SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 |

WARARKA MAANTA::: Dec 11, 2004

  • Afhayeenka dowladda oo sheegay inaan waxba ka jirin go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi
  • Baarlamaanka FKMG oo Casiley Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi
Afhayeenka dowladda oo sheegay inaan waxba ka jirin go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed 'Diinaari' oo dhowaan loo magacaabay Afhayeenka dowladda ayaan goor dhoweyd kula xiriiray khadka telephoneka ee magaalada Nairobi, waxaana uu ii sheegay inaysan waxba ka jirin go'aankii uu maanta ku guddoonsaday Baarlamaanku inuu ku rido xukuumaddii uu ka ahaa Ra'iisal Wasaaraha Cali Maxamed Geeddi ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

XIL DHIBAANADU MA XIL DOONBAA MISE WAA XAL DOON? [Khaliil]

Diinaari, waxa uu caddeeyey in xukuumadda la soo dhammeystiray xubnaheeda ay weli sideedii u jirto oo wax riday oo beddelay aysan jirin. Waxa uu intaa ku daray in magaalada Nairobi oo dowladda xarun u ah uu ka socdo buuq iyo muran ku saabsan hadalkii maanta ka soo yeeray Baarlamaanka iyo Afhayeenkiisa oo cod kalsooni ah u qaaday xukuumadda, kaddibna ku riday Ra'iisal Wasaarihii iyo Wasiiradiisiiba.

Sida ay sheegeen xildhibaanno goobjoog ahaa, markii cod bixintu dhacday ayaa waxaa ka gadooday Cabdalla Deerow Isaaq oo Wasiir looga magacaabay xukuumadda la riday, kaddibna xildhibaanno aad u careysan ayaa Baarlamaanka dhexdiisa ku uleeyey Deerow iyo nin kale oo Wasiir oo aanan helin magaciisa, halkaasoo labadaba uu dhaawac madaxa ka gaaray.

Hadalka Afhayeenka dowladdu waxa uu ku soo aaday iyadoo caawa lagu waday in Cabdullaahi Yuusuf wada tashi saacado ah kaddib uu ku dhawaaqo inuu mar kale dib u magacaabo Cali Maxamed Geeddi. Haddii Baarlamaanku mar kale ka hor yimaaddo Geeddi, waxa uu sharcigu dhigayaa in Madaxweynahana loo qaado codka kalsoonida, taasoo qatar badan ku keeni karta dowlad uu saaran yahay cadaadis ku saabsan inay ka howlgasho caasimadda Muqdisho.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com
December 11, 2004


Baarlamaanka FKMG oo Casiley Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi

  • Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo maanta afka dhulka loo daray
  • Feer iyo Laad iyo gacan ka hadal Dhexmaray Xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada DFKMG
  • Qaran burburay iyo Baarlamaanka kalsooni  muujiyay...
  • Maxaa loo riday Cali M. Geeddi & Gollahiisi.

December 11, 2004


Magacyada Wasiirada DFKMG

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka federaalka ee dawladda KMG-ka ee Soomaaliyeed ayaa maanta u qaaday cod ah in xukuumaddu ay sii shaqayn karto iyo in la rido, iyadoo in ka badan 150 xildhibaan ay u codeeyeen in dawladda la rido iyadoo sidaasna ay aqlabiyaddu ku raacday xubnihii doonayay in dawladda la rido.

xildhibaanada doonayay ridista dawladda Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku dooday in xukuumaddu ay jabisay xeer hoosaadka qodobada kala ah qodob 4aad, 12aad iyo kan 49aad sida ay ku doodeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Shariif ayaa ugu dambayntii ansixiyay in dawladdaasi dhacday ay tahay in la soo dhiso xukuumad cusub.

Goobta codbixintu ka socotay ayaysan joogin Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi midkoodna, ilaa iyo haddana ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay labada mas'uul.

Afartii Qareen Ee U Doodayey Samsam Oo Xabsiga Laga Siidaayey
Wararka ka imanaya hargeysa ayaa sheegay in..
Guji..

Tan iyo kolkii lagu dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Cali Maxamed Geedi oo isna uu guda galay dhismaha wasiiradiisa, ayaa waxaa soo baxayay cambaarayn xooggan oo loo jeedinayay ra'iisul wasaaraha iyo golahiisa cusubba kaas oo maanta soo dadajiyay in si dhakhsiyo leh looga takhaluso,. rididda dawladdan ayaa ku soo beegantay waqti aysan haba yaraatee qaadin wax talaabo ah isla markaana ay weli ku sugnayd Mpagathi oo ahayd halkii lagu dhisay. 

AD Elmi
adelmi@hotmail.com
SomaliTalk.com |  Dec 11, 2004

Qaran Burburay, Baarlamaan kalsooni muujiyay... Maxaa loo riday Cali M. Geeddi & Golahiisii.

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com  Dec 11, 2004

 
 
Saacado ka hor ayaa dhibada loo aasay dowladii uu madaxda ka ahaa Prof Cali M.Geddi oo toban maalmood ka hor uu kaga dhawaaqay magaalada Nairobi,wasiirka iyo dowladiisa oo is raacay ka dib markii ay baarlamaanka badankiis oo xalay ku dhafray sidii ay Dowlada uga taqalusi lahaayeen ayaa caawa ku jiifa farxad kadib markii ay gaareen hadafkoodi ahaa in ay ridaan dowlada.
 
Dood dheer iyo hadalo xoogan oo ay iswaydaarsadeen xubnaha baarlamaanka haba ugu badnaadeen kuwa ku qanacsanaa boosaskooda ayaa isku dayay in damiyaan xiisadda ay la soo kalaheen waabarigii saaka baarlamaanka badankiis kuna qanciyaan in moshinka dib loola noqdo arrintan laga fiirsado inta aan cod loo qaadin dowladana aqlabiyad lagu ridin.
 
Soo jeedintan ayaa gaartay in gacanta iskula tagaan xubnihii ka soo shaqeeeyay in dowlada maraha loo laabo qadkana laga saaro mar hadii ay ku fashilantay in ay gacanciso baarlamaanka dana shisheeyena u adeegto iyadoo aan ka fakarin sida ay hadalka u dhigayeen in baarlamaanku yahay mid mas'uul ka ah shacabka qaranimadiisa iyo madaxbanaanidiisa in lagu xadgubana diidan sinaba,waxayna aaqirkii gaartay in labada dhinac ay ku qancaan in cod loo qaado kalsooni ka qaadista baarlamaanka iyo u ogolaalshihiisaba waxaana ka soo xaadiray saakay tiradii ugu badnayd ee baarlamaanka intaan ku dhex jiray waxayna gaarayeen 210 xildhibaan codkooda waxaa ku bixisay in la rido 153 xidhibaan halka ay siiyaan codkooda kalsoonida dowlada 57 xubnood GUdoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Aadan ayaa ku dhawaaqay in ay burburtay Dowladii FKMG ahayd ee uu dhawaan ku dhawaaqay Cali Maxaamad Geedi Sida uu qabo Axdiga FKMG ah ee Somaliya
 
Maxaa loo riday Cali M.Geddi iyo Dowladiisi.
 
Baarlamaanka ayaa waday tobankii maalmood ee la so dhaafay olole balaaran oo ku aadan sidii dhulka loo dhigi lahaa dowladan cusub ee uu hogaamiyo Prof Cali Maxamad Geddi siyaabo badan u arkayay magaabista Gollaha wasiirada Cusub,baarlamaanka badankiis waxay qabeen figrad ah in magacabistaDowladan ay ka dambayso Dowlada Itoobiya oo Xiriir wanaagsan la leh siyaasiyiin gollaha SRRC-da una badnaa Xubnaha wasiirada,arrintan ayaa si wayn ugu xoogaysatay baarlamaanka dhexdiisa iyo banaankiisaba waxa uuna hadalkaasi gaaray in warbaahinta ay ka shaaciyaan siyaasiyiin ka mid ah baarlamaanka iyo kuwo aanka mid ahaynba.
 
Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga Cilmi Nafsiga)... Guji...
Cabdi Xasan Somalitalk/ Muqdisho
Arrintan ayaa ahayd dooda ugu kulul ee baarlamaanka harqisay kuna abuurtay in ay sameeyaan dadaal dheeraad ah oo dhan ka ah ridista dowlada looga shakiga qabo cadawga soomaaliya ee itoobiya in ay gacan xoogan ku leeyihiin aysan ka madaxbanaan doonin siyaasad ahaan iyo amaan ahaan waxayna ku tashadeen in ay meel kaga soo jeestaan inta aysan qaybin awoodooda. 
 
Madaxweynaha oo falkiisi lagu celiyay ayaan wali ka hadlin arrintan,ku saabsan wasiirkii uu doortay iyo dowladiisi ee la ridayba,waxaana laga yaabaa in uu baarlamaanka shir iskugu yeero una sheego xaalada jirta iyo goorta uu dib usoo magacaabi doono wasiir cusub ama wasiirkii hore.
 
Dhinaca kale talaabada ay qaadeen baarlamaanka ka sokow ridista siday doontaba ha ku dhacdee waxayn tusaale fiican u tahay kalsoonina kaga helayaan shacabka soomaaliyeed oo u qiraya baaralamanka in ay ku kalsonaan karaan,mar hadii ay wax dumin karaan waxna dhisi karaan laakiin ay muhim tahay in ay marwalba la jiraan dhinaca horumarka iyo xalka dhinaciisa wanaagsan oo soomaaliya u horseedi kara nabad,xornimadeedana ay aan ku xadgudub ku ahayn.

Canab Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com  Dec 11, 2004

 
Wararka ugu dambeeyeye ee kasoo baxaya Nairobi ayaa sheegay in uu wadahadal u bilowday madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Golaha wasiirada iyo xog-haynta baarlamaanka FKMG, Kaddib markii maanta la casiley golihii wasiirada ee dawladii uu soo dhisay Prof. Cali Geedi.

Afhayeenka madaxweynaha, Yuusuf Maxamed Ismaaciil waxa uu sheegay in cod bixintaasi (ay baarlamaanku ku casileen golohii wasiirada iyo ra'iisul wasaaraha) ay ahayd khalad sababtoo ah lama sii ogeysiin madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha.

SIDEE ARINTU U DHACDAY::::: WARBIXIN TIFATIRAN

Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kalsoonidii kala noqday Xukumadii Prof Cali Maxamed Geedi, Gacan ka hadal iyo feerna uga saareen Hoolka shirarka ee Mbagathi Xubnihii golaha wasiirada

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya, Nairobi

Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee maanta waxaa lagu qabtay xarunta shirka Soomaalida Ee Mbagati waxaana ka soo xaadiray 193 Xidhibaan iyadoo ay gudoominayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh Xasan Sh Adan iyo Gudoomiye ku xigeenada Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Cusmaan Adan Boqore.

Golaha Wasiirada DFKMG ee uu dhisay Prof. cali geedi

Waxaa kaloo Joogay xubno ka tirsanaa Xukuumadii Prof Cali Maxamed Gedi oo uu hogaaminayay Rasul wasaare ku xigeenka Koowaad Maxamed Cabdulaahi Jaamac Sifir iyo kan Labaad Xusseen Maxamed Faarax Caydiid ,iyo xubno ka tirsan golahii wasiirada ee Prof Cali Maxamed Geedi.

Kulanku waxa uu ku biloowday talo soo jeedin ku saabsan in Kalsoonida laga laabto Xukuumadii iyo Raysul wasaarihii Cali Maxamed Geedi.

Waxaa hadlay 30 Xidhibaan, waxaana hoosta ka xariiqay in kalsoonida xukumada lagala laabto 26 Xidhibaan iyadoo 4 Xidhibaan sheegay in xaalka si kale loo dhigo.

Wax ay doodu socotaba waxaa la aaday qodo & Salaadii Duhur markii qadar Saacada la maqnaa ayaa la isku yimid waxaana hadalkii qaatay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaalida Sh Xasan Sh Adan isaga oo sheegay in markii Xubnaha baarlamaanka Soomaalidu hadleen qaymeyn ka dib uu gartay in la codeeyo mooshinka ah in lagala laabto xukuumada Kalsoonida.

Amuurtaasi waxa ay keentay buuq hareeyay guud ahaan madasha shirka Soomaalida ee Mbagati waxaanaq Sanaatiiqdii Codka kala Tuuray xubno ka tirsan golahii wasiirada ee Gedi ka dibna Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in shirka la joojiyo hase yeeshee waxaa diiday amuurtaas Xubnihii baarlamaanka waxaana Bilowmay Feer iyo gacan ka hadal dhax maray Golihi Wasiirada ee Geedi iyo Xubnihi baarlamaanka Soomaalida.

Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed
Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Ali Mohamed Ghedi
Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh Adan
Afhayeenka Baarlamaanka Som.
Sharif Hassan Sh. Adan
 

Waxaa awood roonaaday xubnihii baarlamaanka Soomaalida oo Cag & Cirib iyo feer uga saaray Ragii ku dagaalamayay Saldanada, waxaana Bilowday cod gacan taaga oo kalsoonida loogala noqonayo Wasiiradii iyo Gedi iyado ay ucodeeyeen in kalsoonida lagala noqdo Prof. Gedi iyo xukuumadiisa Xidhibaano gaaray 153 Xidhibaan, halka 3 Xidhibaan diideen iyadoo 2 Xidhibaan ka aamustay.

Dad badani waxa ay is waydiinayaan yaa umaqan Soomaaliya maadaama Xubnihii baarlamaanka Soomaalidu sidan isku dilayaan iskuna Khilaafsanyihiin.

Xukuumadii Prof Cali Maxamed Geedi waxaa ka biyo diiday 4 Wasiir ku xigeen, hal wasiiri Dowle, iyadoo maantana ay diidmo ka muujiyeen Xubnaha Baarlamaanka Soomaalida.

Prof Cali Maxamed Geedi waxaa madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed Magacaabay 3dii bishii ina dhaaftay Sida uu dhigayo Cahdiga baarlamaankuna waxaa laga sugayay magacaabistiisa in la hor keeno Golaha Baarlamaanka Soomaalida mase dhicin sida ay ku doodayaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaalidu.

SomaliTalk.com | Nairobi | Dec 11, 2004

Feer & Haraati iyo Qaar kamida Baarlamaanka oo dhinaca dhulka loo dhigay...

Dadka Soomaaliyeed waxa ay  ka dhursugayaan  Baarlamaankooda Herdanku ka dhaxeeyo
  • Baarlamaanku ma waxa ay xalinayaan dhibka dhaxdoodaa mise midka shacabka soomaaliyeed ee dhibaataysan
  • Feer maanta ay is waydaarsadeen xubnaha baarlamaanku
Baarlamaanka Soomaaliya oo isaga raciisii ugu horeeyay lagu dhaariyay Xarunta qaramada Midoobay ee Magaalada Nairobi ee Dalka Keenya Laba sanadood oo wada hadala loo fadhiyay ka dib.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa uu ka koobanyahay 275 Xidhibaan iyadoo loo qaybiyay Sidan:

  • Dir 61
  • Daarood 61
  • Hawiye 61
  • Digil&Mirif 61
  • Beesha Shanaad 31 Xubnood

Xubnaha Golaha baarlamaanka Soomaalida laguma soo xulan Aqoon, Wadaniyad, Karti iyo Yaa samata bixin kara bulsho waynta Soomaaliyeed, yaa mudan, yaasee leh awood iyo maamul doowladeed.

Xubnahan waxaa lagu soo xulay Qabiil, waxaana soo xulay Oday dhaqameed iyo Hogaamiye kooxeed iyadoo aan xitaa qabiilka ay matalayaan ka wada tashan.

GOLAHA WASIIRRADA S.R.R.C. IYO  KALSOONIDA BAARLAMAANKA | Faalladii Isniinta ee Fahad | Guji

Xubnaha baarlamaanka soomaalidu waxa ay ku guulaysteen in ay doortaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaalida iyo Madaxwaynaha Soomaaliya iyo gudoomiya ku xigeenada golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.


Gaajada dhalaankeena iyo hooyadeena soomaaliyeed

Waxii ka danbeeyay doorashada Xubnaha aan kor ku soo xusay baarlamaanka Soomaaliyeed waxa ay ka badin waayeen muran dhaxdooda ah iyadoo ay muddo badan ku qadatay xitaa ansixinta xeer hoosaadka markii danbana ku guulaystay muddo badan ka dib markii ay ka doodayeen labo Xeer hoosaad in ay midkan ansixiyaan 6/12/2004.

Waxaad moodaa in golaha baarlamaanka Soomaaliyeed ilowsanyahay xilka iyo waajibaadka ka saran bulshada Soomaaliyeed, dhalaanka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, Hooyada Soomaaliyed, Dhalinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka beeshay, Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan xeryaha Qaxootiga iyo dhalinta yaroo ku mustaqbal iyo diin waayay wadama Yurub iyo Ameerika.

Joojin Dagaalka Gelinsoor
»Golaha wasiirada DFKMG: Baaq colaad joojineed - Gelinsoor
»
Bayaan Nabadeed ay soo saareen culumada Gobolka Mudug
»Salaadiinta Beelaha Daarood oo Baaq u Diray Gelinsoor..
»Dagaalka oo ka socda deegaan dhan ilaa 250 Km..
»Baaq ku socda Beesha Habargidir...
Dhammaan ka akhri halkan... | Dec 5

Waxaad mooda in baarlamaanka wali uusan aqoonsaneen Colaadaha iyo dagaalada Hareeyay Gudaha Soomaaliya walina uusan baaq Colaad joojina ka soo saarin Dagaalada mudada badan ka socda Mudug iyo Galgaduud.

Golaha baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa saaran waajib wayn waxaana looga fadhiyaa nabadeenta iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya Xubnaha Baarlamaanka Soomaalidu dabcan waxa ay ka soo jedeen qabiilooyin & Deegaano waana in ay  mideeyaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka awoodaan ayna joojiyaan Muranka iyaga u dhaxeeya.

Shacabka Soomaaliyeed waa in Naafo ah in Qaxooti ah, in Baahan, in aan haysan Nolol Nus doolar dhan iyo in Dhimirka aan ka Fiyoobeen [ama BUUFIS QABA] iyadoo ay sababeen waxaa oo dhan Dagaaladii mudada badan Soomaaliya ka jiray.

Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed mudo sanooyina ayeey ku jireen dhib aan qormo saxaafadeed lagu soo koobikarin maantana uma baahno in Xubnihii baarlamanka Soomaaliyeed ku dagaalamaan kulamadoodii markii ay ka fakari lahaayeen Badbaada Dalka iyo dadka Soomaaliyeed,

Umada Soomaaliyeed ma haystaan Tacliin, Caafimaad, Ammaan iyo Dal dhisan midna waxa ayna ka dhursugayaan Baarlamaankooda uu ka dhaxeeyo Feerka iyo Haraatida. maanta xubnaha Baarlamaanka Soomaalida waa dhaxmaray Feer iyo Haraati iyakoo qaarkood dhinaca dhulka loo dhigay, shacabka Soomaaliyeedna waxa ay sugayaan baarlamaankaa

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya, Nairobi

SomaliTalk.com | Nairobi | Dec 11, 2004

WARBAAHINTA ADDUUNKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN CASILAADA XUKUUMADII Prof. CALI MAXAMED GEEDDI

Somalia's newly-appointed PM dismissed by parliament Xinhua, China 
Somali Parliament dissolves Government ABC Online
Somalia Parliament Sacks New Government AP via Yahoo! News
Somali lawmakers move to oust Prime Minister Independent Online
Somalia Parliament Sacks New Government Miami Herald (subscription)
 all 46 related »

Wararkaii Shalay::: Dec 10::
»Reer London Canada oo taageeray Ra,iisal Wasaaraha DFKMG
»Ibraahin Cali: Waxaa Muhiimsan Dawlada oo hesha Aqoonsi
»Maalinta xaquuqul aadamaha oo laga xusay kismayo
»Dr.Ax'ed Ciise Qullaan oo Soosaaray Qoraal... Suldaan Hurre
»Hadalkii Wasiir Kuxigeenka Kalluumaysiga iyo Kh/Badda
»Shir dhex maray Xildhibaan Furux iyo Shirkad Canada ah
Dhammaan ka akhri halkan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD