SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 


Ninkii Qayrkii loo xirayaw adiguna soo qayso!

Axmad Xayrdaac
 xayrdaac@hotmail.com

GUJI HALKAN...

Akhristayal waxaan qormadaan ku eegaynaa  warka ay igad ka soo saaray dhawaan madaasha shirka ee dalka Kenya, kaas oo ku aadanaa cunaqabatayn la sarayo ugu hoorayn Gen morgan oo shirka iman waayay, guud ahaana Qabqable kasta oo isku daya inuu shirka ka baxo ama carqaladeeyo.

Runtii aad ayaan ugu farxay sababtuna waxay tahay 14sano ayaan lahayn hal min mujiib ,oo ah war yaa na maqla ama naga naxaya oo  shacabka ka qabta Qabqablahan waalan ee nakala reebay,  maantay ayaan u arkay inay ku aadantahay waqtigii nalaka qaban lahaa oo waataas uu soo baxayo  codkaanu sugaynay ee aanu qayla dhaanta u dirsannay,waxaa alle mahadiis ah inuu inuu  aduunka ku fadeexeeyo mujrim kasta ama doctatoor walba oo aduunyada ku amar taagleeya cawaaqib xun ayuu ku danbeeyo, Tusaale ahaan,waxaad eegtaan Raggaan waxay ku noolaayeen  iyo meeshay ku danbeeyeen,Saddam xussen,madaxwaynihii (Ciraaq) millosofij m/waynihii (yogoslvia)iyo kuwo kaloo badan  waxay aduunyadaan guudkeeda ku  qooqaanba  waxaa ku dhacay biyo meel godan ayay isugu yimadaan.

God madaw ayaa  jawaabtoodii noqotay  waxaa jira xaddiis nabiga laga wariyay (scw)oo leh  ilaahay ninka aduunyada dulmiga ku sameeya waa u kortaa markuu qabtana ma sii daayo ,oo ahwaa la sugaaa ila au maleeyo inuu inuu isagu aduunyada leeyahay siduu doonana uu u rogi karo,waxaan oga golleeyahay nin caraba ayaa  Maqaal uu  ayaan dhawayd Qoray cinwaan wuxuu uga dhigay,Dagaal oogayaashii oo dadadanaya dabcan soomali ulama uusan jeedin lakin waxaan u soo qaatay maantay anaguna cinwaankaas ayaan wadanaa ,kii ugu horreeyayna waa kaas la saray cunaqabataynta iyo ganaaxa wada socda, mar bbcda laga waraystay Gen morgan wuxuu sheegay inay eexi ka jirto shirka boorsooyinkiina laga xirtay laakin uusan diidayn,laakiin aan loo yeerin uuna shaqo ku maqan yahay haddaan ahan laha ninkii waraysanayay waxana waydiin lahaa  morgan shaqada  Dawladee kuu dirsatay ama haddaan luuqada dagaal oogayaasha ku hadalno qabiilkee ku dirsaday inaad u soo dagaalanto? Waayo shaqada uu shegaya waa uun inuu caruurta laayo kaliya,hadaba maantay odaygii tala ku madoobaatay qorrax uu geed kaga hoos jirayna  way ku soo baxday asaxaabtiina  balaa cirka uga soo dhacday.Raggiisa isagoo tusaalaya ayuu leeyahay Gabaygan.

Waxaa murugo iyo qoomamiyo maanqashiyo ciil leh. Maskax iyo garaad iyo wixii muruqba kugu dhaama. Markuu adiga sharaftaad mudnayd kaa maroorsado e

Naftu inay maqnaato iyo inay madax gumadayso. Maaweelis weeyaan haddii mid u dhexeeyaaye.

hadday na ixtirami wayen anana maantay ayay noogu jirtaa waxaana Raga uu sida aadka ah ugu calaa calayo coll c/lahi waa ka kaw wuxuuna leeyahay naag damaysooy dudmo haw noqon oo uu ula jeedo qabqablaw calaf kaaga dhammaa dagalkii soomalee ee is dhiiba intaan jeel laydin ku gurin,waxaan leenahay soo joog ninkii laga waayo soo jiifsaa laga helaa.

Dadka ha layn ninkii laga waayana meel xun buu ku  danbayn saan horayba u soo sheegnay marka  tawbadana lama aqbalo  mar hadday naftu rubadda soo gaarto,dabcan tan alle way u furantahay laakiin tan umadda soomaliyeed ayaan

u fuurrayn waayo mahaan wax  cunaqabatayn lagu ilaawi karo waxay galeen ragaasi maxastay laayeen xolahoodana dhaceen,hadaba soomalidu ma is waydiiyeen wali lama arag ilmo qabqable dhalay oo la leeyahay xabbad wiifaysaa  ku dhacday amaba dhib baa gaartay?jawaabtu way caddahay  waana horta ma joogaan meel xabadi ka dhacdo amaba laga yaqaanba magaceeda? iyana waa maya maxay ku dhacday ninkii caruurtiisii  safriyay oo ka dhereeyay meeshii ay u dhasheen oo ku dhasheen inuu ddaka masakiinta caruurtooda  barna laayo barna uu gacmaha iyo lugahaba jaro barka kalana uu qoryo ku rarto?

iyadana qabqablaha ayaan jawaabteeda ka sugaynaa ,nimankaan ka harsan waynay waxaan  leenahay sidan.

Qabqablaw qiyaamad tihiyo qaraxiyo baaruud,e dalkaygii adaa iibsadiyo dagalkii khayraade duunyaddii adaa diiday inaan dibad u iib gayno badihii adaa xaalufshoo galiyay mooryaane ka durduurta  waa kaas nabsigu idin ku joogaaye. Dadku waa walaaliyo xigtiyo, deris an dheereyne,adigaa  diraayo qoryaha dhinac walba u dhiibay,u dul qaado waa kaa nabsigu idin dul joogaaye,qabqablaw qurmuunaw waxaad qararaclaysaaba,Qorraxdii

dhacaysaba waxad qolo ku heegnaato dad is dhalay qaraabiyo xigaal dariska aafoobay dumarkiyo caruurtiyo,rajadii daqaradii gaaray adinkaa u qoolane ragaw taxadarkeed yeesha.

Hadaba raga sidaas dhulkeenii ka dhigay ayaynu rabnaa oo leenahay dawlad ayay noo soo dhisayaan 14kii shir ee kan ka horeeyayna iyagaa kharribay  kanna iyaga  labada sano gaarsiiyay hadaba soomaliya waxaan ku tusaalayn

karnaa dal gablamay dadkiisii galbaday oo daqarro loo yeelay dukun daakun ba laga dhigoo  boogo laga jeexay,qabqablana

sababtaas lehoo loogu daw galaye,dad waynaw ogaado ku Qora bogoga Taariikhda, hadaba

waxaan ku soo koobayaa geel doono geesa dhiiglay dhashaa kursi donana dad la laayo aya ka horraysa   laakin taasi way dhamaataye nin walbaw dib naftada u rajici oo sax wixii kaa qaldanaa.

Umadana allaha ka qabto dadkii dulmiyay ilaa maalinkay xornimada qaateen laga soo gaaro saacdaan aan wax qorayno xaqqana allaha waafajiyo wax garadka ,aqoon yahanka iyo dhamaan shacabwaynaha  soomaliyeed oo dhan.

Dhibkana alaha naga dulqaado dawlad daacada oo difaacd  dalka iyo diintana alahha noo dhaliyo.

Wallaahu waliyyu altawfiiq.
 
Axmad Xayrdaac

 xayrdaac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraga ku saxiixan

MAQAALADII HORE EE DADWEYNAAH...

 Faafin: SomaliTalk.com | August 7, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD