SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

 


Baaritaan ku socda UN kuna Saabsan wax Loogu yeeri jiray “Iraq oil for food” 

Maxamed indheergarad
Korwaayeel@yahoo.com

Xeer ilaaliyaha dawladda ee degaanka New York ayaa warqadda dacwoyeeridda (subpoena) gaarsiiyay shirkado badan oo ay ka mid yihiin Exxon Mobil Corp, Chevron iyo kuwo kale sida ay soo werisay Jariidada Wall Street.  Waxaa kale oo dadka lagu tuhmay in ay dhaceen xaqa reer ciraaq ka mid ah saddex saraakiil sar sare oo shaqaalaha UN ka mid ah.  Benon Sevan oo ka soo jeeda Qubrus oo ah UN undersecretary oo maamulayay mashruuca UN Oil for food mudo lix sano ah ayaa ka mid ah eedeysanyaasha.  

Daabaco Boggan | Print


GUJI HALKAN...

Waxaa kale oo ka mid ah wiilkii Kofi Annann oo la yiraahdo Kojo Kofi Annan.  Wiilka isaga si toos ah looma haysto laakiin madaxiisa waxaa qandraas ku helay shirkad uu u shaqayn jiray oo laga leeyahay Swiss oo qaabilsanayd baaritaanka oil for food

Lacagta maqan ayaa la ogaaday markii dawladdii Sadam la riday.  Lacagtaas waxay gaaraysaa $10.1 Billion .  Waxaa kale oo la ogaaday in shaqsiyaad ah Russia iyo France lug ku lahaayeen xadida lacagtaas. 

Sida la ogyahay cunaqabatayntii lagu hayay danyarta ciraaq mudada dheer oo ay caruur badani ku dhinteen waxaa waday Clinton/UN/France/Russia.  Maanta xaqii ayaa dilaacay oo kuligood waa ceebaysan yihiin waana la ogaaday lacagtii ay dal-dalan jireen.  Bush haddii uu wax soo faa’iideeyay waxay noqon doontaa cunaqabatayntii iyo no-flay zonekii/ iyo oil for foodkii intaba waa uu soo afjaray.  Arrintaas waxaa ka xun oo aan weli aqbali karin Clinton, Farance, Rauusia iyo UN oo jeclaan lahaa dagaalkii doqon ma garatada ahaa ee lagu hayay maatada ciraaq ee qarsoonaa in uu weligiii sii socdo.   

Clinton iyo France iyo Russia iyo UN waxaa mudo badan laga codsaday inay mar uun reer ciraaq fursad siiyaan oo u sheegaan goorta cuna qabataynta dhamaanayso iyo rajo gelinba (The light at the end of the tunnel) ayagoo ogaa in aanay Sadam cuno qabatayntu waxba u dhimayn ayay ku sii adkaysteen waayo waxay filayeen in haddii cunaqabateeynta iyo weerarka loogu magacderi jiray no fly zone protection iyo UN oil for food joojiyaan in reer ciraaq iska tuurayaan keligii taliyaha taasina ayaga dan uguma jirin. 

Inkastoo hadda aanay ciraaq nabad ahayn oo haddaba dadku dhintaan laakiin waxaa yaraaday dhimashadii caruurta ee ay sababi jirtay UN Sanction.  UN inkastoo ay tiraahdo cunaqabtaynta waxaa ka danbeeyay Sadam iyo USA iyo UK hadana eeda iskama rogi karto waayo waxay ahayd urur loogu talo galay bani'aadminimo laakiin caruurta ciraaq denbi ayay ka gashay (Silent genocide) iyo bililiqo ama ogolaatay in magaceeda ay isticmaalaan Clinton/France/Russia oo ahaa dadkii jeclaa in cuno qabatayntu hirgasho ama sii socoto. 

UN waa hay'ad madax banaan oo maraykanka ma baari karo mana amri karo si toos ah laakiin si dadban ayaa loo baarayaa sida bangiyadii maraykanka ee ay lacagta dhigteen ama isticmaali jireen ama dalalka yurub ee saaxiibada la ah maraykanka ama gaashaanbuurta bangiyadooda ayaa laga baarayaa musuqmaasuqa UN. 

Digniin 

Xawaaladlayaaha Soomaalida iyo dawlad goboleedyada Soomaaliyaba waa in ay ka foojignaadaan dhaca iyo masuqmaasuqa UN.  Beryahanba waxaan arkaynay UNDP Dubai/ Kenya faraha la soo geliya xawilaada yar yar ee Soomaalida ayagoo leh waan idin habaynaynaa waa talo hala foojignaado haddii kale sidii reer ciraaq ayay dhici karaan.  UN waa hayad musuq maasuq badan lagu yaqaan.

Aaway hubkii wax gumaada  WMD ee ciraaq ee ay UN madaxdeedu  sheegi jireen  kuna marmarsoon jireen 15 sano?

Madaxweyne Bush waxay taariikhdu ku xusi doontaa ninkii ugu horeeyay oo UN been teeda soo saara waayo 15 sano ayay baarayeen hub aan jirin oo cunaqabatayn ku hayeen ayagoo leh weli sug oo cunaqabataynta ha sii socota meesha waxbaan ka baaraynaa ayuu meeshii soo taabtay oo adduunka tusay ceebtii UN oo cadeeyay in Ciraaq aanay hub haysan haddii uusan asaga ahayn maanta UN weli baaritaanka waa wadi lahayd iyo cunaqabatayntaba. 

UN waa in ay si rasmi ah cafis u weydiisataa reer ciraaq caruurtii kaga dhamaatay cunaqabtayntii maadama uu hadda Madaxweyne Bush meeshii soo taabtay hubkii ay sheegi jireena .  Sidoo kale waa in ay soo celiyaan lacagta bililiqada ah ee ku maqan haddii la hubsado raali gelinna waa in UN bixisaa mardanbena waxaas oo kale aanay ku dhaqmin. 

Maxamed indheergarad
Korwaayeel@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | August 9, 2004

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD