Waxaa isku soo dubaridey:
Ismail Ali
ismmsha@hotmail.com
Dubai,
United Arab Emirates
QEEXID KOOBAN OO KU SAABSAN ISLAAMKA
Maqal, muuqaal,
sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda
GUJI.. |
Allah baa mahad iska leh
allahaasoo ah barbaariyaha uunka oo dhan (kawnka), naxariis iyo nabad
galyana rususha imaamkoodii korkiisa ha ahaato oo ah nabigeenii Maxamed iyo
eheladiisii iyo asxaabtiisa dhammaantoodba, intaas kadib:
Islaamku waa in la qiro
inuusan jirin ku xaq lagu caabudo oo aan Allaah ahayn, maxamedna uu yahay
rasuul Alle soo diray, qiridaasna qalbiga lagu gunto carabkana lagaga
dhawaaqo xubnahana laga sameeyo waxa ay keenayso qiridaasu, wuxuuna iimaanku
kulansadaa in la rumeeyo lixdii tiir ee iimaanka lana sameeyo shantii tiir
ee islaamka, qofkuna uu aad isaga hagaajiyo arrimahaas. Islaamku waa kii
lagu ebyay (khatimay) risaalooyinka alle kaasoo alle ku soo dejiyay kii lagu
ebyay (khatimay) ambiyada iyo rususha oo ah maxamed cabdullaahi (nabadgelyo
iyo naxariis korkiisa ahaatee). Islaamku waa diinka xaqa ah oo uusan
alle ka aqbalaynin ruuxna diin kale, sida xaqiiqda ah allaah wuxuu ka yeelay
islaamka diin fudud oo sahlan, culeys iyo dhibaatana aan lahayn, kumana
waajib yeelin dadka haysta islaamka waxaysan awoodin, kumana uusan kalifin
waxayna karaynin, waana diin asaaskiisu uu yahay alle in lakali yeelo,
runtuna ay tahay tilmaantiis, cadaaladuna ay tahay meesha uu ku wareegayo,
xaqana uu yahay midka uu ku taagan yahay, naxariistana ay tahay dhuuxiisa,
waana diinka wayn oo ku hagaajiya adoomada amar kastoo anfacaya diintooda
iyo adduunkoodaba, ugana digaya wax kasta oo dhibaya diintooda iyo
noloshooda, waana diinkii uu alle ku hagaajiyay caqiidooyinka iyo
akhlaaqdaba, kuna hagaajiyay nolosha aduunka iyo aakharaba, isuguna soo
dumay quluubtii kala tagsanayda iyo hawooyinkii kala duwanaa, uuna kaga
saaray mugdiyadii baadilka, kuna tusay xaqa, kuna hanuuniyay jidka toosan,
waana diinka toosan oo la sugay sugitaankii ugu sareeyay, dhanka wararkiisa
oo idil iyo axkaamtiisa dhammaanteed, islaamku muusan sheegin run iyo xaq
mooyaane, kumana uusan xukumin khayr iyo cadaalad mooyaane, taasoo ka
ahaatay caqiidooyinka saxda ah iyo acmaasha toosan iyo akhlaaqda wanaaga
badan iyo dhaqamada sareeya, hadafka risaalada islaamka waa inuu xaqiijiyo
waxa soo socda:-
» Inuu u qeexo dadka rabigooda iyo abuurahooda uguna qeexo magacyadiisa
wanaagsan ee uu la kaliga yahay iyo tilmaamihiisa sareeya ee aanay jirin wax
kula mid ah iyo ficiladiisa xikmada leh ee aan lala wadaagin iyo
mudnaanshada uu cibaadada mudan yahay oo aan wax kula mid ah jirin.
»
Iyo inuu ugu yeero adoomada inay caabudaan alle kaligii iyagoon waxba la
wadaajinaynin una hogaansamaan wuxuu alle u jideeyay oo amarro iyo ka reebis
ah kaasoo wanaaagooda iyo liibaantooda ku jiro aduunkooda iyo aakhiradoodaba.
» Iyo inuu xasuusiyo xaaladooda iyo meeshay ku dambayn doonaan geeridooda
dabadeed iyo waxay kula kulmi doonaan qabriyadooda, iyo marka la soo saarayo,
oo la xisaabinaaya iyo meesha ay ku dambayn oo ama jano ah ama naar ah,
hadba acmaasho siday tahay, haddii ay khayr tahay khayrbaa lagu abaal marin
haddii ay shar tahayna shar.
Waxaana suurtagal ah inaan ku
soo koobno islaamka qaacidooyinkiisa ugu muhiimsan dhibcahaan soo socda:-
MIDA KOOBAAD: - WAA TIIRARKA
RUMAYNTA.
TIIRKA KOOWAAD: -
Waa alle oo la
rumeeyo wuxuuna kulansanayaa arrimaha soo socda:-
» rumaynta la rumeeyo rabinimada Alle kor ahaayee ooy macnaheedu tahay inaad
rumayso Alle inuu yahay barbaariyaha, abuuraha, boqorka, iyo ka dabara
arimaha uunkiisa oo idil isla mar ahaataana ku tasarufa.
» rumayn la rumeeyo Allanimada alle kor ahaayee ooy macnaheedu tahay inaan
rumayno Alle inuu yahay ka la caabudo ee xaqa ah wax kasta oo la caabudo oon
isaga ahayna uu yahay baadil.
» rumeynta la rumeeyo magacyadiisa iyo tilmaamihiisa ooy macnaheedu tahay
inaan rumayno alle inuu leeyahay magacyo aad u wanaagsan iyo tilmaamo buuxa
oo sareeya sida ku soo aroortay kitaabkiisa iyo sunada rusuulkiisa
nabadgalyo iyo naxriis korkiisa ha ahaatee.
TIIRKA LABAAD:
Waa malaa’igta oo la rumeeyo,
malaa’igtuna waa adoomo la karaameeyay oo uu alle abuuray kor ahaayee,
waxayna u istaageen caabuuditaankiisa una hogaansameen adeecitaankiisa,
wuxuuna alle ku kalifay shaqooyin kala duwan, malaa’igtana waxaa ka mid ah:
Jibriil: oo uu alle u xil
saaray waxyiga isagoo kasoo dajinaya alle agtiisa kuna dajinaya ruuxuu alle
doono oo ka mid ah nabiyadiisa iyo rusuuladiisa, waxaa kaloo ka mid ah
malaa’igta:
Miikaa’iil: oo uu alle u xil
saaray Roobka iyo dhirta, waxaa kaloo ka mid ah:
Israafiil: oo uu alle u xil
saaray afuufida buunka wakhtiga suuxida iyo soo saarida, waxaa kaloo ka mid
ah:
Malakumawd: oo loo xil saaray
ruuxda qabashadeeda wakhtiga geerida.
TIIRKA SADEXAAD:-
Waa kutubta oo la rumeeyo.
Alle waynaayo wuxuu ku soo dajiyay rusushiisa kutub ay dhexdeeda ahaatay
hanuun, kheyr iyo wanaag, kutubtaasna waxaan ka naqaanaa:-
Tawraad: oo uu alle kor
ahaayee ku soo dajiyay Muuse naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee,
waana tii ugu waynayd kutubta reer banii israa’iil.
Injiil: oo uu alle kor ahaayee
ku soo dajiyay Ciise nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Subuur oo uu alle kor ahaaye u
siiyay Daa’uud nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Suxuftii Ibraahiim nabadgelyo
iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Qur’aanka wayn ee uu alle kor
ahaayee ku soo dejiyay Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha
ahaatee ahna nabiyadiisa kii lagu ebyay (khatimay), wuxuuna alle ku tirtiray
quraanka kutubtii horeysay oo idil, wuxuuna kafaala qaaday ilaalintiisa,
maxaa yeelay xujo ayuu ku ahaanayaa khalqiga dhamaantii ilaa maalinta
qiyaamaha.
TIIRKA AFARAAD:-
Waa rususha oo la
rumeeyo. Alle kor ahaayee wuxuu u soo diray khalqigiisa ergo (rusul) waxaana
ugu horeeyay Nuux nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana oogu
dambeeyay Maxamed rususha dhamaantoodna naxariis korkooda ha ahaatee, waa
bashar la abuuray ,waxyaabaha rabinimada u gaarka ahna waxba uguma
sugnaanin, waana adoomo ka mid ah adoomada Alle oo uu alle kor ahaayee ku
karaameeyay risaalada, wuxuu alle ku dhamaystiray risaalooyinka risaalada
nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuuna u diray
dadka oo idil nabina kama dambeeyo.
TIIRKA SHANAAD:-
Waa maalinta
dambaysa oo la rumeeyo waana maalinta qiyaamada ee uusan maali ka dambaynin
wakhtigaasoo uu alle ka soo saarayo dadka xabaalahooda iyagoo nool si ay
ugu nagaadaan daarta raaxada (janada) dhexdeeda ama daarta cadaabka kulul
(naarta) dhexdeeda. Rumaynta maalinka dambeeyana wuxuu yahay: in la rumeeyo
wax kastoo ahaanaya geerida dabadeed ooy ka mid yihiin fidna qabriga,
raaxadiisa, cadaabkiisa iyo waxa ahaanaya intaa dabadeed sida soo saarida,
nooleynta, xisaabka iyo intaas ooy gadaasheed ahaan jano iyo naar.
TIIRKA LIXAAD:-
Waa qadarka oo la
rumeeyo. Qadarka waxaa weeye in la rumeeyo alle inuu qadaray waxyaabaha
ahaaday, uuna ahaysiiyay waxyaabaha uu abuuray aqoontiisu siday ku hormartay
si la mida, xikmadiisuna ay keentay umuurta dhamaanteed. Alle kor ahaayee
wuu ogyahay agtiisa ayayna ku qoran tahay allana dhab ahaan buu u doonay
wuuna abuuray.
MIDA LABAAD: WAA TIIRARKA
ISLAAMKA:-
Islaamku wuxuu ku dhisan yahay
shan tiir, ruuxna ma ahaanayo muslin xaq ah ilaa uu ka rumeeyo shantaa tiir
oo u guto waxayna kala yihiin:-
TIIRKA KOOWAAD:-
Waa Shahaadada oo ah qirid la
qiro inuusan jirin wax xaq lagu caabudo Allaah mooyee Maxamedna uu yahay
rasuulkii Alle, shahaadadaasna waa furaha islaamka iyo asaaskiisa lagu kor
dhiso.
Macnaha Shahaadaduna waa:- wax
xaq lagu caabudo ma jiro Allaah kaligii mooyee, waana Alaha xaqa ah, Alla
kasta oon isaga ahayna waa baadil, macnaha Allana waa ka la caabudo.
Macnaha qiritaanka Maxamed
inuu rasuulkii alle yahayna waa:- rumayn la rumeeyo wuxuu ka waramay iyo
adeecid la adeeco wuxuu amray (faray) iyo fogaansho laga fogaado wuxuu
reebay, iyo inaan alle lagu caabudin wuxuu sharciyeeyay waxaan ka ahayn.
TIIRKA LABAAD:-
Waa
Salaada waana shan
salaadood oo shan waqti ah maalintii iyo habeenkii, Alle ayaana sharciyeeyay
si ay u ahaato guditaan lagudo xaq alle ee uu ku leeyahay adoomihiisa, iyo
mahadnaq loogu mahadnaqo nicmooyinkiisa, iyo xidhiidh u dhexeeya qofka
muslimka iyo rabigiisa oo uu kula faqo dhexdeeda kuna baryo, iyo si ay u
ahaato mid ka reebta qofka muslimka waxyaalaha xun xun., waxayna sabab u
tahay khayr diineed iyo iimaanka oo hagaaga, iyo abaalmarinta alle teeda soo
degdegta iyo kuu dib u dhigay, wuxuuna ka helayaa adoonku salaadaa xaga
raaxada nafta iyo jidhkaba, wax faraxa galiya aduun iyo aakharaba.
TIIRKA SADDEXAAD: -
Waa
Zakada waana sadaqo uu
bixinayo ninkay ku waajibto sanad kasta, kuna bixinayo dadka mutaystay ee
dadka baahin ah iyo dadka kale eey u banaan tahay sakada in la siiyo. Sakada
kuma waajinto nin baahan oo aan haysanin xoolo sako gaadha, ee waxay ku
waajibtaa dadka hodonka ah si loogu dhamaystiro diintooda iyo islaamkooda
iyo si loogu kordhiyo xaaladahooda iyo dabeecadahooda iyo si loogaga celiyo
dhibaatooyinka iyaga iyo xoolahoodaba iyo si loogaga nadiifiyo xumaantooda
iyo si loogu xidhiidhiyo kuwooda baahan iyo kuwooda aan waxba haysanin iyo
si loogu istaago danahooda oo dhan, sakaduna intaa la jirankeed waa wax aad
u yar marka loo eego wuxuu alle siiyay ee xoolo iyo risiq ah.
TIIRKA AFARAAD:-
Waa
Soonka waana bisha
ramadaan ee barakaysan oo la soomo, ahna bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa,
waxaana ku kulmaya bishaas muslimiinta oo idil, waxayna ka tagayaan
shahwadooda asalka ah oo ah cunto, cabid iyo galmo, maalinkii laga bilaabo
dilaaca waaga ilaa qoraxdu ka dhacdo, wuxuuna oogu badalayaa alle arinkaa (wanaagiisa
iyo fadligiisa dartii) iimaankooda iyo diintooda oo uu dhamaystiro iyo
xumaatooyinkooda oo uu dhaafo iyo darajadooda oo uu kor yeelo iyo waxyaabaha
kale ee laga helo soonka oo khayr wayn ah adduunka iyo aakharaba.
TIIRKA SHANAAD: -
Waa
Xajka waa in kacbada Alle
la aado si loo guto cibaado gaar ah wakhti gaar ah, wuxuuna alle ku waajib
yeelay ruuxii awooda mar qudha cimrigiisa.
Xajka dhexdiisa waxay ku
kulmaan muslimiinta (meel kasta ay ka yimaadaanba), dhulka meeshii ugu khayr
badnayd, iyagoo caabudaya rabi kali ah, xidhana dhar isu eg, farqina u
dhaxaynin nin wax xukuma iyo mid la xukumo, mid hodana iyo mid caydha, mid
cad iyo mid madow, markaasay gudanayaan camal xadidan (kooban) oo uu ugu
wayn yahay istaag carafo iyo wareeg lagu wareego la sharfay ee ah qiblada
muslimiinta iyo orod la ordo buurta safa iyo marwa dhexdooda, xajka
dhexdiisana waxaa ah manfacooyinka badan ee diinta iyo aduunkaba, waxaan la
tirin karin lana soo koobin karin.
MIDA SADEXAAD: IXSAANKA
Ixsaanku waa in aad Alle ku
caabudo iimaanka iyo islaamka sida adigoo arkaya, haddii aadan arkaynina
Alle asaga ayaa ku arkaya, macnaheeduna yahay in aad dareensanaanto
arrinkaas uguna dhaqanto si sunnada rasuulka Alle Maxamed “nadabgelyo iyo
naxariis korkiisa ha ahaatee” waafaqsan adoon khilaafaynin.
Diinta islaamkana waxaa ku
gudajira waxa aan soo sheegnay oo dhan.
Waxaana la og yahay inuu
islaamka habeeyay nolosha dadka raacsan kali-kali iyo koox-kooxba oo uuna ku
habeeyay si ay ku gaaraayaan liiban adduunyo iyo mid aakhira, markaasuu u
baneeyay guurka kuna booriyay kana xarimay sinada (dhilaynimada) iyo daba
isaga taga iyo wixii xun oo idil, wuxuuna waajin ka dhigay xidhiidhka
riximka iyo in loo naxariisto dadka baahan iyo masaakiinta oo la ilaaliyo,
sidoo kale wuxuu waajib ka dhigay kuna boooriyay dabeecad kasta oo wanaagsan,
wuxuuna xaaraam yeelay dabeecad kasta oo xun, wuxuuna u baneeyay
kasabka wanaagsan ee tijaaro dhexdii ah ama kiro iyo wixii la mid ah,
wuxuuna xaaraam yeelay ribada iyo tijaaro kasta oon banaanayn iyo wax
kastooy ku jirto khayaano ama kado.
Sidoo kale islaamku wuxuu
fiiriyay kala duwanaanta dadka xaga ku toosnaanta dariiqa iyo ilaalinta
xaquuqda dadka kale, markaasuu wuxuu shaciyeeyay cuquubooyinka reebaya
xadgudubyaalka badankood ee la xiriira xuquuqda rabi sida ridada (Islaamka
oo laga baxo), sinada, cabida khamriga iyo wixii la mid ah, sidoo kale wuxuu
sharciyeeyay cuquubooyin reebaya dhamaan xadgudubyada xuquuqda dadka, sida
dilka, tuugada, qadafka iyo xadgudub loogu gaysto qofka dhib ama garaacid,
waana cuquubooyin u dhigma dambigaas, iyadoon lagana badinaynin lagana
yaraynaynin sidoo kale wuxuu hagaajiyay xidhiidhka u dhaxeeya dadwaynaha iyo
madaxdoodaba, wuxuuna ku waajib yeelay dadwaynaha adeecitaan waxaan ka ahayn
macsiyada Alle, wuxuuna ka xaaraamyeelay inay ka baxaan adeecitaankaas waxa
ka dhalanaya arrinkaa darteed ee ah fasaadka guud iyo ka gaarka ahba.
Waxaa suurtagal ah ugu
dambayntii inaan dhahno islaamku wuxuu damaana qaaday dhismaha iyo samaynta
xidhiidhka wanaagsan iyo camalfalka suuban ee u dhaxeeya adoonka iyo rabigii,
iyo ka u dhexeeya ruuxa iyo mujtamaciisa. Haddaba ma jiro wanaag dabeecada
ka mid ah ama dhaqanka haddii uu jiro wuu ku hanuuniyay umadda wanaagaas
kuna booriyay, sharna ma jiro dabeecada ka mid ah ama dhaqanka haddii uu
jiro wuu ooga digay umadda waana ka reebay, arrinkaasoo ku tusinaya
dhamaystirka diintan iyo wanaagiisa dhan kastaba.
Alle baana mahad iska leh ee
barbaariya caalamka (koonka).
Ismail Ali
ismmsha@hotmail.com
Dubai,
United Arab Emirates
Somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 7, 2004
Quraan |
Siiro |
Saxaabo |
Salaat |
Zakaat |
Halal |
Hajj |
isxisaabi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|