yihiin waddamma-da Sudan iyo Kenya oo aan iyagana la dhayalsan karin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

ama    amiinkhasaaro@yahoo.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2004

Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley


Afartii Qareen Ee U Doodayey Samsam Oo Xabsiga Laga Siidaayey
Wararka ka imanaya hargeysa ayaa sheegay in.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD