War Saxaafadeed ka soo baxay Midowga
Yurub oo mar kale lagu soo dhoweeyey dowladda Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa mar kale soo
dhoweeyey miraha ka soo baxay shirkii Soomaalida uga socday Nairobi,
gaar ahaan is fahamka ay abuureen hoggaamiyeyaasha iyo wadammada
xubnaha ka ah IGAD, gaar ahaan sida ay u xalliyeen inay dhaqan
geliyaan itijaah mid ah oo ku saleysan tanaasul siyaasadeed. Midowga
Yurub, waxa uu u mahadnaqay dowladda Kenya taageerada dheeriga ah ee
ay u fidisay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Midowga Yurub, waxa uu ku
adkeynayaa dhammaan kooxaha inay ka dhabeeyaan go'aankooda la
xiriira dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxaana uu ku celiyey
taageerada ay u hayaan maamulka federalka ee ku meel gaarka ah.
Midowga Yurub, waxa uu rumeysan yahay in aasaaska Baarlamaanka
federaalka ahi uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta
nabad waarta, xasilooni iyo maamul dhexe oo ay yeelato Soomaaliya.
Iyadoo laga ambaqaadayo taas, shaqo badan ayaa weli dhiman haddii
lagu guuleysto ujeeddadan.
Midowga Yurub, waxa uu ka walaacsan
yahay baahida loo qabo in dowladda federalka ku meel gaarka ahi
aysan soo jiidan bulshada caalamka iyadoo eegaysa diyaar garawga loo
diyaariyey, waxayna ku boorinayaan inay u isticmaalaan kalsoonidooda
si kaabaysa ujeeddooyinka dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska.
Midowga Yurub, waxa uu diyaar u
yahay inuu ka caawiyo dib u soo celinta ammaanka iyo dhismaha
hay'adaha dowladda federalka ah ee ku meel gaarka ah. Waxaa intaa
dheer in Midowga Yurub ka caawin doono maamulayaasha Soomaaliya inay
hagaajiyaan nabadgelyada iyo horumarka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | dec 12,
2004
Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley
Afartii
Qareen Ee U Doodayey Samsam Oo Xabsiga Laga Siidaayey
Wararka ka imanaya hargeysa ayaa sheegay in..
Guji..
Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley
iyo Afhayeenka dowladda FKMG oo sheegay inaan waxba ka jirin
go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi..
Guji...