SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CAAWINAAD

WAA WALAALKAA OO GACAN KAAGA BAAHAN
EEG:: Sawirka oo weyn

Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje) wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sannadkii 1960-kii, waa nin curyaan ah oo aan gacmo iyo lugo midna ku dhalan, waxaa lugu u ah gaarigaan yarka ah ee lagu riixo.

20-qof oo isugu jira wax uu dhalay, wax la dhashay iyo waalidkiis ayuu mas’uul ka yahay (ILAAH ayaa Mas’uul ka ahe), balse wixii isaga ALLE u soo dhiibo ayay la wada quutaan, ma jiro qof reerka ka mid ah oo shaqeeya.

 Haddaba aan is weydiinnee, Fuje Muxuu ka shaqeeyaa oo uu ku masruufaa reerkaa baaxadda leh?, Fuje waa nin 44-jir ah, tan iyo yaraantiisiina ku noolaa waxa ay dadka Soomaaliyeed ee wax saddaqeysta ay u taagaan, waa nin dadkii hore ee magaalada ku noolaan jiray ay si wanaagsan u yaqaanniin; wuxuu ka tuugsan jiray bartamaha magaalada Muqdisho (Waa Muqdishadii horee), wuxuu gaariga dhigan jiray agagaarka Afar irdoodka, dhagax tuur, Xafiiskii hore ee Somali Airlines iyo goobaha u dhowdhow isagoo ay qoorta ugu jiri jirtay kiish yar oo dadka wax saddaqeysta ay lacagta ugu shubaan, isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yiri: “Xilligaa xilli aad u wanaagsan ayuu ahaa, ammaan, nabad-galyo, waddooyin wan wanaagsan, dad wada shaqeysta oo wax wada bixiya ayaa jiri jiray, la iguma dhibtoon jirin oo inta goobta la i geeyo ayaa qofka ila socda iska daneysan jiray, cabsi kama qabin waxa dadku i siiyo in dad kale ay iga qaataan, wiilka yarka ah ee i wehliya goor dambe ayuu ii soo laaban jiray igana kaxayn jiray goobtaa anigoo la soo laaban jiray lacag nagu filan mararka qaarna naga soo hari jirtay”. 

Maxamed C/lle Wardheere (Fuje) daal aad u badan ayaa ka muuqda, rajadiisu ma wanaagsana, culeys iyo dhibaato badan ayaa la soo daristay tan iyo intii uu dalka burburka ku yimid oo ay dagaalladii sokeeye halakeeyeen goob kasta oo ka mid ah Magaalada Muqdisho. 

“Ma jirto cid si gaar ah kuugu damqanaysa, ma dhici karto in aan inta goob iska fariisto aan fursad u helo in dadku ay halkaa igu siiyaan wixii ALLE u soo dhiibay, waxay duruuftu igu kalliftay in aan socdo oo aan isku dayo inaan qof walba goobtiisa ganacsiga ugu tago, taasina waxay igu keentay culeys aad u ballaaran, waayo aniga waxaa la igu riixaa kursiga aan ku fadhiyo, waddooyinkii magaalada way burbureen, wadiiqooyinkii xaafaduhuna bacaad iyo bohollo ayaa ka dillaacay, inan dhallinyaro ah oo ila dhashay oo 20-jir ah oo gaariga igu riixa aad buu iigu dhibtooday, anigu kor ayaan u batay oo afartankii afar baaba ii wehlisa, waan daalay oo waan cuslaaday oo dareenkii iyo naxariistii dadka wax badan baa iska beddelay, waa dhif iyo naadir qof wax ila soo doonanaya, dadka qaarkii muddo ayaaba hortaagnaanaysaa, waxaa igu adkaatay in reerkagii culeyska badnaa aan baahidooda daboolo, iyadoo qarashka intii hor uu ka batay, lacagtuna aad u qiimo dhacday” ayuu Fuje oo aad rajo xun, balse markan doonaya inuu dhibaatada haysata u soo bandhigo dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibaddaba ku nool si ay gacan u siiyaan. 

Fuje markan wuxuu quuddarreynayaa bal inuu gacan muuqata ka helo dadka Soomaaliyeed si uu gargaar ugu helo culeyska faraha badan ee saaran. 

 “Waxaan is lahaa haddii markan gacan lagaa siiyo mashruuc yar oo aad reerka isaga jeedisid masruufna ay ka helaan waad ka nasan lahayd qorraxda kuleylka badan ee aad maalin walba ku wirwiraysid, iyadoo weliba waxa iga soo galaya ay aad u yar yihiin” ayuu ku cataabay Maxamed Fuje oo soo jeediyay inuu codsanayo in gacan laga siiyo in xitaa dukaan yar loo billaabo si reerka uu odayga u yahay ay uga dabbartaan nolol maalmeedkooda. 

“Ma garan karo qarashka ku baxaya abuurista iyo qalabeynta dukaankaa yar, waxaanse idinka codsan lahaa idinkoo qiyaasaya qarashkaas in qof walba waxa uu awoodo uu ii soo yabooho” ayuu yiri Maxamed Cabdulle oo intaa ku daray: “Waaga wuxuu baryaa anigoo is leh maba aadan seexan, waayo inta badan habeenkii fakir ayaa waqtiga iga dhumiya, markii aan salaadda subax tukado oo kaahii arooryaad ii muuqdo ayuu mar kale walwal ii billowdaa oo waxaa ii soo muuqanaya waddooyinkii burbursanaa, bacaadkii faraha badnaa iyo dadkii gacmaha adkaa, waxaan is iraahdaa armada maanta iska nasataa, balse nafta ayaa diidda anigoo luudaya ayaan ka soo toosoo sariirta oo aan ku dhaqaaqaa inaan magaalada u soo dhaadhaco”. 

Fuje, wuxuu aad ugu damqanayaa wiilka yar ee la dhashay ee isaga subax walba gaariga ku riixa, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yiri: “Waa 20-jir, wuxuu jecel yahay in waxa asaaggiisa ay sameeyaan uu sameeyo, wuu dhibsanayaa in uu aroor walba uu gaarigaa lugihiisu baaba’een uu ku dul riixo bacaadkaa iyo waddooyinka dil dilaacay, Kheyr ALLAHA siiyo waa inan dulqaad badan, haddii uu heli lahaa meel uu ka shaqeysto waa u dhaqaaqi lahaa anna wuu I nasin lahaa, laakiinse nasiib darro weli aniga ayuu xilka reerka I saaran yahay”. 

Walaalahayga qoralkaan akhrisan doonoow, miisaan culeyska i haysta, waxaan taaganahay xilligii aan nasan lahaa shaqada aan hayana ee tuugsiga ahna ma ahan howl xitaa nin xoog badan uu u adkeysan karo, Addimadii aan ku shaqeysan lahaa ALLE ima siin, balse waxaan aaminsanay inaad adinku ii tihiin addimadii ii shaqeynayay oo waxaan idinka helo ayaan intanba ku soo noolaa, markan aan idin ka helo gacan tii hore ka xoog badan oo aan ku nasto, yaanan illoobin gacanta aan idinka sugayo waxaa ku jirta gaariga yarka ah ee aan adeegsanayay oo isna duugoobay oo aan jeclaan lahaa inaan helo, qof ama koox gaari cusub ii hesha. 

Ciddii doonaysa inay caawinto Maxamed Cabdulle Wardheere (Fuje) waxay kala xiriiri kartaa Teleefoonnada kala ah:  

  • 00252-5-969999
  • 00252-1-245025
  • 00252-1-651809
  • 00252-5-925887

Taleefoonnadan dhammaatood kuma jiraan guriga Fuje, balse waa guryo isaga daris la ah, waxaad codsanaysaa in laguugu soo yeero si aad shaqsiyan isaga ula hadashid, ama E-mail: fuje5@hotmail.com  .

 Faafin: SomaliTalk.com | August 12, 2004

EEG:: Sawirada oo weyn...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
March 15, 125

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.