SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

QOSOL QANI BAADTAHAYE

Waxaa qoray
Maxamed Axmed
Toronto, Canada
alhudaa1@yahoo.ca

Assalaamu calaykum,

Waxaan waxbadan maqalnaa aayadda kutaal kitaabka alle isagoo Eebbe leeyahay, {Haddii aad damacdaan inaad tirisaan nicmooyinka Ilaahay makoobi kartaan}.

Laakiin nasiibdarro haddaan nahay bini'aadam nalakama waayo eedsheegad iyo waxbaa iga maqan, bini'aadamkuna kuma kaaftoomo xaalad kasta oo nolosha jaranjarooyinkeeda kamid ah oo uu gaaro, sidaas daraaddeed ayaa Rasuulkeennii suubanaa (NNKH) wuxuu yiri isaga oo taas cabbiraya [Haddii bini'aadamka lasiiyo waadi dahab ah, wuxuu haddana dalbaa waadi kale in lasiiyo, afkiisana wax aan ahayn ciid ma buuxinkarto].

Laakiin soo mahaboona in qofku horta rabbigiis uga shukri naqo ugana mahadceliyo wanaagga faraha badan ee uu siiyey, oo ay ugu weeynyihiin Islaamka iyo abuuristu. Bal aan waxyar milicsanno xaaladaha dadku kacawdo iyo sida ay kuhaboontahay in loola falgalo xaaladahaas iyaga ah:

~ XOOLO-YARIDA:

Waxaa la'arkaa in qof yiraahdo maxaan unoqon waayey QANI ama TAAJIR oo aan ulaxarbinayaa nololmaalmeedka kukooban KIRADA iyo CUNTADA, haddaba walaal bal xusuuso dadka sidaada oo kale adoomo Ilaahay ah islamarkaana kaahooseeya oo tirada badan adduunkana kugula nool, kuwaasoo aan heli karin maalin raashinkeed isla markaasna aan haysan wax kaceliya roobka iyo dhaxanta, taas markaad daristay waxaa kuusoo baxay in shukri kugu waajibay sida Alle kuu asturay darteed, haddaba QOSOL QANI BAADTAHAYE.

~ JIRRADA:

Sidoo kale dad walaalaha kamid ah ayaa jira oo xanuunsan, xanuun lala soconayo oo dhakhtar ay kala tashadaan, hayeeshee waxaa laga yaabaa inay isweeydiiyaan xanuunkaani muxuu kaaga tagi waayey iyo goormaad biskoonaysaa ama xaggee lagaa haystaa. Laakiin Alle baryadiis, samir iyo toosnaan kaddib waxaa iyadana larabaa in qofkaani kafakaro imisa Muslimiin ah oo kulamid ah ama Ilaahay-kaaga-dhoow ayaa kaadaran, oo adigu waaba socotaaye aan kici karin, ama wax cuni karin ama tukan karin, iyagoo jeclaan lahaa inay intaas oodhan sameeyaan, marka sooma-aragtid in aad malaayiin qof kafiican tahay oo Alle kuu roonyahay. Haddaba QOSOL QANI BAAD TAHAYE.

~ CARRUUR LA'AANTA:

Qof baa laga yaabaa inuu guursaday laakiin aan in-muddo ah carruur udhalan, hayeeshee laga yaabo inuu is yiraahdo: qof waxaad tahay balaayo kudhacday oo curyaamay. Sidiisa qofku haddii uu indha-indheeyo nicmooyinka Alle siiyey farabadnidooda runtii qofna kuma fakareen waxbaa kaa-khaladan. bal qofkaan haddii aan fiirinno, waxaa laga rabaa inuu yiraahdo "ILAAHOOW MAHAD BAAN KAAGA CELIYEY GUURKA XALAASHA AH OO AAD ISIISAY, INTA HARTAYNA IIGU DAR", maaddaama ay jiraan dad malaayiin kabadan oo jeclaan lahaa inay soo gaaraan martabadda aan joogo iyo nasiibka aan helay oo qooyska iyo aqalka ah, badanaa dad sanooyin badan uhalgamayey inay guursadaan laakiin aan Alle ucalfin, haddaba soowmaaha arrinkaani nicmo Alle siiyey addoomadiisa inta uusiiyey, asaguna kama mutaysan SHUKRI iyo XAMDI, aleeylehe haa, Haddaba walaalkayoow intaad quusan lahayd QOSOL QANI BAADTAHAYE.

~ QURBAHA:

Waxaa jira dad badan oo naga mid ah oo yiraahda "Qurbe iyo qaxar baa Alle nalakulmiyey", waxaa laga yaabaa in arrinkan wax kajiraan, dadkanuna ay uqaybsamaan kuwo iyagu soodoortay qurbaha iyo kuwo dani keentay. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay arrinku isagoo sida loojeedo ah, haddana in nicmo ilaahay haddii laga baaro aan laga waayeen nusqaantaas iyada ah. Walaal bal aan kuxusuusiyo middaan iyada ah: Kawarran dadka walaalaheen ah oo innagoo kale ah, oo cudur, amni-darro iyo gaajo ay dariska lanoqdeen waddankiina jooga, isla matrkaasna aan garankarin waxa waagu hadduu baryo xaalkoodu noqon doono GEERI mise NOLOL, haddaba iyadoo Qurbe yahay dhibaato, lana rabo in xal loohelo, haddana marka laguu qiyaaso dadkaas aan dhibkooda sheegnay ee inta aad haysato aan haysan, haddaba xaalkaagu wuxuu ku sifoobay QOSOL RUNTII QANI BAADTAHAYE, allena shukri iyo xamdi aan unaqno.

ILAAHAY XAQA HANAGU SUGO.

Waxaa qoray
Maxamed Axmed
Toronto, Canada
alhudaa1@yahoo.ca 

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

»S/GALBEED: DADKII IYO DALKII AYAANKA DARRAA| Khaliil
»
Boqor Buur Madow Meeyey !!! | Dalboon
»Samsam waa la soo dayn rabaa !! | Ducaale
»SAMSAM LOO GAFYEE MAXAA LOOGU AAR GUDAA? | Caynab
»SAMSAM " AQALKA M. KU-XIKEENKA I GEE" | Samatar
»Armaa Samsam la xabaal nololyey, war bal xabsiga eega!!  | J.B.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD