SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

 


WARARKA BOOSAASO::: AGOOSTO 9
  • Nabadgalyada Magaalada Boosaaso oo soo hagaagaysa
  • Abaaraha oo ay ka Dhaga nabteen Hay,adaha Caalamigaa
  • Shabakada Ururka Ardayda Puntland ayaa Deeq u fidiyay Qaxooti Oromaa
  • Warshadaha Yaryar oo ku soo badanaya Dalka.
     
  • SAWIRADA KA DAAWO HALKAN....GUJI

Nabadgalyada Magaalada Boosaaso oo soo hagaagaysa

Waxaa maalmahaan ka socday magaalada Boosaaso dardar galinta Nabadgalyada Magaalada Boosaaso tasoo ay ka wada qayb Qaadanayeen Maamulka, Ganacsatada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Culamaa Awdiinka Degaanka. Magaalada ayaa baryahii ugu Dambeeyay ay ka dhaceen Dilal kala gaargaara oo u dhaxeeya Qabaa,ilada Dagan Magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska DGPL Nuur Salaad ayaa shirar kala duwan la yeeshay Maamulka Gobolka iyo Dadweynaha Degan magaalada Boosaaso isagoo Tusaaleeyay in ay Dadku yihiin Dad walaalaa oo is dhalay hadana wada dhashay Taliyaha ayaa Tilmaamay in ay Boolisku ku shaqayn karaan hadii Shacabku la shaqeeyo uuna Nabadgalyada ka caawiyo.

Dadawaynaha ayaa soo dhaweeyay talada Taliyaha Ciidanka Booliiska iyadoo aad ka dareemayso Magaalada wada shaqeeynta Booliska iyo Shacabka baryahaan dambe.

Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL ayaa dardar galiyay howlaha Ciidanka Booliska isagoo badalay Saraakiil badan oo Ciidankaa kuwaas oo ay ka mid yihiin Taliyihii Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha Gobolka Bari.

Abaaraha oo ay ka Dhaga nabteen Hay,adaha Caalamigaa

Wasiirka Dawlaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga DGPL Cali Cabdi Awaare ayaa Baryahaan waday qaylo Dhaan uu ugu gudbinaayo Hay,adaha dagan Guud ahaan Maamul Goboleedka Puntland in ay la soo Gaaraan Dadka Abaaruhu wax yeeleeyeen ee ay ka dhamaaden Xoolihii iyo waxii ay Raran lahaayeen ee ahaa Awr iyo Dameerba kuwaas oo hada aad arkayso wixii u haray oo ay Dhabarka ku wataan.

Wasiirka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Wakiilada Hay,adaha ee Fadhigoodu yahay Boosaaso si ay Qaylo dhaantaa u gaarsiiyaan Caalamka iyo Meelihii ay ku haboontahay in ay Dadkaa abaaruhu wax yeeleeyeen ay la soo gaaraan Gurmad Raashin iyo Dharba

Wasiirka ayaa Qaylo Dhaantaan waday in Mudaa ayadoo aanay jirin ilaa hada wax Muuqda oo Dadkaa lasoo Gaarsiiyay.

Abaaraha ayaa waxa ay Saameeyeen Dhulka Soomaaliya Guud ahaan aydoo aysan Da,in Roobab mudo Afar xiliya oo ay Da,i jireen Roobabku Gaar ahaan Gobolda Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag, Bari, iyo Buuhoodle ayaa ah Dhul ay ku noolyihiin Dad Xoola Dhaqata ah abaaruhuna aad ay u Saameeyeen.

Shabakada Ururka Ardayda Puntland ayaa Deeq u fidiyay Qaxooti Oromaa

Shabakada Ururka Ardayda Puntland ayaa Markii ugu Horaysay siisay Deeq ka kooban Dhar Dad u dhashay Qoomiyada Oramada oo Qaxooti ku ah Magaalada Boosaaso.

Shabakada ayaa hore uga qayb qaadan jirtay Horumarinta Waxbarashada iyo Degaanka iyagoo ka qayb qaatay sidii ay ku heli lahaayeen ardayda ka baxda Dugsiyada Sare DGPL Jaamacad dalka iyo Dibada oo Ardayga uu u sii wadan lahaa Waxbarashadiisa heer dhameystir iyagoo xiriir la sameeyay Ururada Ardayda wadmada Carabta, Yurub iyo Ameerika iyo Jaamacadaha Bixiya Deeq Waxbarasho ayadoo arday badan ay ka Faa,iideesteen Fursadahaa.

Shabakada Ururkaan ayaa ka Qayb qaatay Nadaafada iyo Ilaalinta Degaanka iyagoo wacyi galin badan ka sameeyay.

Warshadaha Yaryar oo ku soo badanaya Dalka.

Kaluunka oo laga dareemay Suuqyada Magaalada Boosaaso
EEG SAWIRKA OO WEYN

Waxaa ku soo badanaya Dalka Warshadaha Yaryar ee sameeya ama gasacadeeya waxyaabaha ka soo baxa Dalka Gudihiisa Waxaa laga Furay Magaalada Qandala ee Gobolka Bari Warshad Gasacadaysa Kaluunka nooca Tuunaha ah warshadaa ayaa wax soosaarkeedii ugu horeyay laga dareemayay magaalada Boosaaso.

Warshadaha kaluunka kaluunka Qandala ee Xiligii Dawladii uu Madaxda ka ahaa Maxamde Siyaad Bare ayaa Burburtay warshadaa ayaa waxaa ka shaqeyn jiray Dad aad u badan oo hada aad u soo dhaweeyay Warshadahaan wadanka laga Furayo ee Kaluunka.

Maaha markii ugu horaysay ee Warshad kaluumaysi laga Furo wadanka intii uu Burburku dhacay waxaa jirtay Warshada kaluumaysiga Laasqoray oo Magaalada Laasqoray ka Furan.

Magaalooyinka warshadahaa laga furay ayaa hore Xiligii Xukunkii Maxamed Siyaad Bare u lahaa Warshado Kaluumaysi oo aad u Waaweeyn.

SAWIRADA KA DAAWO HALKAN....GUJI

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com

SomaliTalk | Boosaaso

 Faafin: SomaliTalk.com | August 9, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD