DADKAYGOOW DULMIGA DAA
W/Tiriyey: Mursal
Max'ed Max'uud(Garaad)
stethy1@yahoo.com
Dadka soomaaliyeed
waxaa la sheegaa in ay yihiin Ummad hodan ka ah
Suugaanta, iyagoo marka la doonayo in wax la
tusaaleeyo ama la soo gudbiyo arin xasaasi ah, loo
adeegsado qaab-suugaanayd, si ujeedaddu u noqoto
mid taaba-gal ah isla markaasna loo qaato sidii la
doonayey.
Sidaas darteed
waxaan jeclahay in aan soo bandhigo Maansadaan
Dadkaygoow Dulmiga-daa, xili ay Collaado ka socdaan
Deegaano ka tirsan Goboladda Mudug iyo Galgaduud ee
Somalia, halkaas oo ay isku dilayan dad walaalo ah.
Waxaan aad u jeclaan lahaa in Dadkaasi ay Xabadda
iska dhigaan layskuna layn Dhalinyaradda berito uu
Dalku u baxsan lahaa, sidoo kale waxaan ka
codsanlahaa in dhinacyadda dagaalamaya ay u dhega
nuglaadaan fariimaha wax-garadka Soomaaliyeed.
Maansadaan waxaan
tiriyey 10kii june 2004, walloow aanan soo
bandhigin.Waxaa cad in dhibaatadda nahaysatadda uu
Dulmigu sal dhig u yahay, innagoo iska dhega tirnay Qowlka
AIlaah, S.W.T ku leeyahay "Dulmiga waxaan ka xaaraan
tinimeeyey Naftaydda, dhexdiinana waxaan ka dhigay
mid xaaraam ah, ee ha is dulminina". Sidaas darteed
ayaana ugu doortay in aan gun-dhig uga dhigo
Maansadaydda dhibaatadda Dulmiga. Hadaba waxaan uga
hadli doonaa ama aan ku cabiri doonaa Cirib xumidda
uu Dagaalku ku keeno dhinacyadda dhaqaalaha,
caafimaadka, waxbarashadda, nolosha dadka iyo weliba
in ay ka imaan karto caradda Eebe anigoo marka ugu
danbeeysana ku soo afjari doona qayb Duco ah.
Maansaddiina waa iga tan.
Daacadnimo
ka durugiyo
Damqashadda
xanun kale
Maatida
Dayacanee
Daryeelkood
Hajoogtee
Madfac loogu
Deeqaa
Waa Diin la'aan
iyo
Damiirkoon
shaqaynine
Daa'inbaa ka
digayoo
Naftiisuu ka
diidee
Dadkaygoow
Dulmiga daa.
Duulba duul ku
duulkiyo
Dirirtiyo Colaadaha
Dilkan wada banaanee
Duubkiyo Duqoowdiyo
Dumarkiyo Caruurtaba
Midna aan ladaynayn
Danbi weeye culusoo
Diintu nama faraysoo
Daa'inbaa ka digayoo
Naftiisuu ka diidee
Dadkaygoow Dulmiga daa
Min digteetar Dagaal
oog
Darxumadan nahaysiyo
Umul-dooxu nama
dayn
Dakadahoon shaqayn
iyo
Daabulkoo istaagiyo
Dalaga ooynan
beeran
Dib u dhacoo
balaartiyo
Waa Dabar go'eenee
Daa'inbaa ka
digayoo
Naftiisuu ka diidee
Dadkaygoow Dulmiga
daa.
Hadaan diidnay
Qaranimo
Kala dirnay Xooggii
Aqoonyahan la
dayriyey
Jahligana la daba
kaco
Daka yaa u maqanoo
Dalka yaa iska
lahoo
Cuduradda dilaagaa
Uda'weyne AIDSku
Darisyadeen
daciifiyey
Difaac uga noqon
kara
Daa'inbaa ka
digayoo
Naftiisuu ka diidee
Dadkaygoow dulmiga daa
Dunidaan hayantee
Dayaxa hiigsanaysaa
Nabad loo
dalxiistago
Aqoon durugtay
weeyee
Diiwaanka geli taaas
Inaguna Danteenii
Dulibaan ka dooranay
Dawarsibaan daw
moodnay
Dugsiyadeeni daawo
Dusha sare ka
fiiqane
Eeyuhu dakeeyaan
Daa'inbaa ka digayoo
Naftiisuu ka diidee
Dadkaygoow Dulmiga daa
________Duco________
Deelaydda Maansadda
Maku sheegay
Dulucddii
Madilaacshay Boogtii
Bogsan waysay Muddo
badan
Haatana Dabiibkii
Dawadii ma doonaa
Daa'imoow Allahayoow
Dulqaad badaniyiiyoow
Hayga diidin maantee
Dacwadaydda iga maqal.
Allahayoow Dadkaygii
Dibadaha u yaacay
Dacaladda Aduunyadda
Darxumay ku joogaan
Degel Nbad ah Eeboow
Dowladnimadii soo
celi.
Daa,imoow Allahayoow
Dulqaad badanihiiyoow
Collaad waan ka
daalne
Dadkaygoo is raacoo
Qolo qoladda diidoo
Dalka dib-udhiskiisiyo
Dowladnimo u jeestaan
Kaa doonayaaye
Hayga diidin maantee
Nabad lagu dakeeyiyo
Dowladnimaddii soo
celi.
FG
Haddii uu
khaladaad uga soo baxo Maansayanahanadda Somaaliyeed,
gaar ahaan xagga isa-saarka, yaanay ii ciishoonin
waan ka raali gelinaya, waayo ma ihi Maansayahan
Wanaagsan balse waxaan ka damqanayaa Dadkaas
Soomaaliyeed ee is laynaya, xilli ay tahay i
Collaadaha Somalia ka jiray la soo afjaro.