SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Wallee lama ledo !

Ducaale Hadal-wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Waad salaaman tihiin saxiibada webka iyo netka.

"Wallee lama ledo" Sidaas waxa yiri geedka loo yaqaan "xoorka" bahalka yar ee dabada cad. mar uu digaag xaraysan la soo bixi kari waayay. Inta uu dabadiisii caddayd meel uga dusiyay ayuu dhex wareejiyay halkaas oo ay degaagii hurdo ledi kari waayeen. Illayn nin baa wax dhex wareejinaya oo wax walaaqaya.

Ragga loo bixiyay Dir Woqooyi wallee lagama macaasho. Haddii ay kubaddo dhaafto ninku ma dhaafi karo. " Madaxweynihii ayaa la iska qatay". " Wasiirkii 1aad ayaa lagu xigsaday oo la iska qaatay". "Guddoomiyihii Baarlamaanka boobka-ku-dhisan ayaa ba ka sii wada horeeyay oo afka la iska mariyay"...

"Afartii wasaaradood ( debedda,gudaha,maaliyadda,iyo gashaan dhigga ) haba sheegin halka laga dusiyay.... Hadana waxa lagu handacoonayaa waa dawlad ku meel gaar ah oo fedraali ah oo loo dhan yahay iyo dib u heshiisiin. Waar yaa loo waramayaa !! Waa dhallaankii waalidkii dhalmada baray !!

Wallee lama ledo.Nin ba waa mar e mus ma kula koray.

Aniga oo ka xun sida la yeelahayo aqoon yahanka Diktoor Md. Cali Maxamed Geedi. Waxa aan jeclaystay in aan war dareen siiyo.

Md. Cali , waxa aan ka xumahay meesha ay kuula kacday. Waxa aad noqotay irbadd bad ku dhacday. Ragga aad leedahay dawlad ayaan u samayna hayyaa waa intii laga ledi waayay ee uu dalka iyo dadku ka jiifan kari waayeen. Waa intii ummadda halkaas dhigtay ee bacad joojisay. Waa inta ugu fawdadda badan ee faraha lagaga gubtay meel kasta. Waa wada xarig lama sitaan. Waa abeesooyin hoosta kaaga jira. Waa kelidaa oo waxa aad dhexdooda ku tahay shisheeye. Ma na afgaran kartid weligaa haddii aad jirto intii qurac jiray. Waa waxaas maalin ba meel u qammaamahaya.

 Maxaa ku dhex geliyay gacan-ku-dhiiglayaasha. Sow tan lagaaga tillaabsaday boholsha dheer. laba asbuuc gudahood miyay ku dhex fadhiisiyeen dhijaantii iyo dhiiqadii ay sida raha ka yeeri jireen. Lagama yaabo in aad isla keentaan kuwan aad dubka iyo diirka isaga eegtihiin laakiin se ah dad kale. Alla yaa kaa saara !!

Baarlamaan boob ku dhisan. Baarlamaan u badan reer baadiye aan wax aqoon. Marka ay lacagta la siiyo ay ka dhammaato ayay eeganayaan meel kale oo ay u foof tagaan iyo mid kale oo ay ku baartaan barlamaan ayaan ahay. In ay bakhti yihiin waxa aad ku garan kartaa goorta ay doorteen ina Yusuusf Yey.

Md. Ex. Wasiirka 1aad aniga oo kuu soo wada in aan ku weydiiyo laba su'aalood oo kala ah :

1. Intee in leeg ayaad rajo ka qabtaa midnimada Somaliland iyo Somalia in ay soo noqoto?

2. Hogosha roobka lacagta ah ee idinku helshay Mbigathi goorma ayaad dadka intiisa kale soo gaadhsiin doontaa?

Labadaydii su'aalood oo weli taagan ayaad adigi ka shubtay....ma ka fekertay waxa ku helay iyo meesha lagaa yimid Md. Cali? Ma u malayn haysaa in uu macalin xumi ku helay? Ma is tidhi meel khaldan ayaad ka bilawday qorshahaaga oo burkaba bahal kamaad filaynin?

Waxa aad noqotay ri' seenyoon oo aan geeso lahayn oo ku dhex jirta riyo geeso leh....Guri ladqabo ayay kuu gogleen. Waxba magaca ha eegan ee meesha maamul kuuma yaallo !!!

Waxa aan sir ahayn in aan kuu sheego in waxaa aad meesha lagu walaaqahayo aanu soo dhaafi doonin Mbigathi 5ta sano ee la sheegahayo. Adiga oo keliya ma aha sheekadu. Maalin ba mid ayay dhisayaan mid kale na way ridayaan. Waxa adiga hadda kugu soo xiga waa ina Yussuf-Yey. Waa mashruuc inta meesha joogtaa na waxa ay yihiin khubaro iyo farsama yaqaano heer sare ah. Ha ba ugu sii darraadeen kuwa aad ugu yeertaan Dir Woqooyi. Meesha ay ka maqan yihiin ayay nabadi joogtaa......Miyaan cilmi loo lahayn in laba ay heshiin karto ee aanay sadex heshiin karin!

Md. Geedi aan ku siiyo talo walaalnimo :

1. Iskaga dhex bax dadkan aydaan isku lugta iyo laabta ahayn.

2. Waxa aad ku biirtaa kooxda Cabdullaahi Caddow iyo aqoon yahanka qaran ee facaaga ah.

3. Ha hunguraynin in uu mar kale ku soo magacabo ina Yuusuf-Yey>

4. waxa aad gacan siisaa xubnaha baarlamaanka inta xalaasha ah ee rabta inay kalsoonida kala noqoto ina Yussuf-Yey si dhaqso ah. Adiga oo aan ahayn nin meesha u soo xoolo doontay ee raba in uu xal ummadda u keeno oo uu xoriyad gaadhsiiyo.

5. Mar na ba ha ogolaanin in mar danbe kirli madaxa laguu geliyo gacmaha na dhiig laguu saaro.

Waxa beesha caalamka ee been-beenta ah loo soo jeedinayaa sidan soo socota:

1. Somaalida way ku filan tahay shirqoolada loo dhigahayay kuna dhammaan mayso oo xikmadda Illaahay ayay ku taagan yihiin, ku jiraan oo ku joogaan..

2. Wax kale yaan naloo qaban annaga ayaa isku filan haddii aad naga qabataan inta maanta ku sugan Mbigathi/Nairobi/Kenya. Waxa aanu idiin sheega haynaa in ay kuwaasi yihiin sababata balaayada keliya ee haysata ummadda Somaliyeed.

3. Waxa aanu soo jeedinahaynaa in la amro inta halkaas ku sugan dhammaantood in loo jaro mandaato ama lagu oodo Mbigathi oo looga dhigo jeel , xabsi lagaga hayo ummadda Somalida inteeda kale. Dhammaantood na waa in loo aqoon sado dembiilayaal dagaal iyo ku xadgudbayaal xuquuqda aadamaha Somaliyeed ( Shanta ) oo ay la wareegto Maxkamadda Heeg. Waa fidyaha lagu furdaamin hayo ummada uu waqtigu ka heeliyay. 

4. waxa lag codsanahayaa saxaafadda, warbaahinta xalaasha ah iyo qalinka aqoon yahanka Somaliyeed in ay taageeraan fikraddan iyada ah. Ma waxa la eegan kara hayaa in ay maanta qibladda Somalidu noqoto Ethiopia !

Dadkaan dhawaaqayaa,

Dhulkooda doonayaa,

Hadday u dhiidhiyeen allaahayow u dhiib.

Aniga oo walaac ku seexday maxaan walbahaar la toosay. Aniga oo ku haddaarsan sadex arrimood oo Somaalida ka dhex taagan maanta ( Gbarta yar ee Samsam Axmed Ducaale xalkeeda, xaaladda Laascaanood iyo dhug-ma-leh dhulbahante iyo Caleema-saarka C/Yussuf oo calaamad xun ah) ayay calool xumada Cali Geedi na ii raacday ....Colaadda Habar-Gidir na hadalkeed ba daah.........Yaa saatir !! 

Mahadsanid.

Ducaale Hadal-wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley
iyo Afhayeenka dowladda FKMG oo sheegay inaan waxba ka jirin go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi..
Guji... Dec 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD