Soomaalidu Nidaam
Dowlad Nimo ma u Baahanyihiin Xubnaha
Baarlamaan kuse ma ku talo jiraan Amuurtaas
Soomaaliya
waxa ay xoriyadeda Heshay Sanadii 1960
iyadoo Soomaaliya ay Soomartay gumaysi
waxaana Dalka Soomaaliya gumaysan jiray
wadamada Talyaaniga, Igiriiska, Faransiiska.
musharaxiinta oo ku dhaaranaya ki
taabka ilaaheey
xidhibaanada oo dooranaya Yusuf
qaabkii loo so dhaweeyay
Madaxwaynaha Xiligan
qurucda_dareen la aanta wasiirada
Soomaalida
gaajada dhalaankeena iyo hooyadeena
soomaaliyeed
dhibaatooyinka Maleeshiyooyinka |
Soomaaliya
gumaysugu waxa ayy ka dhigeen qaybo midba
si gaara loo gumaysto oo shan ah iyadoo
Shantaa ay labo uun noqotay Jamhuuriyadii
Soomaaliya, Sadexda kale waa Jabuuti,
Waqooyiga Bari ee Kenya, iyo Soomaaligalbeed
oo Itoobiyaanku Gacanta ku hayaan.
Dalka
Soomaaliya Sanadkii 1991 waxaa ka bilowday
Dagaalo sababay bara kac iyo baaba badan
iyadoo Soomaalidu isku laysay Qabiil iyo
dagaalo aan wax ujeeda ah la hayn marka laga
reebo dan shaqsiyadee daciifa.
Burburkii iyo
qasaarihii iyo dhibaatadii marki ay sii
korortay Soomaaliduna ay waysay wax xala
waxaa aduunku ku taliyay in Soomaalida la
keeno Ciidamo dhibkooda wax kaqabta laakin
amuurtaasi waxa ay noqotay uun mid sii
hurisa colaadii markaa taagneed.
Waxaa la aaday
dhinaca dib u heshiisiinta iyadoo soomaalida
loo qabtay shirar badan oo is daba jooga
waxna kama aysan soo bixin shirarkaa oo kor
u dhaafaya 14 Shir waxaana shirarkaa lagu
qabtay wadamada Itoobiya,Kenya,Yaman
Jabuuti,liibiya,Masar balse dhamaantood
shirarkaa waxba kama aysan Soobixin.
Shirki Jabuuti
ee Tuulada Dahabiga ah ee Cartata waxaa ka
soo baxay Doowlada u madaxwaynaha ka noqday
Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan balse Dadka
Soomaaliyeed ayaa iyagu diiday socoshada
Xukumadaa iyo in guud ahaan dalka Soomaliya
in nabadi ay ka hir gasho.
Marki ay socon
waysay Doowladaas ayaa hadana la is
tusaaleeyay in aan laga maarmi Karin in
Soomaalida loo dhigo golol nabadeed.
Waxaana salka
la dhigay Sanadkii 15 Ogtobar 2002 Galbeedka
Wadanka Kenya ee Eldoret iyadoo ay goobtaa
xaadir ku ahaayeen dhamaan hogaamiye
siyaaseedyada Soomaaliyeed iyo qaybaha kala
gadisan ee Soomaalida.
27 Ogtobar
waxaa soomaalidu qalinka ku duugeen heshiis
Taariikh ahaa iyagoo saxiixay 6 qodob oo aad
u qurux badnaa markii Soomaalidu shaaciyeen
in ay raalikuwada yihiina aduunku uriyaaqay
balse runtii waxba kama hirgalin.
29 Janaayo ee
Sanadkan waxaa hadana soomaalidu ku
heshiiyeen Madaqxtooyada wadanka Kenya.
guud ahaan
heshiisyadii Soomaalidu waxa ay ku
dhamaadeen Qasaaro aan waxba ka soo bixin
Aqriste eeg Muuqaalka qurxoon ee wasiirada
Soomaalida iyo Xidhibaanada iyagoo ku sugan
Hoteelada ugu cansan uguna qaalisan Kenya
iyagoona iloowsan dhibaatada Baaxada wayn ee
Haysata Muwaadiniintan Soomaaliyeed isku eeg
Sawirada Xidhibaanada iyo Wasiirada iyo
Baaba haysta Soomaalida.
guud ahaan
heshiisyada ay wada gaaraan Soomaalidu ayaa
ah mid aysan waxba ka jirin oon dhaafsaneen
Afka baarkiisa Tusaalena u soo qaado
Heshiisyadii ay saxiixeen ururadani TNG,
SRRC, SRRC/Nakuru, group, PUNTLAND STATE,
HIIRAAN POLITICAL AUTHORITY, JAWHAR
ADMINSTRATION, SAMO SRRC NAKURU GROUP, RRA,
JVA, SNF, USC, USC/SSA IYO CIVIL SOCIETY. Oo
aan waxba ka soo naaso cadaan dhib iyo
colaado horleh mooyee.
Hadaba 10
Ogtobar 2004 ayaa Soomaalidu waa xubnaha
Xidhibaanadee waxa ay madaxwayne u doorteen
Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed balse maalmo
uun doorashada kadib waxa ay sheegeen in
aysan ayan sidii hore markii madqaxwaynuhu
soo magacaabay raysul wasaare isaguna soo
dhisay golihiisii wasiirada iyadoo waliba
golahaa wasiirada loo badiyay Hogaamiyaashii
Siyaasada Soomalida.
Hadaba waxaa
xilkoda iska casil wasiiro ku xigeeno dhawra
iyagoo ku dooday in lagu xadgudbay Cahdiga
Soomaalida.
Waxaa kaloo
jira xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaalida
oo iyagu wada dhaqadhaqaaq ay ku doonayaan
in ay kal soonida ugala laabtaan golaha
wasiirada e dHawaan la magacaabay.
Dad badani
waxa ay is waydiinayaan xubnahan waa
Baarlamaankee shalay miyeey wareer sanaayeen
mise manta ilayn iyagaa doortay Madaxwayne
Cabdulaahi Yuusuf kooxkalle waxa ay is
waydiinayaan maadaama Baarlamaanka
Soomaalida wakiil buuxda ya yahay umada
Soomaaliyed maxaa u diidan in Baarlamaanku
ka fakaro Muwaadiniinta Soomaaliyed ee Sidan
u dhibaataysan.
Wali
Baarlamaanku waxa uu ka badin la yahay Muran
dhaxdiisa ah iyadoo aad moodo in ay wakiil
ka yihiin Umad aan Soomaali ayah aadna moodo
in ay Eeganayaan Danahooda gaar ahaaneed.
Hadaba waxaa
la gudboon umada Soomaaliyeed in ay ka
Digtoonaadaan shirqoolada ay maleegayaan
shaqsiyaadka qaarkii oo laga yaabo in ay
hurinkaraan Colaad Sokeeye oo horle
baarlamaankuna waa in uu ka fakaraa Danta
iyo maslaxada umada Soomaaliyeed Mudana/marwo
Xidhibaan laguuma soodooran in aad la
muranto Mudane kale balse waxaa Shacabkiini
idiin soo doortay badbaadin Dalka& Dadka
Soomaaliyeed.
Hadaba dadka
Soomaaliyeed ayaa iyagu soo maray sanado
colaad iyo Dhibaatooyin badani la soo
qaybsadeen waayahooda nololeed maantana waxa
ay Soomaalidu ubaahantahay Nabad, Cadaalad,
Horumar, Isudulqaadasho iyo Isku tanaasul
umana baahan hurin colaadeed xiligan cidii
amuurtaasi hada markalle udiyaar ihina
iyadaa qaadi doonta Mas'uuliyadeeda.
Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya, Nairobi