SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Qabiil iyo Qaran meel ma wada gali karaan?

Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

 sharmarke10@hotmail.com

Soomaaliya, waa dal xor ah. Cid gumeeysata ma jirto. laakiin, dawlad dhexe ama maamul ka dhexeeyo ilaa hadda ma jiro, waxaa jiro oo kaliya hadda barlaaman, dawlad iyo ra`iisal wasaare iyo madaxweynaheeda oo lagu soo dhisay dalka Soomaaliya dibadiisa gaar ahaan dalka Kenya, walina dalkaas jooga ee aan soo caga-dhigan, dalka Soomaaliya.

Dhisme qaran daleed ,waxaa muhiim u ah, in xuduuda loo aqoonsanyahay, amaankeeda uu wax ka qaban karo, si uu wax uga qabtana uu ciidan u adeego leeyhay marka hore.

Dawladaas ilaalineeyso xuduudaha dalku leeyahay, maamulkeeda noocii la rabo, halagu magacaabo -Dimoqoraadiyadd,Shuuciyadd ama mid Diinayad ah-ba, waa in eey ilaaliso xuduudeeda dal ahaaneed marka u hureeysa oo eey noqotaa mid lagu xisaabtami karo ama kula xisaabtami karta, wixii xuduudeedaas ka dhaca oo xad-gudub ah.

Soomaaliya, waa dal xor ah sidaan horey u sheegnayba, oo hadda cid gumeeysataa ma jirto ee la ogyahay, wax cadeeyn karana in la gumeeysto ma jirto, laakiin waxaa qof walba ee arinta Soomaaliya wax ka og, la socdaa in dalka Soomaaliya, uu burburay dal ahaan, ama waxa lagu magacaabo -nation-state- ee aduunkaan, maanta jiro uu ku dhaqmo, sidaa darteed Soomaaliya, waxeey u xuub-siibatey, deegaano-ku saleeysan qabiilo, lagu kale dego, ee waa ka fogaatey in lagu tilmaamo-nation-state- ama dawalad-qarameed, dhismo ku saleeysan.

Hadaan u soo laabano, cinwaanka ah- Qabiil iyo Qaran meel wada gali karaan?

Aniga, qof ahaan kama jawaabi karo, su`aashaas oo waxeey u baahantahay, in aqoon-yahanno, wax-garad badan ee Soomaaliyeed gaar ahaan, eey faalo-badan ka bixiyaan arintaan ku saabsan -sida Qaran iyo Qabiil meel la iskugu keeni karo, oo sidaasna, u ku dhismo nation-state ama dawlad-qarameed.

Shacabka Soomaliya, waa ku jahwareersanyahay sida eey Qaran-Soomaaliyeed, uu ku jiro karo ayadoon la isku keenin qabiil kasta oo Soomaaliya ka jiro, kuwaas oo run ahaanna ka kooban oo qabiiladda Soomaaliyeedee tiro 100 gaari karto, marka laga yimaado, abtirsiinyaha ah- lixda aasaasiga qabiileed ee laga koobanyahay- oo kale ah: Dir, Daarood, Hawiye, Digil iyo Mirifle, Isaaq iyo qabiilka shanaad.

Qabiil, qaran ma dhisi karaa waa arin culus, oo in aan garasho dheer u helno ma ahee, aan wax looga qaban karin, maqaal qof soo qoray ama fikrad qof soo jeediyey sida aan haddaba qoraalkaan u qoraayo.

Qaran-casri ah, waxaa laga rabaa ama uu mudnaanta siiyaa in marka hore, la tixgaliyo in la-kafaalo-qaadi karo, xuquuda uu muwaadin leeyahay, xuquuqahaas oo eey ugu horeeyso sida aragtideeyda eey ila-tahay- sharaftiisa/teeda; amaankiisa/keeda; qoyskiisa/keeda; shaqadiisa/deeda iyo ganacsiisa/geeda iyo xoriyad-qoolkiisa/qoolkeeda uu u diyaarin karo Qarankaas-casriga ah.

Sidoo kale, waxaa ayana jirto in muwaadinka uu ka soo baxaa waajibaadka uu ku yeelanaayo-qaran-casri ah, taasoo eey ka mid tahay in uu ilaaliyo wax kasto oo sharci ah, eey umadaas degsato oo uu qofkaasna ka mid yahay kuwa soo jeedinaayo sharciyadaas laga rabo in eey ku dhaqanto Qarankaas-casriga ah- tusaale ahaan, waa in uu muwaadinka uu baxshaa canshuurta; ilaaliyaa amaanka guud iyo midka gaar ahaaneedba ee bulshadiisa; tix-galiyaa maamulka ka jira deegaankiisa; ka danbeeyaa shuruucda la degsado ee deegaaneed iyo in uu iska ilaaliyo sharci-daro uu u soo maro bur-burin-nation state uu u soo maro sad-bursi shaqsiyadeed.

Soomaaliyeey, waa arin aad u adag hadaan runta isu sheegno, in Qabiil lagu dhisi karo Qaran.

Laga yaabee, in aduunka meelo badan oo ka jiro eey soo mareen xaaladaan, ama in aduunka uu soo maray xaalado kala duwan, oo aan u qurxooneeyneeyn, sida hadda aan u ooyneeyno ama u shalaayneeyno oo ah, in aan Qaran helno, qabiilkana uu badbaado jiritaankiisa, laakiin taas waa in aan u helnaa garasho iyo tafaasiil -dheer oo aan isla-sameeyno oo la isku raaco, bulsho weyntana isla-fahanto la helaa, markaas ayaan Qabiil iyo Qaran meel wada galin karnaa, oo sidaa uu dal iyo dad wada noolaan karno noqon karnaa inta -se ka horeeysa waa arin gaxan-dho badan loogu tukubsan doono, waaba hadeey jiri doonta -Qaran Soomaaliyeed oo wada jooga, oo hal-calan, hal-maamul, hal-hees-qarameed ka dhaxeeyo ka dheexeeyo sannadaha soo socda oo ku siman 2020, markaas waxaan oran karnaa ama dhihi lahaa waaba guul weyn. Anigana, qof ahaan waxaan jiraa markaas 60 sanno, oo waxaan u fac-ahay, maalinteey xoriyadda qaadatey dalka Soomaaliya Koonfur iyo Waqooyi.

Bile Jaamac (Gaagaale)

Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan

Xil-dhibaanoow: Qofkaad rabtaan, madax-weyne noogu doora..

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

»S/GALBEED: DADKII IYO DALKII AYAANKA DARRAA| Khaliil
»
Boqor Buur Madow Meeyey !!! | Dalboon
»Samsam waa la soo dayn rabaa !! | Ducaale
»SAMSAM LOO GAFYEE MAXAA LOOGU AAR GUDAA? | Caynab
»SAMSAM " AQALKA M. KU-XIKEENKA I GEE" | Samatar
»Armaa Samsam la xabaal nololyey, war bal xabsiga eega!!  | J.B.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD