SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAALKACYO

 


WARARKA TODDOBAADKA::: GAALKACYO
  • Shir looga hadlayay habka canshuur ururinta ganacsatada Gobolka Mudug ayaa saaka ka dhacay Xarunta Gobolka ee magaalada Galkacyo.
  • Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Oo Socdaal Howleed Ku jooga Dagmada Burtinle.
  • Baaq Ay Soo Saareen Golaha Xukuumadda Puntland Oo Sheegaya In Ergada PL Ay Dalka Dib Ugu Soo laabato.

Shir looga hadlayay habka canshuur ururinta ganacsatada Gobolka Mudug ayaa saaka ka dhacay Xarunta Gobolka ee magaalada Galkacyo.

Galkacyo (Somalitalk) August 06,2004

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Mudug ayna ka soo qayb galeen dhamaan maamulka,madaxda iyo ganacsatada Gobolka 

Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii looga wadada tashan-lahaa ganacsiga, dhaqaalaha gobolka uuna iskaashi u dhex-marilahaa ganacsatada iyo maamulka gobolka. Sidoo kale waxay kawada hadlayeen sidii loo meel dhigi lahaa qorshaha la xiriira canshuuraha laga qaado ganacsatada iyo sidii ay u kaabi lahaayeen ganacsatadu baahida gobolka.ayna kor ugu qaadi lahaayeen dardar galinta iyo sara u qaadida ganacsi ee gobolka.

Waxaa kaloo laga  hadlay in ay tahay canshuurtu mid ku waajibtay dhamaanba ganacsatada loona baahanyahay in ay bixiyaan ayadoo maamulkuna uu u qaadayo canshuuraha si qaanuunka waafaqsan, ayadoo loo eegayn kala sooc iyo kala jeclaysi midnaba.

ayadoo ay Ganacsatada gobolka Mudug soo bandhigay cabashooyin ballaaran oo beryahan dambe ay tabaneyeen; ayna sheegeen in ay tuhunsan yihiin in laga qaado canshuuro aan qaynuunka waafaqsanayn. Waxaa kaloo  ay ka warbixiyeen in ay jiraan canshuuro ay ka qaadaan 4 waaxood ama wasaaradood oo midba markeeda canshuur waydiiso, taas oo ganacsatadu ay sheegeen in aanay awood u lahayn. In ay ka hadlaan arimahan oo kale.

Cabashooyinka ay soo bandhigeen ganacsatadu ayaa waxaa kale oo ay sheegeen in canshuuraha laga qaadayo ay u dheer tahay canshuur cuslayd oo iyana lagaga qaado Dekedda Boosaaso marka ay alaabta la soo degaan. Canshuuraha laga qaado gawaarida sida raashinka, qalabka dhismaha, iyo bagaashba ee soo gasha magaalada Gaalkacyo oo qura ayay ku tilmaameen mid aysan u adkaysan karin, halka bay yiraahdeen gawaarida dib uga saara alaabooyinkaas waddanka aan waxba laga qaadin.
 
Md. Jabahd, Guddoomiyaha Gobolka oo gabagabadii ka hadlay shirka ayaa soo dhaweeyey cabashooyinka ganacsatada, shegayna in ay yihiin kuwa wax ka jiraan, sidaa darteeedna u baahan in wax laga qabato.

Waxa uu intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan arrimaha wax looga qaban doono, isaga oo ganacsatadana ka dalbaday in ay u hogaansamaan awaamiirta dawliga ah ee bixinta canshuuraha ayadoo aysan jiri doonin ku kordhin iyo ka dhimid aysan xaq u yeelan ganacsatadu.

Sida ay noo sheegeen dad u dhuundaloola cabashooyinka Ganacsatadu ay soo bandhigeen, qadarta iyo noocyada canshuuraha ee laga qaado ayaa noo sheegay in nooca canshuurta ah ee muranku ka taagan yahay ay tahay noooca loo yaqaan "VAT" ee dawladdu ay saarto ganacsadaha beeciya alaabaadka kala duwan, iyada oo ganacsaduhu ay tahay in qadarka canshuurta ee laga qaaday, waa VAT-da e, uu u gubiyo, kana qaado macaamiisha isaga wax ka iibsata. Waxaa intaa dheer in xisaab-xirka sannadeed marka la sameeyo Ganacsaduhu ay tahay in uu isbarbardhigo inta uu canshuur (VAT) bixiyey, iyo inta laga qaaday, deetana haddii uu saa'id jirana uu u celiyo dawlada, haddii nusqaan jirana isaga qadarkaa loo soo celiyo.

Mushkillada jirta ayaase ah in Ganacsatada iyo Dawladuba aanay raacin qaaciido laysku waafaqay oo qeexaysa waxa Ganacsadaha xaq loogu leeyahay, iyo waxa uu isagu xaq u leeyahay, maadaama aanu jirin haykal baahsan ama horumarsan oo xeeriya, isla markaana iswaafajiya labada dhinac. Taasina ay aalaaba keento ismaandhaaf noocan oo kale ah.

Waa mid ay la wadaagaan Ganacsatada Soomaalidu dhigooda wadamada soo koraya oo aan iyagu lahayn haykal la mid ah kan wadamada Sanaacada iyo Warshadaha hore ugu maray.

Balse, faa'iidooyinka wadatashiyada iyo kulamada noocan oo kale ah ay leeyihiin ayaa ah iyada oo tadawur nidaam xaddidan, oo tixraac leh laga dhaxli doono mustaqbalka maadaama aanay Soomaaliya hore u gaarin horumar ganacsi oo u dhigma kan maanta ka jir Gobollada Soomaaliya, sidaa darteedna hadda ay tahay in wax walba eber laga bilaabo.

Maamulka ayay tahay in uu la tashado dad ku takhasusay culuumta dhaqaalaha iyo xisaabaadka, oo weliba uu jiro xafiis dawli ah oo qaabilsan shu'uunta canshuuraadka, xisaabadka iyo dhaqaalaha.  Xafiiskaas oo noqda mid kaabe isku xira labada dhinac, lana shaqeeya ganacsatada kuwooda waaweyn iyo kuwooda yar yarba.

Ganacsatada ayaa iyana dhankooda looga baahan yahay in ay yeeshaan nidaam xisaab-xir kaamil ah oo tixraac lagu samayn karo hadii marka loo baahdo. Taasi waxa ay sahli doontaa wadashaqaynta Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada, waxaana ay suurtagelin doontaa taabagal koboc dhaqaale iyo mid bulsho oo uu Gobolku iyo dadkiisuba hantaan.ayadoo aan loo raadin meel kabaxsan maamulka iyo shacbka ha ahaado ganacsade dhaqaale sare leh ama ganacsade ama ganacsato shaqaalo hooseeaya len intaba.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Oo Socdaal Howleed Ku jooga Dagmada Burtinle.

Galkacyo(Somalitalk) August 06,2004

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/casiis Diiriye Xuseen (Baahane) ayaa manta socdaal howled u gaaray dagmabada burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Socdaalkan uu gudoomiyuhu ku tagay dagmada burtinle ayaa ah mid uu ku indha- indhaynayo xaaladda amaanka,xaaladda caafimaadka, iyo u kuurgalida dardar galinta iyo habsami u socodka canshuuraha dagmada burtinle.

Socdaalkan uu gu doomiyuhu ku tagay dagmada burtinle ayaa ah markii ugu horaysay ee uu gaaro dagmadan, tan iyo intii xilka Gudoomiyanimada Gobolka Nugaal loo magacabaay. Kadib markii xilka looga qaaday gudoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal oo isagu xil wareejintii iyo kala shaan dhayntii dhowaantan uu magacaabay madaxwaynaha DGPL, C/laahi Yusuf Axmed.

Socdaalkiisa ayaa waxaana ku soo dhoweeyay dagmada, Gudoomiyaha Dagmada Burtinle C/laahi Seeraar Nuur (Gaandaa) ururada dhalinyarada, nabadoonada wax garadka dagmada iyo odoyaasha deegaanka burtinle.

Mar ay soomaalitalk wax ka waydiisay Godoomiyaha Gobolka Nugaal bal in uu nooga war bixiyo cida uu sida toos-ka ah ula kulmayo ayaa waxa uu ku warbixiyay.

Waxa aan marka hore jeclahay in aan la kulmo dhamaanba maamulka dagmada, wax garadka dhalinyarada iyo cuqaasha deegaanka burtinle. Waxa aanna kulamo gooni gooniya layeelan-doonaa ururada dhalinyarada iyo kuwa haweenka, anigoo u kuurgalaya  xaaladda amaanka iyo dhamaanba waxyaabaha ay shacabku tabayaan in wax lagala qabto oo aan markaasi awoodno ka maamul ahaan in aan ka caawino amaba ka caawin karno.

Baaq Ay Soo Saareen Golaha Xukuumadda Puntland Oo Sheegaya In Ergada PL Ay Dalka Dib Ugu Soo laabato.

Galkacyo (Somalitalk) August 4,2004

Golaha Xukuumadda DG Puntland ayaa maanta isugu yimid kulan aan caadi ahayn  waxaana lagu gaaray go'aan lagu cambaareeyey Hannaanka Saami Qaybineed ee Xubnaka Baarlamanka ee ay xeeriyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadku ee IGAD.

Kulankan oo ka dhacay Caasimadda DG Puntland ee Garowe ayaa waxaa laga soo saaray qaraar faraya Ergada DG Puntland ee Shirka uga qayb galaysa in ay dib ugu soo laabtaan Dalka si wadatashi loo dhan yahay looga yeesho xaaladda murugsan ee wax qaybsiga  Xubnaha Baarlamaanka.

Kulanka  wasiirada DG Puntland ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxwayne ku Xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi. Kadib is waraysi dheer iyo is waydaarsi aa'raa kala gadisan kadib, waxaa dhammaadkiisii war saxaafadeed ka soo saaray Madaxwayne ku Xigeenka DG Puntland Md. Maxamed Abdi Xaashi.

Sida uu ku cadaa warsaxaafadeedkoodan oo ka koobnaa afar qodob, waxaa ugu horayn lagu tilmaamay wax aan la aqbali karayn qaybintii loo sameeyay beesha Daarood. Iyada oo tahay haatan arinta laga duulayo, isla markaana la tixraacayo dastuurka u deggan DG Puntland, ayaa waxaa uu Golaha Xukuumaddu ugu baaqay dhammaan Ergada DG Puntland ee joogta Gogosha Nabaddu in ay si dhaqso ah ku yimaadaan dalka, si ay la tashi ula sameeyaan golaha xukuumadda iyo shacabweynaha Puntland.

Ayadoo ay u  muuqato in qoraalka Golaha Xukuumaddu uu la jaan-qaadayahay bannaanbaxyo ay soo abaabuleen Ururada Bulshadu oo todobaadkii tagay ka dhacay dhammaan magaalooyinka DG Puntland, kuwaas oo ka soo horjeeday hannaanka Guddiga Khilaafaadku ay wax u qaybiyeen ayna doonayaan in ay sandule uga dhigaan beesha daarood.

kadib, waxaa shir Jaraa'id qabtay Md. C/raxmaan Siciid Gacamey, oo ah Wasiirka Madaxtooyada DG Puntland oo sheegay in aysan ahayn wax qabankara  qaybinta ay sameeyeen IGAD ayna haboontahay in ay dib ugu laabtaan ayna wax kabadalaan qorshahan aan noo cuntamayn.

 Dhinaca kale, war ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Dalka Kenya ayaa horay u sheegay in aan marnaba laga noqon doonin qaabka beelaha Daarood iyo Dir wax loogu qayabiyay, aytahayna sababtu in beesha daarood ay ayagu ahaayeen kuwo aan cidi soo jajuubin oo goob joog ka ahaa haanka wax qaysi ee loogu qaybiyayay dhamaanba beelaha kale. 

ayadoo ay arintu sidaa ahayd ayaa waxaa isa soo taraya wararka ka imanaya Mbagathi in ay sheegayaan in beelaha daarood oo ahaa kuwo wax qaybsiga IGAD ka soo horjeeda ay haatan yihiin kuwo sameeyay tanaasulaad ay uga laabanayaan diidmadii cadayd ee beelaha daarood ay ka sameeyeen bannaan baxa ayna ku tilmaamayeen in ay tahay mid aan loo dulqaadan Karin.

Si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha DGPL C/laahi Yusuf Axmed oo ahaa midka ugu cadcad shirka ayaa isagu u hadlay beelaha daarood waxa uuna sheegay in ay yihiin kuwo jecel in lahelo qaran soomaaliyeed balse aysan beesha daarood ahayn mid ka soo horjeeda dhismaha qaran soomaaliyeed oo siwada jira loo dhiso ama loo helo.

Majiraan illaa iyo hada warar cadaynaya in uu C/laahi Yusuf dalka ku soo laabanayao iyo in kale maadaama ay sugayaan maamulka iyo shacabka reer PL, oo ahaa ayagu kuwii banaanbaxa qabtay codsadayna in ay dalka ku soo laabtaan dhamaanba Maamulka iyo shacabka reer PL sida ugu dhaqsahabadan.

Arintu waxay haatan ka maraysaa gudaha PL, mid aamus ku riday dhamaanba shacabka, sababtuna aytahay in aysan garanayn u jeedada dhabta ah ee uu Madaxwaynahooda iyo beesha daaroodba ay u ogolaadeen arimihii awal ay ku tilmaameen in ay tahay khiyaano iyo duudsi lagu sameeyay shacabka iyo maamulada beesha daarood. 

sahrasiglan siglan
sahrosiglan@hotmail.com

WARARKII  AGOOSTO 7
»Beesha Gaalboore kuma qanacsana Xubuntoodii la siiyey gabadha
»Digniin kama dambeeys ah oo la siiyay Beelaha ka qaybgalaya shirka
»Go’aankii C/Lahi Yusuf Oo Ay Taageereen siyaasiyiinta…..
»Dalboon:” X. Ceydiid iyo Caato afduub ayey ku haystaan Saruur"
»Beelaha Cali Saleebaan Waa Beelaha Harti Mana Ogolaanayaan Dulmi 
»Taageerayaasha Qanyare iyo Indha-cade oo ka heshiiyay Dagaalada
»C/lahi Yuusuf: 7 xubnood baarlamaanka haloogu daro Beel Kasta
»Ganacsadata Soomaaliyeed oo ku soo biiray Dadka loolanka..
iyo WARAR KALE OO GOOS GOOS AH...

 Faafin: SomaliTalk.com | August 7, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD