WARARKII DEEMBER 10, 2004
- Taageero.Ra,iisal Wasaaraha
Soomaaliya Pro. Cali Mohamed Geeddi Hadalkii uu warbaahinta u sheegay.
- Ibraahin Cali Xasan: Wax walba oo
dhaqaale ah oo ay hesho Dawladda waxaa ka Muhiimsan iyadoo ay Aqoonsi
Dawladdu hesha
- Maalinta Caalamiga ah ee xaquuqul aadamaha oo laga xusay magaalada
kismayo.
-
Beesha Max'ed Cumar-Cumar Max'ud Waxay soo dhawaynasaa dhamaan
dhaqdhaqaaqyada shaqo ee Hay'adaha xaquuqul insaanka
- WASIR KU XIGENKII KALUUMAYSIGA
KHAYRAADKA BADA MAX’ED JAAMAC (FURUX) AYAA SHEEGAY IN UUSAN RAAC SANEYN
DOWLADDA
- SHIR AY YEESHEEN MAANTA XILDHIBAAN
MAXA’ED JAAMAC (FURX) IYO MADAXA SHIRKADDA INTER-CONTINENTAL COMPANY OO
FADHIGEEDU YAHAY CANADA !!!!
Taageero.Ra,iisal Wasaaraha Soomaaliya Pro. Cali
Mohamed Geeddi Hadalkii uu warbaahinta u sheegay.
Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool London On Canada Waxay hanbalyo iyo
Boggaadin u dirayaa Ra`iisal Wasaaraha DOWLADDA KU MEELGAARKA EE FEDERAALKA
SOOMAALIDA Kaddib markii uu hadal Qiimo leh ka jeediyey warbaahinta taariikhdu markey aheyd 8 bisha Dec 04.
Jaalliyadda, Soomaalida ee London Ontario Canada waxay u arkeen Hadlakii
Prime Minsterka Pro Cali Mohamed Geeddi mid xikmad iyo Maskax garasho leh ka
soo baxdey, Dadka Soomaalidana ku abuurtey kalsooni iyo rabbitaan ay u
hayaan Dowladda Soomaaliya u dhallatey. Qof haween ah oo ku nool London
Ontario ayaa tiri: Soomaalidu waa iney ka faa`iideystaan Aqoonto Ra,iisal
Wasaaraha Geedi oo ah mid Soomaalidu maanta u baahantahey. Sida Runta ah
waxaa la weydiiyey Su,aallo aad Xasaasi u ah laakiin Jawaabaha Cali Mohamed
Geeddi uu bixiyey waxay daawo u noqotey khilaafkii micno darida ahaa ee
muddada dheer halkeeyey dadka Soomaalida.
Soomaalida ku nool London Ontario waxay u rajeynayaa Dowladda Pro Cali
Mohamed Geeddi Guul iyo Horumar degdeg ah si dadka Soomaaliyeed dhibaatada
uga baxo.
Yusuf Osman.
yusufkenadid@hotmail.com
Ibraahin Cali Xasan: Wax walba oo
dhaqaale ah oo ay hesho Dawladda waxaa ka Muhiimsan iyadoo ay Aqoonsi
Dawladdu hesha
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk
Sidaa Waxaa yiri Gudoomiyaha Ururka
Saaxiibtinimda Jarmalka iyo Soomaalida ahna lataliyaha Xagga Arimaha
Soomaaliya Safaaradda Jarmalka ee Niairobi oo hadda ku Sugan Magaalada
Nairobi.
Wax walba oo dhaqaale ah oo ay hesho
Dawladda waxaa ka Muhiimsan iyadoo ay Aqoonsi Dawladdu hesho .Aqoonsigana
wuxuu ku Xiran yahey iyadoo lagu wada qanacsan yahey in halkan ay ka baxdo
Dawladdu ,laguna soo dhaweeyo Gudaha Soomaaliya .
Haddii leyska indhatirana waxaa lumaya kalsoonida
Dawladda loo hayo. Qalad wuu dhici karaa waxaase Mudan in wax la saxo.
Dawladduna waa iney diyaar u noqotaa
Marwalba Dhaliil, Dhaliishuna wax bey saxdaa ee wax ma Xumeyso.
Waa in Xal loo helaa arimahan jira waxaana
laga wada doonayaa kuwa wax diidan iney ayaguba xalkii keenaan oo ayan waxba
diidin haddey Masraxa iska waayeen.
Haa wey jirtaa in ay Safaaradda Jarmalka ee
Nairobi ay Casuuntey Prof Cali M Geddi
Walow aan aniga u marey waddo adag sidii
uu ku heli lahaa Casuumaddaas oo qoraal ah waxaana ka warhelney inuu yiri
waxaan ku wareejiyey Wasiirka Arimaha Dibadda Cabdullaahi Sh Ismaaciil, oo Safar ku Maqnaa .
Way fiicnaan laheyd iney Xafiis shaqo ah
sameysan lahaayeen Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliyeed oo lagala Xiriiri
karo inta ay joogaan Nairobi.
Anaga waxaan islaheyn wada hadalkaas waxaa
ka soo bixi lahaa wax dan u ah Shacabka Soomaaliyeed..
Jarmalkuna waxa uu ka mid yahey Wadamada
dhexdhexaadka ka ah Arimaha Soomaaliya.,
Shirkii halkan lagu doortey Dawladdan
bixiyey Qarashkii ugu badnaa ee ku baxa Magaca Wadamada dhaqaalaha bixiya
IPF, Jecelna in ay Soomaaliya ka mid noqoto Caalamka la Aqoonsan yahey.waxna
u qabato Shacabka Soomaaliyeed.
Maalinta Caalamiga ah ee xaquuqul aadamaha oo laga xusay magaalada
kismayo.
faysal xaji siyaad muumin
kismayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com
Xarunta xaquuqul aadamaha ee SED oo fadhigeedu yahay magaalada kismayo
aya maanta qabatay Munsibad lagu mamusayay 10ka decembar oo ah maalin si
caalami ah loogu wada aqoonsanyahay Xaquuqul aadamaha aduunka.
munasibada ayaa waxa ka qaybgalay mas,uuliyiin odayal dhaqameed, ururada
haweenka kuwa isboortiga iyo dhalinyaro waxaana ay xarunta xaquuqul adamaha
ee SED ay ku soo bandhigtay tacadiyadii sanadkaan ka dhacay magaalada
kismayo iyo waliba aqoon is waydarsi la xariiray sida bulshadu u wajahayso
xaquuqul insaanka.
Gudoomiyaha Xarunta SED Daahir Cali Barre(Kamiin) oo ka hadlayay
munaasibadaan ayaa wax uu sheegay in heerka ku tumashada xaquuqda aasaasiga
ah ee magaalada kismayo ay sii kordhayso sanadkaan kaliyana Dil toogasho ah
loo gaystay 204 qof oo saddexdii bilood ee ugu dambaysay ay ku jiran 3
caruur ah oo ka yar da,da 18 sano jir sidoo kalena kufsi loo gaystay 9 dumar
oo 2 kamid ah ay caruur ahaayeen.
si arimahan iyo kuwa kale looga hortagana waxaa uu gudoomiyaha xarunta
xaquuqul insaanka ee SEd uu ka codsaday bulshada in la iska xilsaro xaquuqda
aadamaha iyo baaqyada caalamiga ah.
Gudoomiyaha ku xigeenka dallada ururada bulshada rayidka ee Jubbooyinka
Jubanet C/laahi Cilmi Mooge waxaa isna sheegay in 10ka decembar ay ka mid
tahay maalmaha sida wayn loo maamuuso ee dadyawgu caalamku ay ku doonayan in
ay ku hagaajiyaan is xaqdhawrka udhexeeyay iyo in aan cidina lagu xadgudbin
waxaana uu dhinaca kale ammaan u jeediyay xarunta SED oo uu ku tilmaamay
Hay,ada kaliya ee u taagan uruurinta iyo diiwaangalinta falalka ka dhan ah
xaquuqda aadamaha ee ka dhaca gudaha magalada kismaayo iyo nawaaxigeeda
faysal xaji siyaad muumin
kismayo soomaaliya
faysalsiyaad@hotmail.com
Beesha Max'ed Cumar-Cumar Max'ud Waxay soo dhawaynasaa dhamaan
dhaqdhaqaaqyada shaqo ee Hay'adaha xaquuqul insaankaQore: Dr.Ax'ed Ciise Qullaan
Hawlwadeeno ka tirsan Jaaliyadda Beesha Max'ed Cumar-Cumar Max'ud ee Kenya ayaa
Barqankii10/12/04 ka qaybgalay Shir ka dhacay Hotelka Intercontinental ee Magaalada
Nairobi Shirkaas oo ay qabatay Hay'ad u dooda Xaquuqul insaanka oo lagu magacaabo
Somali Commitee Against Impunity ayna kala qaybgaleen hay'ado caalami ah oo iyaguna
u dooda Xaquuqul insaanka loogana hadlayey sida loogu tuntay xaquuqda in badan oo ka
tirsan Bulshada soomaaliyeed islamarkaasna in badan oo ku eedaysan faldambiyeedyo la
xiriira ku tumashada xaquuqul insaanka ay maanta ka mid yihiin madaxda DFKMG,
haddaba
hawlwadeenada Beesha oo halkaa kula kulmay madaxdii Ururka SCAI iyo kuwa Hay'adaha
Caalamiga qaarkood waxay u sheegeen in ay Beel ahaan soo dhawaynayaan dhamaan
dhaqdhaqaaqa shaqo ee ay wadaan Hay'adaha Xaquuqul insaanka u dooda Heer Gobol iyo
Heer Caalamiba lana samaynayaan wadda shaqayn toos ah, waxayna halkaa ugu gudbiyeen
Madaxdii ay la kulmeen Qoraalo tiro badan oo cadaynaya qaabkii Col.C/laahi Yuusuf
Ax'ed(Ninka hadda madaxwaynaha ka ah DFKMG) uu u dilay Marxuum Suldaan Ax'ed Max'ud
Max'ed(Hurre), dilkaas oo ka dhacay tuulada Kalabayr ee xaga koonfureed ka xigta
magaalada Gorowe 17/8/02,
waxaa kale oo ay halkaa ugu gudbiyeen Taariikh Nololeedkii
Suldaan Hurre iyo Nuqulkii Rasmiga ahaa ee Maxkamadda Col.C/laahi Yuusuf Ax'ed uga
socota London-England ee ay dacwadooda ka furteen Xaaskii iyo Caruurtii Marxuum
Suldaan Hurre,
haddaba qoraaladaas oo soo jiitay madaxdii halkaas isugu timid waxaa
ka hadashay si gaar ahna uga codsatay hawlwadeenadii Jaaliyada in loo soo gudbiyo
warbixinta Kiiska suldaan hurre Gabadha layiraahdo Isabel Candela oo ka mid ahayd
madaxdii Hay'adihii halkaas ku shirayey ee Xaquuqul insaanka u dooda iyadoo ay
sheegtay Mrs Candela in ay si aad ah uga xumaatay markay maqashay dhacdadaas foosha
xumayd,
haddaba waxaa guul u ah Shacabka soomaaliyeed ee rayidka ah dadaalka ay
wadaan hay'adaha Gobolka ee xaquuqul insaanka u dooda taas oo ugu yaraan ka
hortagaysa in ay dib u dhacaan falal la mid ah kuwa aan la hilmaami karin ee hore
ugu soo dhacay Bulshadda Soomaaliyeed suurtogalna ay tahay in kuwii ku tuntay
xaquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed maalin aan fogeen sharciga la horkeeno.
Afhayeenka Jaalliyadda Beesha ee Kenya
Dr.Ax'ed Ciise Qullaan
ahmeding@hotmail.com
WASIR KU XIGENKII KALUUMAYSIGA
KHAYRAADKA BADA MAX’ED JAAMAC (FURUX) AYAA SHEEGAY IN UUSAN RAAC SANEYN
DOWLADDA XILKEDA LOO MAGACAABAY EE CALI MAX’ED GEEDI BALSE UU KAMID YAHAY
BAARLAMAANKA DKM,KA AH.
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk

maxa’ed jaamac (furux) |
Mar uu manta hadal ka jeedayay maxa’ed
jaamac (furux) hoolka weyn Ee lagu shiro Ee hotel Hilton ayaa waxuu sheegay
in uusan u dhaaran xilka Pr: Cali Max’ed Geedi uu umagacaabay dhawaan Ee
ahaa wasiir ku xigeenka qeyraadka badda asagoo raaciyay in aysan dowladaani
aheyn mid u cuntanta dhamaan umadda soomaaliyeed ayana jabisay xeerka u yaal
dowladda kumeel gaarka ah.
Max’ed Jaamac (furxu) oo ah gudoomiyaha
U.S.C. L.P, kana mid ah ugoomiye shaasha ku midowbay Golaha samata bixinta
Ee lagu aas aasay Dagmada Balcad kal hore. Ayaa waxuu cadeeyay in uu yahay
hogaamiyi hii ugu horeeyay ee kasoo hor jeesta qaabdhismeedka dowladda cusub
Ee uu Soo magacaabay Rey’sul wasaare Cali max’ed Geedi aysana u cuntamin
qaab dhis meedka dowladda Pr: Cali Max’ed Geedi waxuuna dhaliil kaga dhigay
in uu jabiyay dhamaan sharcigii u yaalay dowladda kaas oo ahaa owood
qeybsi.
Max’ed Jaamac (furux) Ayaa sheegay in uusan
kabixin baarlamaanka balse uusan raac saneyn oo kaliyah dowladda Cali Max’ed
Geedi diyaarna uusan u aheyn in uu qabto xilka uu u magacaabay Pr: Cali
Max’ed Geedi Waxaan usheegay Saacad ka hor laakiin isagaa ku adkaystay in u
imagacaabo diyaarna uma ihi Xidhibaanka oo aan waydiiyay in ay jiraan xubno
kale oo ka tirsan beeshiisa oo taagersan Prof Geedi waxa uu sheegay in
mahiimadu ay tahay in la helo Qaab sharciya oo wax lagu taageero .
SHIR AY YEESHEEN
MAANTA XILDHIBAAN MAXA’ED JAAMAC (FURX) IYO MADAXA SHIRKADDA
INTER-CONTINENTAL COMPANY OO FADHIGEEDU YAHAY CANADA !!!!
Subax nimadii saakay
saacadu markii ay aheyd shanta saac Ee subax nimo ayaa hoteelka Hilton
waxaa shir ku yeeshsay xildhibaan Max’ed Jaamac (furux) Iyo madaxa shirkadda
inter- continental company Ee fadhigeedu yahay dalka Canada Dr: Idiris
Saleebaan.
Madaxa shirkadda
Dr:idiris ayaa waxuu noo sheegay mar aan wax kaweydiinay shirkadda iyo
qaabka Ey u shaqeyso shirkadda iyo waxa uu kula heshiinayo Max’ed Jaamac (Furux)
ayaa waxuu ku jawaabay sidatan.
ugu horeyn shirkadda
waxey shaqo bilowday taariiqdu markii ay aheyd 25 July 1990 howsheeduna
waxey tahay dhismaha dakadaha Amase dayac tirka dakadaha.
waxaana doonayaa in aan
kula heshiiyo Max’ed Jaabac sidii aan uga howl gali lahaa dakadda Mogadishu
Maadaama uu yahay ninka manta gacanta ku haya dakadda magaaladda Muqdisho
ilaa iyo markii ay dowladii Siyaad Barre wadanka ka dhacday oo laga joogo
muda dhan ilaa iyo afar iyo toban sano.
Dr: idiris ayaa waxuu
siqaas ah u taabtay in ay howshiisa ugu weyn noqon doonto in uu keeni
doono qalabka wax lagu dajiyo Ama wax lagu raro inta ay dakada muqdisho u
baahan tahay dhamaan.
Mar aan wax ka weydiinay Max’ed Jaamac (furxu)
in uu shirka asaga iyo Dr: idiris ay isku afgarteen heshiiska ay
hesheenayaan manta ayuu sheegay in uu u socon doono mudo sadax maal mood ah
balse ay isla garteen iskuna ogolaadeen in ay kawadda shaqeeyaan Dakadda
Muqdisho asagoo sheegay in uu hubinayo qeymayna ku sameyno qalbaka kanbaniga
uu wato iyo sida ay uga bixi karaan howsha Dakadda Muqdisho
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi Somalitalk
Xildhibaan Suleymaan
Colaad Rooble “Prof.Dalxa ayaa Masuul ka ahaa in ay beesha Jareer-weyne ay
weyso kuraasii ay ku lahaayeen Golaha Wasiirada”
“Jareer Weyne waxay
lahaayeen Wasiir , wasiir ku xigeen iyo Wasiirul Dawle sida aan ku balanay
Raisulwasaare Dr. Cali Maxamed Geedi,laakiin balantii waxaa jabiyey
Prof.Dalxa oo isagu isku dayay inuu wax is daba mariyo wuxuuna ku dhaqaaqay
inuu qabiyo xubnihii Jareer weyne ee la balamey Raisu wasaaraha, isagoo ka
dagaalamayey in uusan xildhibaan jareer ah helin xilka sareeya jagadiisa ama
mid u dhiganta taasoo nagu noqotay filanwaa aan yareen maxaa yeelay anaga si
wadajir ah ayaan ugu ololeynay anagoo lix xildhibaan ah oo Soomaalina ugu
dalbanay inay nala qaado taas ayayna ahayd mida aan ku guulaysanay” ayuu si
dagan u yiri Xil. Suleymaan Colaad oo markaa ka muuqatay quusi aad u weyn uu
ka quustay prof dhalxa, “Waxaa isku daynay in aan arrintaas kala hadalno oo
aan u aqli celino laakiin waa uu ka dhaga adeegay waxa uuna qaarkeen ugu
jawaabey maxaa tihiin,maxaad tihiin aniga lee meeshan idin gaarsiiyey maxaa
tihiin mawax inaad noqon lahydeen ayaad is moodeen la aanteey iyo Ereyo kale
oo aan nagu cusbeen oo ay ka mid ahaayeen aniga Jareer ima dooran ee
soomaali ayaa I doortey ee sheeko Jareer danbe ha ii keenina, aad ayay
nooga nixisay arinkaa maxaa yeelay ninkii jareer ah markii uu wax noqdo ma
waxa uu ka baxayaa jareernimada ma waxa uu iloobey in isaga uu ku fadhiga
saamiga wax qaybsiga 4.5 waliba midka jareer ee uu san daarood ama hawiye
uusan ku fadhinin,
mushtamaca jareer Waxaan
u sheegaynaa inay sidaa ula socdaan dhalxana uu yahay midka ku dhaqmay
nidaam hore uu jareer ugu guuray oo ah nooc fiirtin yaysan cidkale meesha
imaan ama wax noqon oo jareer ah taas weeye mida lugooya ku noqotay jareer
ayuu yiri sulaymaan
colaad colaad anaga Waxaan is lahayn markaan isaga u ololeynay waa aqoon
yahan jareer manta ayuua jareer ciil baxayaa laakiin meeshii cir laga
sugayay ayaa ceeryaamo ka timid ayuu hadalkiisa ku soo gagabagabeeyay
xil.suleymaan colaad rooble
dhamaad.
by:Abdikarim Aden
Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com
nairobi,kenya.
. EYD::
Waraysi: Sheikh
xaji Ahmed Hirsi Ali Khayre
.
Norway:
Warsaxaafadeed kasoo baxay ururuka Haweenka
.
Pakistan: Soomaali
lagala baxay Guryohoodii
.
Heshiis Dhexmaray
Jaamacadaha suudaan iyo DGPL
.
Dadka iyo waxa ay
ka aaminsan yihiin Golaha cusub
.
BAAQ: Colaad Joojin
dagaaalka Gelinsoor iyoHobyo
. Dumarka Galkacyo:
Olole Wacyi Gelin... Guji
.
Qoraxay: Ciidamada
gumaysiga oo Diley Xoolo Dhaqato
Faafin: SomaliTalk.com | Dec
10, 2004
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|