SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Xog waran ku saabsan Shirka la sheegay inuu ka dhacayo Copehagen,Danmark.

Qore.  Mohamed Abdi
gammaan@hotmail.com

Marka hore waxaan salaan diiran usoo gudbinayaa bahda Somalitalk, iyo dhamaan Akhristayaasha soomaaliyeed ee Bogaga internetka.

 
Marka xigta waxaan jecelahay inaan xog waran dhab ah idinka siiyo shirka la sheegay inuu ka dhacayo Magaalada Copenhagen, Danmark, maalmaha 10-12 bishan December. Lagunasoo iclaamiyey Internetka.
 
Waxaa muuqada in shirkan laga leeyahay ujeedooyin guracan oo kasoo horjeeda danta umada soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan danta umada soomaalida Ogadeniya ee Xabashidu gumaysato, loogana goleeyahay in lagu minja xaabiyo Halganka xaqa ah ee lagagasoo horjeedo Taliska dhiigyacabka ah ee Tigreega. 
 
Arintaas waxaa kuu cadaynaya dadaka shirkan lagu marti qaaday waxay u badanyihiin kuwo si toos ah ama si dadban ugu adeega Gumaysiga Itoobiya, Marka laga reebo dhowr shakhsi oo magacooda laiska qortay shirkana aansooba xaadirin. Sida  Profasor: Gandi,  Tarax, Cabdiladif Afdhuub, IYO Yusuf Xasan.
 
Waxaa kale oo iyana dhacday in ka qaybgalka shir ku sheegan loo diiday dhamaan dadweynaha reer Ogadeniya gaar ahaan kuwa Danmark degan, marka lagareebo inyar oo dabadhilifnimada gumaysiga Itoobiya aaminsan.
 
Shirkan waxaa kasoo qayb galay islamarkaana ka hadlay nin gacanyare u ah keligii taliye Zanawi, ninkaas waxaa weeye Hogaanka waxa Wadanka Ogadeniya looga yaqaano( Maleeshiyada Dabaqoodhiga) oo shaqadoodu tahay  Jaajuusida, Xidhxidhida, Garaacida, Dhicida, iyo Laynta,  shacabkooda masaakiinta ah ee taageersan Halganka xaqa ah ee Jabhada ONLF kula jirto Gumaysiga Xabashida ee naxariis la,aanta ku caan baxay.
 
Shirkan waxaa lagu daawaday Cajalado ay  wadajir usoo duubeen Dabaqoodhigaas aan soo sheegnay, iyo ciidamada Itoobiya ee xooga ku haysta wadanka Ogadeniya. Cajaladahaas oo loogu talagaley in lagu hafro shacabka soomaaliyeed ee darxumada iyo gumaysigu baabi,iyey islamarkaana lagu khaldo dadweynaha soomaaliyeed ee dibadaha ku nool.
 
Arinta shirkan waxay ka mid tahay Brobagaandhada iyo dibindaabooyinka ay gumaysatada iyo adeegayaasheedu ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan rabitaanka iyo himilada shacabka soomaalida Ogadeniya u qabaan Gobanimo iyo inay gaadhaan nolol sharaf leh.
 
Laakiin waxaan u sheegaynaa in ugu dambaynta xaqu guulaysanayo dulmiguna dhamaanayo. Sidaa darteed waxaan
dadweynaha soomaaliyeed meelkasta ooy joogaanba  ka codsanaynaa inay xaqa garab istaagan dulmiga iyo gumaysigana diidaan, Kana digtoonaadaan khayaamooyinka iyo dacaayada cadowga.
 
Qore.  Mohamed Abdi
gammaan@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Dawladdii Cali Maxamed Geeddi oo oo La Casiley
iyo Afhayeenka dowladda FKMG oo sheegay inaan waxba ka jirin go'aankii Baarlamaanku ku riday xukuumaddii Geeddi..
Guji... Dec 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD